Arbaco jan-10 2024-{HMC} “Hadaf keena ugu wayn waa sidii aan u dhameystiri lahayn nidamka Dimuqraadiyada Pl” Madaxweyne Deni
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} “Hadaf keena ugu wayn waa sidii aan u dhameystiri lahayn nidamka Dimuqraadiyada Pl” Madaxweyne Deni
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dibadbaxa abaabulkiisa uu ka socda Magaalada Muqdisho ee la filayo in uu berri dhaco 11ka Janaayo 2024 ayaa sheegay in isusoo-baxaas uu yahay mid lagu muujinayo dareenka ummadda Soomaaliyeed.
Fiqi ayaa sheegay in Itoobiya ay wadato qorshe damac gurracan ah oo ka wayn heshiiska isla markaana Kaniisadaha & qaybo kala duwan oo katirsan Dalkaas laga billaabay sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen boobka ay damacsan yahay.
Soomaalida meel weliba oo ay joogto ayuu usoo jeediyay Axmed Fiqi in ay ka dhiidhiyaan gardarrada Itoobiya si looga hortago damaceeda gurracan sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS oo Warbaahinta la hadlay.
“Waad arkayseen Kaniisadaha Itoobiya oo leh Saylac aan qof u magacaabano, arrintaan way ka wayn tahay heshiis oo waxa ay taabanaysaa Diin, Dal & Dad, waa in aan maalinta khamiista 11ka Janaayo 2024 isusoo baxno oo aan muujino dareenkeenna, waa in aan la yaraysan damaca Abiy ee ku hadaaqi jiray in uu samaystay bad oo ay xaq u leeyihiin in ay bad helaan” ayuu yiri Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dibadbax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso in qayb kamid ah badda Soomaaliya ku qaadato iyada oo qiil ka dhiganaysa heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuse Biixi Cabdi.
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Caabuq ayaa sababay in Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan kadibna loo wareejiyo qeybta daryeelka gaarka ah.
Madaxweyne Joe Biden ayaa shalay uun ogaaday in wasiirka laga helay kansarka borostaatada, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaareyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo saddex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka.
Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wanaagsan loo ogeysiin bulshada.
Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka sarreeya madaxweynaha marka la eego dhanka taliska milatariga Mareykanka, wuxuuna ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan golaha madaxweynaha. In aan arrintan la ogeysiin Aqalka Cad ayaa dhalisay walaac dhanka ammaanka qaranka ah iyo inay hubinti la’aan ka dhex jirto maamulka Biden.
Aqalka Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in Mr Austin uu isbitaalka ku jiray ilaa shalay oo Talaado ahayd. Afhayeenkiisa faahfaahin kama uusna bixin xilliga laga soo bixin doono isbitaalka.
Shir jaraa’id oo shalay la qabtay, ayaa Aqalka Cad waxaa la weydiiyay su’aalo dhowr ahaa oo uga yimid weriyeyaasha kuna saabsan sida loo maareeyay xaaladda wasiir Austin.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka dalkaas John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Biden shalay uun lagu wargeliyay xaaladda iyo xanuunka la soo dersay wasiirka.
Mr Biden iyo Austin ma aysan wada hadlin kadib makrii isugu war dambeysay oo ahayd Sabtidii, sida uu sheegay Kirby.
Dhanka kale, shir jaraa’id oo uu shalay qabtay Pentagon-ka ayuusan xoghayaha warfaafinta ee Ciidamada Cirka Maj Gen Pat Ryder wax sharraxaad ah ka bixin sababta uu Mr Austin mar hore uga hadlin xaaladdiisa.
Wuxuu sheegay in xaaladda kansarka borostaatada ay tahay mid shakhsiyadeed.
Aqalka Pentagon-ka ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay arrintan u dhacday ay tahay in xubin sare oo ka tirsan xafiiska Austin uu hayay hargab.
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.
Jabhadda ayaa qoraal ay soo saartay isaga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo.
Si gaar ah waxay u soo hadal qaadeen heshiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
War-saxaafadeed maanta soo baxay Jabhadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maamulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada.
Sidoo kale Jabhadda ayaa ficillada Abiy Axmed ku tilmaantay kuwo marin habaabin ah oo lagu jaha wareerinayo shacabka Itoobiya, si xukunka uu u sii joogo.
Jabhadda ayaa intaas raacisay in ay Oromadu dagaal kula jirto nidaamka Abiy, heshiiska hadda Somaliland lala gaarayna uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo dagaallada iyo dhibaatooyinka daran ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxay Jabhaddu waxay cadeysay in heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed uu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dalka Soomaaliya.
Warkaan ka soo yeeray mucaaradka Itoobiya ayaa guul weyn u ah Soomaaliya, Abiy Axmed ayaa wajahaya go’doon siyaasadeed oo caalami ah, tan iyo markii uu ku soo xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya ee heshiiska qar-iska tuurninada ah uu la galay Muuse Biixi oo si sharci darro ah ku siiyey bad dhan 20-KM.
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Maxamed Ibraahim Axmed
Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys Isaaq
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya.
Jabhadda ayaa qoraal ay soo saartay isaga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qowmiyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooyinka uu qaadayo.
Talado jan-9 2024-{HMC} Xildhibaan Ilhan Omar oo kamid ah xildhibaanada Dalka Mareykanka ayaa ugu hambalyeysay Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo shalay dib loogu doortay Madaxweynaha shanta sano ee Soo socoto Puntland.
Ilhan Omar ayaa qoraal ay ku qortay Barta X ama twitter ayaa tiri sidan “Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku guulaysta doorashada. Waxaan rajaynayaa in aan arko waxa aad qaban doonto shanta sano ee soo socota adiga oo sii wada dadaalkaaga aad ugu abuuri lahayd barwaaqo iyo xasilooni shacabka Puntland. Kudayo Puntland kudayo, Inshallah boowe guul iyo gobinimo,”.
Talado jan-9 2024-{HMC} Maxaa galabta ka dhacay Garoonka Ciyaraha Muqdisho.
Talado jan-9 2024-{HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtey xafiiskiisa ayaa sheegay in dowladda ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan banaanbaxyada ay iclaamiyeen.
Talado jan-9 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta Hiiraanweyn