Home Blog Page 2925

Rajada Itoobiya ee Badda oo aad uyaraatay iyo ’ mowqifkeeda cusub heshiiska badda ee Somaliland

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Ayadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa soo baxaya hadal cusub oo u muuqada in Itoobiya ay si ka duwan sidii hore u wajahayso arrintaas.

La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa bartiisa X (Twitter) ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri, ayadoo Masar iyo Itoobiyana ay ka dhaxayso xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan dhisatay.

Redwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray “ka go’naanshaha Itoobiya ee nabadda iyo amaanka Soomaaliya waxaa lagu muujiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gabdhaheenna qiimaha leh. Itoobiya iyo Soomaaliya deris soohdin wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luqad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh. Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somaliland aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahwadaag, kaasoo Itoobiya marin u siinaya badda marka xagga ganacsiga laga hadlayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan.”

Wuu sii waday qoraalka isagoo ka hadlaya dalal kale oo uusan magacaabin laakinse loo arko in uu si sarbeeban ugu jeedo dalalka Soomaaliya taageerada u muujiyey. “Walow ay taasi xaqiiqada tahay, jilayaasha qaar oo aan taageero sidaa u weyn siin Soomaaliya xilligii ay baahida weyn qabtay ayaa hadda iska dhigaya saaxiibbo dhab ah, laakinse waxa dhiirri galinaya ma aha xiriir saaxiibtinimo, laakinse waa cadawnimo ay u qabaan Itoobiya. Ajendahoodu ma aha nabad iyo amni ka hirgala geeska Afrika. Si taas ka fog, waxay doonayaan inay abuuraan xiisad iyo fowdo. Xiisad abuurka aan iminka arkayno wuxuu uga sii darayaa xiisadda, wuxuuna u danaynayaa danta jilayaasha dibadda ka jooga ee danaystayaasha ah.”

Wuxuu ku celiyey baaq aan cusbayn oo ah in Itoobiya ay jeceshahay in deriskeda ay wadahadal la yeelato “ayadoo aragtidu tahay isdhexgal heer goboleed.”

Sidee loo arkaa hadalka Itoobiya?
Maxamed Salaad (Dhegaweyne) waa qoraa iyo cilmi baare, wuxuuna hore ula soo shaqeeyey xilliyo kala duwan dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, haatanna wuxuu ka faalloodaa arrimaha gobolka. Wuxuu sharxayaa ujeeddada ka dambaysa hadalka Redwan Xuseen.

“Luqaddu waa mid diblomaasiyadeed, dhinac markaad ka fiiriso waxaad arkaysaa in Ridwaan uu hadalladii adkaa ka soo debcay sida ay dadka qaar u arkaan,” ayuu yiri Dhegaweyne.

Mar uu ka jawaabayey inay suurtogal tahay in labada dhinac ay wadahadal isugu yimaadaan, ayadoo mid kasta uu wax ka tanaasulayo si meel dhexe la isugu yimaado wuxuu sheegay in ay taasi suurtogal ku noqon karto haddii heshiiska Itoobiya iyo Somaliland dhex maray uu meesha ka baxo.

“Haddii ay Itoobiya bad danaynayso waxaa suurtogal noqonaysa markaa in ay si toos u wajahdo dawladda Soomaaliya, wixii markaa ku yimaada dawladda Soomaaliya iyo Somaliland oo wadajira waa wax soconaya, laakinse waxa doodda weyn dhaliyey ayaa ah in aan la kala garanayn in Itoobiya ay raadinayso saldhig ciidan iyo inay raadinayso meel ay ganacsigeeda kala soo degto,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray Dhegaweyne in dhinac marka laga eego la dhihi karo “Itoobiya way soo jilicday”.

Itoobiya wuxuu ku tilmaamay inay tahay “awood goboleed” marki hore si ka duwan sida hadda u haminaysay, laakin hadda doonaysa inay si kale u wajahdo. “Itoobiya waxaa ka dhaadhacsanayd in siday rabto ay wax u socodsiin karto, taasina waa midda keentay dhibkan,” ayuu yiri.

Arrinta ku saabsan heshiiska dhex maray Masar iyo Soomaaliya ayuu aad ugu nuuxnuuxsaday in ay keentay qaabka ay Itoobiya hadalka u dhigtay maadaama ay ka dhex aragtay jaanib sedexaad.

“Safarka madaxweyne Xasan sheekh uu ku tegey Masar ee uu heshiiska kula gala galay ayaa Itoobiya ku dhaliyey cabsi weyn ayadoo Itoobiya iyo Masar ay isku hayaan biyo xireenka ay Itoobiya dhistay. Mar hadii ay Masar timaado Soomaaliya waxay Itoobiya ka cabsi qabtaa inay ku hubayso mucaaradka gudaheeda ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya weli kama jawaabin hadalka cusub ee Itoobiya ka soo baxay, ayadoo Itoobiya ay dalbanayso wadahadal.

Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo Rejo fiican ka muujisay ku guulaysiga Soomaaliya ee kursiga madaxa Midowga Afrika

0

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo u sharraxan Soomaaliya inay ku metasho tartanka loogu jir jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa maanta ka hor hadashay xildhibaannada Soomaaliya oo ay gudbisay dalab culus.

Fawsiya Xaaji Aadan oo horay usoo noqotay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen hore ayaa sheegtay inay rajada wanaagsan tahay, isla markaana ay Soomaaliya ay haysato fursad weyn sidaas daraadeedna ay dalbaneyno in la garab istaago.

“Kursigan waxaa u fadhida Soomaaliya ee Fawsiya ma ahan, waxaynu u baahanahay inaynu xoogga saarno, baarlamaankuna uu qaraar kusoo saaro. Weligeed Soomaaliya ma qabanin, maanta aadbaa naloogu dhega nugul yahay ” ayay tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ka bixi karto jagadaas, hadii ay ku guuleysato, ayada oo ka sheekeysay taariikhdeeda waxbarasho iyo middeeda hoggaamineed.

“Ma ka bixi karaa ayay dadka is weydiinayaan”, haa waan ka bixi karaa, haddii ay khibrad tahay ” ayay ku jawaabtay Fawsiya Xaaji Aadan.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Shaqada waa ka bixi karaa, mana ku ceeboobi doonto Soomaaliya si weynbaan uga bixi karnaa weliba, Afrikana aan kor u qaadi karnaa”.

Xildhibaan Fawsiya Xaaji Aadan oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaaday in ololaheeda uu billowday, ayna taageero ka heshay dalal badan oo hadda garab taagan Soomaaliya.

“Hankiina wuu jiraa, taageero badana waan haysanaa oo dalal ah waxaynu u baahanahay inaynu dhiirano” ayay mar kale tiri Fawsiya Xaaji Aadan

Soomaaliya ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay u xoojin laheyd dadaalka diblumaasiyadeed ee saaxiibaada caalamka, ayada oo daba-yaqaadii sanadkii tegay ee 2023-ka ku guuleysatay in Waare xil sare looga magacaabo urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa markaas noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay. Magacaabistaas ayey xilligaas dowladda ku tilmaamtay mid sare usii qaadeysa sumcadda iyo maqaamka guud ahaan ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Farmaajo Kulan Magaalada Doha ku dhexmaray

0

Monday-22-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran.

 

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 22 01 2024}

isniin -22 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mohamed ibraahin Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Soomaaliland oo ka walaacsan Hanjabaada Dowladda Masar

0

Monday-22-jan-2024-{HMC} Xukuumada Somaliland ayaa ka digtay faragalinkasta oo dibadeed oo lagu sameeyo is afgaradka badda ee ay la gaadhay Itoobiya, iyada oo boorisay in khilaafkasta lagu dhameeyo wadahadal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda.

“Xaaladaha baryahan taagnaa awgood, waxaanu markale hoosta ka xariiqaynaa sida ay Somaliland uga go’antahay in arrimaha gobolka lagu xaliyo wadahadal iyo iskaashi, waxa kale oo aanu hoosta ka xariiqaynaa in in aanu meel adag ka taaganahay faragalinkasta oo dibadeed oo lagu sameeyo isfahamka Itoobiya iyo Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka oo si gaar ah loogaga hadlay dalka Masar, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay qadarinayso xiriirka kala dhexeeya Masar, ayna ku boorinayso in ay si togan uga qaybqaadato daganaanshaha iyo iskaashiga gobolka, isla markaana ay tahay dowlad wax wayn ka tari karta xalinta dhibaatooyinka taagan sida colaadaha Sudan, Qasa iyo meelo kale.

Somaliland waxay sheegtay in ay dareemayso walaaca dowlada Masar, isla markaana ay doonayso in ay ula shaqayso si wanaagsan oo wax dhis leh, ayna aaminsantahay hadii ay iskaashadaan in ay wada gaadhi karaan barwaaqo, waxayna intaa ku dartay in ay si ixtiraam leh ula shaqaynayso dowlada Masar.

Waxa uu qoraalku intaa ku daray in Somaliland ay sii wadi doonto xiriirada dibulumaasiyadeed ee ay la yeelanayso dowladaha caalamka, sidookalena ay door ka ciyaari doonto iskaashiga, daganaanta iyo horumarka gobolka.

Abdelfatah Al Sisi Madaxwaynaha dalka Masar ayaa kulan uu dhawaan la sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u balan qaaday garab istaag, xili xiisada ka dhex taagan Itoobiya iyo Soomaaliya ay sarayso.

 

Cameroon oo laga billaabay tallaalkii ugu horreeyay dunida ee malaariyada

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Dalka Cameroon ayaa billaabay qeybinta tallaalkii ugu horreeyay adduunka ee malaariyada, tanoo ah tallaabo loogu talogalay in lagu badbaadiyo nolosha kumannaan carruur ah oo Afrika ku nool.

Tallaalkii ugu horreeyay ayaa maanta la siiyay gabar yar oo lagu magacaabo Daniella oo ku sugneyd xarun caafimaad.

Dalkan Afrikada Dhexe ku yaalla ayaana noqonaya kii ugu horreeyay, kaddib markii lagu guuleystay olole tijaabo ah oo laga sameeyay dalalka Kenya, Ghana iyo Malawi.

Ururka Caafimaadka Adduunka, oo ansixiyay tallaalkan, (ayna sameysay shirkadda dawooyinka ee Britain ka howlgasha ee GSK) ayaa ku tilmaamay in arrintan ay taariikh u tahay la dagaallanka cudurkan ay kaneecadu sababto. Ilaa labaatan kale oo dal ayaa doonaya inay sanadkan dhexdiisa hirgeliyaan tallaalka, sida laga soo xigtay isbahaysiga tallaalka aduunka ee, Gavi.

Soo saaridda tallaalkan ayaa qaadatay 30 sano oo baaritaan ah.

Shirkadda GSK ayaa sheegtay in keliya soo saari karto ilaa 15 milyan oo kuuro ah sanadkiiba.

XIHASHO Reuters

Madaxweynaha cusub ee Liberia oo ku dhex suuxi gaaray xafladda caleema-saarka

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha cusub ee dalka Liberia Joseph Boakai ayaa sii wadi waayay khudbaddiisii caleema-saarka oo ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Monrovia, isagoo u muuqday inuu suuxi gaaray laguna qasbanaaday in garbaha laga qabto.

Wuxuu hadlayya muddo 30 daqiiqo ah markii ay caddaatay inuu hadalku dhibayo.

Mr Boakai ayaa waxaa ku hareereysnaa kalkaaliyeyaashiisa iyo xubno ka tirsan waaxda dhowrista.

Xafladdan ayaa kadib la hakiyay.

Madaxweynaha oo 79 jir ah ayaa noqonaya madaxweynihii ugu da’da weynaa Liberia waxaana leysla dhex marayaa in caafimaadkiisu uu liito.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Isniin jan-22 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Xubno ka tirsan AS oo lagu dilay Howlgal dhanka Cirka ah

0

Monday-22-jan-2024-{HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka Cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay Jubbada Hoose.

Warbaahinta dolwadda Soomaaliya ayaa lagu Baahiyay sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaan 45KM dhanka Waqooyi beri ka beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay afar xubnood oo ka mid ah Ururka Al-shabaab oo isku aruursanaayay goobta ciidamadu beegsadeen.

Majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka Shacabka ah howlgalkaan lagu bartilmaameedsaday xubnaha Shabaab ka tirsan ee ka dhacay Jubbada Hoose.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku howlan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowlada Somalia

0

Isniin jan-22 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowlada Somalia

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA