Axad jan-14 2024-{HMC} Jaaliyadda reer Awdal “Dadka u horreeyo ee u dhimanayo difaaca Badda waa annaga
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 14/01/2024
Axad jan-14 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan
Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys Isaaq
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
R/W Xamza oo Muuse Biixi ku macneeyey talo xumadii FIRCOONR/W Xamza oo Muuse Biixi ku macneeyey talo xumadii FIRCOON
Axad jan-14 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta si adag ugu hanjabtay dowladda Itoobiya, isagoo farriin culus u diray shacabka ku nool deegaanada Somaliland, halka weerar culus uu ku qaaday madaxda Somaliland oo Muuse Biixi uu ugu sareeyo.
Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay walaalaha Soomaaliyeed ee gobollada Waqooyi ee Somaliland inay u istaagaan difaaca dalka meel kasta oo ay joogaan, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damadac Itoobiya.
“Dadka Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya degan ee Somaliland, waxaan leeyahay 30 sano ka hor ayey dhaanka idiin rareen odayaasha idin hoggaamiya, ilaa hadda meel ay idin geeyaan ayey la’yihiin, been ayey idiin sheegeen walaalihiin Soomaaliyeedna waa idinka jareen,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.
R/Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, sidoo kale wuxuu balan qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn sii doonto horumarinta waxbarashada dalka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa aad u weeraray madaxda Somaliland isagoo sheegay inay Oromo sheegteen iyagoo ka cararaya Soomaalida walaalahood ah, “Oromo nagaa, ayey idin geeyeen 30 sano kadib, jinsiyadii ayey idinkaga dheeleen, dhulkiiniina waa dhiibeen,” ayuu yiri Xamsa oo maanta farriintaan u diray shacabka gobollada waqooyi.
“Dhulkii aad diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan, Addis Ababa ayuu Muuse Biixi Xabashi ugu saxiixay, Muuse siduu u sii waday reerkiisa Oromo ayuu dalaq siiyey.”
Xamza oo soo daliishay Aayad Qur’aan ah ayaa sheegay in Fircoon uu hadda ka hor halaag ku hoggaamiyey dadkii qaadan jiray amaradiisa ee hoggaanka uu u hayey, hadana Muuse Biixi uu dadkiisii qiimaha badnaa Xabashi ku daray, sida uu hadalkiisa u dhigay.
“Shacabka Somaliland waxaan leeyahay waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari laheydeen odayaasha idin hoggaamiya,” ayuu yiri Xamza.
Sidoo kale R/Wasaaraha ayaa shacabka gobollada waqooyi uga mahad celiyey sida ay u diideen in dhulkooda la bixiyo, “Inta yar ee wali lasii qaldayo waxaan leeyahay odayaashaan isaga hara meesha ay idin gaarsiiyeen waad aragtaane, shacabow dalka idinkaa masuul ka ah ee difaacda, waa fashilmeen kuwii aad talada u dhiibateen,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu Itoobiyaanka uga digay damaca ay ku raadinayaan dhul Soomaaliyeed, wuxuu u cadeeyey intaasi aysan dhici doonin, isagoo wacad ku maray in sharciga hadii ay soo dhaafay ay Soomaalidu gacan ula tegi doonto Itoobiya.
Dalkii ugu horreeyay ‘oo ku gacan seyray’ shirka IGAD ee xiisadda badda
Axad jan-14 2024-{HMC} Dowladda Sudan ee ay ciidamadu maamulaan ayaa diiday casuumaad la xiriirta in ay ka qeyb-galaan shir madaxeedka dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda.
Shirkaan ayaa waxaa dhawaan iclaamiyay madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, isaga oo markaas ku baaqay in shir deg-deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa qorshuhu yahay in looga jawaabo baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya, hase yeeshe dowladda Sudan ee ciidamadu maamulaan ayaa ka qeyb-gali doonin, halka garabka ay is-hayaan ee RSF uu sheegay in uu ka qeyb-gali doono shirkaasi.
IGAD ayaa marar badan isku dayday inay dhex-dhexaadiso Generaalada isku haya Sudan, hase yeeshe waxaa taasi ka caga jiiday dowladda Burhaan.
Shirka loo madlan yahay 18-ka bishaan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, ayada oo dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale horey u soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiskaas, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharci Baarlamaani ah oo burinaya is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.
Si kastaba, Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door fir-fircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.
Musharraxa Soomaaliya ee doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo la shaaciyay
Axad jan-14 2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaan Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan u soo xulatay musharraxa Soomaaliya ee tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee xoojinta doorka aan ku leennahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolka, ayaa waxaa Xildhibaan Fawzia Yusuf Haji
Adam, ay ku matali doontaa dowladda Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika {African Union Commission} ee Sanadaha 2025-2028.” ayaa lagu yiri
qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaliya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen hore
Fawsiya Xaaji Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, aheyd gabadha kaliya ee ka qeybgashay doorashadii ugu dambeysay madaxweynaha Soomaaliya.
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Axad jan-14 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Al shabaab ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

{DAAWO SAWIRADA} Shil sababay dhimashada 11 Qof oo ka dhacay Magaalada shabeeleey ee Maamulka DDS
Axad jan-14 2024-{HMC} Shilkan oo ay sababeen laba gaari oo Isku dhacay oo kala ah Mini-bus siday rakaab kana ambabaxay dhanka magaalada Jigjiga iyo Iskarogo nooceedu yahay sino truck oo ka timid dhanka shabeeleey,
inkabada 11 qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawcmay in kabadan 12 kale sida ay warbaahinta u sheegeen Ciidamada booliska iyo Madaxa ciidanka ilaalada amniga wadooyinka booliska gobolka faafan G/le Shaafi Carab Maxamed.
Sargaalka ayaa sheegay in Baarista kiiska shilku socdo Lana wadaagi doonaan bulshada siduu u dhacay iyo guud ahaan khasaaraha uu sababay ee naf iyo maaleh.
Dadkii ku dhawacmay shilka ayaa dhawacooda waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaaliya si halkaas loogu fidiyo gargaar caafimaad.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo tartanka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Soomaaliya ku matalaysa
Axad jan-14 2024-{HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, u dooratay inay ku metasho Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Sanadaha 2025-2028.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay tallaabadan qeyb ka tahay xoojinta doorka ay ku leedahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolkaba.
Xildhibaan Fowsiyo ayaa horey usoo noqotay wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Soomaaliya, ahna raysal wasaare ku xigeen, sanadihii 2012/2013.
Waxay hadda muddo toban sano ka badan kamid tahay baarlamaanka Soomaaliya.
Sanadkii 2022 waxay noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horraysay oo ka qeyb gasha tartanta madaxweynaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya marna masoo qaban xilkaan tan iyo sanadkii 2002 oo ahayd markii si rasmi ah loo daafuray ururka Midowga Afrika.
Shan xubnood ayaa isaga kala dambeeyay jagooyinka guddiga Midowga Afrika. Waxayna kala yihiin; Amara Essy (Ivory Coast), Alpha Oumar Konare (Mali), Jean Ping (Gabon), Nkosazana Diamini- Zuma (South Africa) iyo Musse Faki Mohamed (Chad).
Two Navy SEALs are missing after a night mission off the coast of Somalia

Sunday January 14, 2024
BY LOLITA C. BALDOR AND TARA COPP
WASHINGTON (AP) — Two U.S. Navy SEALs are missing after conducting a nighttime boarding mission Thursday off the coast of Somalia, according to three U.S. officials.
The SEALs were on an interdiction mission, climbing up a vessel when one got knocked off by high waves. Under their protocol, when one SEAL is overtaken the next jumps in after them.
Both SEALs are still missing. A search and rescue mission is underway and the waters in the Gulf of Aden, where they were operating, are warm, two of the U.S. officials said.
The U.S. Navy has conducted regular interdiction missions, where they have intercepted weapons on ships that were bound for Houthi-controlled Yemen.
The mission was not related to Operation Prosperity Guardian, the ongoing U.S. and international mission to provide protection to commercial vessels in the Red Sea, or the retaliatory strikes that the United States and the United Kingdom have conducted in Yemen over the past two days, the official said Saturday. It was also not related to the seizure of the oil tanker St. Nikolas by Iran, a third U.S. official said.
The officials spoke on the condition of anonymity to discuss details that have not yet been made public.
Besides the defense of ships from launched drones and missiles shot from Houthi-controlled areas of Yemen, the U.S. military has also come to the aid of commercial ships that have been the targets of piracy.
In a statement Saturday, U.S. Central Command said that search and rescue operations are currently ongoing to locate the two sailors. The command said it would not release additional information on the Thursday night incident until the personnel recovery mission is complete.
The sailors were forward-deployed to the U.S. 5th Fleet area of operations supporting a wide variety of missions.
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha XFS;Kenya waan uga mahadcelinayaa sida ay ay u garab istagtay..
Axad jan-14 2024-{HMC} Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha XFS;Kenya waan uga mahadcelinayaa sida ay ay u garab istagtay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA



