Talaado jan-23 2024-{HMC} Macalimiinta Labada Koox ee Jubbaland iyo Hirshabelle oo Warbaahinta La hadlay
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA
Talaado jan-23 2024-{HMC} Macalimiinta Labada Koox ee Jubbaland iyo Hirshabelle oo Warbaahinta La hadlay
Talaado jan-23 2024-{HMC} Taageerayaasha Jubbaland Oo Wacdaro ka dhigay Stadium Muqdisho
Talaado jan-23 2024-{HMC} HIrshabelle oo ka adkaatay Juballand final-kana gaartay.
Talaado-23-jan-2024-{HMC} Mustafe Muxumed Cumar Cagjar Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida ayaa qoraal uu so dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay Xuska Aasaaskii Dowlad degaanka Soomaalida oo markii u horreysay la xusayo, iyo ahmiyadda ay u leedahay shacabka degaanka Soomaalida in la xuso maalintan iyadoo wax badan laga baranayo taariikhdii uusoo maray degaanka Soomaalidu.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay Aasaaska Dowlad degaanka Soomaalida iyo waxa laga faa’iiday, isagoo xusay in waxa ugu horreeya ee taa laga faa’iiday ay ahayd in la isu keenay oo la isu soo ururiyo Soomaali badan oo ku kala firidhsanayd guud ahaan dalka Itoobiya, kaddibna la sameeyo Dowlad degaan Soomaalida gaar u ah oo iyagu ismaamulayaan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.
Mr Cagjar ayaa waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ujeedada xuskan loo qabanayo ee loo xusayo ay tahay in shacabka degaanka Soomaalidu dib u xasuusto taariikhdii uu degaanka Soomaalidu soomaray ” Ujeeddada xuskani loo qabanayo waa in dib loo milicsado taariikhdii la soo maray, lagana barto cashiradii lagu mareeyn lahaa durruufaha maanta iyo wixii iman kara mustaqbalka ” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Cagjar waxa uu qoraalkiisa ku xusay in 31kii sano ee uu degaanka Soomaalidu jiray ay shacabku la kulmeen xaalado kala duwan oo qaarkood aan lamahadin kuwaas oo shacabka degaanka ku reebay xanuun badan, sidaa oy tahay Madaxweynuhu waxa uu sheegay in inta badan Shacabka degaanku aysan rabin wakhti xaadirkan inay dib usoo laabato dhibaatooyinkii ay horey usoo mareen, isagoo xusay in shacabku maanta u baahan yahay waxay maanta haystaan wax ku sii darsadaan oo wixii hagaagsanna la sii xoojiyo, wixii aan hagaagsanaynna la hagaajiyo.
Gabagabadii Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu farriin u diray shacabka Dowlad degaanka Soomaalida, isagoo yiri ” aan taageerno wixii horay inoo wadaya, aan ka fogaano wixii dib inoo celinaya taas oo ah fariin macno badan “.
1993 dii bishii January 23keedii ayay aheyd markii la dhisay Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida, xilligaa waxaa Madaxweynihii ugu horeeyay loo doortay Cabdullaahi Maxamed Sacdi, iyadoo caasimaddiisana ay aheyd magaalada Godey, Balse Mudo kadib waxaa loo raray caasimadda Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida magaalada Jigjiga oo hadda ah caasimadda.
Maanta oy taariikhu tahay 23 January 2024 ayaa markii u horreysay laga xusayaa xuskan guud ahaan Dowlad degaanka Soomaalida.

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Iyada oo ay sii xoogaysanayso xiisadda Geeska Afrika, Itoobiya waxay dhaleecaysay falcelinta beesha caalamka ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay dhawaan la gashay Soomaaliland.
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwan Hussien, ayaa ku eedeeyay jileyaal caalami ah oo aan la magacaabin inay cadow ku yihiin Itoobiya iyagoo ku gabanaya inay taageerayaan Soomaaliya.
“Iyadoo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana jilayaasha qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin xilliyadii ay baahidu jirtay, waxay isku dayayaan inay isu muujiyaan inay saaxiibo dhab ah yihiin, balse waxaa cad in waxa ku dhiirri-gelinaya aysan ahayn Soomaaliya, balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya. “ayuu yiri Redwan Hussien.
Carada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan dhaleecaynta caalamiga ah ee loo jeedinayo heshiiska is-afgaradka ah, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay 20 KM oo kamid ah xeebaha Somaliland ay hesho.
Todobaadkii hore raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa xaqiijiyey in maamulkiisu uu wajahayo cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in la joojiyo heshiiskii ay la galeen Somaliland.
Itoobiya ayaa sidoo kale ku gacan sayrtay dalabkii Jaamacadda Carabta ee ahaa inay Itoobiya burburiso heshiiskii ay la gashay Maamulka Soomaaliland.
Talaado jan-23 2024-{HMC} Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay qaadeen duqayn hor leh oo ka dhan ah ururka al-Shabaab toddobaadkan, taasi oo ka dhacday meel waqooyi bari kaga aaddan magaalada Kismaayo.
War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntan ay dhacday kadib markii codsi laga helay dawladda federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Taliska Afrika ee Maraykanka ee loo yaqaan {AFRICOM} ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqayntaasi ay ahayd mid “is-difaacis wadajir ah” oo dhacday laba jeer bishan Janaayo 21-keedii. Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ka dhacday meel 35km dhinaca Waqooyi-Bari ka xigta Kismaayo.
Maraykanku waxa uu sheegay in duqayntan ay ka dhacday meel fog. Waxa kaloo lagu sheegay inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqayntan.
Maraykanka ayaa al-Shabaab ku tilmaamay shabakadaha al-Qaacida tan ugu weyn dunida, ayna awood u leeyihiin inay weeraraan ciidamada Maraykanka, halisna ku yihiin amniga qaranka Maraykanka, iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin.
Bishii hore 17-keedii ayaa dawladda Soomaaliya ay sheegtay in duqayn Maraykanku fuliyeen lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.
War saxaafadeed xilligaas kasoo baxay dawladda federaalka Soomaaliya wasaaraddeedda warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay Macalim Ayman oo ay sheegtay inuu abaabulay weerarro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay war saxaafadeedkaas in hawlgalka qorshaysan ee lagu dilay Ayman ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka.
Hawlgalka Maraykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey in duqayntii dhacday {17-kii} December lagu dilay xubin ka tirsan al-Shabaab, hase yeeshee AFRICOM ma aysan xaqiijin weli magaca qofka la dilay.

Tuesday January 23, 2024
Doha, Qatar: President of the Federal Republic of Somalia HE Hassan Sheikh Mohamud arrived on Monday in Doha, on a working visit to the country.
His Excellency and the accompanying delegation were welcomed upon arrival at Hamad International Airport by Director of the Department of Protocol of the Ministry of Foreign Affairs HE Ibrahim bin Yousif Fakhro, and Ambassador of the Federal Republic of Somalia HE Mohamed Ahmed Sheikh Ali.
Talaado jan-23 2024-{HMC} Kenya ayaa sheegtay in ay doonayso in ay horumariso nabadda Bariga Afrika, isla markaana aysan wax dhibaato ah dhex marin dalalka dariska la ah.
Isla mar ahaantaana, waxaa jira calaamado aan la dafiri karin oo muujinaya culeyska diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya ugu yaraan afar dal oo deris la ah, oo ay ku jiraan laba dal oo dhowaan safiirradoodii uga yeertey Nairobi.
Talaado-23-jan-2024-{HMC} Wararka naga soo gaaraya deegaanka Faragooy oo qiyaas ahaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug u jirta 20KM ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay afar ruux oo shacab ahaa.
Afarta ruux ahaa ayaa dhamantood ahaa rag dhalinyaro ah, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysan oo goobta isga baxsaday.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dilka loo geystay afarta dhalinyarada ah inuu yahay mid la xariiro aar goosi aano qabiil ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgalo lagu baadi goobayo maleeshiyaadka dilka geystay ka wada deegaanka iyo nawaaxigiisa.
Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan falka dilka ah iyo howlgallada ay wadaan ciidanka.
Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa inta badan ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, kuwaas oo ku soo laa laabtay marar badan deegaanada maamulka Galmudug.
Talaado jan-23 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda
hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda
DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.
Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas
Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed
Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.
