Home Blog Page 3006

Xasan Sheekh oo maanta qudbad ka hor jeedinaya BFS iyo qorshe xasaasi ah oo socda kadib damacii Itoobiya

Talaado jan-2-2024-{HMC} Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortegi doona Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay farriimo u diray Xildhibaannada labada Aqal inay maanta isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo uu khudbad ugu jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankaan degdega ah ee la isugu yeeray baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya kaddib markii Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis badda Soomaaliya 20-KM looga siinayo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka uu ka hor jeediyo khudbad xasaasi ah, isagoo si cad ugu dhawaaqi doona mowqifka Soomaaliya ee ku aadan damaca Itoobiya.

Dhinaca kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto heshiiska dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ay kala saxiixdeen, kaas oo xadgudub ku ah Qarannimada iyo Madax bannaanida Soomaaliya.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu imaanaya shir degdeg ah, kaas oo go’aan looga gaari doono tallaabada xasaasiga ah ee Itoobiya ay qaaday shala

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegaya in go’aanka Xukuumadda uu noqonayo mid gebi ahaan lagu qaadaco heshiiskaas iyo tallaabooyin kale oo saameynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd Xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Cabdikariin Guuleed oo si kulul ugu hadlay HESHIISKA SOMALILAND iyo ITOOBIYA

Talaado jan-2-2024-{HMC} Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku saxiixdeen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxa ay maanta dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday waa fal ka soo horjeeda kana baxsan dhammaan xeerarka iyo shuruucda Aduunka. Xadgudubna ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waana mid lagu fashilinayo wadahada iyo midnimadii dalka ee guusheedu soo dhawaatay,” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed.

“Dowladda Soomaaliyeedna go’aano cad cad ayey si deg deg oga soo saari doonta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga doonayaa in ay dowladooda garab istaagan, una midoobaan difaaca dalkooda iyo dadkooda,” ayuu ku daray Guuleed.

Marka laga reebo hadalka Guuleed, dowladda Soomaaliya ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin tallaabada xadgudubka ku ah madax-banaanida iyo qarannimada Soomaaliya ee uu ku dhaqaaqay Abiy Ahmed.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulan ka yeeshaan arrintan, halka madaxweyne Xasan Sheekh la filayo inuu la hadlo xildhibaanada Golaha Shacabka.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Shariif iyo CC Shakuur oo tallaabooyin muhiim ah usoo jeediyey xukuumadda soomaliya

Talaado jan-2-2024-{HMC} Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa jawaabo isku mid ah oo kulul ka bixiyey heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro. Hoos ka aqriso jawaabaha.

Jawaabta Shariif Sheekh Axmed

Heshiiska sharci darrada ah ee maanta ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah.

jawaabta Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Maamulka Abiy Axmad ee dawladda Itoobiya wuxa uu ku xadgudbay gobanimada iyo madaxbannaanida qaranka Soomaaliya. Wuxuu kaloo ku xadgudbay xeerarka Qaramada Midooobay, Midowga Afrika iyo urur Gobaleedka IGAD oo dhamaantood adkeynaya dhowridda madaxbannaanida iyo gobanimada dawladaha xubnaha ka ah ururrudaas.

Anigoo ku kalsoon in laanta fulinta, labada aqal ee Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya ay ka bixin doonaan jawaab u qalanta xadgudubka maamulka Abiy Axmad, ayaan waxaan adkaynayaa in daqiiqadani ay tahay tii midnimada iyo wadajirka lagu wajihi lahaa halista qaran iyo damaca gurracan ee Itoobiya.

Hadalladii hanjabaadda ahaa ee maalmihii danbe ka soo baxayey Raysalwasaaraha Itoobiya waxay ahaayeen kuwo walwal leh, tilaabta uu maanta qaaday ee qar iska tuurka ahna waa mid halis ku ah deris wanaagga labada dal, gobolkana u horseedaysa xasilooni darri

Madaxweyne Farmaajo oo si adag ugu hadlay Heshiiska ay galeen Itoobiya iyo Somaliland

Talaado jan-2-2024-{HMC} Heshiiska galabta ku gaareen magaalada Adis Ababa dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa dhaliyay dhaleeceyn badan oo dhinaca siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne hore Farmaajo iyo madax kale ayaana si kulul u dhaleeceeyay heshiiskan wax u dhimaya qaranimada Soomaaliya ee maamulka Somaliand la galeen dowladda gumeysi doonka ah ee Itoobiya.

Halkan ka akhriso qoraal uu arrintan uga hadlay Farmaajo

Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan midwoga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wadajirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awgeed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadanaysana masuuliyadda cawaaqib xumida ka dhalan karta.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madaxbannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexeeyey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saaray Baarlamaankii 8-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh waxaa waajib ku ah ilaalinta midnimada dhuleed, badeed iyo umadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la dhawrayaa go’aammada masiiriga ah iyo tallaabooyinka qaran ee u qalma jiilasheenna danbe.

Dadka Soomaaliyeed, shacab iyo masuuliyiinba waxaan ugu baaqayaa in aynu u midowno qadiyaddan halista ah, innagoo meel iska dhigayna kala fikir duwanaanshaha iyo khilaafkasta oo dhexdeenna ah. Una midowno ilaalita badeenna, dhulkeenna iyo ummaddeenn

Xukuumadda Soomaaliya oo shir deg deg ka yeelanaysa heshiiska dhinaca badda ee Somaliland iyo Itoobiya

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa berri shir degdeg ah la isugu yeeray, si go’aan looga soo saaro heshiis ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo Somaliland.

Saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta waxaa hareeyeeyay heshiiska dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ku aaddan in Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax bannaanida Somaliland.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo isugu yeeray golaha wasiiradda ayaa la filayaa inay xukuumaddu mowqif adag ka istaagto heshiiskaan, oo dowladdu aaminsan tahay inuu xad gudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya, marka loo eego sharciga caalamiga ah (International Law).

Wuxuu kusoo aaday iyadoo Itoobiya ay horey u sheegtay in aanay kusii jiri karin bad la’aan.

Heshiiskaan ayaa fal celin ballaaran ku dhex yeeshay baraha bulshada, waxaana aad ugasoo horjeestay siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood madax kasoo noqday Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixday Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tan iyo Axadii booqasho ku joogay dalka Itoobiya.

{DAAWO SAWIRADA} Dhulgariir Cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 oo ku dhuftay xeebaha Dalka Japan

isniin jan-1-2024-{HMC} Wakaalada Wararka ee Japan ayaa sheegtay in dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.4 uu maanta ku dhuftay waqooyiga iyo bartamaha dalkaas, kaasoo sababay hirar tsunami ah oo aad u xoogan.

Wakaaladda saadaasha hawada ee Japan ayaa soo saartay digniin tsunami ah oo ku wajahan aagagga xeebaha ee Ishikawa, Niigata iyo Toyama ee ku yaal badda Japan dhanka jasiiradda Honshu.

Wakaalladda ayaa sheegtay in hirar gaarayay 1.2 mitir ay ku dhufteen Dekedda Wajima ee Ishikawa.

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay wali qiimeynayaan inta uu le’eg yahay khasaaraha, dadka deegaankana ay tahay in ay u diyaar garoobaan dhul-gariir kale.

Source Pictures aljazeera 

{DAAWO MUQAALKA} Kabtan Baaraa Kooxda badineysa Banaadir iyo Koonfur Galbeed Buuga ayey iigu qoran tahay

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Kabtan Baaraa Kooxda badineysa Banaadir iyo Koonfur Galbeed Buuga ayey iigu qoran tahay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Kooxda Gobolka Banaadir Ka Caawisay In Ay Garaacdo Kooxda Gobolka Koonfur-Galbeed

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Kooxda Gobolka Banaadir Ka Caawisay In Ay Garaacdo Kooxda Gobolka Koonfur-Galbeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Abiy iyo Muuse Biixi oo kala saxiixday is-afgarad lagu kala bedelanyo BAD iyo AQOONSI

isniin jan-1-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy.

Is-afgaradka oo loogu yeeray mid iskaashi iyo wada-shaqeyn ayaa bayaanka lagu sheegay in loogo talogalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashi dhinacyada badan leh oo dhex-mara labada dhinac.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Muuse Biixi ayaa sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland marka heshiiska la saxiixo, anagana waxaan noqon doonnaa dalkii ugu horreeyey ee bad 20 km ah siiya Itoobiya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Itoobiya iyo Somaliland oo kala saxiixday is-afgarad ‘taariikhi ah

isniin jan-1-2024-{HMC} Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso riyadeedii ahayd inay marin u hesho Badda Cas.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in is-afargadku sidoo kale uu u oggolaanayo Itoobiya iyi Somaliland inay xoojiyaan iskaashigooda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxtooyada Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin is-afgaradka uu shaaciyey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawladda Somaliland ay heshiis ku gaareen magaalada Jabuuti inay sii amba-qaadaan wadahadalkii u dhexeeyey.