Home Blog Page 3001

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Muuse Biixi oo So dhaweeyn Balaaran logu sameeyay Magaalada Jigjiga

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa madaarka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ku soo dhaweeyey wafdiga Muuse Biixi, Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo madaxda kala duwan ee dawlad deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu safar dhinaca dhulka ah ku galo Hargeysa, halkaasi oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhoweyntiisa.

Biixi ayaa heshiis is-afgarad magaalada Addis Ababa kula soo saxeexday ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, kaasi oo uu Itoobiya ugu saxiixay dhul badeed dhan 20 KM, si ay saldhig uga dhigtaan Ciidanka Badda Itoobiya.

Heshiiskan ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn{ 3-1-2024}

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugei baryare iyo Abdi yare

Farsamadii ::Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO SAWIRADA} Bannaan bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo madax ka qeyb gashay

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Waxaa maanta garoonka kubadda Cagta Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho ka dhacay bannaan bax balaaran oo looga soo horjeeday heshiiska magaalada Adis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Bannaan baxa waxaa ka qeyb galay wasiirro katirsan xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, xubno katirsan kuxigeennadiisa, guddoomiyaal degmo, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dadka kasoo qeyb galay bannaan baxa oo ka kala yimid magaalada Muqdisho iyo daafaheeda ayaa watay astaanta Calanka Soomaaliya iyo sidoo kale qoraalo iyo halku dhigyo ay ku diidan yihiin in Itoobiya qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Wasiirrada , guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta kale ee ka hadashay bannaan baxa ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in badda Soomaaliya Itoobiya qaadato, waxa ayna xuseen in dalkooda ka difaacayaan cadaw kasta oo soo hujuuma.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen ,iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

ATMIS donates relief food to IDPs in Hirshabelle state

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC}– The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), working with Hirshabelle State authorities, has given emergency relief food and other essentials to Internally Displaced Persons (IDPs) in the Federal Member State.

These items, obtained with help from the Italian government, were provided to families affected by recent El-Nino floods. They included rice, wheat flour, sugar, beans, and oil, along with non-food items like blankets, plastic sheets, mosquito nets, and buckets.

Major General Jean Claude Niyiburana, ATMIS Sector 5 Contingent Commander, led the distribution and praised the regional administration for helping the victims of destructive rains and flooding, which caused displacement and significant damage.

“We are starting the distribution of food and non-food items provided by ATMIS today to help the vulnerable population in Hirshabelle State. This distribution will continue; we have six IDP camps, and we plan to do a similar exercise in other camps in the coming days,” stated Major General Niyiburana.

He reassured that ATMIS would consistently work with the Federal Government of Somalia and local administration to improve the welfare of the local population affected by natural disasters.

Omar Mohamed Gaabow, Deputy Minister of Humanitarian and Disaster Management of Hirshabelle state, expressed gratitude for the relief food and commended ATMIS and the Italian Government for supporting the Somali people.

“The distribution will benefit at least 600 households. Meanwhile, we will support 150 households in the Towfik IDP camp. Another 450 households in four IDP camps in Jowhar will benefit from the next distribution exercise,” said the deputy minister.

Muawiye Osman Omar, Chairman of the Towfik IDP camp, appreciated the Hirshabelle State government and ATMIS for promptly assisting the victims of the El Nino floods.

“We sincerely thank the administration of Hirshabelle State and ATMIS for delivering this food aid, including blankets, oil, sugar, beans, mosquito nets. Our needs are more, but we appreciate their timely support,” said Omar.

The El Nino-induced flooding has caused widespread damage in the Hirshabelle region, displacing households, destroying infrastructure, and cutting off access to Main Supply Routes (MSRs).

Flooding and the subsequent effects of the El-Nino phenomenon have impacted at least 2.4 million people across Somalia. Approximately 1.5 million people have been displaced, and over 100 people have lost their lives.

ATMIS troops supply water to IDPs

0

Jowhar, 3 January 2024 {HMC}– Burundi National Defence Force (BNDF) troops serving with the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have supplied clean and safe water to residents of Towfik Internally Displaced Persons (IDPs) camp in Jowhar.

The supply of potable water comes as the camp faces acute water shortages. The IDPs were forced to relocate from their original homes to Jowhar in search of better life after experiencing the twin disasters of prolonged drought and then devasting El Nino rains.

Maj. Daniel Hahorimana, the Deputy ATMIS Burundi Civil-Military Cooperation (CIMIC) officer in Jowhar, announced that ATMIS would continue distributing water every week until a permanent solution can be found.

“Residents of Towfik IDP camp have been without water for an extended period, which is why we decided to support them. We will provide them with water twice every week, Saturdays and Sundays totaling 7,000 litres each day which translates to 14,000 litres per week,” stated Maj. Hahorimana.

In addition to water supply the Burundi contingent also provides medical support to address various diseases associated with the living conditions at the camp and harsh climate.

The residents of the camp expressed their appreciation for ATMIS’ support describing the water supply as timely.

Muawiye Osman Omar, the Chairman of Towfik IDP camp, confirmed that the residents have been grappling with a severe water shortage due to absence of a water source in the area.

Though ATMIS provides water to the residents twice a week, the quantity is insufficient due to the increasing number of IDPs from other parts of Hirshabelle State.

“There are at least 3000 households living in Towfik IDP camp and we lack a water well, leading to the ongoing water shortages. While ATMIS provides water we need more. We urgently request the Federal Government, Hirshabelle State and other agencies to support us by drilling a well,” explained Muawiye.

His sentiments were echoed by Zam Zam Abdullahi, a resident of Towfik IDP camp, who also called on the government and humanitarian agencies to promptly address the water shortage by drilling a water well.

“We have no water. We are suffering because we lack a water source. We request the authorities to address our issue,” she said.

ATMIS troops in Hirshabelle State have been actively distributing water and other essential items, including medical supplies, to IDPs and nearby local communities, to improve their living standards.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi” Ra’iisul wasaarahaha Ethiopia runtii wuu soo qaldamay,

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Wasiir Fiqi” Ra’iisul wasaarahaha Ethiopia runtii wuu soo qaldamay.
               HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Muuse Biixi Doorasho ayaa laga sugayay ee lagama sugeyn inaad baddii bixiso”Guddoomiye Madaale”

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Muuse Biixi Doorasho ayaa laga sugayay ee lagama sugeyn inaad baddii bixiso”Guddoomiye Madaale”
               HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Tuutaha ayaan xiraneynaa hadii La damco Baddeena Soomaaliya

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Tuutaha ayaan xiraneynaa hadii La damco Baddeena Soomaaliya
           HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyaradda Baladweyne oo bilaabay in dadka danta yar ay biyaha uga saaraan xaafadaha.

0

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Dhalinyaradda Baladweyne oo bilaabay in dadka danta yar ay biyaha uga saaraan xaafadaha.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO SAWIRADA} Tiro Caruur ah oo Baladweyne ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka.

Arbaco jan-3 2024-{HMC} Cudurka shuban Biyoodka ayaa ka Dilaaacay Afarta Xaafadooda ay ka Kooban tahay Magaalada Baladweyne iyo Deegaanada hoos yimaada,

Dadka ku sugan Kaamamka Barakacayaasha iyo kuwa kuwa Danta yar ee aanan awoodin Adeegyadii aas aasiga ah ayuuna Cudurkan ku Badnaa Goobaha ay Dagan yihiin,

Mid kamid ah Kaamamka ku yaallo Xaafada Kooshin ee magaalada Baladweyne Caruur ayaa ugu geeriyootay Cudurka shuban Biyoodka Sida ay waalidiintooda HIiraanweyn usheeay, kuwaas oo heli waayay Daryeel Caafimaad, markii uu Cudurkan ku dhacay.

Deeqa Cali kaalmooy oo kamid Barakacayaasha ku noo xaafada kooshin ee Magaalada Baladweyn ayaa Hiiraanweyn u sheektay in Cunug ay ayeeyo u tahay in Cudurkan shubiyoodka uu u Geeriyooday.

Dhinaca kalane Dadka ku jiro Kaamamka Barakacaayasha ee ku yaallo Magaalada Baladweyne ayaa Hiraanweyn u sheegay in Cudurka Shuban biyoodka uu maalmihii ugu Dambeeyey uu soo Ridanay Caruurta yaryar,

inkastoo aanan la Ogeeyn Tirada Rasmiga ah ee cudurka uu soo Ritay iyo inta u Geeriyootay hadane waxaa Jiro Goobo Gaar ah oo Dadka lagula tacaalayo.

dhaqaatiirta ka howl gasha isbitaalka shacab ee ku yaalla Xaafada Howl wadaag ayaa Hiiraanweyn la wadaagay in isbitaalka lasoo Gaarsiiyey illaa 120 qofood oo qaba Cudurka iyo Geerida afar qof oo kale

Dr ibaarahim Cismaan Deeriye oo ah madaxa la tacaalida Cudurka shuban biyoodka ee Isbitalka shacaab ayaa sheegay in ay Diyaariyeen Goobo Gaar ah oo ay Dadka ay kula tacaalayaan,

Cudurka shuban Biyoodka ayaa Dillaacay Kadibkii Fataahadii ku dhufatay Magaalada Baladweyne iyadoona dhaqaatiirta ay horay Digniino kala Duwan ay ugu soo saareen.

Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle ugu Magacaaban Magaalada Baladweyne oo Hiiraanweyn ay xariirtay ayaa sheegay in uusan hayn xog Rasmi ah oo Bulshada la wadaagaan gaar ahaan Tirada dhimashada iyo kuwa uu soo ritay Cudurkan lakiin dadaal ay wadaan oo kali ah.

Sidoo kale Dhaqaatiirta Gacanta ku haysa Xarun gaar ah oo Ceeljaale ku taalla oo iyadane Shubanka loogu tala-galay ayaa sheegay in aysan Warbaahinta la hadle Karin Cabsi ay ka qabaan Hay’ada Maamusho Xaruntan. Oo xitaa aysan bixin Karin Wacyigalin la xariirta qatarta Shuban-biyoodka iyo sida ay dadka iskaga ilaalin karaan