Home Blog Page 2962

Itoobiya oo qiratay culays soo wajahay kadib heshiiskii BADDA

0

Axad jan-14 2024-{HMC}  Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markii u horreysay qiratay culays xoogleh oo kasoo wajahay dhanka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay heshiiskii is-afgaradka lagu sheegay ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaaliland.

Faysal Rooble oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay guul weyn kasoo hoysay dhinaca diblomaasiyadda, ayna heshay taageero weyn.

“Natiijada ugu muhiimsan waxaa weeye in dalal badan ay si dal ahaan arrintan Soomaaliya ku garab istaageen, Mareykanka ha noqoto, Ingiriiska, Sacuudiga iyo kuwa kale oo badan intaa waxaa dheer ururada sida IGAD, Midowga Afrika, ururka Islaamka, ururka Carabta iyo ururka Midowga Yurub intuba inay Soomaaliya is garab taageen” ayuu yiri Faysal Rooble.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddii uu garab istaaggu yahay wax weyn oo la tirsan karo maanta guushaas Soomaaliya waa ay haysataa”.

Aqoonyahan Faysal Rooble ayaa xusay in arrintan ay culays ku keentay dowladda Itoobiya ayna qireen ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo madaxwweynaha dalkaasi Sahle-Work Zewde.

“Waxaa markii ugu horreysay uu qirtay ra’iisul wasaare ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya in culays badan saaran yahay xagga adduunka, siyaasadda iyo arrimaha ku geedaaman inuu qirasho ka sameeyay in culays xoogan uu saaran yahay” ayuu mar kale wareysiga ku yiri falanqeeye Faysal Rooble.

Sidoo kale wuxuu yiri”Waxaa kale oo iyana saas oo kale culayskaas u qiratay Soomaaliya kusoo wajahday dowladda Itoobiya madaxweynaha dalkaas marwo Sahle-Work Zewde”.

Faysal Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in guushan ay ku timid dadaalka ay sameysay dowladda federaalka, kaas oo culays dhanka dibadda ah u horseeday dowladda Itoobiya.

“Ololihii ay dowladdu gashay natiijadeeda waynu aragnaa, maadaama ay Itoobiya qiratay inuu culays wayn saaran yahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maxay tahay fariinta Qarsoon ee Maraykanku u diray Iran ka dib weerarkii saldhigyada Xuutiyiinta?

0

Axad jan-14 2024-{HMC}  Madaxweyne Biden waxa uu sheegay in Maraykanku uu Iran u gudbiyay fariin gaar ah oo ku saabsan Xuutiyiinta Yemen ka dib markii Maraykanku uu duqayn labaad ku qaaday kooxda.

“Waxaan u gaarsiinay si gaar ah, waxaana ku kalsoonnahay inaan si wanaagsan u diyaarsannay,” ayuu yiri isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Maraykanku waxa uu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu ahaa tallaabo dabagal ah oo lagu bartilmaameedsaday raadaarka.

Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerarada Xuutiyiinta ee ka socda Badda Cas.

Tehran ayaa looga shakisan yahay in ay hub siiso Xuutiyiinta, wuxuuna Maraykanku sheegay in sirdoonka Iran uu muhiim u yahay in ay bartilmaameedsadaan maraakiibta.

Duqeymaha cirka ah ee ay si wadajir ah u fuliyeen UK iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday ku dhawaad 30 goobood oo Xuutiyiinta ay ku sugnaayeen saacadihii hore ee Jimcihii iyaga oo taageero ka helaya xulafada reer galbeedka oo ay ku jiraan Australia iyo Canada.

Maalin ka dib, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in uu fuliyay weerarkii ugu dambeeyay ee goob raadaarka Xuutiyiinta xarun u ahayd ah gudaha Yemen kaas oo loo adeegsaday gantaalada dhulka ee Tomahawk.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymahaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan awoodda kooxda ee ah in ay weeraraan maraakiibta.

Xuutiyiintu waa koox hubaysan oo ka tirsan koox-hoosaad ka tirsan Shiicada Yemen ee laga tirada badan yahay ee Muslimiinta ah, Zaidiyada.

Inta badan Yemeniyiinta ayaa ku nool meelaha ay Xuutiyiinta maamulaan. Sidoo kale Sanca iyo waqooyiga Yemen, Xuuthiyiinta ayaa maamula xeebta Badda Cas.

Hadalka rasmiga ah ee dawladaha reer galbeedka ayaa ah in duqeymaha cirka ee socda ee bartilmaameedyada Xuutiyiinta ay aad uga duwan yihiin dagaalka Gaza.

Waxay yihiin “jawaab lagama maarmaan ah oo laga siman yahay” oo ku wajahan weerarrada aan la aqbali karin ee Xuutiyiinta ee maraakiibta ganacsiga ee badda cas, ayay yiraahdeen.

Yemen iyo guud ahaan Carabtaba si kale ayaa looga arkaa.
Waxaa loo arkaa inay Mareykanka iyo Ingiriiksa ku biirayaan dagaalka Qasa ee dhinaca Israel, tan iyo markii Xuutiyiinta ay ku dhawaaqeen ficiladooda inay garab taagan yihiin Xamaas iyo shacabka Qasa, balse aragtiyo ayaa leh reer galbeedku waxay sameynayaan dalabka Netanyahu.

Waxaa weli suurtagal ah in duqeymahan cirka ah ay saameyn qabow ku yeeshaan Xuutiyiinta. Waxaa hubaal ah inay hoos u dhigi doonaan awooddooda ay ku weerari karaan maraakiibta muddada gaaban.

Laakiin inta ay sii dheeraadaan duqeymahan cirka ah, waxaa sii badanaya khatarta ah in Mareykanka iyo Ingiriiska ay galaan colaad kale oo Yemen ah.

In ka badan 8 sano ayay ku qaadatay Sucuudiga in ay isaga soo baxaan halkaas ka dib markii ay soo farageliyeen dagaalka sokeeye ee dalkaas Xuuthiyiinta ayaana hadda sii xoogaysanaya sidii hore.

Qiyaastii 15% ganacsiga caalamiga ah ee badaha ayaa mara badda cas, ayuu yidhi Maraykanku. Tan waxaa ku jira 8% badarka caalamiga ah, 12% saliidda badda iyo 8% gaaska dabiiciga ah ee dareere ah ee aduunka.

Maraykanka ayaa sheegay in kooxdu ay ilaa hadda isku dayeen in ay weerar ku qaadaan oo ay dhibaateeyaan maraakiibta ku sugan badda cas iyo Gacanka Cadan 28 jeer.

Qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa tan iyo markii ay shaqada ka joojiyeen gobolka, halka kharashka caymiska uu kor u kacay 10 jeer tan iyo horraantii Disembar.

London iyo Washington ayaa taageeray Israa’iil ka dib weerarradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas oo ay ku dhinteen ilaa 1,300 oo qof, ilaa 240 kalena lagu qafaashay.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Danab ee Puntland oo la wareegay Koontaroolka Koonfureed ee Magalada Garawe

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Ciidamada Danab ee Puntland uu hoggaamiyo sargaal horey uga tirsanaa ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Jimcaale Takar ayaa caawa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay qeybo kamid ah magaalada Garawe ee caasimadda Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka taqaan isbitaalka lagu daweeyo madaxweynayaasha Maraykanka.

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Markii ugu Horeysay ka hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi u hogaminyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo yimid Garoowe caleemo saarka saciid Deni

0

Axad jan-14 2024-{HMC}  Wafdi u hogaminyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo yimid Garoowe caleemo saarka saciid Deni

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Warsheekh oo lagu doortay Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Magaaladaas

0

Axad jan-14 2024-{HMC}  Warsheekh oo lagu doortay Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Magaaladaas

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Nin Soomaali ah oo u dagaalamayay Ruushka oo lagu qabtay UKRAINE

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay nolosha ku qabatay koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka.

Ragga nolosha lagu qabtay ayaa waxaa kamid noqday muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, sida ay warisay warbaainta Ukraine.

Ninkan Soomaaliga ah iyo rag kale ayaa la qabtay, iyaga oo ka dagaalamayay dhanka magaalada Maryinka ee Gobolka Donetsk.

Maxamed Adiila ayaa si gaar ah uga tirsanaa guutada saddexaad ee ciidamada Ruushka ee haatan dagaalka adag kula jira dowladda Ukraine.

Sidoo kale wuxuu haystay baasboorka Soomaaliya, sida au muujinayaan caddeymaya la helay iyo xogta ku saabsan ninkaas ee ay baahisay warbaahinta dowladda Ukraine.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Adiilka uu dagaalka ku biiray dhammaadka sanadkii hore, mana haysan wax khibrad dagaal ah, balse waxaa sababtana lagu sheegay in la siinayay lacag, si uu ugu dagaalamo dowladda Ruushka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay ayaa Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa oo ku dhibaateysanaa dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

Mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belarus, isla markaana horay wareysi u bixiyay ayaa shaaca ka qaaday sida dhalinyaradaasi qasabka loogu qoray.

“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka Waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu yiri ardaygu.

Golaha Fulinta ee Xoghayaasha Jaamacadda Carabta oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya.

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Kulan gaar ah oo uu yeeshay Golaha Fulinta Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayay uga hadleen xaaladaha ka jira Falastiin & Soomaaliya iyada oo xogo la xiriira labadaas dal laga dhagaystay mas’uuliyiinta xubnaha ka ah Golahaas.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo ka qaybgalay kulanka ayaa faah-faahin ka bixiyay xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al-Fadaala & ku xigeenkiisa Dr Axmed Manaac ayaa wadajir u sheegay in ay Soomaaliya ku garab-taagan yihiin Madaxbannaanida Dhuleed & wadajirka ummadeed.

Waxa ay ka dhiidhiyeen xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay iyaga oo soo jeediyay in la garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee difaacanaya midnimada, Qarannimada & wadajirka bulshada.

Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle oo sugeysa dhibco kale oo ay si bilaasha ku hesho kaddib

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle oo hadda kaalinta 3-aad kaga jirta kala sareynta Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada oo sugeysay in ciyaarta u dambeysa ay la ciyaarto Kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa u soo yeeraya war wanaagsan oo ah in Kooxda Koonfur Galbeed ay ka baxday tartanka.

Sida uu dhigayo xeerka tartanka haddii kooxi ka maqnaato ciyaarta ay ku balansanayd, waxa dhibacaha la siinayaa kooxda soo xaadirtay, taas oo ka macno ah in Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle ay mar kale helayso sedex dhibcood oo kale oo aanay u dhididin.

Kooxda ayaa horey seddex dhibcood u heshay kaddib markii la ganaaxay kooxdii la ciyaaraysay ee Banaadir, markii ciyaarta la joojiyay daqiiqaddii 70-aad markaas oo rabshado ay ka dhaceen garoonka.

Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle haddii ay hesho dhibcaha ay dhib la’aanta sugeyso, waxay tagi doontaa todobo dhibcood, iyadoo hoggaanka u qaban doonta tartanka.

Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed oo saaka dib ugu laabanaysa Baydhabo kaddib markii ay isaga baxeen tartanka Maamul Gobolleedyada

0

Axad jan-14 2024-{HMC} Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa goordhow lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo kaddib markii ay ka caroodeen sidii loo maareeyay amnigooda, xili ay ka soo laabteen ciyaar ay la dheeleen Kooxda Kubadda Cagta ee Galmudug maalintii Jimcaha, markaas oo seddex iyo eber looga soo adkaaday.

Dad taagnaa wadada uu marayay baska ciyaartoyda siday ayaa shiiday ama tuuryeeyay, halkaas oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaar kamid ah ciyaartoydii baska saarnayd.

Maamulka ciyaarraha ee Koonfur Galbeed ayaa markaa wixii ka dambeeyay sheegayay in ay isaga baxayaan tartanka, waloow ay jireen dadaallo dhinacyo kala duwan ay wadeen oo la doonayay in kooxda lagu qanciyo in tartanka ay ku laabato.

Kooxda waxa u harsanaa hal kulan oo kaliya kaas oo ay la ciyaari lahayd Kooxda Hirshabeelle.

Kooxda Koonfur Galbeed ayaa ugu hooseysa xagga kala sareynta dhibcaha kooxaha ka qaybgalaya tartanka Maamul Gobolleedyada, iyadoo haysta seddex dhibcood oo kaliya.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay in tartanka la hakiyay muddo seddex maalmood ah sababbo la xiriirra rabshidihii dhacay kaddib ciyaartii Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Xiriirka ayaa sheegay in tartanka dib loo bilaabi doono maalinta Salaasada ah.