Home Blog Page 2984

{DAAWO MUUQAALKA} Marinkii qaraxyada ee A,S oo hadda noqotay xarunta dalxiis ee shacabka Muqdisho ugu jecelyihiin

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Marinkii qaraxyada ee A,S oo hadda noqotay xarunta dalxiis ee shacabka Muqdisho ugu jecelyihiin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

DENI iyo musharraxiinta kale oo saxiix laga qaaday kahor natiijada doorashada

0

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Waxaa haatan si rasmi ah u bilaabatay codeynta doorashada madaxweynaha Puntland, taas oo ay ku loolami doonaan illaa 11 musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Hoolka doorashada ayaa waxaa diyaar ah musharraxiinta tartameysa, xidlhibaannada Puntland, guddoonka golaha, wasiiro, saraakiisha amniga, safiiro iyo marti sharaf kale.

Dhammaan musharaxiinta ayaa inta aysan bilaaban doorashada waxaa laga saxiixay warqad ay ku caddeynayaan inay aqbalayaan natiijada, haddii laga guulaysto.

“Aniga oo ah musharrax Saciid Cabdullaahi Deni, una tartamayo xilka madaxweynaha dowladda Puntland waxaan halkan ku caddeynayaa inaan aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada madaxweynaha Puntland oo aan u tartami doono, waana saxiixay”” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni oo loolan adag kala kulmaya isbaheysiga mucaaradka.

Dhanka kale waxaa xilka madaxweyne ku xigeenka u tartamaya 11 musharrax kale oo iyaguna u hanqal taagaya qabashada xilkaasi, kuwaas oo iyana ballan qaaday inay aqbalaan natiijada doorashada haatan ka socota magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Dhammaan musharraxiinta ayaa shalay khudbadahooda iyo barnaamijkooda wax qabad ka hor jeediyay xildhibaannada, waxaana maanta la filayaa in lagu kala baxo doorashada.

Madaxweynaha cusub ee imaan doono ayaa noqonaya kii todobaad ee soo mara Puntland oo haatan jirsatay 25 sano, waxaana laga sugayaa inuu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ammaanka guud ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo bandow soo billowday xalay lagu soo rogay magaalada Garoowe, kaas oo soconayo inta ay dhamaaneyso doorashada.

Si kastaba, Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa isha lagu wada hayaa, waxaana si toos ah loogala socdaa qaar kamid ah Telefishinnada Soomaalida iyo baraha bulshada intaba.

MW Xasan shiikh: “Sawaxanka & Qaylada ka baxaysa Boorama, Hargaysa & Lughaya waxa ay ka tarjumaysaa Dareenka qof weliba meesha uu joogo”.

0

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay falcelinta ka dhalatay heshiis-beenaadkii Itoobiya ay la gashay Maamulka Somaliland oo ay ku damacsanayd in ay ku qaadato qayb kamid ah badda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhinacyada ka falceliyay tallaabadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay jiraan Dad ku sugan deegaannada Somaliland oo rasaas loo adeegsaday si loo kala eryo maadaama ay sameeyeen tallaabo ay ku diidayeen heshiis ku sheeggaas.

Sawaxanka & qaylada kasoo yeeraysa Dadka diidan heshiiskaas is afgaradka ah ayuu ku sifeeyay mid ka tarjumaya dareenka Soomaalinimo ee qof weliba uu u hayo dalkiisa & Dadkiisa isla markaana Dadkaas ay samaynayaan intii karaankooda ah.

“Sawaxanka & Qaylada Boorama ka baxaysa, Hargaysa ka baxaysa ee Lughaya ka baxaysa waxa ay ka tarjumaysaa cunsurka Soomaaliga, shakhsiga Soomaaliga ah meel weliba uu joogo dareenkiisa ayay ka tarjumaysaa, waxa aan amaanayaa Wiilasha & Gabdhaha dhalinyarada ah ee qaarkood xabbadaha lagu ridayo, la kala eryayo ee qaarkood xir-xiran yihiin oo xorriyadda laga qaaday waxa ay u taagan yihiin waa in dhulka Soomaaliya mitir kamid ah uusan bixin” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in dhulkaan daafac adag loosoo galay sidaas awgeed aanay dhulku bixin Karin Shakhsi ama Maamul waxaana uu markale Itoobiya u sheegay in aanay kala gorgortami doonnin ama ugu tanaasuli doonnin Dhulka, Bad & Hawada Soomaaliya.

“Gabdhaha Waqooyiga Soomaaliya jooga gaar ahaan Hargaysa ee lahaa Xasan Sheekh Dhul ma bixin karo, Muusena ma bixin karo waa runteed 100% waayo ma bixin karo, muuse ma bixin karo qof kale oo berri imaadana ma bixin karo Dhulka Soomaaliyeed, Itoobiya waxa aan leeyahay ma dhacayso in Dhul Soomaaliyeed oo xor ah uu xorriyaddiisa waayo oo biyaha ayaan leenahay, kama gorgortamayno, Kamana heshiinayno taako kamid ah Dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay kulan casho ah oo lagu maamuusayay sharciga Labada Gole ee Baarlamaanka kasoo saaaray heshiis beenaadkii ay wada galeen Itoobiya & Somaliland.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku xigeenka Puntland

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku xigeenka Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Wararkii Ugu Dambeyay dagaal culus oo ka dhacay Magalada MUQDISHO

0

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay shacabka.

Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan booliska iyo milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo booliska ku amreen inay ka guuraan dadka shacabka ah ee deggan.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay dhulkan ku wada dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxayna dhacday dhowr jeer hore, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha amniga Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Safiirka Dowlada itoobiya u joogay Soomaliya oo si Deg Deg ah uga baxay magaalada Muqdisho.

0

isniin jan-8 2024-{HMC} Safiirka Dowlada itoobiya u joogay Soomaliya oo si Deg Deg ah uga baxay magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Suxufi Wael Dahdouh oo ku adkaystay in uu sii wadi doonno u adeegista Dadka Gaza.

0

Isniin jan-8 2024-{HMC} Suxufiga dhibaatooyinka kala duwan kala kulmay dagaalka ka socda Magaalada Gaza muddo ka badan 3da Bil ee lagu magacaabo Wael Dahdouh kana tirsan Teleefishinka Aljazeera ayaa sheegay in uu ku adkaysanayo sii wadista shaqada uu hayo.

Dhibaatadii ugu dambaysay waxa uu la kulmay kaddib markii Ciidanka Israaiil duqayn ku dileen Wiilkiisa Xamsa & Suxufi Mustafa Thuraya halka horay xubno qoyskiisa katirsan ay ku dhinteen duqayn isla markaana uu ka geeriyooday muuqaal-duubihiisii waqtiga badan lasoo shaqeeyay.

Dahdouh waxaa uu sheegay in uusan joogin meel uu ku nafto ama uu uga haro shaqada uu hayo maadaama dhinac weliba oo Magaalada Gaza ah ay ka dhacayaan duqaymo & dagaallo toos ah oo maalin weliba joogto ah.

Suxufigiin ayaa loo arkaa halyay reer Gaza u istaagay si dhibaatada ay gaarsiinayaan ciidanka Yuhuudda bannaanka uu soo dhigo isaga sheegay in uu u taagan tahay sidii uu usii kordhin lahaa shaqada uu qabanayo.

“Waan sii wadi doonnaa shaqada aan hayo” ayuu u sheegay Wael Dahdouh oo la hadlay Shabakadda Aljazeera ee uu katirsan yahay kaddib markii wax laga waydiiyay in uu soo gabagabaynayo waayihii kasoo xog-warranka colaadda ka taagan Falastiin.

Suxufiyiintii ugu badnayd ayaa naftooda ku waayay duullaanka iyo duqaymaha Ciidanka Israaiil ay ka gaysanayaan Magaalada Gaza balse arrintaas ma joojin soo bandhigista dhibaatooyinka Yuhuudda ay gaysanayso.

Golaha Wakiillada DG Puntland oo maanta Dooranaya Madaxweyne & Ku xigeenkiisa.

0

Isniin jan-8 2024-{HMC} Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta dooranaya Madaxweynihii 7aad ee Dowlad-Goboleedkaas iyo ku xigeenkiisa waxaana u tartamaya musharrixiin kasoo gudubtay shuruudihii la hordhigay.

Saacadihii u dambeeyay Magaalada Garoowe waxaa ka socday kala xod-xodashada Xildhibaannada Codaynaya si musharrax weliba uu u helo codad uu kusii tashanayo kahor inta uusan gelin hoolka doorashada ka dhacaysa.

Sidoo kale Musharrixiinta dhexdooda ayaa kulamo ka yeeshay sidii ay iskaashi u samayn lahaayen si qofkii ugu codad badnaado uu codadkoodu u heli lahaa xubnaha qarka u saaran in ay ka haraan wareegga xiga ee doorashada.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah ee Magaaladaas iyada oo ciidamo la dhigay waxaana dhammaan la fasaxay goobaha waxbarashada halka la xiray goobaha Ganacsiga.

Dadka Puntland ayaa hadal-haya cidda ku guuleysan doonto hoggaaminta Dowlad-Goboleedkaas 2024 ilaa 2029ka maadaama musharrixiin aan kala yaraysan loolankooda ay ku tartamayaan codbixinta Baarlamaanka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 08/01/2023

0

Isniin jan-8 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf Cali Cadow

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Markii uu ilmada ceshan waayay iyo waxyaabaha kale ee aan laga ogeyn Kim Jong Un.

0

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un waxa uu noqonayaa 40 jir. Laakiin dhab ahaantii miyuu yahay?

Maalinta dhalashada ee Hogaamiyahan Sare ayaa si weyn loo rumeysan yahay inay tahay 8 Janaayo, laakiin waxaa lagu muransan yahay taariikhda saxda ah ee dhalashadiisa.

Kani maaha sirta kaliya ee Kim – halkan waxaa kuugula wadaageynaa shan su’aalood oo aan laga jawaabin oo ku saabsan kaligii-taliyiha Kuuriya Waqooyiga ee xukunka qabtay 2011.

1. Goorma ayuu dhashay Kim Jong Un?

“Waxaa jira doodo badan oo ku saabsan sanadka uu dhashay, 1982, 1983 ama 1984,” Dr Edward Howell, oo bare ka ah kulyadda siyaasadda jaamacadda Oxford, ayaa u sheegay BBC.

Dhalashadiisa la filayo 8-da Janaayo oo maanta ku beegan maalin shaqo oo caadi ah ayay u tahay waddanka Shuuciga ah, halka dhalashada aabihiis Kim Jong Il loo dabaaldego 16-ka Febraayo sannad kasta.

Dhalashada awoowgii Kim Il Sung ee 15 Abriil sidoo kale waxaa loo asteeyay maalinta dabaal-deg ah.

Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah faahfaahinta qoyskiisa ballaaran ayaa qarsoodi ah oo aan wax badan laga ogeyn.

Khabiirka Kuuriyada Waqooyi Dr Howell ayaa sheegay in aan ognahay in Kim uu leeyahay walaalo ay isku hooyo yihiin, kuwaas oo midkood oo la yirahdo Kim Jong Nam lagu dilay Malaysia sanadkii 2017-kii.

Kim Jong Un aabbihii ayaa loo malaynayaa inuu lahaa ugu yaraan afar lammaane oo kala duwan – laakiin xiriirkiisa ayaa inta badan laga ilaalinayay indhaha dadweynaha.

Hooyadii, Ko Young Hui, ayaa loo maleynayaa inay ku dhalatay Japan, iyadoo Kuuriya Waqooyiga timid 1960-meeyadii si ay uga shaqeyso xarun qoob ka ciyaarka lagu dheelo.

Waxaa la sheegay inay ahayd haweeneyda ugu cadcad dhammaan lammaanayaashii kale ee Kim Jong Il.

2018 sawirada Ko Young Hui oo la qaaday markii ay booqatay Japan 1973, ayaa la helay.

The Korea Times ayaa soo warisay in Kuuriyada Waqooyi aysan siinin sumcad badan Ko sababtoo ah shaqadeeda qoob-ka-ciyaarka iyo asalka qoys ee Japan.

Waa tuma xaaska Kim Jong Un?

Mar labaad, ma hubno. Waan ognahay inuu qabo xaas, la yirahdo Ri Sol Ju, laakiin ma hubno goorta ay is guursadeen (waxaa jira qiyaas ah in guurkoodu dhacay dhacday 2009).

Wax yar ayaa laga yaqaan “Jaalle Ri Sol Ju”. Waxay ahayd heesaa hore oo soo jiidatay dareenka Mr Kim intii lagu jiray bandhig faneedka?

Waxaa jirta fanaanad u dhalatay Kuuriyada Waqooyi oo magaceeda wadata, balse waligeed si rasmi ah looma xaqiijin inay isku qof yihiin.

Xildhibaan oo soo xiganayay saraakiil sirdoon ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in Ri Sol Ju ay booqatay Kuuriyada Koonfureed 2005-tii iyadoo ka mid ahayd kooxda farxadda u horseedaysa ciyaaraha fudud ee Aasiya, ayna wax ku baratay heesaha dalka Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo dhaafsiisan inay sheegto inay tahay xaaska Mr Kim.

3. Imisa caruur ah ayuu dhalay Kim Jong Un?

Halkan waxaan ku haynaa faahfaahin qoys oo kale oo ay adagtahay in la qeexo.

Wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Ri Sol Ju ay uur leedahay ayaa soo bilowday sanadkii 2016-kii kadib markii laga waayay indhaha dadweynaha, balse waligeed si rasmi ah looma xaqiijin.

Laba carruur ah oo hore ayaa la rumeysan yahay inay dhasheen 2010 iyo 2013, laakiin lama oga in ay jiraan kuwo lab ah. Dhab ahaantii, waxaa jira wax yar oo aan ka ognahay iyaga.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa meel fagaare ah kala soo muuqday gabadhiisa, Kim Ju Ae, oo la rumaysan yahay inay tahay da’ada labaad taas oo ku dhawaad 10 jir, waana tan aan inta badan naqaan – ugu yaraan shan muuqaal ayay ka soo muuqatay sannadkii 2023-kii.

“Weli ma garanayno sheekada dhamaystiran ee caruurtiisa,” Dr Howell ayaa sharaxay.

“Waxa uu leeyahay caruur kale, laakiin wax yar ayaa laga ogyahay iyaga. Ma garanayno hooyooyinkooda,” ayuu intaas khabiirka Waqooyiga Kuuriya.

Si ka soo horjeeda falanqeeyayaasha badan (iyo runtii wakaaladda basaaska ee Kuuriyada Koonfureed), Dr Howell ma rumaysna in Kim Ju Ae loo diyaarinayo inuu noqdo hogaamiyaha xiga.

Wali waa ay yartahay gabadhiisa laakiin Kim Jong Un walaashiisa, Kim Yo Jong, waxay leedahay khibrad dheeraad ah sidoo kalana waxay xiriir wanaagsan la leedahay dadka caanka ah, taas oo ka dhigi karta mid ay u badan tahay inay u tartanto inay beddesho walaalkeed.

“Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu arkayaa isaga iyo inantiisa yar marka ay gantaallada soo ridaan, marka ay joogaan xafladaha ama ciyaaraha kubadda cagta sababtoo ah waxa uu rabaa in loo arko nin qoys leh ahna hoggaamiye wanaagsan,” Dr Howell ayaa aaminsan.

4. Sidee Kim Jong Un u maareeyaa in uu ku noolaado nolol raaxo leh iyadoo waddanku aad u sabool yahay?

Kuuriyada Waqooyi iyo hogaamiyaheeda ayaa wajahaya cunaqabateyn adag oo ay ku soo rogeen Qaramada Midoobay iyo wadamada reer galbeedka muddo sanado ah, sababo la xiriira horumarinta hubka nukliyeerka iyo gantaalada ballistic-ga.

Balse Dr Howell ayaa sheegay in Kim Jong Un uu samaynayo wax walba oo uu kaga baxsan karo cunaqabataynta saaran.

“Waddanku waxa uu leeyahay sanduuq yar oo si gaar ah loogu talagalay in uu isticmaalo talisku. Kim waxa uu doonayaa in uu arrintan sii wado maadaama uu doonayo in isaga iyo qoyskiisa ay sii wataan qaab nololeedkooda raaxada.”

Waxaa jira shabakado wadamo ah kuwaas oo doonaya in ay Kuuriyada Waqooyi lacag siiyaan, Dr Howell ayaa aaminsan.

“Dadku waxay inta badan u maleynayaan in Kuuriyada Waqooyi ay tahay waddan go’doonsan oo aan lahayn internet, waxay leedahay internet ay dowladdu maamusho, dagaalka internetkana wuxuu noqday istaraatiijiyad muhiim ah: Maamulka Kim wuxuu jabsadaa nidaamyada kombuyuutarrada dalalka kale si uu u xado lacag oo uu ugu maamulo dhaqaalihiisa iyo barnaamijka nukliyeerka,” ayuu yiri Dr Howell.

5. Kim Jong Un ma daneeyaa dadkiisa?

Khudbad uu ka jeediyay dhoola-tus ciidan oo dhacay 2020 ayaa na tustay dhinac ka duwan kan lagu yaqaanay Hogaamiyahan Sare.

Wuxuu uga mahadceliyay ciidamadiisa dadaalka ay uga hortagayaan musiibooyinka dabiiciga ah ee u dambeeyay. Hal mar ayuu ilmada iska tiray isagoo ka hadlaya halgankii dalka soo maray. Waxay ahayd dareen naadir ah oo uu sameeyay hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Dadka wax indha indheeya ayaa soo jeediyay in laga yaabo in uu isku dayo in uu muujiyo adeyg xitaa iyadoo uu dalku wajahayo dhibaato dhaqaale oo isa soo taraysa.

Laakiin baaritaanka lagu sameeyay qaab nololeedka quruxda badan ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya caksigeeda.

Kim Jong Un waxa uu sii wataa caado ah in uu masaafo dheer ku safro tareeno qaali ah, oo soo uu bilaabay Kim II Sung – awoowgiis.

Dadka ku nool Kuuriyada Waqooyi ayaa BBC-da u sheegay in cuntadu ay aad u yar tahay taas oo sababtay in deriskooda ay gaajo u dhinteen. Khubarada ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay tii ugu darneyd tan iyo sagaashamaadkii.

Maxay tani ka oranaysaa mudnaanta Kim?

“Waxa uu rabaa oo kaliya in uu ilaaliyo maamulka iyo hoggaankiisa dulmiga iyo macangaga ah. Uma eka in uu danaynayo 26-ka milyan ee qof ee dalkiisa,” ayuu yiri Dr Howell.

BBC SOMALIA