Home Blog Page 2924

Maleeshiyaad hubeysan oo saakay Wiil iyo Aabihiis aanooyin qabiil ugu dilay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay kasoo jeedaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa saakay dil iyo dhaawac u geestay qoys shacab ah oo deganaa tuulo hoostagta degmada Xeraale.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka hubeysan ayaa weeraray guri kuyaalla tuulada Xanantuur, waxa ayna halkaasi ku dileen aabe iyo wiilkiisa ,halka ay dhaawac gaarsiiyeen hooyadii qoyskaasi.

Maleeshiyaadkii dilka iyo dhaawaca u geestay qoyska shacabka ahaa ayaa la sheegay in ay goobta isaga tageen, waxaana qoyskan dilka iyo dhaawac loo geestay la tilmaamay in ay kasoo jeedaan magaalada Cadaado.

Dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil ayaa maalmahan kusoo badanaya deegaannada maamulka Galmudug, waxaana xalay oo u dambeysay duleedka magaalada Dhuusomareeb aano qabiil darteed loogu dilay afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Maamulka Galmudug uu hoggaamiyo madaxweyne Qoor Qoor ayaana ku guul dareestay in ay wax ka qabtaan xal waarana u helaan dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil ee kusoo noq noqda deegaannada maamulkaasi ka taliyo.

Dad badan oo aano qabiil xalay loogu dilay Duleedka Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Kooxo maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay deegaanka Faragow oo hoostaga magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxa ay ku dileen afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka hubeysan oo ka yimid deegaanno hoostaga Ceelgaras ayaa la sheegay in hal goob ku dileen afarta nin oo deegaan ahaan kasoo jeeda beesha degta Dhuusomareeb.

Kooxdii dilka geesatay ayaa la sheegay in ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen, waxaana dilkan la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo u dhaxeeya labada beel ee kala degta Dhuusomareeb iyo Ceelgaras.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay gaaray deegaanka uu ka dhacay dilka xalay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidda dilka ka dambeysay iyo sababta rasniga ah ee ka dambeysa.

Gobolka Galgaduud deegaanno hoostaga waxaa ka dhacay muddooyinkii lasoo dhaafay dilal salka ku haya aanooyin qabiil, taa oo dhibaato badan ku noqotay sidii looga hortagi lahaa loona xalin lahaa maamulka Galmudug ee xaruntiisa tahay Dhuusomareeb.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Madaxweynahii hore ee somalia Farmaajo iyo Xasan Sheekh?

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Maxay ka wada hadleen Madaxweynahii hore ee somalia Farmaajo iyo Xasan Sheekh?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Prof Baafo oo ka sheekeynaya damaca guracan ee itoobiya, heerarka uu soo maray ,iyo guushii Soomaali

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Prof Baafo oo ka sheekeynaya damaca guracan ee itoobiya, heerarka uu soo maray ,iyo guushii Soomaali

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Prof Yaxye Caamir” qof kasta oo muwaadin ah ayey masuuliyad ka saarantahay difaaca dalka aqoonyahan

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Prof Yaxye Caamir” qof kasta oo muwaadin ah ayey masuuliyad ka saarantahay difaaca dalka aqoonyahan

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Maxaa ka ogtahay awoodaha milateri ee Itoobiya iyo Masar

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Xiisadda Masar iyo Itoobiya ayaa markale soo laba kacleysay kadib markii ay Masar la safatay Soomaaliya oo xilligaan is hayaan Itoobiya.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa Axadii luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy Axmed, isagoo digniin u muuqatay kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubka ay ku kacday xukuumadda Abiy, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba milateri ahaan yaa awood badan Masar iyo Itoobiya?

Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkii 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.

Awoodda milateri ee Masar
Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa in ka badan 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.

Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta.

Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.

Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka.

Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara.

Awoodda milateri ee Itoobiya
Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeya.

Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya.

Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doono dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan, iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti.

Sida uu wargeyskaas qoray arrintan waxaa lagaga hadlay kulan Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ku dhexmaray dalka Jibuuti.

Hase yeeshee, wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax, oo yiri: “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah,” ayuu yiri.

Maxamed Idiris Faarax ayaa intaas ku daray: “Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqoto in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”.

{DAAWO MUQAALKA} Jaaliyada Soomaaliyed ee Australia oo taageeray goaanka Dowladda ka qaadatay damaca Itoobiya ee bada

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Jaaliyada Soomaaliyed ee Australia oo taageeray goaanka Dowladda ka qaadatay damaca Itoobiya ee bada

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya furin dagaal ma noqon kartaa Haddii uu sii socdo Damaca Itoobiya.

0

Talaado jan-23 2024-{HMC}Soomaaliya furin dagaal ma noqon kartaa Haddii uu sii socdo Damaca Itoobiya.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Camaara ee gobolka Mudug

0

Talaado jan-23 2024-{HMC} Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Camaara ee gobolka Mudug

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 23 01 2024}

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo Mustaf ali adoow

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO