Home Blog Page 2976

{DAAWO MUUQAALKA} Qeybaha Bulshada Muqdisho Ayaa Yiri:”Itoobiya waa noo qori Afkiis”

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Qeybaha Bulshada Muqdisho Ayaa Yiri:”Itoobiya waa noo qori Afkiis”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa u fududeeyay Guusha maanta Ay Gaartay Kooxda Kubada Cagta Jubbland

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Yaa u fududeeyay Guusha maanta Ay Gaartay Kooxda Kubada Cagta Jubbland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09/01/2024

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

DF Soomaaliya oo loo soo jeediyay tallaabo culus oo ka dhan ah Ethiopian Airlines

0

Talado jan-9 2024-{HMC}  Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa.

Xildhibaanka ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay inay qaado tallaabo ka dhan ah Shirkadda Ethiopian Airlines oo weli ka howlgasha magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Macallimuu ayaa ku taliyay in Shirkaddan Itoobiyaanka ah laga mamnuuco inay ka howlgasho dalka maadaama ay ku kacday xadgudub ka dhan ah madax banaanida dalka.

“Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya marka la tixgaliyo falalka ay ku kacday ee ka dhanka sh madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya waa in si deg deg ah dalka oo dhan laga mamnuuco oo ay ku jirto Hargeysa” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Sidoo kale wuxuu dowladda kula taliyay in waddo kale ay u raadiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka kusii mara Addis Ababa, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa u baxa adeegyada caafimaadka ee dibadda, sida India, ama Soomaalida kale ee safarka ah.

“Dowladdu waa lagama maarmaan in ay waddo kale u hesho dadka Soomaaliyeed oo tixgalintooda leh,” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanku.

Soo jeedintan waxaa sidoo kale ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

Maxamed Deeq Xasan oo ka falceliyay arrintan ayaa yiri “Arrintaan waa in aad baarlamaanka ka hor sheegtaa xildhibaane, waana gardarro cad iyo daan-daansi”.

Amiin Axmed ayaa isuguna yiri “Waa talo soo jeedin waqtigeedii ku timid guuleyso mudane go’aanka xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa sugnaa iyana”.

Cali Gaab ayaa isna ku jawaabay “Wax kasta haddii lugu saleeyo caadifad deg-deg ah waxaa ka dhalan karta wax aan wanaagsaneyn”.

Xasan Mustaf ayaa isna ku yiri falcelintiisa “Yaa sameynaayo hee? meeshaan waxaa ka socota gar darro garab og”.

Waxaa xusid mudan in Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines saami laga siiyay Somaliland, taas oo qayb ka ahayd heshiiskii ay badda kula gashay Abiy Axmed.

Ciidanka Danab Puntland oo ka horyimid doorashadii Saciid Deni

0

Talado jan-9 2024-{HMC}  Taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo dib loogu doortay madaxweyne Saciid Deni.

Qoraal kasoo baxay taliska Danab ee Puntland ayaa waxaa looga horyimid dib u doorashada Saciid Deni, iyaga oo sheegay in aysan ku qancin natiijada doorashada.

Taliska ayaa shaaca ka qaaday in waxa dhacay aysan ahaydn doorasho, balse ay ahady boos uu isku doortay madaxweyne Saciid, sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraal kasoo baxay taliska Danab ee Puntland ayaa waxaa looga horyimid dib u doorashada Saciid Deni, iyaga oo sheegay in aysan ku qancin natiijada doorashada.

Taliska ayaa shaaca ka qaaday in waxa dhacay aysan ahaydn doorasho, balse ay ahady boos uu isku doortay madaxweyne Saciid, sida ay hadalka u dhigeen.

“Taliska Ciidamada Kumaandooska Puntland ee Danab waxay kasoo horjeedaan oo ay marnaba aqbali doonin is-doorashadii boobka iyo xaaranta ahayd ee Saciid Cabdullaahi Deni isku doortay aqalka baarlamaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka talisku.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Ciidanka Danab waxay mar walba u taagan yihiin badbaadinta Puntland iyo wadajirka guud ee dalka, maadaama Puntland ay gashay xaalad khatar ah oo hubanti la’aan iyo dagaal sokeeye ah”.

Ciidamada Danab waxay sidoo kale ka hadleen rabshado shalay ka dhacay Garoowe, kuwaas oo ka dhashay dibad-baxyo ay dhigeen dad kasoo horjeeday doorashada.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen ciidamada ammaanka ay inay dhibaateeyeen shacabka isku soo baxay, ayna u gaysteen dil, dhaawac iyo xarig intaba.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii darenen in mas’uuliyadda dhibaatadaas uu qaadayo maamulka ay ugu yeereen inuu ku kacay boob doorasho, sida ay qoraalka ku cadeeyeen.

Ugu dambeyn wuxuu talisku farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay ka jawaabaan wax ay ku tilmaameen boobkii iyo ku tumasho ka dhacday Garoowe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dib loo doortay madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeen cusub, taas oo ay aqbaleen xubnihii mucaaradka ee ay isku hayeen doorashada.

Xasan Sheekh oo kusoo laabtay Muqdisho kadib safirkii Eritrea

Talado jan-9 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Wasaaradda warfaafinta ee dalka Eritrea ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada waddan, kuwa gobolka iyo kuwo caalami ah.

Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay si xooggan uga wada shaqeeyaan xiriirkooda iyo iskaashigooda iyo kuwa gobolkaba, saldhig looga dhigayo niyad dulqaad iyo wax dhisid ku salaysan, la iskana xamaymanayo ka jawaabista ajandayaasha kala duwan ee daandaansi, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

Eritrea waxay sheegtay inay mustaqbalka dhow soo saari doonto war cad oo faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha labada waddan iyo kuwa gobolka ee lagu xusay war-saxaafadeedka.

Dhinaca kalena, shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada ee Jabuuti ayey ku celiyeen inay si aan leexleexad lahayn u taageersan yihiin mabda’ ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, sida uu bartiisa X ku qoray wasiirka Maaliyada iyo Dhaqaalaha Ilyaas Muuse Dawaale.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Deni oo Casuumay Musharaxiintii uu shalay ka guuleestay

Talado jan-9 2024-{HMC} Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Siciid Deni ayaa si diiran qasriga madaxtooyada ugu soo dhaweeyay musharaxiintii uu kaga guuleestay xilka madaxweynaha, kuwaa ay ku jireen siyaasiyiin ay si weyn isku mucaaradsanaayeen.

Munaasabadda qado sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorashii madaxweynaha ee shalay ka dhacday Garawe, waxaana guul dareestay musharaxiin badan oo isku baheestay sidii ay meesha uga saari lahaayeen madaxweyne Deni.

 

{DAAWO SAWIRADA} Maxuu Ahaa Kulanka Dhaxmaray Madaxweyne iyo Musharaxiintii uu shalay ka guuleestay.?

Talado jan-9 2024-{HMC}  Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland , oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Mr Deni ayaa si diiran qasriga madaxtooyada ugu soo dhaweeyay musharaxiintii uu kaga guuleestay xilka madaxweynaha, kuwaa ay ku jireen siyaasiyiin ay si weyn isku mucaaradsanaayeen.

Munaasabadda qado sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland.

Siciid Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorashii madaxweynaha ee shalay ka dhacday Garawe, waxaana guul dareestay musharaxiin badan oo isku baheestay sidii ay meesha uga saari lahaayeen madaxweyne Deni.

Qaabka Deni u qaabiley Musharrixiintii uu shalay ugu guulaystay doorashada puntland

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Qaabka Deni u qaabiley Musharrixiintii uu shalay ugu guulaystay doorashada puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxeey tahay Sababta ay Itoobiya ugu dhiiran la’dahay aqoonsiga Somaliland kadib heshiiska BADDA

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Maxeey tahay Sababta ay Itoobiya ugu dhiiran la’dahay aqoonsiga Somaliland kadib heshiiska BADDA

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA