Home Blog Page 2980

Madaxweyne Deni wax maka beddelli doonaa khilaafkii kala dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxda Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabto. Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay.

Muddo xileedkiisii hore waxaa jiray caqabado badan oo uu la soo kulmay, Waxaana ka mid ahaa khilaafka gudaha maamulkiisa iyo kan dowaladda federaalka.

Inta uu soo shaac bixin khilaafka kala dhexeeyay madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni dowladda federalka ah, waxaa laga dareemayay hadaladii uu ka jeediyay magaalada Garowe bishii Maarso sanadkii tagay, wuxuuna ka sheegay haddii la rabo in xal laga gaaro dhamaan dhinacayda Soomaalida ay isku yimaadaan oo si dhab ah loo wadahadlo.

 

Wuxuu ku eedeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku takri fal awoodeed oo uu ku hayo xafiiska raysal wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Puntland ay si gooni ah u qabsan doonto howlaheeda tan iyo inta laga helayo wax heshiis lagu wadayahay.

Madaxweyne Deni intii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa khudbooyinkiisa ku jiray hadalo uu kaga horjeeday dowladda federalka isagoo toos ugu dhaliilay madaxda dowladda in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin.

“Waxaa maanta cadaatay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxay isu raaceen in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaallamayaan” ayuu ka sheegay fagaare uu kula hadlayay taageerayaasha xisbigiisa.

Dr Cabduweli Maxamed Gurey oo ka faalooda siyaasadda Soomaaiya kuna sugan London ayaa BBC u sheegay in dhowr arrimood oo waaweyn ay horyaalaan

“Waxbadan oo laysku hayo ayaa jira,waxaana laga doonayaa dowladda madaxweyne Deni in xal ay ka gaarto”

Sidoo kale Dr. Cabduweli wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee taagan ay yihiin in wadahadallo loo baahan yahay.

‘‘Puntland ma ahan jasiirad gooni ah waxay ka tirsan tahay dowladda federalka, waxaan aaminsanahay in waxyaabaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay ay ka mid yihiin in la sameeyo waxbadan oo wadashaqeyn oo labada dhinaca iyo in la wadahadlo”.

Arrimaha kale ee horyaala waxaa ka mid ah halka uu ku dambeynayo mustaqbalka SSC-Khaatumo waana waxa ugu weyn ee horyaal madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntand Siciid Deni, ayaa hore ugu baaqay SSC Khaatumo in ay wax la qeyb sadaan maamulka Puntland.

“Aragtidooda waxaan aaminsanahay in ay doonayaan inay noqdan maamul madaxbanaan oo Puntland dhinac deggan oo walaalo ah”.

Madaxweyne Deni muddo ayuu siyaasadda ku soo jiray wuxuu hore dowaladda dhexe uga soo noqday wasiir ka hor inta uusan Puntland madaxweynaha ka noqon.

Agaasimaha Mac-hadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage Mursal Maxamed Saney ayaa ku tilaamay khilaafka u dhexeeya Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh in uusan aheynd mid shaqsiyadeed ee uu ku saleysan yahay kala duwanaasho aragti

Waxyaabaha ugu weyn ee laysku khilaafay waxaa ka mid ah nidaamka hoggaanka dalka, dhameystirka dastuurka iyo awood qeybsiga.

“Madaxweyne Deni isaga ayaa laga rabaa in reer Puntland uu la heshiiyo, waxaana laga rabaa isagoo khibradiisa hore ka faa’ideysanaya in tanaasul yimaado, dowladda dhexena sidaas oo kale ayaa laga rabaa iyadoo la eegayo maslaxada dalka”.

In labada dhinaca ay wadahadlaan ayaa sal u ah in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed sida ay qabaan kuwa siyaasadda ka faalooda.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni waxyaabaha kale ee horyaala waxaa ka mid ah in uu mideeyo siyaasiyiinta maamulkiisa nidaamka doorasho isku khilaafay

“Maadama uu guuleystay isagoo laga doonayaa in uu guryaha dadka ugu tago oo ku qaniciyo sidii hore loogu sii socon lahaa”. ayuu yiri Saney.

Xigasho BBC

Baarlamanka Somaliland oo qaraar yaab leh kasoo saaray tallaabadii BF ee heshiiska

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta soo saaray qaraar ka dhan ah tallaabadii uu dhawaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku buriyay heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa.

Qaraarka uu soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaameen “fara-gelin” ka dhan ah arrimaha gudaha Somaliland.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu u yaallo Golaha Baarlamaanka Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in xukuumadda golaha horkeento.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii tegay xeer ka soo saaray heshiiskii ay Addis Ababa ku galeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaasi oo lagu bixiyey qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Kulan aan caadi aheyn oo markaas ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo isugu yeeray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo laba aqal ay si wadajir ah u ansixiyeen xeer burinaya heshiiskaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cadeeyey inay lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya.

Xeerkaasi burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa isla habeen hore saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in sharcigaan uu farriin adag u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Somaliland oo in ka badan 30 sanno ku doodeysay inay tahay dal madax-banaan ayaa weli helin aqoonsi caalami ah, taasi oo ka dhigan in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si lamid ah dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Jabuuti oo ugu dambeyn war ka soo saartay heshiiskii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

0

isniin jan-8 2024-{HMC}  Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Iyadoo la filayey in Jabuuti ay qaadaneyso mowqif ay kula safaneyso Soomaaliya, hadana waxaa soo daahay in Jabuuti ay cadeyso go’aankeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Xog ay heshay Warbaahinta  waxay sheegeysaa in Jabuuti ay ku dadaaleyso inay dejiso xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya, maadaama ay ku fadhiso kursiga hoggaanka urur gobolleedka IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif adag ka istaagtay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa ku saxiixay 1-dii bishaan Janaayo oo aheyd maalintii koowaad ee sanadkaan, carada dowladda Soomaaliya waxay gaartay in xalay madaxweynaha Soomaaliya uu dhalinyarada ugu baaqo inay u diyaar garoobaan dagaal wadanka looga difaacayo Itoobiya.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa deg deg ugu guuleysatay inay xiisadaan u hesho galaan-gal caalami ah, inta badan wadamada ugu awooda weyn caalamka ayaa garab istaagay Soomaaliya, iyagoo Itoobiya uga digay inay ka joogto damaca ay ku raadineyso badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta u amba baxay dalka Eritrea, si uu xiisadaan ugala xaajoodo madaxweynaha dalkaas oo aad u yaqaana dagaalka Itoobiya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa taleefoon kula xiriiray madaxda dalalka ugu muhiimsan ee garab ay ka heli karto Soomaaliya, waxaana dhimatay fursad kasta oo Itoobiya ay ugu soo dhawaan laheed biyaha Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 08/01/2024

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 08/01/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya oo ka isaga baxay Magaalada Muqdisho

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Warar diblumaasiyadeed oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu gudaha Soomaaliya ka baxay safiirkii wadanka Itoobiya u fadhiyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Talaabadan uu Soomaaliya iskaga baxay danjire Mukhtaar Maxamed Waare waxay imaanaysaa xilli uu sii xummaanayo xiriirka labada dal tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis difaac la gashay maamulka Somaliland.

 

Ma jiro wax war ah oo xukuumadda Soomaaliya ay kasoo saartey bixitaanka danjire Mukhtaar oo timid maalmo kadib markii uu kasoo muuqdey shir looga dacwoonayay dalkiisa oo ka dhacay dalka.

Is-fahamkaas ayaa wuxuu sababay xiisad diblumaasiyadeed oo laga cabsi qabo in ay horseedo xasilooni darro ba’an taas oo saameysa guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

 

1-dii Janaayo, 2024 ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa is-faham kuwada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Is-afgaradkaas ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah ka kirinayso Somaliland dhul ay ka hirgelineyso saldhig ciidan iyo 20 KM dhul badeed ay Itoobiya adeegsaneyso.

Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u cambaareysay heshiiskaas waxayna ku tilmaamtay “faragelin qaawan iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay latashi ugu yeeratay danjirihii u fadhiyay magaalada Addis Ababa kaas oo waqtixaadirkan ku sugan magaalada Muqdisho lana kulmay madaxda waddanka.

Maxeey tahay Sababta ay u xireen Ciidamada Soomaaliland ee Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon?

0

isniin jan-8 2024-{HMC} – Ciidamada amaanka Soomaaliland ayaa markii labaad xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik Coldoon, xilli ilo wareediyo ay sheegeen in uu la kulmay tacdiyo kala duwan oo gaaraya Jir-dil.

Ciidamada amaanka ee magaalada Burco ayaana wali war ka soo saarin dhacdadan oo dhalisay hadal badin, iyada oo dad badan ay u aaneeyeen xarrigan hadallo oo dhawaan ku dhawaaqay.

Wariye Cabdulmalik Caduun ayaa si kulul u dhaliilay heshiiska been abuurka ah ee maamulka Somaliland la galay dowladda Itoobiya isaga oo yiri:

“Aqoonsi hadii la helayo, iyo hadii aan lagu helaynba, heshiiska noocaas ahi waa danbi, waa gaf, waa halis, waa gumayn lagu gumaynayo dadkeena”.

Maamulka Soomaaliland waxa hadda ka socda dibadbax ballaaran oo lagu diidan yahay heshiiska qayb ka mid ah dhulka Soomaalida lagu siiyey Itoobiya, kaas oo ay dad badan oo Soomaaliyeed aaminsan yihiin inuu yahay heshiis

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Xisbiga waddani” Heshiiska Soomaaliland iyo Ethiopia mugdi ayaa ku gadaaman

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Gudoomiyaha Xisbiga waddani” Heshiiska Soomaaliland iyo Ethiopia mugdi ayaa ku gadaaman

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dabaaldaga Taageerayaasha Gobolka Banaadir ee Staduim Muqdisho

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Dabaaldaga Taageerayaasha Gobolka Banaadir ee Staduim Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Kubada Cagta Gobolka Banaadir oo 2-1 Kaga Adkaatay Dhigooda Galmudug

isniin jan-8 2024-{HMC}  Kulan aad u xiiso badnaa, isla markaana qeyb ka ah Tartanka Kubadda Cagta ee Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo ay usoo daawasho tageen kumanaan taageerayaal ah, ayaa waxa uu Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ku dhex-maray Xulalka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir iyo Galmudug, taasi oo kusoo idlaatay 2-1 oo ay Guusha ku raacday Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo u diray Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir guusha ay maanta gaareen iyo Cayaar wanaaga asluubeysan oo ay soo bandhigeen.

 

Waxa uuna u rajeeyay in kulamada u harsan ay guulo ka gaaraan si ay u difaacdaan Koobka Kubadda Cagta ee Cayaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo sanadkii ugu danbeeyay ay ku guuleysteen Xulka G/Banaadir.

{DAAWO SAWIRADA} Maxeey kala yihiin Cuntooyinka u fiican ilaalinta caafimaadka timaha?

isniin jan-8 2024-{HMC} Waxa aan cunno waxay si toos ah u saameeyaan caafimaadkeena heer kasta, laga bilaabo jireed ama maskaxeed ilaa waxqabadka garashada.

Laakin waxa ay sidoo kale saameyn kartaa shay u muuqda wax yar, sida dhalaalka maqaarkaaga ama timahaaga.

Ma aha wax aan caadi ahayn, timo oo si aan caadi ahayn u daata waxay noqon kartaa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee ah inay wax khaldan yihiin, mana aha inaynu iska indha tirno arimahaas.

 

Calaamadahani waxay leeyihiin sababo kala duwan, sida diiqad dabadheeraata, saadaalin hidde-side, isbeddel hormoon ama dawooyinka qaarkood.

Waxyaabaha kale, waxaan eegi doonaa arrimaha nafaqeynta ee wax u dhimi kara wanaagga timaheenna iyo sida aan u daryeeli karno si fudud.

Caabuqa unugyada

Waxaan ognahay in nafaqooyinka qaarkood, sida borotiinka, fiitamiinnada B, ama macdano gaar ah sida birta ama zinc, ay faa’iido weyn u leeyihiin caafimaadka timaha.

Cudurrada sababa cilladaha cuntada sida anorexia ama bulimia ee xad-dhaafka ah ama yaraanta kalooriyada iyo fiitamiinnada, waxay sidoo kale xiriir la leeyihiin timaha oo daata ama ay go’a.

Waxaa laga yaabaa in sida la wada ogsoon yahay ay yihiin maaddooyin cunto ah oo keeni kara in timaha daataan.

Tusaale ahaan, cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay ama dufanka dheregsani kaliya maaha inay keenaan cudurrada wadnaha, laakiin sidoo kale waxay unugyadeenna ku keenaan cadaadis u nugul caabuqa.

Xaaladani waxay jidhka ka dhigtaa mid dareen badan siyaabo kala duwan. Kuwaas waxaa ka mid ah timaha oo daata.

Sidaas darteed waxaa jira walxo laga helo suuqa oo faa’iido u leh timaha koritaankooda wanaagsan.

Waxa kale oo muhiim ah in la kala horraysiiyo cuntooyinka leh muhiimadaha gaar leh, sida kaniiniyada saliidda kalluunka ama saliidda saytuunka oo aan waxba lagu barxin, lagana fogaado kuwa keena xaaladaha caabuqa, iyadoo la raacayo sababtan, waxay kaa caawin doontaa inaad ilaaliso nadaafadda timaha. Daraasado dhowr ah ayaa taageeray arrintan.

Welwelka waa sabab kale oo weyn oo timaha daadisa

Xaaladaha walaaca leh ee nolol maalmeedkeena waxay kordhiyaan heerarka hormoonka cortisol sida habka difaaca.

Laakin maxaa dhacaya haddii xaaladdan degdegta ah ay sii socoto muddo dheer? Waa halka ay dhibaatadu ka bilaabanto.

Waxaa soo saaray qanjidhada adrenal, cortisol waxay si toos ah ula xiriirtaa timaha daadanaya.

Sida cad, dhimista sababayaasha walbahaarka ayaa ah waxa ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhaca si loo ilaaliyo isku dhafkan qiimaha caadiga ah.

Ma ka hortagi karnaa timo luminta annagoo horumarinayna cuntadeena? Haddaba jawaabta su’aashan waa ‘haa’.

Cuntooyinka qaarkood sida afokado, kaniiniyada saliidda kalluunka ama noocyada qaar ee iniinaha, kuwaas oo dhamaantood qani ku ah omega-3 fatty acids iyo fiitamiino iyo macdano kala duwan, ayaa gacan ka geysan kara xakamaynta cortisolka ee daadashada timaha.

Awood siinta difaaca jirka

Qodob kale oo muhiim ah ayaa ah in cuntooyinka khamiirka leh sidoo kale laga muujiyey inay leeyihiin saamayn difaac oo ka hortagta luminta timaha iyadoo ay ugu wacan tahay bakteeriyada mindhicirka iyo sifooyinka ka hortagga caabuqa.

Waana halka microboita oo ah awood siinta difaaca jirka, ururinta bakteeriyada ku nool hab dhiska dheefshiidku ay caawinta uga timaado jirka. Sidaas darteed microbiota-keena waxay ku xirnaan doontaa waxa aan cunno.

Waxay sidoo kale bedeli kartaa hawlaha jireed sida jawaab celinta walaaca, ee la xidhiidha caafimaadka timaha, sidaan kor ku soo sheegnay.

Sida ugu wanaagsan iyo sida badan ee cuntadeenu u kala duwan tahay, ayaa si fiican u sii fiicnaynaya cadadka bakteeriyada ee laga heli karo jirkeena.

Caawinta isticmaalka probiotics, sida caano fadhi, kefir ama cuntooyinka kale ee khamiirsan, kuwaas oo la xidhiidha dheefshiidka wanaagsan iyo caafimaadka maskaxda.

Haddii aan ilaalino cuntadeena iyo arrimo kale ka dib markaan ogaanno waxyaalahan oo dhan, timuhu sidoo kale way wanaagsaan doonaan.

 

Xigasho BBC