Jimco jan-19 2024-{HMC} Kumuu ahaa Maxamed Taahir oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xamarweyne laguna aasay Baraawe?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Jimco jan-19 2024-{HMC} Kumuu ahaa Maxamed Taahir oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xamarweyne laguna aasay Baraawe?
Jimcoja-19 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii :Abdi maajid abdirxman aadan
Jimco jan-19 2024-{HMC} Garyaqaan Soomaaliyeed oo caan ka ah Wadanka Kenya ayaa laga mamnuucay maxkamadda sare ee dalka Kenya, kaddib markii lagu eedeeyay garyaqaankan in uu maxkamadda ka sheegay waxyaabo aan jirin.
Axmed Naasir Cabdullaahi oo ah qareen Soomaaliyeed oo caan ka ah dalka Kenya ayaa wajahaya culees kaga yimid maxkamadda sare ee dalka Kenya, waxaana qareenkan laga mamnuucay howlihiisa qareennimo.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa sheegtay in Axmednaasir maxkamadda sare marar badan u jeediyay eedeymo culus, waxa ayna xuseen in eedeymaha uu jeediyay uusan u keenin caddeymo lagu qanci karo.
Qareenkan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu wado olole ka dhan ah 7-da garsoore ee mudada dheer ka shaqeynayay maxkamadda sare ee Kenya, kuwaas oo uu ku eedeyay falal musuq-maasuq ah.
Qoraal uu soo saaray Qareen Axmednaasir ayuu ku sheegay in muddo 30 sano ah oo uu ku howlanaa shaqada garsoorannimada, isla markaana ay tahay markii labaad ay maxkamadda sare qaadeyso tallaabada looga mamnuucayo maxkamadda.
Qareenkan oo muddo 30-sanno ah kusoo dhax jiray howlaha qareennimada ayaa sheegay in uu yahay qofkii ugu horeeyay ee laga mamnuuco maxkamadad sare, waxa uuna xusay in aysan jirin qof kale oo loo beegsaday sida isaga loo beegsanayo.
Jimco jan-19 2024-{HMC} Madaxtooyada dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijisay in uuna jiran kulan dhexmaray madaxweyne laftagareen iyo mid kamid ah odayaasha dhaqanka qoomiyadda Oromada.
Afhayeenka Maamulka Koofur-Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa beeniyay warka sheegaya kulan dhexmaray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo ninkaan la socday wafdiga odayaasha ah ee ka yimid dalka Itoobiya.
Isaga oo la hadlay BBC da ayuu sawirka baahay ee la isku weydaarsanayay baraha bulshada ku tilmaamay in uu yahay mid been abuur ah.
Isha uu ka yimid sawirkaan ayaan sidoo kale ahayn mid la xqiijin karo ilaa iyo haatan.
Halkee ku sugnaa madaxweyne Laftagareen maalmihii la soo dhaafay?
Sida ay BBC da u sheegtay madaxtooyada dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa mudooyinkaan danbe ka maqnaa deeganada uu ka arimiyo maamulkiisa, iyo guud ahaan Soomaaliya.
madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Laftagareen uu aaday dalka Sacuudi carabiya, gaar ahaan magaalada Makka, si uu ugu cumraysto dhulka barakaysan.
Intuu halkaas ku sugnaa ayay sidoo kale sheegtay madaxtooyadu in uu ka qayb galay shirkii golha wadatasiga qaran ee degdega u dhacay, kaas oo looga arrinsanayay heshiiskii ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.
Intaas kadib ayay sheegeen in uu u safray waddanka Turkiga, halkaas oo uu waqti kula qaatay qoyskiisa iyo dad kale oo uu kulamo la yeeshay.
Madaxtooyada faahfaahin kama aysan bixin cidda uu la kulmay iyo waqtiga uu ku sugnaa halkaas intaba.
Madaxweynaha Lafatgareen ayaa haatan ku sugan Caasimadda dalka Kenya ee nairobi. Madaxtooyada ayaa sheegtay in uu kulamo la qaatay dad kale, balse wax ay ku adkaystay in uusan ka mid ahayn ninkaan hadal haynta dhaliyay.
Xigasho BBC
Jimco jan-19 2024-{HMC} Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Jowhar ku qaabilay muwaadin Maxamed Mahdi Muuse (Kuusoow), oo dhawwaan codsi u diray madaxweynaha Hirshabelle.
Maxamed Mahdi oo ah nin xoogsade danyar ah ayaa dhawwaan, kasoo muuqday baraha bulshada ku xiriirto, isagoo fariin codsi ah oo ku aadan in uu garab ku siiyo mooto uu ku shaqeysto.
Madaxweyne Guudlaawe oo ka jawaabayay codsiga muwaadinkaan reer Hirshabelle ah ayaa ku wareejiyay mootadii uu codsaday si uu ugu maareeyo nolosha qoyskiisa, waxa uuna ninkan la caawiyay ka mahdceliyay taageerada madaxweynaha siiyay.
Baraha bulshada ayuuna hadal heyn ka abuuray mootada uu madaxweynaha Hirshabelle maanta siiyay nin ka codsaday, waxa ayna dadka qaar sheegeen in Cali Guudlaawe sameeyay wax-qabadkii ugu fiicnaa intii uu madaxweynaha ka ahaa Hirshabelle.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa inta badan looga baran la kulanka iyo caawinta dadka danta yar, waxa uuna maanta caawinta uu u sameeyay ninkan danta yar ahaa ku helay ammaan iyo boggaadin.

Jimco jan-19 2024-{HMC} Dowladda UK ayaa la sheegay inay ku amartay Safiirka Eritrea u fadhiya London Stephen Habtemariam inuu dalka ka baxo.
Arintaan ama Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Wadamada Eritrea iyo UK, oo xiriirkooda diblumaasiyadeed uu lahaa muddo ka badan sodon sano, aysan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan ceyrinta.
Sida laga soo xigtay website-ka safaaradda Eritrea ee London, Saleh Abdullah ayaa hadda ah madaxa safaaradda.
Sababta ka dambeysa go’aanka dowladda Ingiriiska ay dalkeeda uga ceyrisay Danjire Stephen Habtemariam ayaa lagu sheegay inay jawaab u tahay tallaabo la mid ah oo ay horay u qaadday Dowladda Eritrea.
Waxaa xusid mudan in sanadkii hore safiirka UK ee Eritrea uu u safri waayay Asmara sababo la xiriira ogolaansho diblumaasiyadeed oo loo baahnaa oo uu ka waayay dowladda Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda si gaar ah looma sheegin sababta ay madaxda Eritrea u gudan waayeen waajibaadkii loo igmaday, markii uu danjire Habtemariam la wareegay xilkiisa, isla markaana uu waajibaadkiisa gudanayay.
Isku day ay BBC-da Tigrinya samaysay oo ay ku doonaysay in ay dawladda Ereteriya uga hesho caddaymo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaanay ku guulaysan.
Stephen Habtemariam oo 8-dii sano ee la soo dhaafay wakiil uga ahaa dalka Ereteriya UK, ayaa bishii February ee sanadkii 2015-kii u gudbiyay warqadii magacaabista boqorada Elizabeth, wuxuuna si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa safiirnimo.

Mukhtar Mohamed Atosh
Harun Maruf
Friday January 19, 2024
In early January 2017, journalist Shukri Aden Hussein received an anonymous call, conveying an order.
“Leave the government station,” the caller told her.
“It’s not a shame to be a journalist but go and work for the other local stations in the town,” the caller added.
Hussein, 27, said she knew who called her.
“The people who make the phone calls called me — I mean al-Shabab,” she said.
It has been documented that al-Shabab militants send threatening phone calls to journalists to influence their coverage, and to business owners to extort money from them.
Hussein said she did not take the call seriously initially, but things got real after a second phone call about a month later, while she was walking in the town center, in a busy area.
“We see where you are walking; consider yourself lucky if you make it to your home safe,” the caller said.
Hussein said she has never been that scared. She came home “sweating.”
“That night I was taken from our house; I slept [at] a relative family’s house; the next morning, I moved out to a safer area.”
Hussein has not been covering political and security issues at all. She chose to cover mostly social issues — health, education, sports and business — it’s what her family and some of her listeners encouraged her to do.
But what bothered the al-Shabab caller is her association with the regional government-run radio station, Radio Southwest, where she started her journalism career.
Shukri Ismail Ahmed does cover humanitarian affairs including security issues. But she says she treads cautiously.
The al-Shabab militant group has been blockading several towns for a long time as a punishment for supporting the government. The militant group has been attacking any persons, vehicles or donkeys smuggling food and goods into the besieged towns.
One of those towns is Huddur in the Southwest Bakool region where Ahmed was assigned to file a report. She said she covered the story of nomad women who defy al-Shabab and smuggle food into the town to sell to feed their families. If those women are caught by al-Shabab, the punishment will be death.
“The people we are covering are risking their lives, and they are smuggling these goods into the town carrying on their backs,” says Ahmed who works at Radio Bay and Bakool in Baidoa town, as well as Radio Ergo.
“You have to protect them, protect yourself, and at the same cover the story,” Ahmed said of the people taking risks to keep their loved ones alive.
The security threat is not exclusive to women journalists. Somalia has been one of the most dangerous places for journalists in the world. Dozens of journalists have been killed since 2007 when al-Shabab launched deadly violence against the Somali government and the troops from African countries supporting it.
Two media rights watchdogs say they documented at least eight incidents last year where journalists were killed, or injured, arrested, threatened and intimidated and their equipment confiscated.
According to the Federation of Somali Journalists of Somali Journalists and Somali Media Association, multiple journalists were arrested, some were mistreated, while two died, one of whom succumbed to injuries sustained from a car bomb five years earlier. The other died in an explosion from a person-borne device late last year, the two watchdogs said.
But women journalists also face specific challenges including cultural challenges and disparity at workplaces, activists say.
Farhia Mohamed Kheyre who chairs the Somali Women Journalists Organization says women have to deal with other obstacles that their male colleagues do not, including cultural challenges.
Some newsmakers and religious prefer to be interviewed by male journalists, she said.
She said this treatment makes women journalists feel “disappointed.”
“For instance, if a woman wants to interview a religious scholar it can be difficult to get them quickly.”
“It is possible that the religious scholar would say to the station why not send me a man. That makes women feel disappointed. They feel men are being preferred to get the information instead of them.”
Twenty-six-year-old journalist Anfa Aden Abdi says she has been at the receiving end of this treatment “multiple times” when she goes out to gather reaction from the crowds.
“It often happens when you are collecting vox pops and ask people’s view [on an issue],’” she said.
“They say you are a woman, why are you swinging this microphone, why are you outside, why not stay at home?” she said.
Abdi who now heads the gender desk at the Somali Journalist’s Syndicate, a media rights organization, said among the main issues is the lack of equal pay for male and female journalists – sometimes women earn 50% less than their male colleagues, despite making the same effort.
She said salaries and opportunities for training are always less for women than men.
Kheyre said this kind of treatment keeps women from advancing in their careers.
“They see that men always get opportunities, and that is why they got discouraged in hosting big programs or conducting high profile interviews with key newsmakers, and instead resort to social affairs issues.”
Kheyre whose organization has 273 registered female media members says she is focusing on the development of women journalists and improving equal opportunity in the workplace for men and women.
She said women journalists lag in training opportunities and holding key positions at media stations.
Next month, SWJO will be concluding a training that has been ongoing for 20 women in media ethics, editorial roles and administration, and they will be filling the need at stations with skilled female journalists, Kheyre said.
“They will also be self-reliant in case they want to set up their own stations or media production companies.”
Ahmed has become a trainer and helps produce the next generation of journalists.
“I train other journalists because this is the only skill I have now,” she said.
“I want to become an expert in journalism and to reach higher in the field and appear in international media.”
This report originally aired on Women’s Square, a VOA Somali Service radio program.
Jimco jan-19 2024-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay dalab ua yimid dawladda Itoobiya oo ahaa inay labada waddan kulmaan oo ay ka wada hadlaan sidii loo damin lahaa xiisada ka dhex aloosan.
Sida lagasoo xigtay ilo katirsan wasaaradda arrimaha dibbada Soomaaliya, raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, si ay labada hoggaamiye is-fahan uga gaaraan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay heshiiska Itoobiya ay Somaliland la sixiixatay.
Xog sidoo kale lagasoo xigtay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iska diiday codsigii ka soo gaaray dhinac xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheikh in wadahadal uu la galo, hase yeeshee madaxweynaha Soomaaliya ayaa shardi ku xiray in marka hore Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland ka hor inta uusan dhex marin wax wadahadal ah.
Itoobiya oo horey uga gaabsatay ka qeyb galka shirkii IGAD ee Kampala dhacay, ayaa wajahaysa cadaadis caalami ah oo kaga imaanaya beesha caalamka, kuwaas oo kasoo horjeestay heshiiska ay la gashay Somaliland.
Dhinaca kale, Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta shir caalami ah uga qeyb galaya magaalada Kampa, halkaas oo shalay lagusoo gabagabeeyay shirkii urur goboleedka IGAD.
Jimco jan-19 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”

Jimco jan-19 2024-{HMC} Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee kowdii bishan ku dhexmaray Addis Ababa madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo raai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa waxaa arrintan ka dhashay xiisad xooggan.
Dalal iyo ururo kal duwan ayaa ka hadlay heshiiska, waxayna inta badan muujiyeen sida loogu baahan yahay in la xushmeeyo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa markii uu soo baxay heshiiskan waxaa markiiba ka soo baxay qoraalo iyo hadalo ay ku muujinayaan inay kasoo horjeedaan heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.
2-dii Janaayo
Maalin uun ka dib markii heshiiskaasi is-afgaradka ah la shaaciyay ayuu Mareykanka bayaan ka soo saaray.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.
3-dii Janaayo
3-dii bisha Janaayo ayuu Mareykanku mar kale ka hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.
Mar kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Matthew Miller, oo qabanayay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay su’aalaha la xiriira mowqifka Mareykanka ee heshiiska isaga oo sheegay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay wararka ka imanya gobolka.
“Waxaan ku biirnay saaxiibada kale si aan u muujino walaaca halista ah iyo sidoo kale xiisadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu yiri Miller.
Waxa uu carabka ku adkeeyay sida Maraykanku rumeysan yahay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu qeexay “xuduudihii 1960-kii”.
Mar wax laga waydiiyay in Mareykanku uu rumeysan yahay in heshiiska la baabi’iyo, afhayeenku wuu ka gaabsaday jawaab toos ah, isagoo ku celceliyay baaqa ku aaddan dadaal dublamasiyadeed .
“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.” ayuu yiri Miller.
16-kii Janaayo
Isla 16 kii bishan Janaayo ayuu mar kale Mareykanka ka hadlay halista uu amniga gobolka ku yeelan karo heshiiska badda ee u dahx maray Somaliland iyo Itoobiya.
John Kirby, oo ah isuduwaha xiriirka istiraatijiyada ee Golaha Ammaanka Qaranka, ayaa u sheegay warbaahinta in aqoonsiga ay Somaliland ay siiso Itoobiya “uu halis gelinayo” dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo gacan saar la leh ururka l-Qaacida.
“Xaqiiqdii hadda aad ayay noo dhibeysaa waxa lagu soo waramayo,” ayuu ka yiri heshiiska. “Waxaan taageereynaa madaxbanaanida Soomaaliya iyo madaxbanaanideeda dhuleed, waana in la ixtiraamo.”
18-kii Janaayo
18 ka bishan January oo shalay ku beegnayd ayaa mar kale Mareykanka uu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiska toobiya iyo Somaliland ee muranka badan ka dhashay.
Mike Hammer oo ah ergeyga Mareykanka u qaabilsan gobolka Geeska Afrika oo xalay ka hadlayay shir-madaxeedkii 42-aad ee madaxda urur goboleedka IGAD, ayaa sheegay in mowqifkoodu uu yahay mid cad islamarkana “ay Somaliland u arkaan gobol soomaliya ka tirsan”.
“Sida aan marar badan ku cecelinay Mareykanka waxa uu aqoonsan yahay madaxbanaanida, Midnimada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay Somaliland, waxaan aaminsanahay in arrinta Somaliland ay tahay mid quseeysa dadka Soomaalida oo keliya ah”
Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay in heshiiska is afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland ay Al-shabaab ka dhiganeyso marmarsiiyo ay ku helaan dagaalyahanno cusub.
“Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay in heshiiska is-afagaradka uu qal-qal geliyay dagaalka dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda ee uu Mareykanka ka mid yahay kula jiraan Al-shabaab, waxaan durbaba aragnay calaamado muujinaya in Al-Shabaab ay heshiiska is afagaradka ay marmarsiyo ka dhiganeyso si ay dagaalyahano cusub u qortaan , Waa arrin amni oo muhiim u ah Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan labada dhinacba ku boorrineynaa inay iska ilaaliyaan tallaabooyinka xaaladda sii adkeyn kara”
Maraykanka ayaa waxaa uu galaangal xooggan ku leeyahay siyaasadaha iyo arrimaha ammaanka ee dalalka Soomaliya iyo Itoobiya.
Maxaa lagu heshiiyey?
Si rasmi ah looma shaacin qodobbada heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo dad badan ay qabaan in ay jahwareer keentay maaddaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabaha ay tilmaameen in ay ku heshiiyeen labada dhinac.
Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac ay hadda doonayaan in loo badello heshiis sharci ah, ayaa waxaa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u oggolaato in ay badda ka dhisato dekad ganacsi.
Somaliland waxaa kale oo ay sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay.
Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradda Ethiopian Airline, oo ah shirkad duullimaad oo dowladdu ay leedahay.
Laakiin halka arrinta adag ay ka jirto ayaa ah in Itoobiya ay sheegtay in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-bannaan, tallaabadaas oo aanay jirin waddan kale oo sameeyey 30-kii sannadood ee Somaliland ay tilmaantay in madax bannaanideeda ay Soomaaliya kala soo laabatay.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii saxiix heshiiska kadib khudbada uu jeediyay ku sheegay in Itoobiya ay u aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan.
Itoobiya ma aysan xaqiijin arrintan, balse waxaa ay caddaysay in heshiiska is-afgaradka, ay ku jiraan qodobbo “sharci oo ah in si qoto dheer loo qiimeeyo mowqifka ku aaddan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsiga”.