Home Blog Page 3026

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanwayn

0

Talaado-December-26-2023-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanwayn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Turkiga oo war kale kasoo saartay Shiilkii wiilka madaxweynaha Soomaaliya uu ku Galay Dalkaas.

Talaado December-26-2023-{HMC} Wasiirka caddaaladda dalka Turkiga Yılmaz Tunç ayaa sheegay in ay qiyaasayaan in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhuftay bajaajle Yunus Emre Göçer oo ku sugnaa Istanbul uuna sababay geeridiisa uu dhawaan imaan doono dalka Turkiga si maxkamad uu u wajaho.

 

Isagoo ka jawaabayay su’aalaha saxafiyiinta ka dib shirkii ‘Istaraatijiyadda Dib-u-habaynta Garsoorka iyo Qorshe Hawleedka Xuquuqda Aadanaha’ ee lagu qabtay Ankara, ayuu wasiir Tunç wuxuu yiri, “Waxaan ku qiyaaseynaa in qofka ay quseyso uu ka iman doono dibadda oo uu bixin doono bayaankiisa mustaqbalka dhow. “Wasaaraddayada arrimaha dibadda ayaa iyaduna arrintan kala hadlay,” ayuu yiri.

 

Warbaahinta ayaa ogaatay in wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la sii daayay ka dib markii lagu waayay wax khalad ah oo shilkaasi la xiriira, kadibna uu ka tagay Turkiga.

 

Warbixinta dheeriga ah ee uu ku dhawaaqay machadka baaritaannada casriga ah toddobaadkii hore, Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu helay “inuu ugu horreyn khalad leeyahay” Yunus Emre Göçer waxaa lagu helay “in uu khaladka labaad leeyahay”.

 

Hadalkiisa maanta ee saxafiyiinta, wasiir Tunc wuxuu xasay inay jireen laba warbixinood oo ka soo baxay machadka sameeya baaritaannada casriga ah sida dhiigga iyo dheecaannada , wuxuuna yiri, “dacwad ayaa lagu soo oogi doonaa iyada oo la raacayo qaab dhismeedka warbixinnadan. Dabcan, garsoorkeena ayaa ilaalin doona xuquuqda iyo shuruucda muwaadiniinta. “Eedaynta waxaa la diyaarin doonaa maalmaha soo socda gudahooda iyadoo la raacayo qaabka warbixinta khabiirka,” ayuu yiri.

Sidee ayuu u dhacay shilkan?

Shilkaan oo 30 kii November ka dhacay meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul, ayuu seyga haweeneydaan ku dhaawcmay, isaga oo dhintay lix maalmood kadib. Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul sida uu duqa Istanbul shaaciayay .

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay X oo horey loo oran jiray Twitter – waxay muujinayaan gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaba xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada maaddaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosinno. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Booliska ayay ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan.

Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa cadaadis isa soo taraya oo ku aaddan soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya, oo la sheegay inuu ka tegay Turkiga kaddib markii uu ku lug yeeshay shil dhimasho sababay oo ka dhacay Istanbul.

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir bajaajle ahaa, ayaa dhaawaca kasoo gaaray shilka ugu geeriyooday isbitaalka 6-dii Bishan Disembar, lix maalmood kadib markii uu ku dhacay gaari uu Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ku waday waddada mashquulka badan ee Istanbul.

Xigasho BBC

Maxaa ka so Baxay Kulankii dhaxmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka?

0

Talaado December-26-2023-{HMC} Kulankan oo saacaddo badan qaatay oo shalay galinkii dambe Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiin horey xilal sare uga soo qabtay Dawladda ayaan wali is faham buuxa laga gaarin qodobada ugu muhiimsan ee wax ka badalka dastuurka.

 

Xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qayb galay ayaa kala ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Raisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

 

Illo ku dhow dhow shirka ayaa Hiiraanweyn u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday in la sugo Puntland doorashadeeda, si ay qayb uga noqoto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka si heshiis wadar ogol ah looga gaaro go’aannada masiiriga ah ee wax ka badalka dastuurka.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in wax ka badalka dastuurka loo maro hannaanka uu qorayo cutudbka 15-aad ee dastuurka KMG ah.

 

Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeystay aragtidiisa iyo tan madaxda kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee ah in dalku yeesho nidaam madaxtooyo (Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen) iyo in la xisbi lagu soo koobo xisbiyada siyaasadda ee wadanka ka sameysmaya, taas oo hoggaamiyayaasha mucaaradka ee ay mar jaalka ahaayeen ay ku diideen, keentayna in waqtiga shirku dheeraado.

 

Gabagabadii labada dhinac ayaa isku af gartay in la magacaabo 10 Xildhibaan oo shan ay ka imaanayaan dhinaca Madaxweynaha, dhinca mucaaradkana ay ka imaanayso shan kale si ay doodo dheeraada uga yeeshaan arintan.

{DAAWO SAWIRADA} G/ Aadan Madoobe oo Muqdisho ku qaabilay Xildhibaan Hodan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Minnesota

Talaado-December-26-2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ugu horeyn soo dhawaynta wanaagsan ee loo sameeyay uga mahadcelisay madaxdii iyo Xildhibaannadii kala duwaneyd ee dalkeeda ku soo dhoweysay.

Waxay Guddoomiyaha la wadaagtay kaalinta firfircoon ee qurbojoogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay ku talaabsanayaan guulo badan oo dalkeena qiimo u leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo uga mahadceliyay xildhibaanada booqashada ay ku timid dalka ayaa kula dardaarmay in ay laba jibaaraan kaalinta muhiimka ah ay ku leeyiin qurba-joogta Soomaaliyeed dalalka ay ku noolyihiin.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha iyo Hodon oo iska xogwaraystay xaaladda guud ee dalka, ayaa ku bogaadiyay doorka firfircoonida iyo dad la dhaqanka leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.

Kulanka waxaa kale oo Goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro, Xildhibaanno, xoghayaha Aqalka Sare iyo xubno kale oo la socday Xildhibaan Hodan.

{DAAWO MUQAALKA} DF Soomaaliya oo shaacisay tirada AS looga dilay dagaalkii CAAD

0

Talaado-December-26-2023-{HMC} DF Soomaaliya oo shaacisay tirada AS looga dilay dagaalkii CAAD

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Shir looga hadlaayo dardargalinta shaqada SODMA oo qabsoomay?

0

Talaado-December-26-2023-{HMC} Shir looga hadlaayo dardargalinta shaqada SODMA oo qabsoomay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

0

Talaado-December-26-2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Amniga Jubbaland oo ka hadlay Howlgallo ka dhacay aagga Beerxaani ilaa Afmadow.

0

Talaado-December-26-2023-{HMC} Wasiirka Amniga Jubbaland oo ka hadlay Howlgallo ka dhacay aagga Beerxaani ilaa Afmadow.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

FAAH FAAHIN Qarax kale oo lala beegsaday shaqaalaha Shirkada Hormuud.

0

Talaado December-26-2023-{HMC}   Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari uu lahaa Injineer ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Ninka Injineerka ee ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa ka badbaaday qaraxan oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro, maadaama uu gaariga qarxay kahor inta uusan soo fuulin.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibadda guriga injineerka Hormuud oo ku yaalla xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho.

Khasaaraha ayaa sida hadda la xaqiijiyay ku kooban bur-burka gaariga, welina lama soo warin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii November.

Markaas ayaa qaraxyadii ugu horeeyay lagu weeraray laba xarumood oo ku kala yaalla Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Shalay ayaa sidan oo kale booyad looga qarxiyay shirkada isgaarsiinta Hormuud, waxaana la qarxiyey xilli ay mareysay xaafada Waxaracade, degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ila hadda lama oga sababta loo beegsado iyo cidda beegsaneysa shirkadda Hormuud, laamaha amnigu kama hadlaan. Shabaab sidoo kale kama hadlaan, maamulka shirkaduna waa ka aamusan yihiin weerarrada ku socda xarumaha, gaadiidka iyo shaqaalahooda.

Si kastaba, illaa hadda waxa la xaqiijiyay inta weerarada ka dhanka ah shirkada Hormuud ay billowdeen in lagu dilay laba ka tirsan shaqaalaheeda, halka laba kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah.

 

Madaxweyne Xasan Iyo Mucaaradka Oo Heshiis Ka Gaaray Wax Ka Bedelka Dastuurka

Talaado December-26-2023-{HMC}  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore ayaa shalay kulankoodii labaad ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ka waqti dheeraa kii khamiistii la soo dhaafay labada dhinac dhex maray, iyadoo dood iyo falanqeyn dheer laga yeeshay arrinta wax ka bedelka Dastuurka, Nidaamka la rabo in xukunka dalka lagu salleeyo sida Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen, iyo labo xisbi siyaasadeed waxaana ugu dambeyn la isla gaaray is faham hordhac ah.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa qeyb ka ah;

1.In la soo dhamaystiro xubnaha madasha wadatashiga qaran oo go’aanadeedu wadar-ogolka yihiin. Taasoo ka dhigan in Puntland lagu soo qanciyo geeddi socdka qabyo tirka dastuurka.