Home Blog Page 2938

{DHAGEYSO}Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 20 01 2024}

Sabti jan-20 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdi maajid abdirxmaan aadan

Farsamadii : Yaasin ali ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Kooxda A,S oo weerar ku qaaday Saldhiga Ciidmada xasilinta ee duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

Sabti jan-20 2024-{HMC} Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay A,s kusoo qaadeen qaybo kamid ah galbeedka Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

 

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhig ay ciidamada Xasilinta ee Boolis Milataaro ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac

 

Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, kaas oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay

 

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay hortageen weerarka, ayna khasaare gaarsiiyeen xubnaha duulaanka soo qaaday

 

Sidoo kale qarax xoogan ayaa saaka ka dhacay isla degmada Kaxa, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay gudaha degmadaasi

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lasoo wariyay inuu ka dhacay Kantorol ku yaalla halkaasi, isla markaana ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka

 

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u laabtay xubnihii Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday degmada Kaxda ee gobolka Banaadir

 

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay daganayd xaaladda ammaan ee Muqdisho, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Saddex qof oo lagu dilay deegaanka Ina Afmadoobe ee Soomaaliland

0

Jimco jan-19 2024-{HMC} Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa geeriyooday, saddex kalena way dhaawacmeen kadib markii uu nin hubaysani dad shacab ah xabad ku furay deegaanka Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Gudoomiyaha degmada Qoryoole Xabiib Cige ayaa sheegay in nin uu dad shacab ah xabad ku furay, Cige waxa uu intaa ku daray in ninka dilka gaystay la qabtay.

Waxa kale oo uu sheegay in ninka dilka gaystay ay rumaysanyihiin in uu maskada ka buko, taasina ay ku kaliftay in inta uu qori qaato uu dad shacab ah xabad ku furo.

Marka laga yimaado hadalka maayarka ma jiraan ilo kale oo ilaa hada faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sida uu dilku u dhacay.

An explosion in a donkey cart

0


BY TOM ODULA
Friday January 19, 2024

A donkey cart carrying a suspected improvised bomb blew up at a checkpoint on the Kenya-Somalia border Thursday, killing one Kenyan police officer and critically wounding four others, authorities said.

A Kenyan police report seen by The Associated Press said the cart pulled by two donkeys and ridden by one man passed the Somali checkpoint of Bula Hawa and entered Kenyan territory, where it was stopped by officers to check the load.

The rider jumped off and ran back into Somalia moments before the cart exploded, causing a huge fire at the border post in the northern county of Mandera, the report said.

The report said that the cart’s driver was arrested by Somali police as he tried to flee, and that the Mandera county security team was negotiating with the Bula Hawa police to have him handed over to Kenyan authorities.

No one claimed responsibility for the attack, but suspicion immediately fell on al-Shabab, a Somalia-based extremist group linked to al-Qaida.

Al-Shabab has vowed retribution on Kenya for sending troops into Somalia in 2011 to fight the militants. The group had staged a string of kidnappings of Westerners inside Kenya that threatened the country’s tourism; a key pillar of its economy.

The Kenyan forces became part of the African Union peacekeeping mission that has bolstered Somalia’s weak government for more than 20 years against an al-Shabab insurgency. The AU mission last year began a drawdown of it troops under a U.N. Security Council resolution to return control to the Somali government.

In recent years, al-Shabab attacks in Kenya have been limited to roadside bombs mainly targeting the military and police. On Monday, five police officers were wounded when their truck was hit by a roadside bomb in Lafey Mandera county.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duulay magaalada Qaahira kaddib casuumadii Madaxweyne Al Siisi

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xasan Sheekh ayaa aaday magaalada Qaahira kaddib casuumad uu isbuucii hore ka helay dhigiisa dalka Masar Cabdifitaax Al Siisi, waxa uuna madaxweynaha kulan gaar ah kula qaadan doonaa Qaahira inta uu joogo madaxweyne Al Siisi iyo masuuliyiin kale.

Casuumadda madaxweynaha dalka Masar u fidiyay dhiisa Soomaaliya ayaa timid ,kaddib markii dowladda Itoobiya ku xad-gudbtay midnimadda Soomaaliya ayna heshiis beenaad la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Masar oo khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya ayaa si buuxda u taageertay Madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana ay si weyn cambaareysay heshiiskii muranka dhaliyay ee Ra’isul Itoobiya la saxiixday Madaxweynaha Somaliland.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Kormeer ku sameeyay Deegaano Badan oo Ka tirsan Gobolka.

Jimco jan-19 2024-{HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Kormeer ku sameeyay Deegaano Badan oo Ka tirsan Gobolka.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

Jimco jan-19 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Mareykanka oo ka digtay fulinta is afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliland.

Jimco jan-19 2024-{HMC} Dowladda Mareykanka oo ka digtay fulinta is afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliland.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay shuruuda DF ay ku xirtay dhexdhexaadinta iyo wadahadal lala galo Itoobiya.

Jimco jan-19 2024-{HMC} Maxay tahay shuruuda DF ay ku xirtay dhexdhexaadinta iyo wadahadal lala galo Itoobiya.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiik oo khudbad ka Jeediyay shirka NAM, si adag uga hadlay xad gudubka Itoobiya

Jimco jan-19 2024-{HMC} Madaxweyne Xasan Shiik oo khudbad ka Jeediyay shirka NAM, si adag uga hadlay xad gudubka Itoobiya

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA