Home Blog Page 2988

{DAAWO SAWIRADA} Banaanbax Aad uweyn oo looga So horjeedo Heshiiska Muuse Biixi Iyo Abii Axmed oo dhacay Magaalada Boorame

0

Axad jan-7 2024-{HMC}  Banaanbax weyn ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaasi oo looga soo horjeedo heshiiskii Addis Ababa ee dhawaan uu Muuse Biixi qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya ugu saxiixay Itoobiya.

Shacab aad uga careysan in Itoobiya la siiyo dhul badeed dhan 20KM ayaa iskugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada, ayaga oo ku dhowaaqayay ereyo ay ku muujinayaan diidmadooda heshiiskaasi.

“Baddeenu iib ma ahan,” ayaa kamid ah ereyada ay ku qeylinayeen dibad-baxayaasha. Sidoo kale waxaa kamid ahaa “Dooni meyno dhuuni qaate.”

Dibad-baxaan oo ahaa mid nabdoon, oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee baddeena, ayaa waxaa guul-dareystay isku-day ay ciidanka Booliska ku rabeen in ay ku joojiyaan dibad-baxaan oo ay ku kala kaxeeyaan dadweynaha, maadaama dad aad u tiro badan isku soo baxeen.

Dibad-baxaan ayaa imanaya xilli maanta ay xukuumadda Muuse Biixi qorsheynaysay in ay Boorama ku qabato dibadbax lagu taageerayo heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo fashilmay, kadib markii ay ka biyo diideen reer Boorama.

Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkii tegay heshiis is-afgarad magaalada Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo uu Itoobiya ugu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Heshiiskaas ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo xalay uu madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 07 01 2024}

Axad jan-7 2024-{HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yaasin ali ahmed iyo iqra abbdulahi osmaan

Farsamadii : Abdi maajid abdirxmaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Boorama oo ku dhawaaqaya Baddayadu Iib Maahan.

Axadi jan-7 2024-{HMC} Shacabka Boorama oo ku dhawaaqaya Baddayadu Iib Maahan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliye Cabdi-Suul-nuuge oo lagu aasay Muqdisho iyo Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aaska.

Axadi jan-7 2024-{HMC} Taliye Cabdi-Suul-nuuge oo lagu aasay Muqdisho iyo Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aaska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hadal jeedinta Musharax madaxwayne Puntland Dr Guleed Saalax oo soo bandhigay qorshe siyaasadeedkisa

Axadi jan-7 2024-{HMC} Hadal jeedinta Musharax madaxwayne Puntland Dr Guleed Saalax oo soo bandhigay qorshe siyaasadeedkisa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hawenka gobolka Awdal oo si adag u diiday Damaca Ethiopia ku dooneyso Dhulka iyo Badda Somaaliya

Axadi jan-7 2024-{HMC} Hawenka gobolka Awdal oo si adag u diiday Damaca Ethiopia ku dooneyso Dhulka iyo Badda Somaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} AS badan oo la laayay kadib dilkii Taliye Suulnuug

Axadi jan-7 2024-{HMC} AS badan oo la laayay kadib dilkii Taliye Suulnuug

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyarada SSC iyo Shacabka Sool oo shegay Cida ay la rabaan Mw Puntland.

Axadi jan-7 2024-{HMC} Dhalinyarada SSC iyo Shacabka Sool oo shegay Cida ay la rabaan Mw Puntland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay geeridii AUN Gashaanle Suul_nuuge.

Axadi jan-7 2024-{HMC} Xukuumadda Soomaaliya oo war kasoo saartay geeridii AUN Gashaanle Suul_nuuge.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Cabdulle Maxamuud Cabdi “Waxkasta waxaa iiga farxad badan in madax AS lacag leygu siiyo,

Axadi jan-7 2024-{HMC} Cabdulle Maxamuud Cabdi “Waxkasta waxaa iiga farxad badan in madax AS lacag leygu siiyo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA