Home Blog Page 2998

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland oo la doortay

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulkaasi ee afarta sanno ee soo socota, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaana doorashada galay oo kaliya hal wareeg.

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Cabdirisaaq Axmed Siciid oo helay 37 cod, Cabdirashiid Yuusuf oo helay 8 Cod, halka Musharax Maxamed Faarax Maxamed Gabyow uu helay 10 Cod iyo Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo isna helay 10 cod.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii hore ee Guddigii KMG ahaa doorashooyinka Puntland {TPEC}, waxaana ninkan si weyn u taageerayay madaxweyne Deni oo qarash badan ku bixiyay..

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa ka socota doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah, halka doorashada Guddoomiye ku-xigeenka labaad aan weli loo gudbin.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo Maanta ka socota Garoowe

Khamiis jan-4 2024-{HMC}  Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah ka socota Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Doorashada ka dhaceysa maamulkaasi.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo kala ah xil. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, xil. Maxamed Faarax Maxamed {Gabyow}, xil. Cabdirisaaq Axmed Saciid Faarax iyo xil. Mursal Maxamuud Cabdi Cali.

Sidoo kale xilalka Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaya dhowr Musharax, kuwaasi oo isku soo taagay xilka,

Khudbad jeedinta Musharaxiinta ayaa haatan si toos ah uga socota Xarunta Baarlamaanka Puntland, isla markaana waxaa ku sugan halkaasi dhammaan 66-da Xildhibaan cusub ee dhawaan la dhaariyay, sidoo kalena xubno ka socda Guddiga doorashada ayaa iyaguna goobjoog ah.

Amnmaanka magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana goor hore oo saaka ah la xiray qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Garowe.

{DAAWO MUUQAALKA} Mareynka oo Garab istaag u balan qaaday Dalkeena kana hor timid damaca Itoobiya.

0

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Mareynka oo Garab istaag u balan qaaday Dalkeena kana hor timid damaca Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Itoobiya oo qoraal kasoo saartay heshiiska ay la gaarte Somaliland”

0

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Dowladda Itoobiya oo qoraal kasoo saartay heshiiska ay la gaarte Somaliland”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Musharax kasoo jeeda SSC oo ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Xilka MW ku xigeen.

0

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Musharax kasoo jeeda SSC oo ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Xilka MW ku xigeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn. {4.1.2024}

Khamiis january -4-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahman Mo,alim Muse

Farsamadii :Yasiin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Qaraxyo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​100 qof oo ka dhacay Iran

Khamiis jan-4 2024-{HMC} TEHRAN — Saraakiisha Iran ayaa sheegay in laba qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale xaflad ka dhacday Iran, Arbacadii, oo lagu xusayay taliyihii militariga ee Qassem Soleimani, oo ay dishay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2020.

Iran ayaa ku eedeysay weerarkan “argagixiso” aysan magacaabin.

Telefeshinka dowladda Iran ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu dhacay ka dibna kan kale uu dhacay 20-daqiiqo ka dib markii ay socotay baroordiiqda sanadguuradii afaraad ee ka dhacday qabuuraha lagu aasay Suleymaani oo ku taal magaalada Kerman ee koonfur-bari ee dalkaas.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden ayaa Washington ka sheegay in qaraxyadu ay u muuqdeen kuwo u taagan “Weerar Argagixiso” oo noociisa ay hore u fuliyeen Daacish.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa cambaareeyay weerarradan, kuna tilmaamay “dambiyo bini’aadantinimada ka baxsan”, waxaana hogaamiyaha ugu sarreeya Iran Ayatullah Khamenei uu wacad ku maray inay ka aargudan doonto ciddii ka dambeysay labadii qarax ee dhiiga badan ku daatay.

“Dambiilayaasha naxariista daran…waa inay ogaadaan in si adag loola tacaali doono hadda wixii ka dambeeya iyo…shaki la’aan waxaa jiri doona jawaab adag,” ayuu Khamenei ku yiri hadal uu soo saaray, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Moussa Faki oo ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida dalalka Midowga Afrika

Khamiis jan-4 2024-{HMC} — Midawga Afrika ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Ethiopia, kadib markii magaalada Addis Ababa, ay heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixdeen Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Midawga Afrika ayaa ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madaxbanaanida dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Ethiopia.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay, “in Guddoomiyuhu uu si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxeexa heshiiska is-afgarad.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la is-dejiyo oo la is ixtiraamo, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan dawladda Federaalka ah ee Ethiopia iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Isaga oo u soo jeediyey, in labada dal ay ka fogaadaan, wax kasta oo si ula kac ah u horseedi kara, inuu xumaado, xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya labadan dal.

Guddoomiyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday, sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ixtiraamo, midnimada iyo wada-jirka dhuleed, iyo madaxbanaanida buuxda, ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan, Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka ah ee Ethiopia.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xeerarka deris-wanaagga, si kor loogu qaado loona adkeeyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

“[Guddoomiyuhu] wuxuu ku boorinayaa labada waddan ee walaalaha ah, in ay si aan dib-u-dhac lahayn, u galaan wadaxaajoodyo ay ku xallinayaan khilaafaadkooda, sida ugu waxtarka badan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Midawga Afrika.

Dowladda Itoobiya oo qoraal kasoo saartay heshiiskii ay La gashay Maamulka Somaliland

Khamiis jan-4 2024-{HMC} —  Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay qoraal faah-faahsan oo ay ku difaaceyso heshiiska is-afgarad ee ay la gaartay Somaliland, kaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga soo horjeesatay.

Qoraalka ayaa waxaa ugu muhiimsan in Itoobiya aysan ku qiran inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse taas beddelkeed waxay xustay inay darsi doonto arrintaas.

Qodobka arrintaas ku saabsan ayaa u qoran sidan “Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dawladda Itoobiya xaq u leedahay in ay si qoto dheer u dariisto inay mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Heshiis is-afgarad oo dhammaystiran oo iskaashi iyo isgarab tagni ah oo ay wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Somaliland

Heshiiska waxaa ku jira dhinacyo badan oo iskaashi oo dhanka bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo ciidamada ah. U xinjirta Afrika ka dib, Somaliland waxay ku sii jirtaa gumaystihii Ingiriiska, waxaanay xorriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii. Waxa kale oo la xusuustaa in dalal badan ay wakhtigaas aqoonsadeen.

Hase yeeshee, isla sannadkaas shan maalmood ka dib, waxay si iskeed ah ugu biirtay Muqdisho oo ka xorowday gumaysigii Talyaaniga. Waxay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991 waxayna ku dhaqmaysay dimuqraadiyad muddo 30 sano ah iyadoo qabatay doorashooyin isdaba joog ah oo nabad ah iyada oo fulinaysay isbedel dawladeed. Waddamo uu dalkeenu ka mid yahay ayaa xafiisyo qunsuliyadeed ka furta Hargeysa. Balse wali ma aysan helin aqoonsi buuxa. lyadoo ay taasi jirto ayaa waxa ay heshiisyo la gashay wadamada qaar oo ay ka mid yihiin adeegyada iyo horumarinta dekedaha.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Dekedda Berbera oo locogladey Itoobiya in ay yeelato 19%, ee la saxeexay ayaa caddayn u ah xaqiiqadan. Waxa kale oo la og yahay in waddamo kale ay ku dhaqmaan habkaas oo kale. Markii tani dhacday, ma jirin wax gunuunac ah ama cabasho ah. Heshiiskii iyo habkii ay u saxeexday Itoobiya in ay kirada amaa bixi oo qaado ku hesho adeegga badda ee militariga iyo ganacsiga, asal ahaan waa isku mid.

Waxaa jiray heshiis wada shaqayneed oo soo daahay oo dhex maray dalkeena iyo Somaliland. Dukumeentiga iskaashiga iyo isgarab tagni ah ee hadda jira, kaas oo lagu helay dadaalka labada dhinac si loo sii xoojiyo saaxiibtinimadooda, ayaa ka jawaabaya su’aalaha taariikhiga ah ee labada dhinac, awoodna u leh in la dhiso iskaashi tafatiran, daahfuran oo istiraatiiji ah mustaqbalka fog.

Somaliland ahan, ma jiro waddan jawaab u raadiya su’aalahooda aan laga jawaabin, waxay siin doontaa kaalmo iyo iskaashi aanay ka heli karin waddan kale. Marka laga hadlayo danaha dalkeenna, waxaan siinaa mudnaanta koowaad ee dalalka deriska ah sida si cad loogu sheegay siyaasaddayada (policy) arrimaha dibadda. Sidan ayaan u wadaagnaa dhibaatooyinkooda oo aan ka wada shaqayno sidii aan u xallin lahayn. Inaga oo kobcinayna oo wadaagno kheyraadkeena, waxa ay awood inoo siinaysaa in aan ficil u turjuno aragtideena iyo xamaasaddeenna si aynu u wada korno. Waxa kale oo ay abuurtaa fursad aan si badbaado leh u ilaalin lahayn oo aan ku horumarinayno jiritaankeenna iyo danaha qaranka.

Dalkeenu, taariikhdiisa fog, dhexe iyo tan dhowba, marks lafiiriyo wuxuu ahaa mulkiilaha (albaabka) dekadaha badda. Mawjado kharribaad oo is daba joog ah oo meelo fog iyo dhaw ba ka soo riixay, ayay dekeddaheedii ku wayday. Markii dambe waxay noqotay milkiilaha albaabka (dekadah) badda mar kale. Ugu dambayntii waxa la galay dagaal sokeeye oo socday muddo sodon sannadood ah, laguna taageerayey qalalaase gudaha ah iyo shirqool shisheeye. Markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye, 30-kii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd mid aan bad lahayn, taas oo ay ugu wacan tahay khalad laga galay sharciga iyo taariikhda.

Si loo saxo jabkan taariikhiga ah iyo niyad jabka faca, shantii sano ee u danbeysey, dawladdii isbedelku, dagaal kasakow. Mabda’a wax-siinta iyo wax-ka-soo-saarka, waxa uu ku tashanayey oo la talinayey, iskuna dayayey in la balaadhiyo fursadaha la isku halayn karo ee dekedda iyo badda, kuwaas oo ku habboon maqaamka iyo kobaca dalkeenna. Bilowgii sanadkan ayaa isla fikradaas oo ah mowqifka rasmiga ah ee dowladda lagu dhawaaqay in Itoobiyaan iyo beesha caalamka ay ogaadan. Isla mawqifka ay dawladdu ku dhawaaqday, waxa uu aaminsan yahay in aan waddanna dagaal la gelin, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo dhinac walba ka faa’iidaya. Sidaa darteed, waxaan isku dayeynaa inaan u sharaxno mawqifkayaga dhammaan inta awooda oo diyaar u ah inay dhagaystaan.

Wada-tashi iyo wada-xaajood ayaa Itoobiya iyo Somaliland u socday muddo bilo ah. Heshiis is afgarad ayaa la saxiixay si ay uga faa’iideystaan labada dhinac. Dokumentigani waxa uu siinayaa Itoobiya fursad ay ku kiraysato saldhig badeed joogto ah oo la isku halayn karo iyo adeeg badeed ganacsi oo gacanka Cadmeed.

Sida ku cad mawqifka ay xukuumaddu hore u shaacisay, waxa Somaliland loo ogolaan doonaa inay saami weyn ku yeelato Ethiopian Airlines oo buuxinaayo heshiiska kirada. Waxa kale oo ka mid ah heshiiska in dawladda Itoobiya xaq u leedahay in ay si qoto dheer udariisto Ladonna mawqif ka qaadato dedaalka Somaliland ugu jirto aqoonsiga.

Nimcada gobolkeenu waa mid inagu filan dhamaanteen. Suurtagal maaha in la abuuro berri ka wanaagsan in la diido, balse darxumada dadka oo loo rogay guul darro. Heshiiska ay la gashay Somaliland waxa uu daliil u yahay sida ay dawladdu u aaminsan tahay in Itoobiya ay ku gaadho himilooyinkeeda iyada oo la kaashanaysa dalalka jaarka ah, wax-siinta iyo wax-ku-soo-saarka (give and take), iyo hab nabadeed. Fursadani way u furan tahay dhammaan wayna sii furnaan doontaa. Heshiisku wuxuu abuuray fursad lagu daweyn karo diiqada iyo welwelka da’da weyn ee Itoobiya. Haddaba, waa dhacdo taariikhi ah oo ka farxin doonta dhammaan shacabka Itoobiya. Dhammaan dadka Itoobiya iyo saaxiibada Itoobiya iyo weliba dhammaan xubnaha beesha caalamka ee daneeya nabadda gobolka waa inay ku farxaan.

Ma jiro xisbi ama waddan uu dhaawac ku saameynayo heshiiskan. Sharci jabay iyo iimaan jabay ma jiro. In kasta oo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana lama odhan karo ma jiri doonto cid ka xumaata, ka naxaysa oo u dhaqaaqi doonta in ay xaaladda burburiso gunaanadkan togan. Haddaba, gaar ahaan Itoobiyaanku waa in ay rumaystaan in marka uu dalkeennu helo meeqaamka ku habboon ee uu ku leeyahay mandaqadda, qaarada iyo caalamkaba, marka uu doorkiisa wax-ku-oolka ah ka soo baxo, dantiisana uu ilaaliyo, in la ina ixtiraamo si wadajir ah. Sababtaas awgeed, dawladda Itoobiya waxay noogu baaqaysaa in aan fursaddan ka faa’iidaysano oo aan ka heshiinno khilaafkeenna in ka badan sidii hore.

Dhacdadani waa mid soo marta nolosha hal mar, ee aynu fursadan uga faa’iidaysano sidii aynu dalkeena u badbaadin lahayn. Aynu ka wada shaqayno sidii aynu Itoobiya dalkeennu u noqon lahayn astaan muujinaysa joogga dalkeenna, si aan taariikhda qarniyo ka dib naloogu eedayn!

Dhawaaqa digniinta gantaallada oo laga maqlay guud ahaan xuduudka waqooyi ee Israa’iil

Khamiis jan-4 2024-{HMC} — Dhawaaqa digniinta gantaallada ayaa laga maqlay guud ahaan xuduudka waqooyi ee Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan.

Digniintan ayaa ka dhacday shan goobood oo ay ku jiraan Metzuba, Rosh Hanikra iyo Shlomi, oo ah magaalo ay maamulka Israa’iil sheegeen in lagu garaacay gantaallada lidka taangiyada ee Xisbullaah ay talaadadii ka soo tuurtay Lubnaan.