Axad jan-14 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; IQRA Abdulaahi IYO Mustaf Ali
Farsamadii : Kaafi Cismaan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo
Axad jan-14 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; IQRA Abdulaahi IYO Mustaf Ali
Farsamadii : Kaafi Cismaan
Axad jan-14 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Piem Mario Dacco’ Coppi.
Xamse Barre iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen kaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Talyaaniga oo horey usoo gumeestay Koonfurta Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga Soomaaliya ka fuliyeen mashaariic kala duwan ay ku jiraan kuwa horumarineed.
Axad jan-14 2024-{HMC} Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in soo dhaweynta madaxweynaha iyo wagdigiisa ay ka socoto garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb, halkaasoo ay buux dhaafiyeen shacab iyo madax kala duwan.
Amniga guud ee magaakada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray wadooyinka qaar, iyadoo ciidamadda Koofi Casta madaxtooyada ay ilaala ka hayaan magaalada.
Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu halkaasi dib uga bilaabo gulufka dagaal ee ku foorara kooxda Al-Shabaab, qorshaha ayaa ah in kooxda laga xoreeyo deegaanada ah ka joogaan Galgaduud iyo Mudug.
Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxweynaha Galmudug iyo taliyayaasha ciidamadda, iyadoo laga wada hadli doono qorshaha dagaal ee Shabaab oo deegaano yar kaga sugan Galmudug.
Axad jan-14 2024-{HMC} Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa loo qaybiyey wax ka beddelka xeerka doorashooyinka
Axad jan-14 2024-{HMC} WAR DEG-DEG AH: Ciyaartoydda Xulka KGS oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo
Axad jan-14 2024-{HMC} Caalimka Gobolka Awdal oo ka hor yimiday in Badeena la siiyo Cadow
Axad jan-14 2024-{HMC} Maxkamada rafcaanka gobolka Banaadir oo la horgeeyay eedeysanayaal loo haysta masuq maasuq
Axad jan-14 2024-{HMC} Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo isaga tagay Muqdisho iyo xulka Hirshabelle oo ku faraxsan arintaas
Axad jan-14 2024-{HMC} Tiro dad ah oo Demada buulo-Burte ugu geeriyooday Cuduro ka dilaacay.
Axad jan-14 2024-{HMC} Wasiirro iyo Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo kahor yimid Heshiiskii Bada ee Adis Ababa