Home Blog Page 2979

Milateriga Somaliland iyo Ethiopia oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib heshiiska

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Taliyaha Millateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Taani iyo Taliyaha Milateriga Ethiopia Marshal Birhanu Julana ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Taliyaha Milateriga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa shalay waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada dalka Ethiopia.

Kulanka Taliska Milateriga Somaliland iyo Ethiopia ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ku gaadheen Addis Ababa, kaasi oo Itoobiya lagu siinayo qeybo kamid badda Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in labada dhinac ka wada-hadleen arrimaha xiriirka Milateriga iyo iskaashigooda, kaasi oo sidoo kale qeyb ka ahaa heshiiskii is-afgarad ee toddobaadkii tegay ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Is-fahamkii ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ay ku gaadheen Addis Ababa oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeeed dhan 20KM ayaa sidoo kale waxaa ku jiray iskaashi ballaaran oo labada dhinac yeeshaan, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha millatariga.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Taliska ciidanka Milateriga waddanka Itoobiya uu sheegay in aysan dhag jalaq usiin doonin, islamarkaana ay naftooda u huri doonaan fulinta heshiiska ay Itoobiya ku helayso bad, kaasi oo ay ka carootay dowladda federaalka oo iyadu sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madax-banaanida dalka.

Taliska ayaa markaas sheegay in heshiiska uu yahay mid fursad dahabi ah siinaya dalka Itoobiya, uuna soo celinayo taariikhdii hore ee ay lahaayeen, ayna lagama maarmaan tahay helista bad maadaama kordhayaan tirada Itoobiyaanka oo kusii socda 150 milyan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Milateriga Ethiopia.

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay ka dhalatay dhaleeceyn xoogan oo ay la kulmeen labada dhinac, ayada oo dowladda federaalka ay qaaday tallaabooyin lagu burinayo heshiiskaas.

Cali Guudlaawe oo Xulka Hir-Shabeelle metalaya ugu baaqay in ay koobka ku guulaystaan.

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kulan dhiirragelin ah la qaatay Cayaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedkaas metalaysa ayaa ugu baaqay in ay sanadkaan gacanta ku dhigaan koobka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

Macallimiinta, Ciyaartoyda, Howlwadeennada & dhammaan dadka u xilsaaran tartankaan ee metalaya Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayuu Cali Guudlaawe usoo jeediyay in ay si dhiirran ugu istaagaan ku guulaysiga Koobkaan.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in garab-istaaggooda uu yahay mid joogta ah & dhiirragalintooda sidaas awgeed loo baahan yahay in isku xirnaan iyo kalsooni buuxda ay muujiyaan metalayaasha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Hir-Shabeelle oo haysata 4 dhibcood ayaa cayaar wanaagsan kusoo bandhigtay Garoonka Cayaaraha Muqdisho labadii kulan ay kahortageen dhiggooda Gobolka Banaadir iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug, maanta waxa ay wajahayaan Jubbaland oo aanay haysan wax dhibic ah.

Sababta Itoobiya ugu dhiiran la’dahay aqoonsiga Somaliland kadib heshiiska BADDA

0

Talado jan-9 2024-{HMC}  Itoobiya ayaa dhawaan jabisay mid kamid ah mabaa’dida aas-aasiga ah ee ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, oo ay fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah dalalka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya, kadib markii heshiis beeneed ay ku rabto bad ay Addis Ababa kula saxiixatay Somaliland.

Tan iyo markaas dadka waxay isweydiinayaan waa maxay sababta ay u go’aansan laadahay Itoobiya in ay ballan-qaado inay aqoonsaneyso Somaliland.

Marka la eego xeerarka caalamiga ah iyo midka Midowga Afrika-ba, Itoobiya ma aqoonsan karto Somaliland.

Laakiin maadaama ay hadaba heshiis badeed iskala saxiixdeen Somaliland oo ay u muuqdaan dal aan sharci celinayn inay hadana dib usii dhigaan fulinta codsiga Somaliland ee ictiraafka waxaa lagu fasiray inay Addis Ababa fahamsan tahay inay adag tahay inuu heshiiskan dhaqan-galo, maadaama Soomaalida ay si weyn u diideen, sidoo kalena uu caalamka dhinaca iskaga riixay dhaqankan ugubka ah.

Dadka ka faalloonaya xiisaddan waxay leeyihiin Itoobiya ma fileyn heerka fal-celinta uu la kulmay heshiiskan iyo inuu caalamka sidaan deg-degta ah uga hor imaan doono heshiiska ay ku rabto badda.

Waxaa sababta ay ugu dhiiran la’yihiin ictiraafka oo ay shardi ugu xirayaan loo arkaa hubanti la’aanta dhanka dhaqan-galka heshiiska Somaliland ay la galeen.

Sidoo kale Itoobiya ayaa diiday inay sheegto intuu noqon karo saamiga ay suurta-galka tahay in Somaliland laga siiyo diyaaradda Ethiopia Airlines iyo sida ay Somaliland faa’iido ku heli karto sanadka ay diyaaraddu khasaare gasho.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wajahayay dhowrkii sano ee u dambeysay culeysyo uu kala kulmayay gudaha Itoobiya. Iyada oo la xasuusto dagaalkii uu la galay Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal kula jira qabiilka Amxaarada, tii oo inbadan Oramada kamid ah ay diidan yihiin siyaasadiisa qaris ka tuurnimada.

Warbaahinta waaweyn ee qaaradda Afrika iyo kuwa Caalamka-ba waxay badankood tabinayaan in Abiy Ahmed uu culeys badan ka haysto gudaha Itoobiya, uuna isku dayayo inuu arrintaan iskaga dejiyo culeysyadaas iyo inuu ku raadiyo midnimada Itoobiyaanka, balse uu dhankiisa fahamsan yahay sida ay u adag tahay dhaqan-galka heshiiskan.

{DAAWO MUUQAALKA} Masar oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho iyo Xasan Sheekh oo laga wacay Qaahira

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Dowladda Masar ayaa wafdi culus usoo dirtay Muqdisho, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya, xilli xiisad xooggan ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo ka dhalatay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland ee sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Qardho & doorashaddi Madaxweyne deni uu kusoo laabtay waa sidde dareenka bulshadda?

0

Talado jan-9 2024-{HMC}  Shacabka Qardho & doorashaddi Madaxweyne deni uu kusoo laabtay waa sidde dareenka bulshadda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Deni wax maka beddelli doonaa khilaafkii kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya.

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Madaxda Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabto. Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay.

Muddo xileedkiisii hore waxaa jiray caqabado badan oo uu la soo kulmay, Waxaana ka mid ahaa khilaafka gudaha maamulkiisa iyo kan dowaladda federaalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 08/01/2024

0

Talado jan-9 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Fariimihii ugu dambeeyay ee wilkii uu dhalay wariyaha Al-Jazeera ee qoyskiisa oo dhan ku waayay duqeymaha Qasa

0

Talado jan-9 2024-{HMC}  Wiil ku dhintay duqeymaha Israa’iil isla markaana uu dhalay wariye Falastiini ah oo ka tirsan Telefishinka afka Carabiga ku hadla ee Al-Jazeera ayaa qoraalladiisii ugu dambeyay ee uu soo dhigo baraha bulshada waxaay ay noqdeen kuwo aad loo hadal hayo .

Allaha u naxariistee Xamse al- Daxduux ayaa bartiisa X, soo dhigay sawirka hooyadii oo iyana dhawaan lagu dilay duqeymaha Israa’iil, isaga oo ku dul qoray erayo Carabi ah oo u dhignaa sidaan: “Hooyo maanta waa maalintaadii dhalashada, waadna iga fogtahay oo garabkaada ma taagni si aan kuugu hambalyeeyo oo waad geeriyootay,”.

Wuxuu intaa raaciyay” anna waxaan tirinayaa maalmaha aan kula kulmi doono, hooyo noloshu dhadhan malahan la’aantaa,”.

Sawirka aabbihiis oo sidoo kale uu soo dhigay bartiisa X, ayuu ku dul qoray erayo uu ku dhiiro galinayo aabihii Waail Daxduux oo qoyskiisa oo dhan ay ku dhinteen duqeymaha diyaaradaha Israa’iil, isaga qudhiisana dhawaacayo ay ka soo gaareen.

Wuxuu yiri: “Waxaad tahay sabar iyo ajar doon aabbow ee ha ka quusan oo ha ka quusan naxariista Eebe, waxaadna hubisaa in ilaahay wanaag kuugu abaal marin doono wixii aad ku sabartay,”

Xamse marka uu qoraalkaan baahinayay isaga iyo aabbihii ayaa qoyskooda ka harsanaa haddase aabbihii oo kaliya ayaa ka nool qoyska oo lix qof ayaa uga dhimatay duqeymaha Isr’aaiil ee ka socda Qasa

Madaxweyne Cabdilfataax Al-Siisi oo martiqaad u fidiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi ayaa marti-qaad u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu booqasho ku tago dalkaasi, sidaasi waxaa tebisay wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA.

Marti-qaadkan ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo la shiray madaxweyne Xasan Sheekh Axaddii.

Waxay wakaaladdu qortay in intii uu socday kulankaas ay wafdigu ku celiyeen in madaxweyne Al-Siisi uu si aan leexleexad lahayn u taagersan yahay gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegay in Jabuuti ay si walaac leh ula socotay xiisadda ka dhex curatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Dimoqraadiga Itoobiya.

Waxay sheegtay in Jamhuuriyadda Jabuuti oo haatan haysa madaxtinnimada urur goboleedka IGAD ay si xooggan u caddaynayso taageerada ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka, taasi oo aasaas u ah mabaadii’da iyo xeerarkii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika.

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ugu baaqaysaa labada waddan ee walaalaha ah inay qaataan dariiqa wadahadalka si ay uga shaqeeyaan dejinta [xiisadda],” ayay Jabuuti ku sheegtay war saxaafadeedka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 08/01/2023

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO