Isniin jan-22 2024-{HMC} Xisbiga Waddani oo Hanjabaad uga Jawaabay Waraaqdii ka sobaxday Madaxtooyada Somaliland
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin jan-22 2024-{HMC} Xisbiga Waddani oo Hanjabaad uga Jawaabay Waraaqdii ka sobaxday Madaxtooyada Somaliland
Isniin jan-22 2024-{HMC} Xisbiga Waddani “Wariye Maxamed Ilig Kibir ayaa Lagu Haystaa Laakiin Dadbuu ka dhashay ”
Monday-22-jan-2024-{HMC} In a new press release Somaliland states “ Government of the Republic of Somaliland reiterates its firm Opposition to any external interference.”

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 dib ugu celiyay Golaha Guurtida.
Madaxweyne Biixi oo xeerkan losoo gudbiyay kadib markii ay Golaha Wakiiladu ka saareen wax ka badal ay Golaha Guurtidu ku sameeyeen, ayaa maanta markale xeerka dib ugu celiyay guurtida.
Mucaaradka Somaliland ayaa sugayay in Biixi uu si deg deg ah u saxeexo xeerka, lakiin waxa la sheegaya in ay ku jiraan qodobada qaarkood oo aan wali lagu wada qanacsanayn inkasta oo xildhibaanada Golaha Wakiiladu ay mucaarad iyo muxaafad-ba cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
“Kol hadii Xukuumadii Muuse biixi sharci loogu taag waayey ,waxaanu u sheegeynaa shacabka sharci darro inagu xukumi maayo, nina taagtii,nina tamartii.” Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada, oo ka cadhooday xeerka dib loo celiyay ayaa sida ku baahiyay bartiisa Facebook.
“Kursiga dalka waxa loogu fadhiyi karaa hab sharci ah oo dastuurka Waafaqsan,sidaas baana lagu gaadhi karaa helistiisa” ayuu Khayreeye hadalkiisa sii raaciyay.
Inkasta oo xildhibaanada Golaha Guurtidu ay ku kala qaybsameen diidmada uu Golaha Wakiiladu meesha kaga saaray wax ka badalkii ay ku sameeyeen xeerka hadana Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in xeerkaasi uu guurtida dhaafay.

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee Waddani, ayaa si wayn uga soo horjeedsaday xeerka doorashooyinka oo uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Guurtida.
Maxamed Faarax Cabdi Afhayeenka Xisbiga Waddani, oo la hadlay Horyaal TV, ayaa wax naadir ah ku tilmaamay in madaxweynuhu uu xeerka dib u celiyo.
“Wax aan 32 sanno oo Somaliland jirtay aan dhicin ayaa maanta dhacay, in xeer uu madaxweynuhu u gudbiyo golle guurti, waxay ku tusaysa dalkeenii maanta halkuu marayo, xisbi ahaan jawaab adag iyo hawl deg deg ah, ayaanu ka gali doonaa dhayalsanmayno” ayuu yidhi Afhayeen Faarax.
Waxa uu ku goodiyay in axsaabta mucaaradku ay in badan u dulqaateen madaxweynaha, isla markaana ay sharciga dhawreen, lakiin anay hada kadib dulqaadan doonin.
“Anagu dowlad ayaanu dowlad ka dul dhisaynaa ku odhan maayo, lakiin sharciga Somaliland ayaanu si sandule ah ugu soo celin doonaa, oo aan baryo danbe lahayn, oo aan dulqaad danbe lahayn” ayuu yidhi Afhayeen Farax.
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland, ayaa Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91, kadib markii uu golaha wakiiladu meesha ka saaray wax ka badal guurtidu ay xeerka ku sameeyeen.
Isniin jan-22 2024-{HMC} Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh “7-qof ayaa dhaawac ah milkiilihii iyo Injineeradii,,,
Isniin jan-22 2024-{HMC} Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan “Qabashada xilka Midowga Afrika sanadka Geeska Afrika ayaa…/
Isniin jan-22 2024-{HMC} Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo maanta gaaray Magaalada Garoowe
Monday – 22,Jan, 2024 {HMC} President Hassan Sheikh Mohamud has arrived in Doha, Qatar for a significant official working visit aimed at further enhancing bilateral relations between Somalia and the brotherly State of Qatar across various mutually beneficial areas. During this visit,
the president will engage in discussions with the Qatari leadership regarding recent developments in Somalia.
Isniin, 22,Jan, 2024 (HMC) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay Addis Ababa iyo Muqdisho inay furaan wada hadal ay ku xalinayaan murankooda ku saabsan heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.
Xiisadda labada dal ee dhaca Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayni uu heshiis la galay Somaliland 1-dii January, heshiiskaas oo sheegaya inay bad ka hesho marinka badda Cas.
“Mar walba waxaa na haga mabaadi’deenna, mabaadi’deenna waxay la xiriiraan midnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka ay Soomaaliya ku jirto,” ayuu Guterres ku sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay shirka G77 iyo Shiinaha ee caasimadda Uganda.
“Waxaan rajeyneynaa in wadahadal looga gudbo xaaladda taagan,” ayuu yiri Guterres.
Hadalkiisa ayuu ku daray baaqyada ay hormuudka ka yihiin Mareykanka, Shiinaha, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ee ku aaddan in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska badda ku tilmaantay fal gardaro ah oo ay Itoobiya qaadday.
Sida ku cad heshiiska Somaliland waxay ogolaatay in 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ka mid ah laga kireeyo muddo 50 sano ah Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.