Home Blog Page 2921

{DAAWO MUUQAALKA} Odayaal iyo Culumo ku Baaqay in Deg-deg loo joojiyo colaada ka socota xadka Hiiraan & Sh/Dhaxe.

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Odayaal iyo Culumo ku Baaqay in Deg-deg loo joojiyo colaada ka socota xadka Hiiraan & Sh/Dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Bagdaad

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, halkaasi oo lagu wado in maalinta barrito (Arbaco, 24 January 2024) uu ka furmo shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bagdaad ugu soo dhaweeyay madax sare oo uu ugu horeeyo Wakiilka Caasimadda Bagdaad ee Arrimaha Maamulka Eng. Safaa Maxamed Maxamuud.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ciraaq waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda dalka Ciraaq iyo Madax kala gedisan oo ka socda Caasimadaha Wadamada Carabta ee iyagu ka qeybgalaya shirkaasi.

—DHAMAAD—

Mareykanka oo faah-faahin ka bixiyay duqeyn uu ka fuliyey gudaha Soomaaliya

0

Talaado -23 2024-{HMC} Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqayn hor leh oo ka dhan ah ururka al-Shabaab toddobaadkan, taasi oo ka dhacday meel waqooyi bari kaga aaddan magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii. Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ka dhacday meel 35km dhinaca Waqooyi-Bari ka xigta Kismaayo.

Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel fog. Waxa kaloo lagu sheegay inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqayntan.

Maraykanka ayaa al-Shabaab ku tilmaamay shabakadaha al-Qaacida tan ugu weyn dunida, ayna awood u leeyihiin inay weeraraan ciidamada Maraykanka, halisna ku yihiin amniga qaranka Maraykanka, iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin.

Bishii hore 17-keedii ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in duqayn Maraykanku fuliyeen lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.

War-saxaafadeed xilligaas kasoo baxay dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay Macalim Ayman oo ay sheegtay inuu abaabulay weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedkaas in hawlgalka qorshaysan ee lagu dilay Ayman ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.

Hawlgalka Maraykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in duqayntii dhacday 17-kii December lagu dilay xubin ka tirsan al-Shabaab, hase yeeshee AFRICOM ma aysan xaqiijin weli magaca qofka la dilay.

Muxuu yahay go’aanka madaxwayne Xasan sheikh haddii ay dagaal isku rogto xiisadda badda

0

Talaado -23 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Qatar ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay Al-Carabiya iyo Al-xadath ayaa sheegay in dowladdiisa aysan hadda qorshaha ugu jirin dagaal ay la gasho Itoobiya, balse waxa uu hoosta ka xariiqay haddii ay wax isbeddalayaan inay ka fal-celineyso, si jawaab loo bixiyo.

“Ma lihin wax qorshe ah ama ujeeddo ah inaan dagaal la galno Itoobiya waqtigan xaadirka ah, laakiin haddii ay wax isbedelaan, waa inaan ka falcelinaa markaas,” ayuu yiri Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray in heshiiskii is-afgaradka ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale wax laga weydiiyay booqashadiisii dalka Masar ayaa waxa uu sheegay in aaney isaga iyo Al-Sisi ka wada-hadlin waxa ku saabsan arrimo milatari ama in ciidamo Masaari ah xilligan la joogo la keeno gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo dowladdiisa ay xooga saartay sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna hoosta ka xariiqay heshiiska badda uu fursad siinayo kooxda, si ay dagaalkeeda usii laba jibaarto iyada oo ka faa’iideysaneyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysanaya is-afgaradkii Itoobiya iyo Muuse Biixi, si ay ugusoo jiitaan dhallinyarada uguna biiraan xagjiriinta, iyagoo marmarsiiyo ka dhigaya in gaalo kusoo duushay dhulka” ayaa mar kale wareysiga ku yiri madaxweyne Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli Itoobiya ay ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo heshiiska badda ee ay kowdii bishaan la gashay maamulka Somaliland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 23 01 2024}

Talaado -23 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Xildhibaano Ka so horjeedo in wax ka badal lagu bedelo Dastuurka Dalka oo Muqdisho Ku shiray.

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa oo ka soo horjeeda wax ka bedelka larabo in lagu sameeyo Dastuurka Dalka ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan Muqdisho ku shiray ayaa isla gartay in wax kabedelka Dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole , laakiin uusan xilligan meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xildhibaanada maanta ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in beri la damacsan yahay qaab gacantaag oo qardojeex ah lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka, taa oo abuuri karta xiisad.

”Qorshaha la damacsan yahay in maalinka beri ah gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan dastuurka iyo sarraynta sharciga, islamarkaana kala qaybinaysaa ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay madaxda Qaranka halkii laga sugayay in ay la yimaadaan istaraatiijiyad iyo abaabul Qaran oo dalka looga difaaco cadawga Itoobiya in ay ka doorbideen in ay abuuraan xiisad siyaasadeed oo kala dhantaalada wadajirka umadda.

 

Hoggaanka qaranka halkii laga sugayey istiraatiijiyad, qorshe iyo abaabul qaran oo dalka looga difaaco damaca Itoobiya, ayey ka door bideen xiisad kicin iyo xasarad abuur siyaasadeed oo kala dhantaalaya muruqa, midnimada iyo wadajirka ummada.

 

Waxaan dadka Soomaaliyeed ku marag gelinaynaa in madaxda qaranka ee fulinta iyo guddoonka labada gole qaadayaan masuuliyadda wixii ka yimaada ficillada lagu qaybinayo ummada Soomaaliyeed xiligii ay midnimo ugu baahi badnayd” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame.

 

Shirkan xasaasiga ah ay maanta yeesheen xildhibaanadan katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa imaanaya xilli beri oo Arbaco ah lagu wado in xildhibaanada labada gole meel mariyaan wax ka bedelka Dastuurka ayna hirgaliyaan damaca Madaxtooyada .

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Hirshabeelle oo iska xaadiriyay Finalka tartanka Dowlad goboleedyada

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Waxaa goordhaw soo dhamaaday ciyaar xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Kooxaha Kubadda Cagta ee Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad gobolewdyada dalka iyo gobolka Banaadir.

90-ka daqiiqo ee loogu talo galay Cayaarta ayaa waxa ay kusoo dhamaaday bar bar dhac ebar iyo eber ah, waxaana inta kadib labada dhinac lagu kala saaray gool ku laadyo cidii ku awood roonaado ay ugu gudbeyso Finalka tartankaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle ayaana ku guuleystay gool ku laadka, kadib markii shabaqa ay ku hubsadeen 5 gool ku laad halka Jubbaland ay shabaqa ku hubsatay 4 gool ku laad, sidaasna ay guusha ku raacday Hirshabeelle.

Xulka Ciyaartooyda Hirshabeelle ayaa haatan sugeysa iney kulanka kama dambeysta ah kula tartanto xulkii maalinta berito ah guul ka gaaro kulanka darbiga ah ee u dhaxeeya Banaadir iyo Galmudug.

{DAAWO SAWIRADA} Saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun oo Tababar lo so Xiray

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, kuwaas oo tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahadceliyey Amiir Tamiim Binu Xamad iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Odeyaasha Dhaqanka Beesha Isxaaq oo Si adag uga So Horjeestay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Odeyaasha Dhaqanka Beesha Isxaaq oo Si adag uga So Horjeestay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA