Talaado jan-23 2024-{HMC} Shacabka Baladweyne oo ku kula qeyb samay taageeridda Xulka Hirshabelle oo Galabta Ciyaaraya
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA
Talaado jan-23 2024-{HMC} Shacabka Baladweyne oo ku kula qeyb samay taageeridda Xulka Hirshabelle oo Galabta Ciyaaraya
Talaado-23-jan-2024-{HMC}Β Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Shukri Baryare IYO YasiinAli
Farsamadii : Kaafi Cismaan
Talaado jan-23 2024-{HMC} Wararkii u dambeeyay Maleeshiyaad hubeysan oo saakay dilay Aabe iyo Wiilkiisa
Talaado jan-23 2024-{HMC} Afar qof oo lagu Dilay Duleedka Dhuusomareeb iyo Xiisad Manta daagan
Talaado jan-23 2024-{HMC} Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Ciidamada Qalabka sida oo Digniin u jeediyay Ciidamada Guutada 24 aad ee
Talaado jan-23 2024-{HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka oo Suaalo weydiiyay eedeysane Saabir Xasan Cabdinuur
Talaado-23-jan-2024-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa ugu baaqay in beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanno dhaca Xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe in aay dagaalka joojiyaan.
“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle waxaan beelaha walalaha ah ee dagaalamaya ugu baaqayaa in aay dagaalka joojiyaan, dagaal wiil kuma dhasho walaalayaal adinka oo ah dad Diris walaal ah in xilligan dirirtaan waa ceeb, waxaana idinka codsan waxii tabasho ah oo jira Miiska wada-hadalka in aad ku dhameysaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure.
Wasiirka ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka labada beel in aay u is taagaan joojinta dagaalka waxuuna ballan qaaday in dowladda Hirshabelle kaalinteeda ka qaadan doonto joojinta dagaalkaasi, gogol nabadeed u dhigi doonto beelaha dagaalamaya si xiisaddan oo kale aaysan mar kale ugu soo laaban labada beel.
Talaado jan-23 2024-{HMC} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Hirshabeele π Jubbaland.
Talaado-23-jan-2024-{HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo kala dhax galay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay heshiis beenaad uu Raβisul Wasaaraha dalka Itoobiya kula galay magaalada Adis Ababa Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.
Soomaaliya ayaana si weyn uga carrootay ugana hor-timid heshiiska ka dhacay Adis Ababa oo Itoobiya lagu siiyay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana labada dal soo kala dhax galay khilaaf siyaasadeed gaaray meeshii ugu xumeyd.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku boorriyay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya in ay kawada hadlaan muranka siyaasadeed ee ka dhashay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.
βWaxaa mar walba ina haga qawaaniin, qawaaniinteennuna waxay la xiriiraan midnimo, geyiga iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka, oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana labada dal ugu baaqayaa in xiisada jirta wada xaajood ka galaan β ayuu yiri Guterres.
Dowladda Soomaaliya ayaana diiday in wadahadal kala gasho arrinta heshiiska Raβisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna dowladda wadahadal ay la galaan xukuumadda Itoobiya ku xirtay shuruud ah in marka hore raali-gelin bixiso Itoobiya.
Talaado-23-jan-2024-{HMC} La-taliyaha Amniga Qaranka ee Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa ku qoray bartiisa X oo horey loo oran jiray twitter hadal u eg inuu jawaab u ahaa hadalka kasoo baxay madaxweynaha Masar Al-Siisi Cabdilfataax Al-Siisi.
Cabdilfataax Al-Siisi ayaa ka taageeray Soomaaliya muranka kala dhexeeya dowladda Itoobiya, isaga oo sheegay in Masar aysan oggolaan doonin in dalna uu u hanjabo Soomaaliya iyo amnigeeda.
Ridwaan Xuseen ayaa qoraalka ku sheegay in is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland uu yahay heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi oo Itoobiya marin u siinaya badda, kuna salaysan ujeedooyin ganacsi.
βMa aha dhul aan goosanayno ama inaan la wareegayno madaxbannnaanida waddan ee dhulkaasi,β ayuu yiri Redwaan Xuseen.
Waxa uu sheegay in jilayaasha qaarkood, oo aan taageero badan siinin Soomaaliya waqtigii ay baahnayd, ay isku dayayaan inay isku muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaas ku daray in waxa jilayaashaas wada in aanay ahayn saaxiibtinnimo ay u hayaan Soomaaliya balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay jeclaan lahayd inay macaamil la samayso dhammaan deriskeeda iyadoo ujeeddadu tahay iskaashi si loo kobciyo isdhexgal waafi ah oo gobolka ka dhaca.
Waxa uu intaasi ku daray in Itoobiya ay si weyn u aamisan tahay in wadahadallada oo sii socda ay ka wanaagsan tahay war-qoraallada lasoo saarayo, is-muujinta iyo hadallada kulkul iyo wixii laga baaqsan karo ee xiisadda sii kicinaya.