Home Blog Page 2981

Intee Ayuu ku dambeeyay xiriirkii Madaxweynaha Dalka Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya?

isniin jan-8 2024-{HMC} Xiriirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afawerki ayaa sanadkii 2018-kii dad badan ka yaabiyay, balse waxaa jiro cadeymo kala duwan oo hadda muujinaya in saaxiibtimnmada labada hoggaamiye aysan ahayn sidii hore oo kale kadib heshiiskii Pretoria ee Abiy iyo kooxda Tigray.

Booqashadii bishii Nofembar 2018, Dr Abiy ee Asmara waxay farxad iyo rajo weyn ku abuurtay shacabka labada dal iyo dadka caalamka.

Xilligaas, ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa yiri “wax badan ayaan ka aqaan Madaxweyne Isaias Afawerki, waxaana qiyaasi karaa inuu ixtiraam iyo jacayl gaar ah u hayo dadka Itoobiya,”ayuu yiri Abiy.

Madaxweynaha Eritrea oo aan waligiis soo bandhigin qoyskiisa ama qaab nololeedkiisa ayaa ku casuumay gurigiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo wafdigiisa si ay ugu soo qaxweeyaan waqtigaas sida warbaahinta ay tabisay.

Dhankiisa, markii Madaxweyne Isaia uu 20 sano ka dib booqday Addis Ababa 15-kii bishii Luuliyo 2018 si weyn ayay u soo dhaweeyeen dadweynaha reer Itoobiya oo aan la filayn taasoo noqotay mid dad badan ay aad u hadal hayaan.

 

“Way igu adag tahay in aan cabbiro dareenkayga taariikh ayaa sameeynaynaa waxaa naga go’an in aan meel iska dhigo shirqoolka nacaybka, ciilka iyo burburka dhexdeenna lagu faafinayo, waa in aan diiradda saarnaa horumarka, barwaaqo iyo xasilloonida dadkeenna iyo dalkeenna” ayuu yiri Isaias, Madaxweynaha Eritrea oo khudbad u jeedinayay dadkii soo dhaweeyay.

Labadii sano ee ugu horreysay ee uu ra’iisul wasaare Abiy uu xilka hayay, waxay labada hoggaamiye Addis Ababa iyo Asmara ku kulmeen ugu yaraan 14 jeer.

Waa sidee heerka xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal?

 

Sammaree Risom, oo loo magacaabay safiirka Eritrea u fadhiya Itoobiya sanadkii 2018, wuxuu dalka Itoobiya ka dhoofay Febraayo 2022 “maadaama uu waqtigiisa xafiiska ka dhammaaday.”Danjire Sammare oo soo noqday wasiirka waxbarashada ayaa tan iyo markii uu dib ugu laabtay dalka Eritrea aan lagu arkin fagaarayaasha siyaasadda.

Sidoo kale, Itoobiya ma aysan dirin safiir kale ka dib markii Ridwan Xuseen oo ahaa safiirka Itoobiya ee Asmara uu dalkiisa dib ugu soo laabtay.

Inkastoo aan si cad loo ogeyn heerka uu marayo xiriirka rasmiga ah ee labada dal, balse duulimaadyada Ethiopian Airlines oo bilowday 2018-kii ayaa sii socda.

Xuduudaha labada dal oo muddo koona la furay ayaa dib loo xiray siddeed bilood gudahood.

Isaga oo aan ku faraxsanayn heshiiska Pretoria, Madaxweyne Isaias ayaa markii ugu dambeysay booqday Itoobiya bishii Oktoobar ee sanadkii 2020.

Booqashadii xilligaas oo qaadatay saddex maalmood ayuu Madaxweyne Isaias kusoo kormeeray biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil.

Ka dib heshiiskii nabadeed ee Pretoria, wafdi uu hogaaminayo taliyaha amniga qaranka Eritrea jenaraal Abraham Kassa ayaa booqday Itoobiya horraantii Abriil.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Isaias ayaa markii ugu dambeysay kulmay 12 bishii Luuliyo 2023 markaasoo madaxda Suudaan ay isugu tageen Masar si ay uga wada hadlaan dagaalka ka socda Khartoum.

La-taliyaha dhanka amniga qaranka ee ra’iisul Wasaaraha,Itoobiya Danjire Ridwaan Xuseen, ayaa xilligaas sheegay in “labada hoggaamiye ay ballan qaadeen inay wada-hadallo kale oo laba geesood ah yeelan doonan kadib marka madaxweynaha Eritrea uu booqdo Magaalada Adis-abab.

Xigasho BBC

Rikoodhkii Loo Diiwaangeliyey Liverpool Kulamadii Uu Ka Maqnaa Mohamed Salah .

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Jurgen Klopp ayaa kaftan ku macasalaameeyey xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Afrika oo uu ku maqnaanayo muddo bil ah, isaga oo seegaya ku dhowaad siddeed ciyaarood oo ay kooxdiisa Reds dheeli doonto.

 

Tababaraha reer Germany ayaa yidhi: “Haddii aan kuu rajeeyo nasiib-wanaagsan, been ayaan kuu sheegayaa…”.

 

Inkasta oo uu hadalkani ahaa kaftan, haddana waxa ay xaqiiqadu tahay in tababare Jurgen Klopp uu ku muujinayay sida uu ugu baahan yahay Salah waqtigan iyo in uu ka xun yahay in waqtigan uu ka tago iyadoo waliba ay kusoo aaddan yihiin kulamo adag.

 

Tartanka FA Cup ayaa la go’aamin doonaa in ay kusii jirayso Liverpool iyo in kale muddada uu maqan yahay Salah, waxaana ay ciyaari doonaan galabta oo ay marti u noqonayaan Arsenal iyadoo haddii laga badiyo ay tartanka ka hadhi doonaan. Sidoo kale, semi-finalka Carabao Cup oo laba lugood ah ayay la ciyaari doonaan Fulham iyadoo uu Salah ka maqan yahay, halka horyaalka Premier League ee ay hoggaankiisa hayaan ay kooxo adag la ballansan yihiin.

 

Chelsea iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha ay Liverpool la ciyaarayso horyaalka Premier League muddada uu salah maqan yahay, iyadoo waliba ay labadan kooxoodba barbarro la galeen kulamadoodii hore ee xilli-ciyaareedkan.

 

Qormadan waxa aynu kusoo bandhigaynaa isbarbar-dhigga natiijooyinka Liverpool ay garoomada ka keentay kulamadii uu ka maqnaa Mohamed Salah iyo kuwii uu u ciyaaray.

 

Isugeyn, Mohamed Salah waxa uu Liverpool u ciyaaray 332 ciyaarood oo ay badiyeen 209 ka mid ah 69 barbarro ah iyo 54 laga badiyey, waxaanay muddadaas dhaliyeen 717 gool, halka iyagana laga dhaliyey 331 gool.

 

Waxa uu Mohamed Salah ka maqnaaday 31 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana muddadaas ay guuleysteen 21 ka mid ah, toddoba barbarro ah iyo saddex laga badiyey, halka goolasha ay dhaliyeen ahaayeen 67 iyo 31 iyaga laga dhaliyey.

 

Marka xisaabta boqollayda lagu eego, kulamadii uu Salah u ciyaaray oo ahaa 332 kulan, waxay Liverpool guuleysatay 63% halka celceliska goolashooda ciyaar walba uu ahaa 2.2 gool iyo iyadoo laga dhaliyey 1.0 ciyaar walba.

 

Celceliska boqollayda ee kulamadii uu ka maqnaaday oo 31 ciyaarood, 68% ayay guuleysteen, goolashooduna waxa celceliskoodu uu noqonayay 2.2 halka iyagana laga dhaliyey 1.0 celcelis ahaan.

 

Marka aad eegto dhinaca guulaha, waxa ay badnaayeen kulamadii uu ka maqnaa Mohamed Salah oo ay 68% badiyeen, halka kulamadii uu joogayna ay guulahoodu ahaayee 63%, waxayse iskaga mid ahaayeen goolasha ay dhaliyeen iyo kuwa laga dhaliyey.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goor dhow la doortay

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goor dhow la doortay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeedda gobolka Awdal ee ku nool Minnesota .

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeedda gobolka Awdal ee ku nool Minnesota

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Real Madrid Oo Heshiis La Gashay Kylian Mbappe.

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis la gashay xiddiga reer F1rance ee Kylian Mbappe oo xagaaga si xor ah ay ugala soo wareegi doonaan Paris Saint-Germain, taas oo soo afjaraysa sannado badan oo laacibkan lala xidhiidhinayay kooxda reer Spain.

Kylian Mbappe oo ahaa hadal-haynta ugu weyn ee suuqa iibka ciyaartoyda ee sannadihii ugu dambeeyey, ayaa waxa gacanta ku dhigtay Real Madrid oo laba sannadood ka horna uu qarka u saarnaa inuu u saxeexo, laakiin cadaadis kaga yimid meelo kala duwan lagu riixay inuu heshiis laba sannadood ah u saxeexo naadiga uu hadda ka tegayo.

Xogta heshiiska waxa helay wariyaha wargeyska Foot Mercato ee Santi Aouna, waxaana uu xaqiijiyey in heshiiska ay dhinacyadu gaadheen dhawr maalmood ka hor.

Aouna waxa uu intaa ku daray, in Kylian Mbappe oo ay da’diisu tahay 25 jir uu si xor ah ugu biirayo Real Madrid xagaaga, sidaasna ay Los Blancos ku helayso mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan adduunyada.

Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo kooxo kale oo horyaalka Premier League ah ayaa lala xidhiidhinayay Mbappe, laakiin waxa dedaalka ugu badan samaynaysay PSG oo isku dayaysay inay ku qanciso inuu sii joogo kooxdooda.

25 jirkan oo xagaagii iska diiday dalab waalli ahaa oo uga yimid kooxaha horyaalka Sucuudiga oo ka dhigayay ciyaartoyga ugu mushaharka badan dhamaan bahda isboortiga kala duwan, isla markaana PSG loogu shubayay lacag dhan £259 milyan oo Gini, ayaa ogolaaday inuu rumeeyo riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu.

Faahfaahinta hordhaca ah ee heshiiska ayaa waxa ay sheegaysaa, in Kylian Mbappe uu u saxeexay Real Madrid heshiis shan sannadood ah oo uu mushaharkiisa sannadkii gaadhayo £25 milyan oo Gini, halka ay sidoo kale Real Madrid siinayso laacibkan lacag dhan £110 milyan oo Gini oo kale oo ah xaqal-saxeex maadaama uu si xor ah ugu soo wareegayo.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eritrea.

isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxtooyada Soomaaliyaa ayaa ujeeddada safarka ku sheegtay mid shaqo, balse kama aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara kusoo dhoweeyey dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Dowladda Eritrea yaa sheegtay in madaxweynaha uu Asmara ku sugnaan doono laba maalin.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka ee danta ugu jira labada dhinac.

Safarka ayaa imanaya ayada oo xiisad xooggan ay ka dhex-oogan tahay Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii Addis-Ababa ay heshiis is-afagarad oo muran dhaliyey ay la saxiixatay Somaliland.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Hase yeeshee weli Itoobiya ma xaqiijin inay ballan-qaaday aqoonsi.

Ka hor safarka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, wuxuuna ku bogaadiyay “doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida qaranimada dalka Soomaaliyeed.”

Soomaaliya ayaa si xooggan uga hortimid is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya, waxayna u yeeratay safiirkeeda Addis-Ababa.

Xiriirka iyo Eritrea iyo Itoobiya ayaa xumaa tan iyo markii uu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, oo ay heshiiyeen xukuumadda Abiy iyo Jabhadda TPLF.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Puntland oo goor dhow la doortay

isniin jan-8 2024-{HMC} Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa la soo gebagebeeyey, waxaana ku

guuyestay xilkaas Ilyaas Cusmaan Lugatoor ka dib labo wareeg oo doorasho ah.

Lugatoor ayaa guuleystay ka dib markii uu tanaasulay musharax Faarax Cabdi dhagax oo wareegii 3aad la tartami lahaa.

Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa helay wareeegii labaad ee doorashada 40 cod halka Faarax Cabdi dhagax oo ah musharaxa tanaasulay ee ku soo xigay uu helay 15 cod.

Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa isku soo taagay illaa 11

musharax oo xilkaas ku loolamay hase ahaatee Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa ka

guuleystay kaasoo ku xigeen u noqon doona shanta sano ee soo socota Madaxweynaha dib

loo doortay ee Puntland Saciid C/llaahi Deni.

ATMIS Police mentor SPF officers on crime prevention

0

Dhobley, 6 January 2024–{HMC} The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has kickstarted a mentorship programme on crime prevention strategies for Somali Police Force officers in Dhobley.

The initiative, spearheaded by ATMIS Individual Police Officers (IPOs) and personnel from the Reform, Restructuring and Development Unit (RRD), aims to enhance the knowledge and skills of the officers in addressing and preventing violent crimes while maintaining law and order in communities.

“Our core mandate is to mentor Somali Police Force officers. We are carrying out this programme to equip them before the end of the Mission’s mandate in December 2024,” said the ATMIS Police Team Site Leader in Dhobley, Assistant Superintendent of Police (ASP) French Sylvester.

He emphasized that equipping SPF officers with skills in law and order and crime prevention would be one of the main tasks for IPOs this year ahead of the Mission’s exit.

“We want them to be equipped to conduct policing activities professionally when ATMIS departs,” he added.

The Dhobley Police Station Commander, Lieutenant Colonel Mohamed Abdi Omar, expressed gratitude to ATMIS for implementing the mentorship programme.

He acknowledged the programme’s significant role in enhancing professionalism and building the capacity of the SPF in the region.

“The mentorship program is a brilliant idea, as it contributes to the plan of Somali Security Forces taking control of the country’s security after ATMIS exits,” explained Lt. Col. Mohamed.

Topics covered during the mentorship session included neighborhood watch, the use of Closed-Circuit Television (CCTV) and surveillance, community patrols and beat operations among others.

Similar training sessions will be conducted at other team sites as part of an ongoing initiative by ATMIS Police component to enhance service delivery of the SPF.

During the session, the IPOs conducted a thorough inspection of the Dhobley Police Station, documenting daily operations and ensuring adherence to established protocols. The approach aims to promote best practices among the local police officers.

Part of the ATMIS Police mandate includes supporting the SPF through specialised training, advising and mentoring as well as providing operational support such as joint patrols and protection of vital installations.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 08 01 2024}

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugei baryare iyo Abadi yare

Farsamadii ::Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo