Home Blog Page 2974

Xasan Sheikh Maxamuud oo kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow, isagoo halkaas salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS oo kulan guud uu la qaatay, taliyaha Xoogga Dalka, taliyaasha ciidammada Badda, Cirka, taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka,

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha madax hogaannada iyo taliska guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} DEG_DEG Xildhibaano mooshin ka gudbiyay wasiirka Gaashaan dhiga.

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} DEG_DEG Xildhibaano mooshin ka gudbiyay wasiirka Gaashaan dhiga.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay Ilhaan Cumar ka tiri dib u doorashada MD DENI?

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Maxay Ilhaan Cumar ka tiri dib u doorashada MD DENI?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Boorame oo si wayn u diiday Damaca Itoobiya ee isku dayga boobka Badda Somalia

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Shacabka Boorame oo si wayn u diiday Damaca Itoobiya ee isku dayga boobka Badda Somalia

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaan ka naqaannaa deegaanka Lughaya ee la sheegay in dhul badeed ku yalla la siiyay Itoobiya

0

Maxaan ka naqaannaa deegaanka Lughaya ee la sheegay in dhul badeed ku yalla la siiyay Itoobiya.
          HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeyay Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC-Khaatuma

0

Wararkii Ugu Dambeyay Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC-Khaatuma

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Arooskii Xiddiga reer Senegal Sadio Mane oo ka dhacay Masaajid iyo hadal heyn ka dhalatay

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa toddobaadkan ku guursaday waddankiisa Senegal, waxaana uu la aqal-galay haweenay ay is-jeclaayeen muddo dheer oo ay kasoo wada jeedaan waddanka Senegal.

Xafladda arooska waxa lagu qabtay meel qarsoon oo aanay dad badan ogeyn, waxaana la rumaysan yahay in ciyaartoygan, asxaabtiisa dhow iyo ehellada labada qoys oo kali ahi ay joogeen xafladda arooska.

Sadio Mane oo ay da’diisu tahay 31 jir, isla markaana uu xulkiisau isku diyaarinayo tartanka Qaramada Afrika ee toddobaadka dambe ka bilaamaya waddanka Ivory Coast ayaa noqday xaasle ka hor inta aanu u duulin Ivory Coast.

Gabadha uu guursaday Sadio Mane oo ay hore isku mehersadeen waqtigii uu joogay Bayern Munich ee aanu u wareegin Al-Nassr oo uu mushahar aad u badan ka qaato, ayaa lagu magacaabaa Aisha Tamba.

Warbaahinta waddanka Senegal ayaa markii hore tabisay in Aisha Tamba ay da’deedu tahay 18 jir, laakiin warar dambe oo soo baxaya ayaa sheegay in ay tahay 26 jir ay muddo dheer xidhiidh lahaayeen Sadio Mane.

Wargeyska Business Day, ayaa sheegay in aroosku uu maalintii Axaddii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Dakar ee casimadda Senegal.

Mane iyo xaaskiisa Aisha ayaa waxa ay kasoo wada jeedaan hal tuulo, waxaana arooskooda ka sheekaynaya warbaahinta dunida oo la yaabban in laacibkan Muslimka ah oo sannadkii ay Al-Nassr siiso mushahar dhan 40 milyan oo Euro oo aanay canshuurtu ku jirin, in uu haddana masaajid ku dhigto arooskiisa, sidoo kalena aanay dad badan kasoo qayb-gelin.

Wararkii Ugu Dambeyay Dagaal culus oo ka dhex qarxay ciidamada SSC-Khaatuma

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Dagaalka aoo ahaa mid xoogan ayaa qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay isku dhaceen askar ka wada tirsan ciidamada dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma.

Ilo wareedyo lagul kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ciidamada uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo ka dhashay qoray Zuu ah oo ay horay uga qabsadeen Somaliland, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka oo socday muddo ku dhow saacad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku soo waabariisteen dagaalka iyo xabadda oo socoto, iyaga oo intaas ku daray in ciidamada ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo cabsi ku beertay shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah Cabdifitaax Garbatole oo kamid ahaa raggii ku baxay inay kala dhex galaan ciidamada dagaalamay,.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay degan tahay xaaladda, isla markaana uu istaagay dagaalkii saaka ka qarxay duleedka Laascaanood.

Dhinaca kale waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa si deg-deg ah ugu baxay xiisadda ka dhex qaraxday ciidamadooda, waxaana socdo dadaallo lagu soo afjarayo dagaalkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa daganeyd xaaladda guud ee Laascaanood oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada SSC-Khaatuma iyo kuwa milatariga maamulka Somaliland.

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan duceed ka socda Magaalada Tardo ee G. HIiraan oo lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameed xiiso leh

0

Kulan duceed ka socda Magaalada Tardo ee G. HIiraan oo lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameed xiiso leh

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Israa’iil oo Shaacisay tirada askarta looga laayay howlgalla dhulka ee ka socda Gaza

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Ciidamada milatariga Israa’iil ee weerarka dhinaca dhulka ah ku galay qeybo kamid ah magaalada Gaza ayaa la kulmay iska caabin xooggan, waxaana dagaalka socda lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan.

Xoogaga iska caabinta ee Xamaas ayaana jilbaha u dhigtay ciidamada Israa’iil ee duullaanka ku qaaday magaalada Gaza, waxa ayna dagaalyahannada dileen askar badan ,halka ay bur buriyeen taangiyo iyo gaadiid kale oo ay wateen ciidamada.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayey ku xaqiijiyeen in howlgaadii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen magaalada Gaza looga dilay ilaa 9-asjari, waxa ayna sheegeen in askartan da’dooda u dhaxeyso 19-sanno jir ilaa 35-sanno jir.

Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale qirtay in howlgalka dhinaca dhulka ah ay Gaza ku galeen tirada askarta looga dilay hadda gaareyso 185 askari, halka tiro intaas kabadana dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Israa’iil ayaana dagaalka ay kula jirto kooxda Xamaas noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee gasho muddooyinkan, waxaana horey weerarkii dhacay 7-dii bishii October ee sannadkii hore Israa’iil laga dilay dad ka badan 1200-qof oo isugu jiray askar iyo shacab.