insiin-December-25-2023-{HMC} Hay’adda Maareynta ayaa Maamulka G/ Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
insiin-December-25-2023-{HMC} Hay’adda Maareynta ayaa Maamulka G/ Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan
isniin December-25-2023-{HMC} Qoysas caruur iyo haween u badan oo muddo laba maalin ah ku go’doonsanaa fatahaad saameysay degaano hoos taga degmada Jamaame ayey ciidamada Jubaland soo badbaadiyeen
Xubno isugu jira Xildhibaano heer Federaal ah, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, siyaasiyiin, Lataliyaal sare aqoonyahano iyo masuuliyiin kale ayaa socdaal ku tagay degaanada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Jamaame oo ay qoysas badan ku go’doonsanaayeen
Ciidamada oo isticmaalaya doonyo iyo qalab kale ayaa deegaanada ay sida daran u saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ka soo badbaadiyey qoysas la arkay iyagoo go’doon kujira ka dib markii ay qabatay Camerada Dronka ah oo lagu baadi goobayay dad badan oo lala yahay maadama dhulku howd yahay biyo badana ay fadhiyaan
Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland ayaa door weyn ka qaatay samata bixinta dadka danyarta ah ee go’doonka ku jiray


isniin December-25-2023-{HMC} Qoraal uu soo saaray musharaxa madaxtooyada Soomaaliya ku taageereyso doorashada madaxweynaha Puntland Mudane Abshir Cumar Haruuse ayuu kaga hadlay go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka SSC Khaatumo
Haruuse ayaa ugu baaqay hay’adaha maamulka Puntland in ay waafajiyaan go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka SSC Khaatumo dastuurka, xeerarka iyo shuruucda kale ee u degsan maamulka Puntland
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ayaa soo jeediyay qabashada shir ay isugu yimaadaan xukuumadda Puntland iyo musharaxiinta, kaa oo looga tashanayao arrimaha kala baxa labada maamul ee Puntland iyo Khaatumo

insiin-December-25-2023-{HMC} WAR DEG DEG AH War murtiyeed laga soo saaray shirkii Hiiraan state
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
insiin-December-25-2023-{HMC} Mucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka ay SSC uga baxeen doorashada Puntland
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
insiin-December-25-2023-{HMC} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 25-12- 2023
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad-December-25-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Mustaf Cali Cadoow
Farsamadii :Yasiin Cali Axmed
HOOS KA DHAGEYSO WARKEENA SAAKAY
insiin-December-25-2023-{HMC} Guddoomiye madoobe ayaa kulan la qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
insiin-December-25-2023-{HMC} Muqdisho oo laga mamnuucay Indho-shareerka iyo Cimaamada.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
isniin December-25-2023-{HMC}Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC-Khaatumo
War-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ka soo baxay musharaxiinta ayay ugu horrayn ku sheegeen in ay ixtiraamayaan go’aanka isimada iyo Maamulka SSC-Khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland, balse waxay intaas raaciyeen in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay, si loo kala guuro, oo ay u kala baxaan Puntland iyo SSC
Golaha Musharaxiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Dec 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharaxiinta mucaaradka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC
Golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland doorashadii Dec 2018
Isimmada Khaatumo ayaa shalay soo saaray go’aan ay ku joojiyeen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland, kuwaas oo dhan 17 xildhibaan, taasi oo ka dhigan inay SSC iyo Puntland kala gurteen
Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan
Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go’aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka.