Home Blog Page 3032

{DAAWO SAWIRADA} Kulan dhaxmaray Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Safiirka Imaaraadka Carabta Soomaaliya

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

 

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.


DHAMMAAD

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa ka soo baxay shirka Murshaxiinta madaxweyne Maamulka Puntland?

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Maamulka Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe, iyaga oo uga hadlay isbedellada la xiriira go’aanka SSC-Khaatumo ee ka bixitaanka golahayaasha dowladda Puntland.

 

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay qaabka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka lixaad ee Dowladd Goboleedka Puntland.

 

Sida aan xogta ku helayno, musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Isimmada SSC-Khaatumo, isla markaana walaac ka muujiyay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, iyaga oo laga dhursugayo inay war ka soo saaraan.

 

 

Dhanka kale, Madaxweynaha muddo xileedkiisa sii dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka aamusay go’aanka SSC-Khaatumo ay uga baxeen hanaanka dowladnimo ee Puntland.

 

Madaxweyne Saciid Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxweyne, taasoo saameyn ku yeelan doonta xaaladda siyaasadeed ee Maamulka Puntland.

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Bilaabay Howlgal aan noociisa Horay Looga Sameyn Gobolka Banaadir.

Axad-December-24-2023-{HMC} Laamaha ammaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa bilaabay howlgal ay dadka uga uruurinayaan koofiyadaha iyo cimaamadaha, sidda ay Warbaahinta u sheegeen illo kala duwan.

 

“Howlgalkan waxaa fulinaya ciidamo lagu daadiyay isgoyska magaala madaxda kuwaas oo dadka iyaga oo aanan wax fahfaahin ah siinin ku amraya in ay soo wareejiyaan labadaas shey,” ayuu yiri hal illo wareed.

 

“Haweenka qudhooda waxaa lagu amrayaa in ay furaan Indho-shareerka,” ayuu yiri qof kale oo xog-ogaal ah. “Illaa hadda, ma aanan arag haween laga qaadayo Indho-shareerka ama lagu amrayo in ay wareejiso”.

 

Ma jirto cid kamid ah hay’adaha nabad-gelyadda dowladda federaalka oo si rasmi ah ugu dhawaaqdey go’aankan lagu joojinayo in magaalada lagu dhex-qaadan karin Koofiyad, Cimaamad iyo Indho-shareer.

 

Balse, talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli bishii lasoo dhaafay ay caasimada wajahdey weeraro taxano qaraxyo ah kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ganacsi oo amarka dowlada ku xirtey kaamirooyinka CCTV.

 

Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya oo codsadey in aan magaciisa lo isticmaalin wrbaahinta ayaa si hoose ugu xaqiijiyey Warbaahinta Muqdisho in labadan amar kala dambeeyay “aysan u wada dhameyn si guud hay’adaha nabad-gelyadda”.

 

“Xataa latashi guud lagama sameyn isakaba daa in loo sameeyo sharci ama wargelin guud loo siiyo dadweynaha si ay ugu nagaluglaadaan ciidamadda taas oo baajin karta isku-dhac dhiig ku daato,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

 

Muqdisho ayaa xasilooni amni ku naalooneysa ku dhawaad muddo sanad ah iyadda oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ah ama weerar lagu galay xarumo dowladeed, hoteelo ama maqaayado ay dadka shacabka ah ku badan yihiin.

 

Isbedelkan amni ayaa waxaa loo aaneynayaa in kooxda Al-Shabaab uu dagaal uga furan yahay furimaha dagaalka isla markaana aysan fursad u helin in ay carqaladeyso nabad-gelyadda fariisinka dowlada federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA}Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Dil toogasho ah ku fulisay Muxyadiin Cali Cabdullaahi

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Dil toogasho ah ku fulisay Muxyadiin Cali Cabdullaahi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA}Taliyaha xarunta Agoonta Boliiska” Berri waa sanad guuradii 6-aad ee aas aaska xarunta agooanta

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Taliyaha xarunta Agoonta Boliiska” Berri waa sanad guuradii 6-aad ee aas aaska xarunta agooanta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA}100 neef oo lagu wareejiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee Dagaalka kula Jira AS

0

Axad-December-24-2023-{HMC}100 neef oo lagu wareejiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee Dagaalka kula Jira AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA}Mas’uuliyiin katirsan DFS oo salaadda Janaasada ku dukaday meydka AUN Maryan Cabdulqaadir Soobbe

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Mas’uuliyiin katirsan DFS oo salaadda Janaasada ku dukaday meydka AUN Maryan Cabdulqaadir Soobbe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA}Beesha Fiqi shini oo War ka so Saarta Muranka Gobolada SSC iyo Doorashooyinka Puntland

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Beesha Fiqi shini oo War ka so Saarta Muranka Gobolada SSC iyo Doorashooyinka Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Dil toogasho ah ku fulisay Muxyadiin Cali Cabdullaahi

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukunno kala Duwan Ku Riddey rag Katirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo lagu helay in dhac iyo dil ay ka Geysteen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Muxyadiin Cali Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku Xukuntey Dil toogasho ah oo ah waana Qisaasta Marxuum Maxamed Nuur Salaad kaas oo ahaa Ardey Dhigta Iskuulka Al Qalam Ee Magaalada Baydhabo waana lagu fuliyey dilka, Halka Shuceyb Cali Mursal lagu Xukumey 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad Gaashaanle sare Sheikh Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka maanta maxkamadda ka soo baxay.

{DAAWO SAWIRADA} Odayaasha dhaqanka Degmada Ceelbaraf oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hirshabelle

Axad-December-24-2023-{HMC} Odayaasha dhaqanka Degmada Ceelbaraf ayaa la kulmay mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle oo uu ugu horeeyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Cabdiraxiin Ciise Cadow iyo Saraakiisha ciidamada NISA iyo Darawiishta.

Kulankaan ayaa looga hadlay sugidda Amniga iyo isla shaqeynta ciidamada iyo bulshada Deegaanka iyo sidii looga hor tegi lahaa isbaarooyinka soo noq-noqday oo ay dacwo ka ahayeen odayaasha dhaqanka degmada Ceelbaraf, waxaana ugu danbeyn Saraakiisha ciidamada iyo odayaasha Isla qaaten in qofkii isbaaro dhigto ay soo sheegan qofkii lagu arkana halka ay u taal lagu toogto.

Dhanka kale qodobada kulanka looga hadlay waxaa kamid ah in wax qori ah aanan lagu dhex qaadan karin gudaha degmada Ceelbaraf waxaana ciidamada ay durbadiiba soo qabteen Saddex ka mid ah rag isbaaro ka dhiganayay gudaha degmada kuwaa oo ay horey u baadi goobayeen ciidamada Amniga.