Home Blog Page 2936

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo la horgeeyay Hindise sharciyeedyo dhowr ah

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 11aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed {SARIS}

2} Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka.

3} Akhrinta 1aad ee Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

4} Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.

5} Qeybinta Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

6} Qeybinta Heshiiska Ku-Biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC}

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise-Sharciyeedka Hay’adda adeegyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed {SARIS}, Hindise -Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka iyo Hindise -Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed. Si waafaqsan Qodobka 84aad {4} ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka weydiyey Wasiir dawlaha Wasaaradda Beeraha. ntaas kadib wasiir dowlaha ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalaha la weydiyey .

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Hindise-Sharciyeedyada maray Akhrinta1aad Guddiga Beeraha, Hormarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda.

Saraakiil u dhashay Iran oo lagu dilay weerar ay Israel ka fulisay Dimishiq

0

Sabti jan-20 2024-{HMC} Duqeyn ay Israa’iil Sabtida maanta ah ka fulisay caasimadda Suuriya ayay ku burburisay dhismo ay adeegsadaan ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar Iiraaniyiin ah, sida ay wariyeen warbaahinnada dowladaha Suuriya iyo Iiraan.

Telefishinka qaranka Iran ayaa wariyay in afar la-taliye oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka lagu dilay duqeynta ka dhacday magaalada Dimishiq, iyadoo aan sheegin magacyada la taliyeyaasha la dilay. TV-ga ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay ka dambeysay weerarka.

Wargeyska Nour News oo la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay sirdoonka dalka Iiraan ayaa isna sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay lagu kala magacaabi jiray Gen. Sadegh Omidzadeh, oo ahaa ku-xigeenkii sirdoonka ee ciidamada ilaalada Quds ee Suuriya iyo ku xigeenkiisa.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya oo ah hay’ad mucaarad ah ayaa sheegtay in ugu yaraan lix qof oo shan ay Iiraaniyiin yihiin iyo mid Suuriyaan lagu dilay weerarka loo adeegsaday gantaallada oo dhacay xilli saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto ay shirayeen. Madaxa hay’adda, Rami Abdurrahman, ayaa sheegay in saddex ka mid ah Iiraaniyiinta ay ahaayeen taliyeyaal, isaga oo intaa ku daray in afar qof oo kale wali lagu la’yahay burburka hoostiisa.

TV-ga dowladda Suuriya ayaa sheegay in weerar uu ku tilmaamay “gardarro Israa’iil” lagu beegsaday dhismo ay dad deggan yihiin oo ku yaalla xaafadda sida adag loo ilaaliyo ee Mazzeh ee galbeedka Dimishiq, halkaasi oo ay ku yaallaan dhowr safaaradood. Duqeynta maanta ayaa ka dhacday meel ku dhow safaaradaha Venezuela iyo Koonfur Afrika.

Sarkaal xaaladda la socda ayaa sheegay in dhismahan ay adeegsanayeen saraakiisha ilaalada kacaanka, isagoo intaa ku daray in “gantaallada Israa’iil” ay burburiyeen gebi ahaanba dhismaha, isla markaana 10 qof ay ama ku dhinteen ama ku dhaawacmeen weerarka. Sarkaalkan ayaa ka tirsan koox ay Iiraan taageerto, laakin waxa uu codsaday in aan magaciisa la sheegun maadaama uusan fasax u haysan in uu ka hadlo arrimaha ammaanka.

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada.

0

Sabti jan-20 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.

Munaasabadda dhagax dhiga Dugsigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa sheegay in barashada Farsama Gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu Dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragalin doonno howlaha Farsamada gacanta.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 20 01 2024}

0

Sabti jan-20 2024-{HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shukri Baryare IYO Mustaf Ali

Farsamadii : Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

Al-Muraikhi meets Philippines, Belarus FMs, Somalia’s State Minister for Foreign Affairs

0


Saturday January 20, 2024

HE the Minister of State for Foreign Affairs Sultan bin Saad al-Muraikhi met separately Friday with Philippine Secretary of Foreign Affairs Enrique Manalo, Belarus Foreign Minister Sergei Aleinik, and Somali State Minister for Foreign Affairs and International Co-operation Ali Mohamed Omar, on the sidelines of the 19th Summit of the Non-Aligned Movement held in the Ugandan capital, Kampala.

During the meetings, they discussed the co-operation relations and several topics of mutual interest.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka NISA iyo kuwa Mareykanka oo dilay Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan As

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Ciidanka NISA iyo kuwa Mareykanka oo dilay Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan As

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo awamiir cusub siiyay Ciidamada ku sugan difaaca hore.

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo awamiir cusub siiyay Ciidamada ku sugan difaaca hore.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Kudhawaad 20 sano kadib Maamulka Gobolka Shabellaha hoose ayaa dib u howlgelinaya Schoolka Deegaanka

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Kudhawaad 20 sano kadib Maamulka Gobolka Shabellaha hoose ayaa dib u howlgelinaya Schoolka Deegaanka

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

Xog Cusub oo Kasoo Korortay Kiiska Wasiir Cabdirashiid Janan.

0
Sabti jan-20 2024-{HMC}  Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo todobaadyo ah la la’aa warkiisa ayaa xalay la helay isagoo nabad qaba.
Wali ma jirto faah-faahin rasmi ah oo la xiriirta halka uu jiray iyo cidda uu ku maqnaa balse waxaa la xaqiijiyey in hoygiisa la keenay oo haatan uu ku suganyahay.
Wasiirka Amniga ee dowlad-goboleedka Jubbaland General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey warka ku saabsan in uu xorriyadiisii helay Wasiir hore Cabdirashiid Janan.

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH Golaha guurtida Soomaliland oo saaka gacanta iskula tagay

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH Golaha guurtida Soomaliland oo saaka gacanta iskula tagay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA