Home Blog Page 3007

Xulka gobolka Banaadir oo Galabta guul muhiim ah ka gaaray dhigooda Koonfur Galbeed

isniin jan-1-2024-{HMC} Waxa soo dhamaatay ciyaartii xiisaha lahayd ee dhexmartay Kooxda Gobolka Banaadir iyo Kooxda Gobolka Koonfur-Galbeed kulan ka dhacay garoonka Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid ay taageerayaal soo buux dhaafiyeen garoonka labada kooxoodna soo bandhigeen qaab ciyaareed qanciyay taageerayaashii soo daawasho tagay.

Kooxda Gobolka Banaadir ayay guushu ku raacday 1/0 kulan labada kooxood si fiican u ciyaareen.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababtii ka dambaysay guusha Banaadir.

1.Daafaca Banaadir oo ahaa kuwo isku xidhan:

Dafaca Kooxda Banaadir ayaa ahaa kuwo isku xidhan iyada oo ayna weeraryahanada Gobolka Koonfur-Galbeed u ogolaan in ay si dhib yar ku dhaafaan.

Sidaas darteed daafaca xulka Kooxda Banaadir ayaa si fiican u ilaashaday goolkooda.

2.Weeraryahanada Koonfur-Galbeed oo ku dhibaatooday goolka hortiisa.

Weeraryahanada kooxda Koonfur-Galbeed ayaa si weyn ugu dhibaatooday goolka hortiisa.

Kooxda kooxda Koonfur-Galbeed ayaa heshay fursado cajiib ah waxana ay dhalin kareen goolal laakiin mar walba oo ay Goolka hor tagaan waxa ka dhimanaa dhamaystirka Fursadaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Musharrixiinta Mucaaridka Puntland: “Deniyoow Baarlamanka aadimayno ee gurigaaga ayaan imanaynaa.

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Musharrixiinta Mucaaridka Puntland: “Deniyoow Baarlamanka aadimayno ee gurigaaga ayaan imanaynaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dr Shiine oo Qaliin indha-fiiqis Lacag la’aan ah ka bilaabay Isbitaalka Hilaal ee Baladwweyne.

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Dr Shiine oo Qaliin indha-fiiqis Lacag la’aan ah ka bilaabay Isbitaalka Hilaal ee Baladwweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Xulka Qaranka Kubada Kolayga Soomaaliya oo Galabta Ciyaaraya Afar Dhamaadka Tartanka 25aad ee Jaamacadda Carabta

isniin jan-1-2024-{HMC} Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha K/koleyga ayaa ka qayb galaya tartanka ciyaaraha jaamacadda Carabta oo ay ku loolamayaan 9 dal oo kala ah: Somalia, Egypt, Marocco, Libiya, Aljeriya,, Mauritania, Tunisia, Kuwait, iyo UAE waxaana kooxda Soomaalida ay ciyaareen 3dex ciyaarood oo mid ka mid ah ay ka badiyeen Mauritania, halka Labana ay naga adkaadeen Algeria iyo Libiya.

 

Waxaa ii suuro gashay inaan si toos ah ula xiriiro tababaraha xulka qaranka ee wiilasha k/koleyga Cabdulqadir Xaaji Dahir ( Shiikha) kana waraysto sida ay kooxdan ugu suuro gashay ka qayb Galka tartanka, diyaargarowgooda, cidda caawisay, iyo rajada ay ka qaban tartanka.

 

Macallin Shiikha oo arrimahaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri: Alxamdu lillah , Dhallinyaradan Waxaan ka soo ururinay meelo kala duwan, waxay ka kala yimaadeen Somalia, Europe, Amerika iyo qaar ka iman lahaa Canada oo aysan suuro galin inay na soo gaaraan, Diyaargarowga ciyaartooyda iyo is la joogooda aad buu u yaraa waxaana ay ahayd caqabadihii naga hor yimid oo dhaliyay in kooxo aan ka adkaan karnay ay naga adkaadeen….

 

Dhinaca kale, markaan ka hadlo xaqiiqda cid taakulaysay ciyaartooydan ma jirto, dhanka dawladda , wasaaradda isboortiga, xataa XIriirka Soomaaliyeed ee K/ Koleyga waxaa uu ka gaystay gacan aad u yar…Waxaa la yaab leh dhallinyaradan ciyaaraysay in dhammaantood ay iska soo bixiyeen kharashaadka tikidhka diyaaradda iyo baasabooradii Soomaaliga ahaa inay lacagtooda ku bixiyeen ( Waa Cajiib), Marka dhallinyaradan Guul iyo Guul daro waxaa ay mudan yihiin in Loo Mahad naqo, waayo waa Waddaniyiin ay tahay in loogu hambalyeeyo ciyaar wanaaggii ay halkaasi la tageen waxaana ay ahayd kooxda kaliya ee la isku raacay inay ahaayeen dhallinyaro yaryar oo muujiyay ciyaar heerkeedu aad u sarreeyay.

Waxaan kaloo weydiiyay haddii ay jireen intaasi oo dhibaato ah Maxaa idinku kalifaaya inaad ciyaaraha ka qayb gashaan?

Tababare Shiikha waxaa uu ku jawaabay, Aniga ka tababare ahaan hawsha aan hayo oo isxilqaanka ah Waa mid aan ugu abaal gudayo qarankayga oo waqti badan I soo galiyay ina soo gaarsiiyay heerkan aan ka gaaray k/koleyga, waxaanse is weydiiyaa ilaa waqtigee ayaad wadi kartaa haddii aysan jirin wax taakulo ah oo ka yimaada dawladda, wasaaradda isboortiga , Olimbikada iyo xiriirka K/Koleyga, Dhinaca kale ciyaartooyda is xilqaantay waa kuwa raba inay la tartamaan asaagooda oo wax walba haysta, tusiyaan inay yihiin dhallinyaro xirfad wanaagsan u leh ciyaarta , sare u qaadaan sumcadda iyo magaca dalkooda iyo inay laftigooda ka helaan fursado ay ugu ciyaaraan dibadaha.

Ma ka qayb galaysaan ciyaaro kale oo calami ah Tababre Shiikha ayaan waydiiyey waxuuna iigu jawaabay sidatan “Haa waa ay jiraan ciyaaro kale oo lagu qabanayo Madagaskar dhammaadka bishan Janaury 2024 oo ah isreeb reebka Cayaaraha All African games, ma filayo in laga qayb galayo haddii aan Loo helin dhallinyarada dhaqaalaha Loo baahan yahay.

Ugu dambayntii Yaad u mahadcelinayaa?

Waxaan aad ugu Mahad celinayaa ganscsatadii aan la’aantooda noo suuro gasheen ka qaybgalka tartanka oo noo muujiyay taageero dhaqaale oo wayn sida : Bille Bus Transportation, Live Health Care Services, iyo Shirkadda A to Z oo la shaqaysa XSKK oo iyaguna noogu deeqay Qalabkii ay ku ciyaarayeen Wiilashii K/ Koleyga.

Sidoo kalena xawaaladaha Taaj Services, Dahabshiil, Afro Deli iyo shakhsiyaad ay ka mid ahaayeen Abdul Xaax iyo Asad iimaanka oo iyaguna na caawiyay waxaan isagana u mahadcelinaynaa Mohamed Hussein oo leh companiga PGLS oo taageero wayn xulka u gaystay.

Waxaa iyaguna Ammaan aan la soo koobi Karin leh safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar caasimada Qaahiraoo noo muujiyay taageero aad u weyn ayuu yiri macalin shiikha.

Galabta ayaa filayaa in xulka qaranka Soomaaliya la ciyaaro kan xulka Tunisia ciyaarta afar dhamaadka.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

isniin jan-1-2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ololaha Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo dardar ku bilowday – Xildhibaan Mursal oo isku sharaxay

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Ololaha Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo dardar ku bilowday – Xildhibaan Mursal oo isku sharaxay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Aayarta Haddii aan galabta ka badin wayno Koonfur Galbeed, Magaalada ayaan xaaqayaa

0

isniin jan-1-2024-{HMC}  Aayarta Haddii aan galabta ka badin wayno Koonfur Galbeed, Magaalada ayaan xaaqayaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Beeldaaje Axmed Mataan Xasan: “Kursiga Xildhibaankeygii waa la dhacay.”

0

isniin jan-1-2024-{HMC} Beeldaaje Axmed Mataan Xasan: “Kursiga Xildhibaankeygii waa la dhacay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Maxey Ka wada hadlen Madaxweyne Geelle oo iyo Taliyaha Ciidamada RSF?

isniin jan-1-2024-{HMC}  Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka howlgalka degdegga ah ee Suudaan Maxamed Xamdaan Dagalo {Hemedti} waxa uuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaada ka aloosan dalka Sudan.

Madaxweyne Geelle iyo taliyaha ciidamada RSF ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii nabbad loogu soo dabaali lahaa dalka Sudan oo hadda ka socdo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhawaad 10-bil .

Taliye Hemedti ayaa sheegay in diyaar u yahay in wadahadal shuruud la’aan la galo hoggaamiyaha milatariga Sudan ay is hayaan, si colaada ka aloosan dalka Sudan loogu helo xal nabdoon loona gaaro heshiis is faham.

Taliyaha ciidamada milatariga Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu waday in uu Hemedti kula kulmo khamiistii lasoo dhaafay dalka Jabuuti,balse kulanka ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu markii danbe awoodi waayay in uu gaaro goobta kulanka.

Dowladda Sudan ayaa ka shaqeeneysa sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaada dalka Sudan ka aloosan, waxaana la filayaa madaxweynaha Jabuuti isku keeno labada taliye ee isku haya awoodda dalka Sudan.