Home Blog Page 3029

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay sida daah furnaanta leh ee loo horumariyay Daqliga Gobolka.

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ayaa markii u horeysay ku dhowaaqday go’aan ka gedisan kuwii dhawaan kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC ee ku shaaciyeen in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwayn

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Warka waxaa soo jeedinayo ; shugei baryare maxuud 

Farsamadii :Maxamed Ibraahim Axmed

HOOS KA DAAWO MUQAALKII UGU DAMBEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Xasan Macalin: “Dadka Hadii aysan madaxbanaaneyn oo xor ahayn lama dhihi karo Dastuur…”.

0

isniin-December-25-2023-{HMC}  Wasiirka cadaalada iyo tastuurka DFS ayaa maanta kulan looga hadlyay arimaha tastuurka iyo dhameysrkiisa la qaaray haweenka kala duwan oo iskugu jira xildhibaano sanataro ururada haweenka dhalinyaro arday ka socotay jaamacadaha qareeno wasiirka ayaa faah faahiyay kulanka iyo u jeedkiisa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxay yihiin diyaaradaha dagaalka ee Iiraan ay ka iibsaneyso Ruushka?

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Iskaashiga milatari ee u dhexeeya Ruushka iyo Iiraan ayaa kor u kacayay tan iyo bishii Febraayo 2022, weerarkii Ukraine kadib.

Maraykanku wuxuu u arkaa Iiraan inay tahay ‘saaxiibka militariga ugu fiican ee Ruushka’ Iiraan waxa ay Moscow siisaa hub kala duwan oo ay ku jiraan taangiyo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno (UAVs).

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in cilaaqaadka militari ee kala dhaxeeya Iiraan uu yahay mid sare, balse waxa uu diiday inuu shaaciyo xogta xiriirka labada dal ee dhanka iskaashiga milatariga .

Iiraan ayaa qiratay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka balse waxay sheegtay in ‘aan loo isticmaali doonin’ dagaalka Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaan qarin iskaashiga milatari ee ay la leedahay Ruushka, taas beddelkeeda waxa ay qorshaynaysaa in ay casriyayso ciidamadeeda iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha Ruushka.

Taariikhda iskaashiga difaaca ee Ruushka iyo Iiraan

Markii Ciraaq ay dagaal kula jirtay Iiraan intii u dhaxaysay 1980 iyo 1988, Midowga Soofiyeeti wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa hubka ugu badan siiya Ciraaq, balse dhammaadka dagaalkan ayaa albaabbada u furay wada shaqayn dhex marta Ruushka iyo Iiraan.

Sida laga soo xigtay Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Caalamiga ah ee Stockholm (SIPRI), heshiis ganacsi oo weyn ayaa dhexmaray Midowga Soofiyeeti iyo Iiraan sanadkii 1989, heeshiiska ayaa dhigayay in Iiraan ay hesho ku dhawaad $1.9 bilyan oo sahay ah, intii u dhaxaysay 1990 iyo 1999, diyaarado dagaal, taangiyo, iyo doonyo quusa ayaa sidoo kale la siinayay Iiraan.

Iskaashi dhanka difaaca ee u dhexeeyay Ruushka iyo Iiraan ayaa sii xoogaysanayay, walow Ruushka uu mar walba ka taxadarayay in lagu eedeeyo inuu si cad ugu xadgudbay cunaqabateynta ka dhanka ah Iiraan.

Markii Ruushku uu weeraray Ukraine ee lagu soo rogay cunaqabataynta qaybaha dhaqaalaha iyo difaaca, Ruushku wuxuu isku dayay inuu isticmaalo fursad kasta oo uu ku helo hub si uu u sii wado dagaalka.

Iskaashiga difaaca ee Ruushka ayaa mar kale xoog yeeshay kadib markii xannibaadaha wax soo saarka, samaynta iyo cilmi baarista gantaallada ballistic laga qaaday bishii Oktoobar.

Bandhiggii Moscow ee bishii Agoosto, Iiraan waxay ku soo bandhigtay hubkeeda ilaa hadda lagama iibin waddan, waxaana si gaar ah loogu nashqadeeyey Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC).

Liiska hubkan ayaa waxaa ka mid ah gantaallada Zoheer iyo Ababil, Shaheed-129, Shaheed-133 drones iyo diyaaradaha Arash ee riddada dheer.

iImisa heshiisyo hub ah oo ka dhaxeeya Ruushaka iyo Iiraan ayaa la fuliyay?

Ma jirto xog faahfaahsan oo rasmi ah oo laga hayo inta jeer ee heshiisyo hub ay wada galeen Ruushka iyo Iiraan.

Xogta Qaramada Midoobey iyo xogta Adeegga Kastamka Ruushka ayaa bixiyay macluumaad is khilaafaya oo arrintan ku saabsan.

Sannad kadib heshiiskii Nukliyeerka, 2016 iayaa aha sanndkii ugu badnaa ee ganacsiga hubka ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran, sida lagu sheegay xogta qaramada midoobey.

Qandaraasyada hubka ee labada dal ayaa kor u kacaya ilaa 200 milyan oo dollar.

Wali ma jiro qiimeyn faahfaahsan oo ku saabsan ganacsiga hubka ee Ruushka uu la leeyahay Iran tan iyo sanadkii 2022 ilaa 2023.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Iskaashiga milatari ee ka dhexeeya Ruushka iyo Iran ayaa sii xoogaystay markii Ruushku bilaabay inuu u adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran dagaalka Ukraine.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalay dagaalka muddadas waxaa ka mid ah Shahiid-131, Shahiid-136, Mohajir-6.

Shahiid UAVs waa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu farsameeyo Iran.

Sida laga soo xigtay shirkada Airwars ee fadhigeedu yahay Netherlands, Ruushku wuxuu Ukraine u adeegsaday ilaa 2000 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahiid intii u dhaxaysay Sebtembar 2022 iyo Sebtembar

2023.

Iran iyo Ruushka ayaa labaduba beeniyay sheegashada ah in Iran ay siisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahid si ay Ruushka uga caawiyaan dagaalka Ukraine.

Bishii Noofambar 2022, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdullahiyan, ayaa xaqiijiyay in Iran ay ” qadar yar” ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka “dhowr bilood ka hor bilowga dagaalka”

Iran ayaa weli ku adkaysanaysa in aanay Ruushka siinin wax hub ah oo ay ugu adeegsato dagaalka Ukraine.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Ukraine aysan weli awood u yeelan inay soo bandhigto wax cadeymo ah oo ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Warbaahinta Ruushka iyo kuwa wax ku qora baraha bulshada ayaa qiraya in Ruushku hub iyo diyaarado ka helay Iran.

Iran ayaa doonaysa in ay Ruushka ka iibsato diyaaradaha dagaalka ee Su-35

Iiraan ayaa dhankeeda waxay dooneysaa inay casriyeyso qalabkeeda militari, gaar ahaan, waxay muujinaysaa rabitaankeeda ah in la cusboonaysiiyo diyaaradaha milatariga ee duugoobay iyo in ay hesho tignoolajiyada Ruushka.

Iibsashada diyaaradaha Ruushka waa mid ka mid ah sababaha Iiraan ay u qaadday tallaabo aan caadi ahayn oo ay kaga qayb qaadanayso dagaallada ka baxsan Bariga Dhexe.

Iiraan ayaa xaqiijisay bishii March in ay Ruushka ka iibsatay diyaaradaha dagaalka ee Su-35, balse waxaa shaacisay in hawshan dib baa loo dhigay.

Dhanka kale, Iiraan waxay heshay dhowr diyaaradood oo askarta lagu tababaro oo Ruushku sameeyay kuwaas oo ah Yak-130 .

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Iiraan, Mehdi Farahi, ayaa sheegay bishii Nofembar in qandaraaska diyaaradaha helicopters-ka ee Mi-28, diyaaradaha dagaalka Su-35 iyo diyaaradaha dagaalka Yak-130 ee Ruushka la soo gabagabeeyayo waqti dhowa.

Helitaanka diyaaradahan waxay Iiraan u noqon doontaa guul weyn.

Xamaas oo diidday hindise ay soo jeedisay Masar

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Warbaahinta Israa’iil iyo kuwa Carabta ayaa sheegaya in kooxaha Falastiin ee Xamaas iyo Jihaad Islaami ay diideen hindise ay Masar soo jeedisay oo ah xabbad joojin joogto ah oo laga sameeyo Qasa.

Kooxaha ayaa la sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay ka hadlaan wax tanaasul ah oo dhaafsiisan sii deynta la haystayaasha.

Axadii ayaa la sheegay in Masar ay soo bandhigtay hindise cusub oo xabbad joojin ah oo saddex waji ah.

Waxaa ka mid ah in la sameeyo dowlad farsamo oo ay ku lug leeyihiin maamulka Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas si ay u maamulaan Qasa.

Xubin midigta fog oo ka tirsan golaha wasiirrada Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa sidoo kale si adag u diiday soo jeedinta, isagoo sheegay in golaha wasiirrada dagaalka ee Israa’iil aysan “wax amar ah” u haysan in ay ansixiyaan qorshahan.

{DAAWO SAWIRADA} Hub la rabay in la galiyo Magaalada Jigjiga oo La qabtay.

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Ciidamada Booliska Dowlad degaanka Soomaalida gaar a haan qaybta ku qoran rugta baadhista ee magaalo Qaran ay qabteen Baastoolado iyo Rasaastoodii oo la rabay in lasoo galiyo magaalada Jigjiga ee Caasimada Dowlad degaanka Soomaalida.

 

Hubkan la qabtay oo ka koobnaa 5 Bastooladood iyo 200 oo rasaas ah ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyay kuraasta Bas yar oo ay lahayd Shirkad lagu magacaabo Bader oo ka shaqeysa adeegga socdaalka dadweynaha ee guud ahaan degaanka Soomaakida, waxayna ilo xogagaal ahi sheegayaan in sidoo kale gacanta lagu dhigay dadkii iyagu watay Baastooladahan iyo Rasaastaba, isla markaana la xanibay Baskii lagu soo qariyay hubkan.

 

Faahfaahin dheeri ah wali lama helin sidoo kale Xukuumadda degaankuna wali kamaysan hadlin hubkan la qabtay, sidoo kale Shirkaddii lahayd Baska lagu qabtay hubkana wali wax hadal ah kama soo bixin.

 

Falkan Ma aha markii u horreysay ee Ciidamada amniga degaanka Soomaalidu ay qabtaan hub lasoo galin rabay degaanka, waxaana marar kala duwan lagu qabtay isla magaaladan la yiraahdo magaalo Qaran hub kala duwan oo u badan hubka fudud sida Baastoolado iyo waxyaabo lamid ah, inkastoo dhinaca kale markii u horreysay ay noqonayso oo Bas ay leedahay Shirkaddan Bader lagu qabto hub.

 

Magaalo Qaran ayaa ah magaalo ku taal inta u dhaxaysa Wajaale iyo Jigjiga waana magaalo uu ku yaal bar kantarool oo aad loogu baadho gaadiidka iyo dadkaba, waxaana jooga Ciidamada degaanka Soomaalida.

 

Mudooyinkii Danbe waxaa soo badanayay iskudayo badan oo la rabay in lagu khalkhal galiyo amniga Dowlad degaanka Soomaalida, inkastoo Xukuumadda degaanka Soomaalida iyo Dowladda Itoobiya ay sheegeen inay fashiliyeen iskudayadaas, haddana tan maanta waxay kusoo aadaysaa iyadoo maalmo ka hor ay Dowladda Itoobiya sheegtay inay qabteen hub badan iyo dadkii watayba.

Puntland oo ku dhowaaqday go’aan cusub kadib mowqifkii SSC ee doorashada

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ayaa markii u horeysay ku dhowaaqday go’aan ka gedisan kuwii dhawaan kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC ee ku shaaciyeen in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.

Xukuumadda Deni ayaa sheegtay in doorashada Xildhibaannada aysan waxba iska beddeli doonin, ayna Isimida dhaqanka SSC ay soo xuli doonaan, maadaama aan weli si rasmi ah loo guda galin kala gurashada labada maamul.

“Kala bixidda labada dhinac ayaa waxaa loo mari doona hannaan waafaqsan sharciga iyo nidaamka, taasi oo aan hal maalin ku dhammaan karin,” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hannaanka kala bixista Puntland iyo SSC-Khaatumo uu bilaaban doono doorashada kadib, balse hadda la soo xuli doono xildhibaannadii SSC, iyada oo loo marayo habraacii saxiixa isimada ama cuqaasha degaanka.

“Rabitaanka dadka SSC iyo nidaamka dastuuriga ah ayaa la is waafajinaya. 17-ka xildhibaan waa la soo xulaya, garaadada laftooda soo xulaya ama cuqaasha soo xulaysa, habraacii loo mari jiray ayaana loo maraya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa dhawaan soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax-bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo jooga oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin.”

FAAH FAAHIN Dagaal Sababay Dhimasho iyo dhawac oo Maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor-imaad saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Warbaahinta.

Iska hor-imaadka dhexmaray labada Ciidan ayaa ka dhashay markii ay isku qabsaday gaari Cabdi Bile ah oo hore looga qabsaday ciidamada Soomaaliland.

Labada maleeshiyo ayaa waxaa markii dambe kala dhex-galay ciidamada booliska ee maamulka SSC-Khaatumo.

Xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa deganeyd tan iyo markii uu saake ka dhacay dagaal kooban oo sababay dhimasho iyo dhawac.

ilaa hada wax war ah kama so bixin Maamulka Magaalada Laascaanood oo ku aaday Dagaalkii saaka ka dhacay Magaaladaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25/12/2023

0

isniin December-25-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Booliiska gobolka Banaadir oo War ka so saaray Wararka Sheegaa in Muqdisho laga macnuucay Cimaamadaha iyo Indha shareerka.

0

isniin-December-25-2023-{HMC} Mahdi Cumar Muumin Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay inuusan jirin amar kasoo baxay hay’addaha amniga oo lagu mamnuucay isticmaalka Cimaamadaha, Koofiyadaha, Maskiga af xirashada iyo indha shareerka.

 

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ku sheegay in dacaayad ay tahay wararka sheegaya in la macnuucay astaamaha Diimeed, sida Calaamadaha, Indha shareerka iyo kuwa dhaqanka bulshada.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday shacabka reer Muqdisho iney Taliska kusoo wargaliyaan hadii ay la kulmaan tacadiyo la xariira amar aanan kasoo bixin laamaha amaanka.

 

Warkaan kasoo baxay Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ayaa imaanaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay ciidamada oo qaadaya talaabooyin ka dhan dadka wata cimaamadaha, koofiyadaha iyo indho shareerka.

 

Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale soo bandhigtay muqaalka dadweyne ka cabanaya arrinkaas, waxaana mid ka mid ah odayaasha ku dhaqan Muqdisho oo arinkaas ka hadlay uu sheegay inay soo dhaweynayaan in la baaro, hayeeshee uusan raali ka aheyn in laga qaado cimaamada uu xiran yahay.

 

“Sababta aan go’aankan u diidaayo waxaa waayey cimaamada ninka odeyga ah waa sharaftiisa, waa qiimahiisa cimaamad la’aan nin waayeel ah kuma fiicno” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha Muqdisho.

 

Arintaan uu beeniyay Taliyaha Booliiska Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa noqotay mid hadal haayn xoogan ka dhalisay Magaalada Muqdisho.