Talaado-December-26-2023-{HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Iqro abdulahi iyo mustaf ali adoow
Farsamadii :Kaafi cismaan makaraan
Talaado-December-26-2023-{HMC}Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Iqro abdulahi iyo mustaf ali adoow
Farsamadii :Kaafi cismaan makaraan
Talaado-December-26-2023-{HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay shirka Banbaxa iyo Dib u eegista Howlaha SoDMA kaas oo socon doono muddo Saddex cisho ah.
U jeedka banbaxa ayaa ah gorfeynta howlihii SoDMA u qabsoomay sanadkaan sii dhammanaya ee 2023, in la helo qorsho siyaasadeed oo shaqada hay’adda lagu dardargalinayo, daadajinta shaqada hay’adda, waxaana goob joog ka ahaa shirkaan Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, Lataliyayaasha Hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo qaar ka mid ah howlwadeennada hay’adda.
Maalinta 1-aad ee banbaxa ayaa la soo bandhigay doodo looga hadlayey sida ugu wanaagsan ee shaqada hay’adda loo dardargalin karo loogana hagaajin karo howlaha sanadka cusub hay’adda u yaal .

Tuesday -December-26-2023-{HMC} – Somali National Army (SNA) and local forces launched a major operation against al-Shabaab in the town of Aad. The operation, which lasted for eight hours, resulted in the liberation of the town and the death of more than 80 al-Shabaab fighters, according to the land forces commander Gen. Dayah Abdi Abdulle.
Gen. Dayah confirmed the outcome of the operation to Somali National News Agency (SONNA), saying that the SNA and local forces inflicted heavy losses on the militants.
Talaado-December-26-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka, isagoo intaa ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ay ku leeyihiin, horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.
Dhankeeda Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurbojoogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.
DHAMMAAD
Talaado-December-26-2023-{HMC} Qoysaska bad maaxiyiin la socday Markab ganacsi oo ay bishaan december afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida, ayaa walaac ka muujinaya xaaladda nololeeed ee wiilashooda.
Sarkaal ka tirsan ururka badmaaxiinta Myanmar oo magacooda loosoo gaabiyo MSF, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in wali qoysaska la haystayaasha aysan u suurtagelin in ay xiriir la sameeyaan kooxaha burcad badeedda ee haysata markabka Ruen.
Waxa ay ku warameen in qoysaskaasi ay soo wajahday xaalad walaac ah, maadaama aysan xaqiijin karin xaaladda markabka dushiisa.
Shaqaalaha markabka ayaa u kala dhashay dalalka Bulgaria iyo Myanmar. Mid ka mid ah shaqaalaha markabka ayay ciidamada badda Hindiya ka dajiyeen markabka si looga daweeyo dhaawac ay burcad badeeddu u geysteen, iyadoo ay jireen warar sheegayay in kooxda afduubka geysatay ay taleefoono siin doonaan shaqaalaha markabka si ay ula xiriiraan qoysaskooda.
Hay’adda la socodka amniga badaaha ee UK, UKMTO waxay waydiisatay maraakiibta inay soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo gaar ahaan walaaca laga qabo in budhcad-badeeddu ay markabkan yar u isticmaalaan saldhig.
Talaado-December-26-2023-{HMC} Baarlamaanka Maamulka SSC khaatumo ayaa soo saaray go’aammo culus oo ku aaddan bulshada degaanada Maamulkaasi, xili dhawaan ay isaga baxeen Xildhibaanada SSC Maamulka Puntland.
Go’aammo ay soo saareen Golaha dhexe ee SSC Khaatumo ayaa digiin loogu diray qof walba oo reer SSC ah oo doonaya inuu maamulada kale wax la qaybado ama u uku biro.
Dadka SSC-Khaatumo kama mid noqon karaan Puntland ama maamul kale – waayo waxa khalkhal geleya midnimada iyo nabadda deegaanka.” Ayaa lagu yiri Warqad ay soo saareen Golaha dhexe ee SSC.

Talaado-December-26-2023-{HMC} Taliyaha NISA Mahad Salaad oo soo saaray fariin ku saabsan Amniga caasimadda.
Talaado-December-26-2023-{HMC} Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo saaray Digniin cusub oo shacab ku socota
Talaado-December-26-2023-{HMC} Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota oo soo bandhigay fursado wax barasho oo bil

Tufan Aktaş, Hodan Mohamed Abdullahi
Tuesday December 26, 2023
The Turkish Red Crescent has started a cataract surgery project for over 500 people in Somalia who otherwise could not afford it.
Announcing the project on Monday at the National Eye Hospital in the capital Mogadishu, Taner Kurt, deputy head of the Turkish Red Crescent Somalia delegation, said that the initiative, spanning the cities of Mogadishu, Galkayo, and Dolow, will cover both surgery and medication expenses for cataract patients.
Hawa Yasin, a 70-year-old displaced by drought, told Anadolu that she has been unable to get treatment for years due to her inability to afford the surgery.
“I have no money to see a doctor. I live in a camp. For years I couldn’t see properly. When I couldn’t afford the hospital expenses, I stayed like that. But today, the (Turkish) Red Crescent covered the costs of surgery and exams. We’re very grateful to them and the doctors,” she said.
Aasho Saciid, who brought her 4-year-old son – whose eyes were damaged due to measles – to the hospital, expressed her happiness after the surgery, as her child will now be able to see her.
In many African countries, including the Horn of Africa nation of Somalia, thousands of people lose their eyesight every year due to hot weather, nutritional deficiencies, and climatic conditions.