Arbaco December-27-2023-{HMC} Iskuul Waajib ay tahay in ardaydiisu xirtaan Koofi casharadana ku qaataan Afka Barawaaniga.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco December-27-2023-{HMC} Iskuul Waajib ay tahay in ardaydiisu xirtaan Koofi casharadana ku qaataan Afka Barawaaniga.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco December-27-2023-{HMC} Dowladda Dalka Itoobiya oo galay khalalaase siyaasadeed iyo dagaallo sukeeye ayaa ku guul dareestay in uu iska bixiyo lacago deyn ah oo lagu lahaa, waxa ayna taasi saameyn ku yeelan doontaa kobac dhaqaale uu dalkaasi sameyn lahaa.
Xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday shalay in ay awoodi wayday inay iska bixiso daynta lagu leeyahay, iyadoo noqonaysa dalkii saddexaad ee Afrika ee daynta iska bixin waaya.
Itoobiya ayaana ku guul dareysatay in ay waqtigeeda ku bixiso lacag deyn ah oo $33 milyan oo doolar, waxa ayna Itoobiya fursad u heesatay in lacagtaasi iska bixiso ilaa 26-ka December oo shalay ku beegneed.
Xukuumadda Itoobiya ayaana sheegtay in saameyn ku yeeshay cudurkii safmarka ahaa ee Covid-19 iyo sidoo kale dagaalkii sukeeye ee ka qarxay gobolka Tigrey ,kaa oo ugu dambeyn soo dhammaaday bishii Nuvember ee sannadkii 2022-kii.
Dalka Itoobiya ayaana noqonaya dalkii saddexaad oo Afrikan ah oo iska bixin waaya lacagta deynta ah ee lagu leeyahay, waxaana sidaan oo kale horey deyn isaga bixin waayay dalalka Chana iyo Zambia
Arbaco December-27-2023-{HMC} Maamulka Yaaqshiid ayaa Olale nadaafadeed ka Sameeyay wadada udhaxeysa isgoysyada Fagax iyo Toowfiiq
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco December-27-2023-{HMC} Xabad joojin ka dhaqan gasha Dalka Falastiin oo lagu xeray Seddex shuruudood oo yaab leh.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.
Arbaco December-27-2023-{HMC} 62 sano kadib Markii ugu horreysay ayaa Isbitaal laga hirgeliyay deegaanka Caadley ee Sh.dhexe.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco December-27-2023-{HMC} FAAH-FAAHINO dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo saakay markii salaada subax la dukaday lagu garaacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aaga ay kutaallo madaxtooyada Soomaaliya, madaafiicda qaarkood ayaana dhaliyay khasaaro.
Sida aan wararka ku helnay mid kamid ah madaafiicda loo tuuray dhinaca madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay guri kuyaalla xaafada Yuusuf Al Kowneyn ee degmada Boondheere, waxaana halkaasi ku geeriyootay hooyo kamid aheyd dadka deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in madfaca uu ku dhacay hooyo degan xaafada Yuusuf Al Kowneyn xilli hooyadaasi ay dul fadhisay salligii ay salaada subax ku dukutay, waxa uu sidoo kale madfacaasi bur buriyay guriga qoyskaasi degnaayeen.
Lama oga madaafiicda kale ee lagu tuuray aaga madaxtooyada in ay gudaha ku dhaceen iyo in kale, waxa ayna madaafiicdan qalqal xoogan iyo cabsi galiyeen dadka degan aaga madaxtooyada Soomaaliya.
AS ayaa sheegatay masuuliyada weeraro badan oo madaafiic ah oo horey uga dhacay Muqdisho, madaafiicdan ayaa galaafatay nolosha dad badan oo shacab ah u ku habsaday guryahooda iyaga oo dhax jooga.
Arbaco December-27-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Maxamed Ibraahim Axmed
Farsamadii :Yasiin Ali Ahmed
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Talaado-December-26-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan
Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq
Talaado December-26-2023-{HMC}Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Talaado December-26-2023-{HMC} Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa daaha ka qaaday in Taliyaha Ciiddanka Sudan, Abdel Fattah alBurhan, iyo Taliyaha Ciiddanka Taageerada Degdegga ah, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ay Talaadada ku kulmi doonaan magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.
Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada dhinac yeeshaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda dalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada iyo Xoogaga Taageerada degdega ah bartamihii bishii April.
Shirkan dhawaan furmaya ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu dhaqan gelinayo qodobadii ka soo baxay shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD, kaasoo horaantii bishan December lagu soo gaba gabeeyay MagaaladaJabuuti.
Dhawaan ayeey aheyd markii ay ku dhawaaqeen labada Hogaamiye ee kala ah Hemedti iyo Al-Burhaan in ay diyaar u yihiin inay isugu yimaadaan kulan wada xaajood ah oo lagu xalinaayo dagaalka Dalka suudaan.