Isniin jan-8 2024-{HMC}Â Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya mudane Isaias Afwerki.
{DAAWO MUUQAALKA} Musharaxinta hartay wareega 1-aad iyo kuwa usoo baxay wareega xiga ee Doorashada Puntland oo lagu dhawaqay
isniin jan-8 2024-{HMC} Musharaxinta hartay wareega 1-aad iyo kuwa usoo baxay wareega xiga ee Doorashada PL oo lagu dhawaqay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isbarbardhigga awoodda milatari ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareereys
Isniin jan-8 2024-{HMC} Khilaaf dhanka diblomaasiyadda oo dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo shaacbaxay ka dib markii Itoobiya ay Jamhuuriyadda Gooni Isutaageeda ku dhawaaqday Somaliland la saxiixatay heshiis is afgarad ah oo ah in Itoobiya ay si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.
Heshiiskan is afagardka ah ayaa waxaa si adag uga fal-celliyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay baarlamaanka oo kulan degdeg ah la isugu yeeray kaddib heshiiskii shalay ee Itoobiya iyo Somaliland, hadalladiisa waxaa ka mid ah:
Madaxweynaha ayaa marka hore ku dheeraaday taariikhdii soo dhex martay Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inay soo martay taariikh ku saleysneyd colaado iyo dagaal.
Isagoo ka hadlayay kulankii shalay ayaa wuxuu yiri: “Bisha January 1-deeda 2024 waxa dhacay wax cusub waaye, laakiin aan curato ku ahayn taariikhdii hore ee aan soo marnay. Cid awood u leh cad ka mid ah soomaaliya inay bixiso ma laha, awoowayaasheennaa diiday, annagoo hadda nool baa didnay, sinna suurtogal kuma aha inta yar ee aan hadda heysanno oo inaan horumarsanno oo qurxinno aan ku ballanay in maanta cad ka mid ah uu baxaahi dadka Soomaaliyeed ma oggola meel walba oo ay joogaan.
Haddaba waxaanu eegeynaa isbarbardhigga awoodaha military ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Awoodda milatari ee Soomaaliya
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.
1,709,302 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 123,862 qof.
Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.
Wargeyska ayaa sannadkan qoray in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan.
Hase yeeshee waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay haysato 65 oo ah gawaarida gaashaaman.
Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.
Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya
Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3, halka tirada ciidamada baddana uu wargeyska ku sheegay inay gaarayaan ilaa 300.
11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.
Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.
Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya
Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Hase yeeshee tirada ciidamada cirka ayuu wargeyka ku sheegay inay tiro ahaan yihiin 300 oo askari.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar.
Awoodda ay Soomaaliya u leedahay inay sare ugu qaaddo awoodeeda militari ayaa lagu qiyaasay 13, 190,000,000 oo doolarka Mareykanka ah.
Deynta dibadda waa 5, 300,000,000 halka sannadkii hore ay ka ahayd.
Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.
Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.
Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.
Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.
Waxaa xusid mudan in Sannadkan Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka oo saarnayd in ka badan 30 sannadood taas oo u sahleysaa inay soo iibsan karto hub horay mamnuuc uga ahaa.
Awoodda milatari ee Itoobiya
Itoobiya waxay ka mid tahay shanta waddan ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika, marka laga soo tago waddamada kaalmaha ka horreeya ku jira ee Afrika, oo kala ah 1- Masar, 2-Algeria, 3-South Africa, iyo 4-Nigeria.
Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 113,656,596.
Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 54,555,166 ruux, oo u dhigma 48%, oo ka mid ah shacabka guud.
33,869,666 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.
Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.
Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 150,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.
Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya
Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 89.
Itoobiya waxay leedahay:
23 diyaaradaha dagaalka ah.
9 saanadda kala gudbiya.
26 loogu talagalay tababarka.
31 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.
6 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah.
Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah.
Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya
468 taangi.
6,240 gawaadhida gaashaaman.
100 madaafiicda iskood isku haga.
319 madaafiicda la jiido ah.
183 qalabka lagu rido gantaallada ah.
Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya
Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona.
Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya
Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $358,000,000 oo doolar.
Deynta dibadda waa $30,000,000,000.
Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya
Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km.
Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb.
Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km.
Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km.
ISHA BBC
{DAAWO MUUQAALKA} Gudiga Doorashada Puntland oo shaaciyey Doorashada iyo qaabka ay u dhaceeyo.
isniin jan-8 2024-{HMC} Gudiga Doorashada Puntland oo shaaciyey Doorashada iyo qaabka ay u dhaceeyo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Baladweyne oo siyaaba kala duwan ugu Aragti dhibtay ciyarta u dhaxeyso Banaadir VS Galmudug
isniin jan-8 2024-{HMC} Shacabka Baladweyne oo siyaaba kala duwan ugu Aragti dhibtay ciyarta u dhaxeyso Banaadir VS Galmudug
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Deni iyo laba musharrax oo kale oo usoo gudbay wareegay labaad ee doorashada
Isniin jan-8 2024-{HMC} Waxaa soo dhammaaday wareegga koowaad tartanka doorashada xilka madaxweynaha maamulka Puntland oo haatan ka socoto magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taas oo ay ku tartamayaan illaa 11 musharrax.
Wareeggan oo si weyn loogu loolamay ayaa waxaa kasoo gudbay saddex musharrax oo uu hoggaaminayo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo helay 35 cod.
Labada musharrax ee kale ayaa kala ah Dr. Guuleed Saalax oo 9 cod iyo Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo isna helay 8 cod, sida uu shaaciyay guddoonka golaha wakiilada.
Musharraxiinta kale wareegay ku haray waxaa kamid ah Xasan Shire Abgaal oo helay 5 cod, Axmed Ciise Cawad oo helay 4 cod, Asad Diyaano oo helay 3 cod iyo Maxamed Faroole oo helay 2 cod, halka ay jiraan musharraxiin kale oo haray, kuwaas oo helin wax cod ah.
Sidoo kale waxaa haatan sii soconaya doorashada, iyada oo musharixii guuleysaa uu noqon doono madaxweynaha 7-aad ee maamul goboleedka Puntland
Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee imaan doono ayaa waxaa horyaalla shaqo adag oo ay ugu horreysao wax ka qabashada khilaafka haatan Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo inay qabtaan muddo xileedkooda doorasho qof iyo cod ah.
Dhanka kale, ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogayGaroowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.
Puntland ayaa maalmihii u dmabeeyay ku jirtay xaalad adag oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta loo fadhiyo ee ka socota caasimada Garoowe.
Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.
{DAAWO MUUQAALKA} Culuma-udiinka Puntland Oo War Kasoo saartay Doorsahada Madaxweynaha Maamulkaasi
isniin jan-8 2024-{HMC} Culuma-udiinka Puntland Oo War Kasoo saartay Doorsahada Madaxweynaha Maamulkaasi
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Abwaan shariif muuse oo Gabay kasoo jeediyay Shirka wada-tashiga Tardo
isniin jan-8 2024-{HMC} Abwaan shariif muuse oo Gabay kasoo jeediyay Shirka wada-tashiga Tardo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Shir Wadatashi ah oo Maalintii labaad ka socda Deegaanka Tardo
isniin jan-8 2024-{HMC} Shir Wadatashi ah oo Maalintii labaad ka socda Deegaanka Tardo
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO Wararkii ugu Dambeeyey Dorashada madaxtinimada Puntland iyo halka ay waxmarayaan.
isniin jan-8 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyey Dorashada madaxtinimada Puntland iyo halka ay waxmarayaan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA



