Home Blog Page 3002

Madaxweyne Xasan oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo xogta waxii ay kawaa hadleen

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal

 

Labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Qatar ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

 

Sida aan xogaha ku heleyno Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Amiirka dalka Qatar kala hadlay xaalada kusoo korortay Soomaaliya , gaar ahaan heshiis beenaadka ay Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana Amiirka dalka Qatra ka codsaday in Soomaaliya ku garab istaagaan ilaalinta midnimadooda dhuleed, sidoo kale cambaareeyaan xad-gudbka dowladda Itoobiya ku dooneyso qaadashada biyaha Soomaaliya

 

Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineysa sidii dowladda Itoobiya looga hor-istaagi lahaa damaceeda guracan ee ku dooneyso in ay ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, si ay u hesho dekad ay iyadu maamusho.

Maxaa looga Hadlay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka?

Arbaco jan-3 2024-{HMC}Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay shir deg-deg ah ka yeeshay heshiiskii badda ee lagu saxiixay Addis Ababa, kaas oo dhex-maray madaxweymaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

 

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda Zoom-ka, waxaana guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale

 

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay heshiiskii Addis Ababa, waxayna madaxdu kasoo saareen illaa 5 qodob, sida lagu caddeeyay war-murtiyeedka

 

Ugu horreyn goluhu wuxuu kasoo horjeestay heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay inuu xadgudub ku yahay Soomaaliya, maadaama qayb kamid ah baddeeda ka siiyay dowladda Itoobiya

 

Golaha ayaa sidoo kale taageeray qaraarka xukuumadda Soomaaliya iyo xeerka baarlamaanka ee ku aadan heshiiskaas ee shalay soo baxay

 

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan reer Somaliland ugu baaqay inay midoobaan, kana soo horjeestaan heshiiska Addis Ababa

 

Ugu dambeyn xubnaha golaha ayaa farriin culus u diray Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka waxayna ka dalbadeen inay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta gobanimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn. {3.1.2024}

Arbaco january -3-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Mohamed ibraahim Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Soomaaliya oo qabtay Nin Dil ka geystay Magaalada Muqdisho

0

Talaado jan-2-2024-{HMC} Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02.Jan.2024 abaare 17:40 PM, gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.

 

Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabeellaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacata ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaac, Balse waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac ah iyo hubkii uu falka ku geystay.

 

Eedeysanaha oo dhaawac ah ayey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro.

 

Qoraalkan iyo sawirka waxaa lagu daabacay Barta Facebookga ee Booliska Gobolka Banaadir.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {2.1.2024}

Talaado january -2-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Baarlamaanka Soomaaliya oo soo saaray xeer lagu burinayo Heshiiskii Itoobiya iyo Maamulka Somaliland

Talaado jan-2-2024-{HMC}  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka shalay lagu gaaray Addis Abbaba, kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaanada Soomaaliland oo War ka so saaray Heshiiska Soomaaliland ay la gashay Itoobiya

0

Talaado jan-2-2024-{HMC} Xildhibaanada Soomaaliland oo War ka so saaray Heshiiska Soomaaliland ay la gashay Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Jeylaani “waxaa maanta loo soo dhigtay waa dhulkeena iyo badaheena

0

Talaado jan-2-2024-{HMC} Xildhibaan Jeylaani “waxaa maanta loo soo dhigtay waa dhulkeena iyo badaheena

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Senator Deeqo “Heshiis Caalami ah waxa geli kara DFS oo kaliya,

0

Talaado jan-2-2024-{HMC} Senator Deeqo “Heshiis Caalami ah waxa geli kara DFS oo kaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Mahdi Guuleed “Muuse halka uu dadkaas kuwado waa in aan ka badbaadinaa.

0

Talaado jan-2-2024-{HMC} Xildhibaan Mahdi Guuleed “Muuse halka uu dadkaas kuwado waa in aan ka badbaadinaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA