Home Blog Page 2937

{DAAWO MUUQAALKA} “Xeerkii Doorashoyinku waxuu yaalaa Miiska Muuse Biixi,Shacabka ayaana difaaci doona” Murashax Cirro

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} “Xeerkii Doorashoyinku waxuu yaalaa Miiska Muuse Biixi,Shacabka ayaana difaaci doona” Murashax Cirro

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Suldaanka Guud ee beelaha Daarood oo digniin culus u diray Maamulka Degmada Garbahaarey..

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Suldaanka Guud ee beelaha Daarood oo digniin culus u diray Maamulka Degmada Garbahaarey..

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa A,S iyo Magacyadooda

Sabti jan-20 2024-{HMC} Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa maanta howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle

 

Howlgalka oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaayaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeelaha Dhexe

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaaa 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare

 

Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka {NISA} oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay dowladda Soomaaliya

 

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa

 

Cabdiraxmaan Dheere oo hadda A,S u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe

Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada A.S ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe

Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana dhaq-dhaqaaq xoogleh laga dareemayo dhulka hawdka ah ee Mahadaay

 

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda A.S, maadaama wajigii koowaad ee howlgallada ay ka dhaceen deegaanada maamulka HirShabelle.

{DAAWO MUUQAALKA} Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka faala qaaday Nolasha mid kamid ah Gabdhaha Agoonta Soomaaliyeed

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka faala qaaday Nolasha mid kamid ah Gabdhaha Agoonta Soomaaliyeed

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Janaraal Hore oo ka hor yimid istaraatiijiyadda ee Raysal Wasaaraha israil ee Gaza

Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha dagaalka ee Israa’iil ayaa ku eedeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuusan ka run sheegin hadafyada militari ee dalkaas ee Gaza

 

Mr Netanyahu ayaa si cad u diiday baaqyada Mareykanka ee ah in laga fekero mustaqbal dal ay Falastiin yeelato, wuxuuna ku adkeystay in dagaalku uu socon doono “ilaa laga gaaro guul dhammeystiran”

 

Balse Gadi Eisenkot – oo wiilkiisa lagu dilay Gaza – ayaa sheegay in dadka u ololeynaya “ka adkaansho dhab ah” oo Xamaas laga adkaado “aysan ka hadleynin runta”

 

Janaraalkan howlgabka noqday ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu wax ku leeyahay mas’uuliyadda ku guul-darreysashada in dalka laga difaaco weerarkii 7 Oktoobar wuxuuna ku baaqay doorashooyin cusub, isagoo xusay inaysan “aaminaad” ka dhex jirin hoggaanka haatan ee Israa’iil

 

Xamaas ayaa dishay qiyaastii 1,300 oo qof waxayna qafaalatay 240 kaddib weerar kedis ah oo ay ku qaadday koofurta Israa’iil.

 

Weerar dad Lagu layay oo ka dhacay degaano katirsan Somaliland

Sabti jan-20 2024-{HMC} Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa geeriyootay, saddex kalena way dhaawacmeen kadib markii uu nin hubaysani dad shacab ah rasaas ku furay deegaanka Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer ee Somaliland

 

Sida uu Maayarka degmada Qoryoole Xabiib Cige u sheegay Warbaahinta, ninka ayaa dad shacab ah rasaas ku furay, Cige waxa uu intaa ku daray in ninka dilka gaystay la qabtay

 

Waxa kale oo uu sheegay in ninka dilka gaystay ay rumaysanyihiin in uu maskada ka xanuunsanayo, taasina ay ku kaliftay in inta uu qori qaato uu dad shacab ah xabad ku furo

 

Marka laga yimaado hadalka maayarka ma jiraan ilo kale oo ilaa hada faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sida uu dilku u dhacay

 

Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Sool waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal aanooyin qabiil ah, iyada oo Somaliland ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciyaartoy aad u da’yar oo lagu diyaarinayo Baladweyne

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Ciyaartoy aad u da’yar oo lagu diyaarinayo Baladweyne

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliye sulub “waxa utaaganahay garab istaaga iyo horumarinta nolasha caruurta Agoonta Boliiska,

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} Taliye sulub “waxa utaaganahay garab istaaga iyo horumarinta nolasha caruurta Agoonta Boliiska,

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Aqoonyahan heesta shahaadada Sare haddana waddooyinka Khudaar ku iibiya

Sabti jan-20 2024-{HMC} Wax-barashada ayuu ka gaaray heerka tacliinta sare. Wuxuu heystaa afar jeer oo darajada Master-ka ah iyo hal PhD ah. Sidaas oo ay tahay haddana, wuxuu iibiyaa qudaarta si uu nolosha qoyskiisa ugu dabaro. Dr. Sandeep Singh, oo 39 jir ah, wuxuu 11 sano ka shaqeynayay jaamacadda Punjabi University qeybteeda Patiala. Laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu isaga tago shaqadiisa oo uu doorbido iibinta khudaarta si uu lacag uga helo

 

Dhawaan wuxuu si weyn u qabsaday hadalheynta dalkiisa. Waxayna sheekadiisu soo jiidatay bahda jecel wax-barashada oo dhan

 

Isaga oo la hadlayay muddaalaha Times wuxuu yiri: “Waan ku qasbanaaday inaan shaqadayda isaga tago sababta oo ah xilliga mushaharka wuu iga soo daahi jiray – mararka qaarna waxaa la igu sameyn jiray mushahar dhimis. Taas ayaana igu kaliftay inaan kusoo biro ka ganacsiga khudaarta si aan – aniga iyo qoyskaygaba – ugu samata-baxno

 

Qeybta sharciga ayuu Sandeep ka dhigi jiray jaamacadda. Wuxuu kala bartay culuumta afafka, warbaahinta, siayasadda iyo wixii soo raaca. Wuxuuna ahaa mid sii joogteeya wax-barashadiisa oo aan intaas ku ekeyn

 

Hadda wuxuu macmiishiisa khudaarta ugu geeya guryaha maalin walba isaga oo sita boor ay ku qoran tahay – PhD Sabsi Wala’. Wuxuu sheegayaa in lacag ka badan middii uu ka qaadan jiray jaamacadda uu ka helo iibinta khudaarta. Marka uu shaqadiisa maalmeed soo dhammeysto, wuxuu sii wataa wax-barashadiisa

 

Dr. Sandeep Singh wuxuu si buuxda u joojiyay shaqadiisa macalinnimada, laakiin kama quusan oo ma joojin inuu yoolashiisa waaweyn ka salgaaro. Wuxuu ku taamayaa inuu maalin un furto machad isaga u gaar ah oo uu dadka wax ugu dhigo

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar lana kulmaya dhiggiisa dalkaas Abdi fitaah siisi

Sabti jan-20 2024-{HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Masar ee Qaahira, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay

 

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-siisi

 

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu dadaal xoogan ku bixinayay sidii uu uga hortegi lahaa dhaqangalka heshiiskii Badda ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxiixday