Home Blog Page 301

Qorshe cunaqabatayn loogu soo rogaayo Kooxda RSF oo Bilaawday.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Warbaahinta wadanka Sacuudiga ee El-Hadath ayaa ku warrantay inuu Midowga Yurub diyaarinayo cunaqabatayn lagu soo rogo kooxda RSF ee Suudaan , sababo la xiriira dambiyada ay ka gaysteen magaalada El Fasher.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dagaalka Suudaan aan loo arkin labo dhinac oo siman oo is haya, ee loo baahan yahay in si cad loo fahmo in RSF ay yihiin maleeshiyaad argagixiso ah oo mas’uul ka ah xasuuq iyo burbur joogto ah.

 

Golaha sare Islaamka Itoobiya oo ka soo horjeestay shuruuc cusub oo ay dejisay wasaaradda waxbarashada.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Itoobiya iyo goleyaasha Islaamka ee gobollada ayaa maanta ka soo horjeestay shuruuc cusub oo ay dejisay wasaaradda waxbarashada Itoobiya, oo ka mamnuucday inay gabadha la imaan karaan iskuullada indha-shareer , wallow wasaaradda ay sheegtay inay gabdhaha Muslim ka ah xaq u leeyihiin inay xijaabka la tagaan iskuullada.

Kala saarista xijaabka iyo indho shareerka ayay ku sheegeen golaha sare ee Islaam (EIASC) ee Wadanka Itoobiya , faquuq ka dhan ah Islaamka ,iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay EIASC ay taageerreen golayaasha Islaamka ee dhammaan gobollada Itoobiya, waxayna magacaabeen 17 xubnood oo baaritaan sameeya.

Cumar C/qadir Cartan oo ah Garsoore Soomaali ayaa loo doortay Garsooraha ugu Fiican Qaaradda Afrika.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Cumar Cabdulkadir Cartan oo ah Garsoore Soomaaliyeed oo heerka caalami ah ayaa loo doortay Garsooraha ugu Fiican Qaaradda Afrika sanada 2025.

Garsoore Cumar wuxuu abaalmarintan kula tartamay laba garsoore oo kale oo u dhashay dalalka South Africa iyo Mauritius.

Gabagabadii guddiga abaalmarinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in guuleystaha sanadkan 2025 uu noqday Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Abdulkadir Artan.

 

Maxaa ka jira in xaaska madaxweyne Macron ay horay u ahayd nin.?

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Brigitte Macron ayaa lagu wadaa in ay qaado tillaabo sharci ah oo ku saabsan aragtida shirqoolka ee internetka oo ah in ay tahay haweeney labeeb oo markeedii hore ku dhalatay lab.

Marwada koobaad ee Faransiiska ayaa lagu bartilmaameedsaday baraha bulshada iyada oo wararkan lagu daabacay bog ay leeyihiin kooxaha midigta fog bishii Sebtembar ka dibna ay faafiyeen.

Wararka xanta ah ayaa sheegaya in ay markii hore ay nin ahayd, lana oran jiray magaca Jean-Michel Trogneux.

Magacan ayaa ku baahay baraha bulshada iyadoo tobanaan kun oo goor la sheegay.

Qareenka u doodaya Mrs Macron – oo ah hooyada saddex carruur ah oo qaangaar ah kuwaas oo ay ku dhashay guurkeedii ugu horreeyay – ayaa xaqiijisay inay tallaabo qaadayso.

“Waxay go’aansatay in ay bilawdo dacwadaha,” qareen Jean Ennochi ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP.

Beenta ku saabsan haweeneydan 68-jirka ayaa lagu faafiyay bogagga kooxaha ka soo horjeeda ninkeeda, Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ay ku jiraan kuwa midigta fog.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheekadan ku raad raacday maqaal ay haweeney lagu magacaabo Natacha Rey ku qortay joornaal dhanka midigta fog.

Waxay markaa heshay dhagaystayaal ballaaran ka dib markii lagaga hadlay barta YouTube.

XIGASHO BBC

Asaaska Naadiga Dhalinyarada Nabadda Baraha Bulshada ee Muqdisho.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Wareegii seddexaad ee dhismaha Naadiga dhallinyarada nabadda ee baraha bulshada ayaa ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo abaabulay kulankan ay ujeedadiisu ahayd in dhallinyarada deeganka ee baraha bulshada isticmaala ay qayb ka ka noqdaan Naadi guud oo dhallinta Soomaliyeed yeelanayaan, nabddana ay kaga shaqeeyaan.

20 dhainyaro oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayuu ururka FESOJ u qabtay tababar iyo wacyi ku saabsan sida uu naadiga dhallinyarada nabadda ee baaraha bulshada u shaqayn doono.

Dhallinyarada Muqdisho ee ka qayb galay asaaska naadiga nabadda ayaa ka mid noqonaya gaaritaanka helitaanka xoog dhallinyaro oo isku xiran oo ka shaqeeya nabada deegaanada ay ku nool yihiin, horseedna u noqda horumarka dhinaca nabadda iyo deganaanshaha dalka.

Ururka FESOJ oo kaashanaya BBC Media Action ayaa kulano kan la mid ah ka abaabulaya magaalooyin waa wayn oo dalka ka mid ah.

{DAAWO SAWIRADA} Maxkamada Dagmada Dhoobleey oo Dil-Toogasho ah ku Xukuntay Jeelle Maxamed Cismaan.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Maxkamada Dagmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Dil-Toogasho ah ku Xukuntay Jeelle Maxamed Cismaan oo horey Dil ka geestay Dhoobleey.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Dhoobley ayaa maanta dil-toogasho qisaas ah ku xukuntay Jeelle Maxamed Cismaan, kaasi oo lagu helay dambiga ah inuu toori ku dilay wiil 14 jir ah isla markaana dhaawacay mid kale.

Eedeysanaha ayaa horey gacanta ugu jiray booliska Dhoobley, kuwaas oo baaritaanno dheer kadib kiiska u gudbiyay maxkamadda.

Xukunka ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda, Sheikh Maxamed Omar Yuusuf (Siraaji).

 

 

Mareykanka oo diyaariyay qorshe lagu soo afjaraayo dagaalka u dhaxeeyo Ukraine iyo Ruushka.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay inuu Mareykanka diyaariyay qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine , iyadoo Mareykanka uu ku qasbayo Zelensky, inuu qorshaha meel mariyo.

Warbixintu waxay sheegtay qorshaha inuu wax ka diyaariyay Ruushka , kaasoo dhigaya inay Ukraine qeyb ka mid ah dhulkeeda ka tanaasusho , hub gaar ah iska dhiibto, isla markaana ciidankeeda ay yareeyso.

Waxaa socdo wada-hadallo ku saabsan xoojinta taageerada Howlgalka Cusub ee AUSSOM

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan kaalinta uu EU-gu ka qaadan doono Taageerada Cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo ah howlgalka beddelaya howlgalkii ATMIS ee waqtigiisu dhammaaday.

Ambassador Francesca Di Mauro ayaa u sheegtay SNTV in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada Soomaaliya, balse ay muhiim tahay in beesha caalamku si wadajir ah u qaadato mas’uuliyadda amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxay ku tilmaantay in Howlgalka AUSSOM yahay mid aad loogu baahan yahay, iyadoo muujisay rajo ah in taageerada EU-ga si rasmi ah loogu dhawaaqi doono shirka AU-EU ee soo socda ee ka dhacaya magaalada Luanda.

Ambassador Di Mauro ayaa sidoo kale iftiimisay doorka tooska ah ee Midowga Yurub ku leeyahay dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya, Waxay sheegtay in EU-gu ku bixiyay in ka badan €100 milyan Ciidanka Xoogga Dalka (SNA) tan iyo sanadkii 2021, taas oo ku baxday tababarka, dhismaha kaabeyaasha ciidamada iyo qalab siin si loo xoojiyo awoodda difaaca qaranka.

Midowga Yurub ayaa weli ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee taageera ammaanka, dowladnimada iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo taageeradan cusub ay noqon doonto mid qeyb weyn ka qaadata marxaladda kala guurka ee amniga dalka.

Dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, oo billaabay inuu ku qanciyo Trump in uu faragiliyo Dagaalka Suudaan.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa billaabay inuu ku qanciyo Trump, inuu Mareykanka farageliyo xaaladda Suudaan , si loo joojiyo dagaalka soo bilowday April,2023, sida ay werisey Reuters.

Sacuudigu, wuxuu ka soo horjeedaa awoodda is ballaarinaysa ee kooxda RSF , kuwaasoo hadda gacanta ku dhigay hub casri ah oo ay ka helayaan Imaaraadka Carabta.

Talyaaniga oo shaaca ka qaaday inuu Ruushka billaabay dagaal ka dhan ah Yurub.

0

Arbaco 19 Nov 2025 {HMC} Wasiirka difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto ayaa shaaca ka qaaday inuu Ruushka billaabay dagaal ka dhan ah Yurub, isagoo beegsanaya kaabeyaasha muhiimka ah, doorashooyinka, ra’yi-caamka bulshada, iyo silsiladaha sahayda, wuxuu ku tilmaamay wax lala yaabo inaysan jirin wax iska caabin iyo falcelin ah oo ay reer galbeedka ka sameynayaan arrimahan.

Crosetto wuxuu ku doodaya in Midowga Yurub iyo NATO ay aad gaabis u yihiin, isla markaana loo baahan yahay tallaabo degdeg ah oo lagu xoojinayo difaacyada internetka, AI-ga, iyo ka hortagga marin-habaabinta, isaga oo ka digaya in Ruushku ku guuleysan karo dagaalkan haddii ay sii socoto daalka iyo gaabinta reer Galbeedka.

Wuxuu soo jeediyay in la sameeyo xarun Midowga Yurub u gaar ah oo lagu wajaho dagaalka isku-dhafan, iyo in la dhiso ciidan ka hortagga weerarrada internetka oo ka kooban 1,500 xubnood.