Home Blog Page 2958

Mareykanka oo qaaday tallaabo ka careysiisay Dowlada Shiinaha

0

Isniin jan-14 2024-{HMC}  Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu u diray “fariin aad u qaldan” kuwa dalbanaya madax bannaanida Taiwan, kadib natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday Sabtidii.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Taiwan William Lai kadib markii uu ku guuleystay doorashada, waxaana Beijing ay ku tilmaantay fariintaasi mid xadgudub ku ah Washington iyada oo khalad ku tilmaantay in uu xiriir aan toos ahayn la yeesho Taiwan.

Lai oo ah hoggaamiyaha cusub ee la doortay ayaa waxa uu ballan qaaday in uu Taiwan ka ilaalinayo waxa uu ku tilmaamay gardarrada sii kordhaysa ee Shiinaha, halka Beijing ay u aragto Taiwan in ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, si adagna ay ula dagaalanto dowlad kasta oo si kale tilmaan uga bixisa ama u muujisa in ay tahay dal gooni ah.

Dhambaal hambalyo ah oo loo diray hoggaamiyaha cusub ee Taiwan ayaa doorashada kadib ka soo wada baxay caalamka oo dhan, waxaana ka mid ahaa dadkii dhambaalka diray Blinken, kaas oo ku nuuxnuuxsaday iskaashiga u dhexeeya Taipei iyo Washington, isaga oo uu sheegay in uu salka ku hayo qiyamka dimuqraadiga ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan la shaqeyno Lai iyo hoggaamiyeyaasha dhammaan dhinacyada Taiwan si aan u horumarino danaha iyo qiyamka aan wadaagno,” Blinken ayaa ku yiri hadal uu soo saaray, isagoo ku muujiyay in Mareykanka, oo ka mid ah xulafada ugu weyn Taiwan, ay “ka go’an tahay inuu ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida guud ahaaneed.”

Hadalka Blinken ayaa dhaleeceyn ba’an ka dhaliyay Beijing, taasoo u aragta hadal kasta oo lagu taageerayo Taiwan inuu la mid yahay sharciyeynta musharax iyo xisbi siyaasadeed oo Beijing ay u aragto koox gooni u goosad ah oo rajeynaysa inay Taiwan u beddesho dal madax bannaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hambalyada Blinken ay jabisay ballan qaadkii Mareykanka ee ahaa in “xiriir dhaqanka, ganacsiga iyo kuwa kale ee aan rasmiga ahayn” uu la yeelanayo oo kaliya Taiwan.

Waxyaabaha Mareykanku uu ka daneynayo Taiwan

Waxaa jira sababo siyaasadeed, oo uu Mareykanku ku daneynayo xiriirkiisa Taiwan, waxaana kamid ah, dhaqaalaha iyo dhaqanka, sida ay khubarradu sheegayaan.

“Siyaasad ahaan, waxay gacan ka geysaneysaa ilaalinta nabadda iyo xasilloonida adduunka iyo in Taiwan ay sii ahaato dimoqraadiyad xor ah oo caddaalad ah sida ay hadda tahay,” ayuu yiri Lev Nachman, oo ah saynisyahan siyaasadeed iyo kaaliye borofeysar oo ka tirsan Jaamacadda National Chengchi ee Taipei.

“Dhaqaale ahaan, Taiwan waa mid ka mid ah la hawlgalayaasha ganacsiga ugu muhiimsan ee Maraykanka, iyo mid ka mid ah qaybaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee midka caalamiga ah.”

Dhaqan ahaan, Nachman wuxuu yiri, “waxa uu maalin walba shaqsiga Maraykanka ah doonayo wuxuu la mid yahay waxa qofka Taiwanese-ka ah uu doonayo, kaas oo ah inay awood u yeeshaan in ay ka dhabeeyaan riyo kasta oo ay leeyihiin oo ku saleysan hab nololeedkooda”.

Waa maxay asal ahaan khilaafka ka dhashay arrinta Taiwan

Arrintu waxay dib ugu noqonaysaa ku dhawaad 75 sano, waa ilaa 1949-kii, markii Xisbiga talada haya ee Nationalist Party ee uu hoggaaminayay Gen Chiang Kai-shek uu ka adkaaday Xisbiga Shuuciga ee Mao Zedong ee Dagaalkii Sokeeye ee Shiinaha.

Dowladdii laga adkaaday ee loo yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha, waxay u bexeen Taiwan, oo ah jasiirad 100 mayl u jirta koonfur bari ee xeebta Shiinaha. Magaalada Beijing, Mao ayaa isna waxa uu aasaasay dowlad u gaar ah, taas oo ilaa maanta loo yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha. Labaduba waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowladda kaliya ee sharciga ah ee Shiinaha.

Awoodda millitari ee Shiinaha ayaa si weyn kor ugu kacday tobannaankii sano ee la soo dhaafay, waxayna cadaadis ku tahay Taiwan.

Dhanka Beijing marka loo eego, dimoqraadiyadda Taiwan ma aha mid dumineysa madax bannaanida Shiinaha.

Hase yeeshee, Shiinuhu waxa uu u arkaa hadal kasta oo lagu taageerayo Xisbiga Dimuqraadiga in uu yahay mid sharciyad siinaya siyaasiyiinta, kuwaas oo Beijing ay u aragto koox gooni u goosad ah oo rajeynaya in ay Taiwan u rogaan dal madaxbannaan.

Isha: BBC SOMALI

Somaliland ‘oo qiil yaab leh u sameysay’ xariga wasiirkii diiday damaca Itoobiya

0

Isniin jan-14 2024-{HMC}  Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga loo gaystay wasiirkii hore ee beeraha ee maamulkaasi, Axmed Muumin Seed oo xalay ciidanka ay soo qabteen, kuna xireen magaalada Hargeysa.

Booliska ayaa ‘qiil yaableh u sameeyay’ xarigga wasiirka oo diiday heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib wareysi uu siiyay MM-TV.

Afhayeen u hadlay Booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Axmed Muumi Seed uu soo dacweeyay muuwaadin, dacwaddaasna aytaallo maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof shicib ah oo lamid ah oo muwaadin ahna wuu dacweynayay, waxayna taallay dacwaddaa maxkamadda, isagana waa ku qanacsan yahay marka waa qaabkaas dacwadda” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Somaliland

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in looo xiray diidmadiisa ku aadan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in loo haysto kiis lacag ah.

“Haddii wax kale la sheegayo annaga ma ogin, laakiin waxa loo haystaa waxaa weeye kiis uu maxkamadda ka damiintay oo lacag ah, lacagtaas dadkii dhibanaha ahaa waxay soo goosteen warqad waaran ah oo lagu qabanaayo ninkaas” ayuu ma kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in xiridiisa ay amartay maxkamadda degmada, sidaasna ay kusoo xireen ciidamada Booliska Somaliland.

“Wax siyaasad ah oo uu ninkaas u xiran yahay ma jirto Axmed Muumin Seed baa la dhahaa wuxuu ku xiran yahay waaranka maxkamadda degmada, waxaana idin tusin doonaa oo caddeyn ah waarankii aan ku qabtay ninkaas oo hadda ku xiran saldhiga” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, wasiirka xalay la xiray ayaa wareysi uu siiyey MM-TV wuxuu ku soo qufay taariikh fog oo qarnigii hore ay sidaan oo kale Itoobiya u damacday inay dhacdo badda Soomaaliya, isagoo sheegay in qarnigii hore gumeystihii Talyaaniga uu Boqorkii Itoobiya weydiistay inuu ku wareejiyo badda Seylac.

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo qiratay cadaadis xoogan oo ay la kulmeyso ka dib damaceeda biyaha soomaaliya.

0

Isniin jan-15 2024-{HMC} Itoobiya oo qiratay cadaadis xoogan oo ay la kulmeyso ka dib damaceeda biyaha soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} DEG_DEG Somaliland oo xirtay wasiir shaaciyey qorshe sir ah oo la xiriira heshiiska badda

0

Isniin jan-15 2024-{HMC} DEG_DEG Somaliland oo xirtay wasiir shaaciyey qorshe sir ah oo la xiriira heshiiska badda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO}Warka Subaxnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn 15/01/2024

0

Isniin  jan-14 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Mustaf Cali Caddow

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ninka ay sirdoonka Israel ugu doonista badan yihiin oo ka soo muuqday tacsida qoys Soomaali ah

0

Isniin jan-15 2024-{HMC}  Xaafada Masayla oo ka tirsan magaalada Doxa ee dalka Qadar – halka ay ka mudan tahay teendhada tacsida alaha u naxariistee Cabdixamiid Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi, ayaa waxaa tagaya dad maqaam ku dhex leh bulshada oo u badan culimo.

Balse dadkii soo muqday goobta tacsida ayaa waxaa kamid ah nin ay aad u doondoonayaan sirdoonka waddanka Israa’iil – Ismaaciil haniyaha oo ah madaxa garabka siyaasadda ee Ururka Xamaas, sida uu BBC u xaqiijiyay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi oo ku sugnaa goobta.

“Wuu noo yimid goobta loo fadhido tacsida, wuu noo tacsiyeyey gaar ahaan Sheekh Cabdirishiid iyo qoyska oo dhan iyo aniga wuxuu nala joogay saacad ku dhawaad,maqribkii ayuu nala tukaday waaana noo duceeyey” ayuu yiri Cabdixakiin.

Waxaa booqashada gogosha tacsida ku wehliyay Ismaaciil Haniya, Khaalid Mashcal oo ahaa madaxii hore ee garabka siyaasadda Xamaas hadana qayb ka ah madaxda uruka.

“Wax weyn ayey noo ahayd qoys ahaan in iyaga oo xaalad adag ka socoto Qasa in Madaxdoodii tacsi noogu yimaadee wayba na ilowsaysiisay wixii nagu dhacay waana wax weyn” ayuu intaas ku daray Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi oo qaabilaya Ismaaciil iyo ragii kale ee la socday. Muuqaalkaas ayaa waxaa duubay nin dhallinyaro ah oo kamid ah dadka agdhaw Sheekh Suufi oo lagu magacaabo Xasan Cabdalla Sanka.

Sanka wuxuu sheegay in markii ay soo galeen goobta Ismaaciil iyo Khalid in hal mar la wada kacay markii ay soo galeen goobta si garaa ay dadku ugu farxeen goobta joogay.

Hugaamiyaasha sar-sare ee Xamaas ayaa degan dalka Qadar, iyaga oo nabadgalyo shaqsiyadeed joogista dalka yar ee Qadar.

Dhanka kale dalka Qadar waxaa ku nool qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed sida Sheekh Cabdirashiid oo ah qaari aad loo jecel yahay codka uu quraanka ku aqriyo, isaga oo imaam ka noqda inta badan masaajidda.

Gudashada waajibaadka diiniga ah, gaar ahaan salaadda ayaa noqtay sabab ay kulansiisay culimada iyo hugaamiyaasha Xamaas sida uu noo sheegay Cabdixakiin.

“Ismaaciil Haniyah iyo Khalid Mashcal labadu Sheekha Cabdirishadiid ayey la tukadaan bisha Ramadan taraawiixda iyo tahajudka waana is naqaanay mar hore,” ayuu BBC da u sheegay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

Dhanka kale Sheekh Xasan Waajidi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Qadar ayaa qudhiisa sheegay in xiliyo badan uu kula tukaday Masjidka uu iimaanka ka yahay Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ninka madaxda ka ah ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Isha: BBC

ATMIS trains police officers on child protection in peace support operations

0

Mogadishu, 14 January 2024 {HMC} –Thirty police officers serving with the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on Friday completed a weeklong training on how to protect and promote the welfare of children in armed conflict.

The training organised by ATMIS Protection, Human Rights, Gender (PHRG) Division for the Uganda Formed Police Unit (FPU) personnel, was to support the Federal Government of Somalia’s efforts in safeguarding and advancing the rights and welfare of children.

“I would like to reiterate the commitment of ATMIS to supporting to the Government ofSomalia and its people in the promotion and the protection of the rights and welfare of children especially at this critical time of drawdown and handovers,” said the ATMIS Deputy Force Commander in-charge of Operations and Plans, Maj. Gen. Marius Ngendabanka, during the opening of the workshop in Mogadishu.

ATMIS Deputy Force Commander in charge of Support and Logistics Major General Peter Muteti echoed the AU Mission’s commitment to developing capacities of Somali Security Forces to ensure smooth transfer of security responsibility.

“As ATMIS, we remain committed to ensuring that we develop capacities both for our own personnel as well as Somali National Army (SNA) and Somali Security Forces (SSF) because knowledge is power and a tool that enables us to achieve quality effects and performances,” observed Maj. Gen Muteti.

The Acting Head of ATMIS PHRG Division, Dr. Omar Alasow, noted that the training covered a range of topics including children’s rights, international humanitarian law, human rights law and national legal standards protecting children’s rights in armed conflict among others and urged the participants to cascade the knowledge gained from the training to Somali Security Forces.

ATMIS Senior Protection and Human Rights Officer, Gloria Jasse, emphasized the significance of protecting the rights of women and children and other vulnerable groups as ATMIS continues to hand over security responsibilities to Somali Security Forces.

“We did this training to enhance the knowledge of our peace support operations personnel on mainstreaming child protection and promoting their rights and welfare in all activities they undertake during this period,” said Jasse.

Participants described training as timely coming at a time when ATMIS has intensified its efforts of helping the Federal Government of Somalia develop a strong security force capable of security Somalia after ATMIS exits.

“Children in conflict regions face challenges that are largely overlooked; their voices are seldom heard. It is very important to address their needs, especially regarding their rights,” said Corporal Bidok Phoebe who has served in the Uganda Police Force for 16 years.

“I have learnt that children suffer most in cases of armed conflicts including illegal inclusion in the war as child soldiers, they are the victims of maiming and killing, child trafficking and abductions,” noted Police Sergeant Cosmas Onenge.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 14/01/2024

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu yahay U jeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Gaaray Magalada Dhuusamareeb?

0

Axad jan-14 2024-{HMC}  Maxuu yahay U jeedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Gaaray Magalada Dhuusamareeb?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre” Ethiopia taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ma imaa karto”.

0

Axad jan-14 2024-{HMC}  Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre” Ethiopia taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ma imaa karto”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA