Home Blog Page 3024

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 27 12 2023}

Talaado December-26-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; shugei baryare maxuud iyo Yasiin Ali Axmed

Farsamadii :Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

M / G/ Banaadir oo xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda Muqdisho

Talaado December-26-2023-{HMC} Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkaste oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

Maalmihii lasoo dhaafay cabasho xooggan ayay Muujiyay bajajleyda ka howlgala Caasimadda, waxaana farriin adag ay u direen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Madaale iyo masuuliyiinta kale ee dowladda Somalia.

Ugu dambeyn maamulka ayaa qaaday tallaabooyin dib loogu eegayo Cabashooyinka Bajaajleyda iyo cidda ka qaadda lacagaha ay ka cabanayaan, waxaana haatan maamulku uu sheegay inuu gacanta ku dhigay Shirkado ku howlanaa qaadista lacagaha baadda ah ee ay ka cabanayaan Bajaajleyda Muqdisho.

Kulan U Dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Gudoonka Baarlamaanka Oo Baaqday

Talaado December-26-2023-{HMC} Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu baaqday kulan dhexmari lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore oo maalmahan kulamo isdaba joog ah u socdeen.

Lama oga sababta keentay in uu kulanka baaqdo, laakiin ilo ku dhowdhow Xubnaha mucaaradka ah ayaa sheegay in kulanka loo baajiyay cudurdaar ka yimid dhanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Warar kale waxey sheegayaan inuu kulanka u baaqday cadaadis Madaxweynaha kaga yimid qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada iyo Xisbiga Madaxweynaha oo kulanka ku tilmaamay shirqool marqaati gelin dadban ah.

Lama oga xiliga uu kulankan qabsoomi doono, waxaana haatan caasimadda ka socda kulamo gaar gaar ah oo lagu qancinayo Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Hoobiye lagu Garaacay Xaafad ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Khasaare ka dhashay

Arbaco December-27-2023-{HMC} Faah fahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiye Saaka Aroornimadii hore ku dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guri ku yaalla Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa saaka Aroortii hore ku fariistay Hoobiye, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho leh oo soo gaaray dad Rayid ah.

Inta la xaqiijiyay Hal qof oo Hawenay ah ayaa ku geeriyootay, waxaana Hoobiyaha uu haleelay reerkaasi Xili ay hurdada ku jireen, sidoo kale waxaa burbur xooggan uu gaaray guriga.

Dadka degaanka oo warbaahinta Dalsan la hadlay ayaa sheegay in Hoobiyaha uu haleelay Xili ay hurdo ku jireen. Qol-qal iyo cabsi aad u daranna ay dareemeen, maaddaama Haweenayda dhimatay si weyn looga yaqaannay Xaafaddooda.

Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir wali wax war ah kama soo saarin duqeynta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Boondheere.

Jugta dhawaqa Hoobiyaha ayaa laga maqlay Xaafado ka tirsan Caasimadda, sidoo kalena lama soo sheegin Khasaare kale oo ka dhashay duqayntaasi.

Faah Faahin:.160 qof ayaa lagu dilay Nigeria

0

Arbaco, December, 27, 2023 (HMC)  Dabley ayaa weerar ku qaaday tuulooyin ku yaalla baadiyaha Nigeria gaar ahaan gobolka gobolka Plateau ee waqooyi-dhexe dalkaas horaanta todobaadkan aan ku jirno. Kooxda hubeysan ayaa halkaas waxa ay ku dileen ugu yaraan 140 qof, sidda ay sheegeen saraakiisha hay’adaha nabad-gelyadda iyo dadkii ka badbaaday Talaadadii shalay ahyad.

Waa kiiskii ugu dambeeyay ee dil wadareed ah kaasoo qeyb ka ah isku-dhaca u dhaxeeyay beeralayda iyo xoolo-dhaqatada ku nool waddankan ku yaalla Galbeedka qaaradda Afrika.

“Kooxda hubeysan ayaa 17-qof oo shacab ah ku beegsaday weerarro “macno-la’aan ah oo aan loo meel dayin” Sabtidii iyo Axaddii, iyagoo gubay inta badan guryihii aaggaas ku yaalla,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Plateau, Caleb Mutfwang.

Mutfwang wuxuu intaas ku daray: “Sida aan idinla hadlayo, gobolka Manguu oo kaliya, waxaanu ku aasnay 15 qof, ilaa saaka Bokkoos waxa aanu tirinaynaa mayd aan ka yarayn 100 qof, wali ma hayo [dhimashada] Barkiin Ladi”.

Xafiiska Amnesty International ee Nigeria ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ilaa hadda ay xaqiijiyeen in 140 qof ay ku dhinteen deegaannada Bokkos iyo Barkin-Ladi ee Plateau. Labadan degaan waxa ku badan Masiixiyiinta.

Tirokoobka Hay’adda Amnesty ayaa waxa ku saleysan tahay xogta ay soo ururiyeen shaqaalaheeda goobta ku sugan iyo saraakiisha maxalliga ah.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Ismaaciil Cabdiraxmaan ”Injineerada ka shaqeeya dalka waa in ay iska diiwaan giliyaan…”.

0

Arbaco December-27-2023-{HMC} Wasiir Ismaaciil Cabdiraxmaan ”Injineerada ka shaqeeya dalka waa in ay iska diiwaan giliyaan…”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xubno ka tirsan AS oo ku dhaawacmay Dagaaladii ka dhacay Hiiraan oo lagu qabtay shabeellaha dhexe.

0

Arbaco December-27-2023-{HMC} Xubno ka tirsan AS oo ku dhaawacmay Dagaaladii ka dhacay Hiiraan oo lagu qabtay shabeellaha dhexe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Maxkamad 15 sano ku xukuntay Xunib ka tirsan mucaaradka Jabuuti

0

Arbaco December-27-2023-{HMC} Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka tirsan mucaaradka Jabuuti oo dibad joog ah kaddib markii lagu helay inuu jir dil u gaystay nin ay isku siyaasad ahaayeen oo la garaacay indhahana laga saaray.

Sida lagu sheegay xukunka, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP Talaadadii, Idriss Awaleh, oo 40 jir ah, ayaa lagu helay “jir dil ay qeyb ka aheyd luminta xubin” kadib markii bishii November 2016 weerar lagu qaaday Liibaan Moustapha Hassan oo 40 jir ah.

Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay kadib markii 15-kii December ay xukuntay maxkamadda racfaanka ee Brussels.

Sida ku cad xukunka, maxkamaddu waxay sheegtay in labada nin ay ku lug lahaayeen siyaasadda mucaaradka Jabuuti, balse ay isku dhaceen intii uu socday khilaaf xooggan oo kooxeed.

Saacadihii hore ee November 6, 2016, taksiile ka shaqeynayay meel u dhow Porte de Namur, oo ah mid ka mid ah degmooyinka ganacsi ee ugu weyn caasimadda Belgium, ayaa wacay booliiska.

Waxa uu arkay Moustapha Hassan oo waddada dhinaceeda yaalla isaga oo nool, balse aad uga dhiig baxaya isha. Waxaa loo qaaday isbitaalka, wuuna badbaaday balse waa uu aragti beelay.

Moustapha ayaa booliska u sheegay inuu ahaa dhibbanaha weerar siyaasadeed.

Ku dhawaad 12 saac kadib, Idriss Awaleh oo ku dhashay Soomaaliya balse haysta dhalashooyinka Jabuuti iyo Holland ayaa tegay isbitaal kale oo ku yaalla Brussels isaga oo ilig uu ka maqan yahay, islamarkaana wejiga dhaawac uga yaallo. Halkaas ayaa kadib lagu xiray.

Ciidanka Macawiislayda oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ku qabtay Rag ay ku sheegeen in ay katirsan yihiin ‘AS’.

0

Arbaco, December, 27, 2023 (HMC) Ciidamada Deegaanka ee Macawiislayda ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan Deegaanka Cadcaday waxaana ay sheegeen in ay kusoo qabteen saddex xubnood oo katirsan ‘AS’.

Taliyaha Ciidanka Macawiislayda deegaankaas Cilmi Cabdulle Cali ayaa sheegay in howlgalkaan ay sameeyeen kaddib markii ay heleen xogo la xiriira saddexdaan ruux waxaana ugu dambayn gacanta ay kusoo dhigeen Raggaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Cilmi ayaa tilmaamay in markii ay waraystaan Raggaan ay u sheegeen in ay katirsanayeen xubno katirsan ‘AS’ oo dhowaan la geeyay deegaannada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee Macawiislayda oo kaashanaya kuwa Federaalka ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee xooggiisa ka socda Gobollada Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Turkiga oo ballanqaaday in wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu caddaaladda hor imaan doono

0

Arbaco, December, 27, 2023 (HMC) – Wasiirka Caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç, ayaa xaqiijiyay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan imaan doona dalka Turkiga si uu u wajaho maxkamadaynta shil baabuur oo ka dhacay Istanbul oo uu ku dhintay nin Turki ah.
Emre Göçer, ayaa u geeriyooday hal toddobaad kadib markii uu si xun ugu dhaawacmay shilka uu masuul ka ahaa wiilka madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo maalmo ka dib shilka u baxsaday dalka Imaaraatka Carabta.

Tunc ayaa saxaafadda u sheegay mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday caasimadda Ankara in maxkamad la soo taagi doono Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud.

Isagoo tixraacaya dhaleeceynta baraha bulshada ee ah in xuquuqda Göcer lagu tuntay,” ayuu yiri wasiirku, “Sharciga ayaa ilaalin doona xuquuqda muwaadiniinteena. Go’aamada lagama maarmaanka ah ayaa raaci doonnaa. Maxamed isna wuxuu ka iman doonaa dibadda si uu maxkamadda u horyimaado. “

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah uusan ka cararin Turkiga. Wuxuu sheegay inuu kula taliyay in uu soo noqdo oo uu isa soo taago maxkamada.