Home Blog Page 3050

Israaiil oo Maxaabiistii ay kasoo furan waysay Xamaas wadahadal ku raadinaysa.

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Sida lagu sheegay Warbixinno ay daabaceen dhowr warbaahin oo qaarkood ah kuwa ku hadla afka cibriga ah (Afka Yuhuudda) waxaa guuldaraystay dedaalkii Ciidanka Israaiil ay ku doonayeen in ay kusoo furtaan Maxaabiista Xamaas ka qabsatay Bishii Oktoobar 2023.

Xukuumadda Benjamin Netanyahu waxaa saaran cadaadis xooggan oo uga imaanaya ehelka Dadka la haysto oo sheegay in aanay Xukuumaddu awoodin soo furashada Maxaabiistaas gacanta Xamaas ku jira kuna sii waqti dheeraaday dagaalka ay ku jiraan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dad horleh maalin weliba ay ka dhintaan kana dhaawacmaan marka la eego dagaallada ay kala hortagayaan Xamaas oo jilbaha u dhigatay xaafadaha qaar ee Magaalada Gaza oo Ciidanka Israaiil ku adkaatay in ay ka gudbaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ergo ka kala socota Maraykanka iyo Israaiil ay raadiyeen qaar kamid ah Waddamada Carabta sida Masar & Qatar si wadaxaajoodkaan uu uga duwanaado wadahadalkii koobnaa ee arrimaha bani aadamnimada loogu magac-daray.

Madax katirsan sirdoonka Yuhuudda ayaa dul-meeraysanaya waddamo dhaca Yurub oo ay ku dooanayaan in halkaas uu ka dhaco wadahadal marka hore lagu jihaynayo qorshahaan si kaddib loogu gudbo qaabka loo dhaqangelin karo.

Natiijo rasmi ah oo laga soo saaray baaritaanka shilkii uu ku lug lahaa wiilka Xasan

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Baaritaan ku saabsan shilkii uu ku lugta lahaa wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen khubarrada dambiga iyo Machadka foreensigga dalka Turkiga ayaa soo saaray warbixin cusub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay magaalada Istanbul 30-kii bishii Novembar ee uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ah wade mooto uu khaladka lahaa Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud sida lagu sheegay natiijada baaritaanka Machadka iyo Khuburrada.

Natiijada baaritaanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Sheekh oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay mootada, isagoo u leexiyay dhanka midig, halka darawalka mootada Göçer uu yareeyay xawaarihiisa oo u leexday dhanka saxda ah.

Warbixinta baaritaanka waxaa kale oo lagu sheegay Maxamed Xasan Sheekh uusan tixgalin xaaladda, oo uusan qaban bareegga, sidaasna uu khaladka ku lahaa.

Darawalkii mootada Yunus Emre Göçer, oo ku dhintay shilka, ayaa sidoo kale natiijada lagu shegay in uu lahaa khadka labada.

Waxa la sheegay in Göçer uu sameeyay khaladka ah in uusan si fiican u fiirin muraayadda gadaale ee laga fiiriyo baabuurta kaa dambeeysa, isla markaan uu leexday dhanka midig yareeyna xawaare sare oo uu ku socday taas oo keentay in shilku dhaco.

Warkii ay hore dowladda Turkiga uga soo saartay wiilka madaxweynaha Soomaaliya
Wasiirka caddaaladda Turkiga, Yılmaz Tunç, ayaa dhowaan sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu sabab u ahaa shil gaari oo uu ku dhintay nin mootoole ah oo ka dhacay magaalada Istanbul uu dib ugu soo laaban doono dalka Turkiga.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Ankara ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay hay’adaha garsoorka Soomaaliya, wuxuuna yiri “Maalmaha soo socda waxaa suurtagal ah in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qeyb galo dacwadda arrintaasi ku saabsan”.

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu galay shilka dhimashada keenay, kaas oo ka dhacay waddada Aksaray Kennedy ee magaalada Istanbul waxaan ku geeriyooday Yunus Emre Göçer oo 36 jir ah.

Baabuurka uu watay Maxamed Xasan Sheekh Maxmuud ayaa ku dhacay mooto uu watay ninka geeriyooday, sida laga arkay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon taas oo bartiisa X uu soo dhigay duqa magaalada Istanabul, waxaana xilligaas ninka soo gaaray dhaawac, basle lixdii bishaan ayuu geeriyooday.

Warbixinta hordhac ah ayaa lagu sheegay in wax khalad uusan lahayn Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sidaas darteedna eedaysanaha loo sii daayay, basle wasiirka Cadaaladda Turkiga wuxuu sheegay in warbixinta labaad ay daaha ka qaadday inuu khalad leeyahay.

Yılmaz Tunç wasiirka caddaaladda Turkiga waxaa kale oo uu sheegay in baaritaanka dambe ee la saameeyay iyo kii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo ayada oo kan dambe uu qeyb ka ahaa shaybaarka.

Wasiirka ayaa horey u sheegay in “Baaritaan maxkamadeed lagu bilaabay askartii booliska ahayd ee tagtay goobta fal dambiyeedka isla markaana keenay qiimeynta khaladka ah billowgeedii shilka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in “wiilkiisa uusan baxsan ee uu howlo shaqo u aaday dalka dibaddiisa, waxaa kale oo uu xusay in uu la hadlay uuna u sheegay in dalka dib ugu laabto oo maxkamadda uu wajaho,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya .

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul wuxuu sheegay in warbixinta shilka ee la diyaariyay isla markiiba ka dib dhacdada ay mujinaysay in darawalka mootada uu xadgudbay sharciga, ayada oo sidaasi lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud .

Ka dib dhimashadii Göcer 6-dii Disembar goobta shilku uu dhacay waxaa loo diray guddi khabiirro ciidanka taraafikada ee wadooyinka ah.

Kooxo khabiirro ah oo sameeyanayay baaritaan ayaa warbixinta ay soo saareen la wadaagay warbahinta DHA ee dalka Turkiga.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in mootada ay si lama filaan ah dhinac midig ugu leexatay isaga oo aan shidin wax calaamad ah, darawalku ma uusan wadan koofiyad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inkasta oo uu bareegga qabtay, haddana uu ku dhacay mootada, laakiin Khabiirradu waxay shaaciyeen in wadaha mootada dhinac u leexaday, balse Maxamed Xassan uu ku dhacy oo gaariga uusan tartiib u wadin.

Iyaz Çimen, oo ah qareenka qoyska Göçer oo la hadlayay wakaaladaha ayaa yiri: “Darawalkii gaariga, oo boqolkiiba 100 khaladka lahaa waxaan filayaa in lagu ciqaabi doono arrintan”.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay walaac ka qabaan in eedaysanaha uu soo laabto ama lasoo qabto maddaama hadda arrinta ay kasoo wareegtay toddobaad oo aan wax tallaabo ah la qaadan.

Wasiirka caddaaladda Turkiga waxa uu sheegay in baaritanka arrinta ku saabsan uu sii socon doono isla markaana qof kasta uu sharciga u hoggaansami doono.

ISHA BBC

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo Paris & Rome u tagaya arrinta ka taagan Gaza.

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Ingiriiska David Cameron ayaa u safraya Magaalada Paris caasimadda Dalka Faransiiska si uu halkaas kulan ugula qaato Madaxweyne Macron oo uu kala hadlayo xaaladda ka taagan Magaalada Gaza.

Sida ay ku xog-warrantay Warbaahinta Labada Dal, Macron iyo Cameron waxa ay diiradda saarayaan sidii xal loogu heli lahaa dagaalka ku daba-dheeraaday Ciidanka Israaiil ee dhiig-baxa badan ku sababay isla markaana ay ku gaari waayeen soo furashada maxaabiista laga haysto.

Intaas kaddib waxa uu u safrayaa Magaalada Rome ee Caasimadda Dalka Talyaaniga oo uu kulan kula ballansan yahay Ra’iisul Wasaare Meloni oo ay kawada hadlayaan isla arrintaan ka taagan Magaalada Gaza.

Inta uu ku guda jiro socdaalkiisa waxa uu diiradda saaraya Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron sidii loo abuuri lahaa xaalad lagu gaarayo xabbad-joojin si ay uwada hadlaan Xamaas iyo Israaiil dibna ugu laabtaan dhabbaha maxaabiis is dhaafsiga.

Mareykanka oo lagu cadaadinayo Inu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha Soomaaliya

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Mareykanka ayaa waxaa lagu cadaadinaya in uu wax ka beddel ku sameeyo duqeymaha cirka ee uu ka geysto gudaha Soomaaliya, kadib kororka khasaaraha rayidka ah.

In ka badan 20 hay’adaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya iyo kuwa caalamiga kamid ah ayaa ka dalbaday wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibanayaasha duqeymaha cirka ee Soomaaliya.

Hay’addahan ayaa weydiistay wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka in ay il gaar ah ku eegto codsiyada qoysaska ehelladooda lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Maraykanka uu ka geysto gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hay’addahan xuseen in saraakiisha Mareykanka ay iska indho tireen baaqa kasoo yeeray dhibanayaasha duqeymaha Mareykanka.

Warqad loo diray Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa waxaa lagu muujiyay kiisas badan oo waxyeelo rayid ah, kuwaasi oo ka dhacay Soomaaliya, oo ay xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Kiisaskan ayaa ka kooban dhibanayaasha rayidka ah, kuwa badbaaday iyo qoysaskooda aysan wali helin jawaabo la taaban karo.

Warqadda ayaa muujineysa dhibanayaal ay kamid tahay Luul Daahir Maxamed, oo ahayd 22-jir Soomaali ah oo lala dilay gabadheeda Maryan Shilow Muuse oo 4-jir ahayd, kaddib markii bishii April ee 2018-kii uu Mareykanku duqayn ka geystay magaaalada Ceel-buur.

Luul walaalkeed Abuubakar Daahir ayaa sheegay in dhibanayaasha qoyskiisu ahaayeen dad rayid ah, haddana milatariga Mareykanka aysan weli reerkiisa siinin wax jawaab ah oo ay ku qanci karaan .

“In ka badan 5 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii ay dhacday duqayntaas, laakiin ma aanan awoodin inaan helno cadaalad. Mareykanku xitaa ma uusan aqoonsan jiritaankeenna,” ayuu Abuubakar Daahir ku yiri warbixin wargeyska The Continent.

Sidoo kale waxaa lagu xusay warqadda in wasaaradda difaaca ay gacanta ku hayso saddex milyan oo doollar oo maaliyad sannadle ah oo uu bixiyo Koongareeska Mareykanka.

Lacagtan ayaa la sheegay in loogu tal-galay si loogu abaal-mariyo dhibbanayaasha rayidka ah iyo kuwa ka badbaaday howl-gallada Mareykanka.

Pentagon-ka ayaa sannadkii hore shaaciyay qorshe howleedka ka-hortagga iyo ka-jawaabista dhibaatada rayidka, oo ay ku jiraan ballan-qaadyo lagu horumarinayo maaraynta xogta iyo kor u qaadida awoodda milatari, balse taasi waxba kama tarin waxyeellada rayidka ee ay geystaan weerarrada Mareykanka.

Si kastaba, Duqeymaha Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar uu galaafta nolosha rayid badan oo Soomaali ah, iyada oo weli maamulka Biden uu si aamusnaan ah u sii wado waxa loogu yeero la-dagaalanka argagaxisada.

Gobol ka tirsan Mareykanka oo soo saaray sharci adag oo ka dhan ah dadka darbiga ka booda

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa soo saaray sharci adag oo ka dhan ah ka gudubka xuduudaha. Waxaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu muteysan karo xabsi, waana mid ka mid ah sharciyada socdaalka ee ugu adag ee uu meel mariyo gobol ka tirsan Mareykanka waqtiyadan casriga ah.

Barsaabka gobolka Greg Abbott, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa sheegay inay “joojin doonaan mowjadaha qulqulka muhaajiriinta ee sida sharci darrada ah ku soo galaya Texas”.

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha socdaalka ayaa sheegay in sharciga uu horseedi doono isir nacayb.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan socdaalka sharci darrada ah iyo walaaca shacabka ee ku aaddan sida uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u maareeyay xadka.

Go’aankan uu gaaray gobolka Texas ayaa ah mid muran badan dhaliyay, sababtoo ah maxkamadaha Mareykanka ayaa horay u xukumay in dowladda federaalka oo kaliya ay dhaqan gelin karto sharciyada socdaalka.

Dadka u ololeeya arrimaha muhaajiriinta ayaa sheegay in sharcigan uu horseedi doono isir takoor.

Tallaabadan Texas ayaa ah mid aad loogu kala qeybsan yahay, qeyb ahaan, sababtoo ah maxkamadaha Mareykanka ayaa hore u xukmiyay in keliya dowladda federaalka ay xoojin karto shuruucda socdaalka.

In xadka looga soo gudbo si sharci-darro ah ayaa hore u ahayd dembi federaal ah, balse haatan hannaanka maxkamadda ee socdaalka ayaa ula macaamisha kiisas rayid oo kale.

SB4, oo dhaqangeli doona March, ayaa waxaa bishii November meel mariyay aqalka Texas ee ay u badan yihiin Jamhuuriga.

Sharciga ayaa saraakiisha booliiska gudaha iyo gobolka u oggolaanaya inay joojiyaan ayna xiraan qof walba oo looga shakiyo inuu xadka si sharci-darro ah uga soo gudbay, marka laga reebo gudaha iskuullada iyo isbitaallada.

Ciqaabta ay mari doonaan dadkan ayaa waxay noqon kartaa xabsi amaba ganaax gaaraya $2,000 (£1,580).

Xaakim ayaa sidoo kale amri kara in dadka lasoo xiray dib loogu celiyo xadka Mexico, inkastoo aysan caddeyn sida maamulka Texas ay u dhaqangelin doonaan arrintaas.

Ganaaxa in qofku mar kale si sharcidraro ah usoo galo ayaa noqon kara 20 sano oo xabsi ah, waxayna ku xiran tahay taariikhda socdaalka iyo dembiga ee qofka.

Bishii November, maamulka gobolka ayaa sheegay in sharciga uu Texas ka dhigi doono meel ammaan ah iyo inuu yahay sharcigii ammaan ee ugu xoogganaa ee ay abid meel mariso Texas.

SB4, si kastaba, ayaa laga yaabaa in loollan sharciyeed uu kala kulmo dadka u dooda socdaalka.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay xildhibaannada Dimuqraaddiga ah iyo dowladda Mexico.

Bishii October, Sarah Mehta, oo ah la taliye sare oo dhanka siyaasadda kana tirsan American Civil Liberties Union, ayaa sheegtay in “shuruucda sidan oo kale ay ka dhalan karto isir-takoor, xirid iyo in xarumo lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka iyo muhaajiriintaba”.

Afhayeenka Aqalka Cad Angelo Fernández Hernández ayaa sheegtay in “marka guud ahaan loo hadlo, dowladda federaalka – ma aha gobollada – ay ku shaqo leedahay go’aan ka gaaridda sida iyo goorta dadka aan muwaadiniinta ahayn looga saarayo dalkaas sababo la xiriira inay carqaladeeyeen shuruucda socdaalka”.

BBC ayaa la xiriirtay waaxda caddaaladda – oo mas’uul ka noqon doonta inay tallaabo sharci oo heer federaal ah ka qaaddo Texas.

Arrimaha xadka iyo socdaalka ayaa madax-xanuun siyaasadeed ku noqday Madaxweyne Biden.

Sanadkii 2022, guud ahaan 2.4 milyan oo muhaajiriin ah ayaa lagu diwaangeliyay xadka, waana tiro aad u sarreysa.

Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa doonayay in gargaarka militari ee Mareykanka ee Ukraine loo adeegsado dejinta siyaasadaha looga hortagayo socdaalka sharci-darrada ah.

ISHA BBC

Deni, Karaash & Cabdirashiid Jibriil oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Puntland

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ku kulansiiyay Madaxda muddo xileedka uu kasii dhammaanayo ee kala ah Madaxweyne Siciid Cabdullaahe Deni, Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash & Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Abwaanka.

Saddexdaan mas’uul ayaa midba daraf ka istaagay doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama meesha ay ka baxday muddo kordhintii ay ku raadinayeen Doorasho Dadweyne oo waqti dheeraad ah ku qaadanaysa marka la eego muddo xileedkooda oo ku siman 7da Janaayo 2024 si 8da bishaas loo qabto Doorasho.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Dowlad-Goboleedka Puntland oo ku howlan daminta dabka siyaasadeed ee ka dhashay muranka Doorashooyinka ayaa diiradda saaray dhinacyada uu u arko guddigaas in ay fure u yihiin dejinta mowjadaha siyaasadda ee ka aloosan deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Qoraal kooban oo ay soosaartay Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Puntland ayay ku sheegtay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada uu Madaxda Dowlad-Goboleedkaas kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si wanaagsan iyada oo la raacayo habraacii soo jireenka ahaa ee 66da Xildhibaan hore ee ku imaan jireen.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhowaan eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu ku tilmaamay in uu yahay kaligii talis isla markaana qaadanaya mas’uuliyadda wixii ka dhasha muranka Doorashada inkasta oo haatan xal loo helay.

Tirada guud ee dadka Falastiiniyiinta ah ay xasuuqeen ciidamada Israa’iil oo la shaaciyay

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Ciidamada Israa’iil ayaa weeraro isugu jira cir iyo dhul wali kawada magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada si aan kala sooc laheyn u beegsanayaan shacabka ku go’doonsan qeybo kamid ah Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Gaza ayaa soo bandhigtay tira-koobkii ugu dambeeyay dadka ay ciidamada Israa’iil ku xasuuqeen magaalada Gaza, kuwaa oo u badan haween iyo carruur.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka magaalada Gaza ayaa lagu shaaciyay in tirada dadka ay laayeen ciidamada Israa’iil ay hadda gaarayaan 19,453 qof , waxaana duqeymaha si xun ugu dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Dadka ay ciidamada Israa’iil ku laayeen duqeymaha nagaalada Gaza 7,739 kamid ah ayaa la sheegay in ay yihiin carruur, waxaa sidoo kale dadka la laayay ku jira haween badan, dad da’ ah iyo dhallinyaro mustaqbal ifaya lahaa.

Waddamada reer Galbeedka iyo kuwa Carabta ayaa iska daawanaya xasuuqa Israa’iil geesaneyso, mana jiro ilaa hadda dowlado waa weyn oo xasuuq iyo dambi dagaal u aqoonsanaya tacadiyada Israa’iil ka geesaneyso magaalada Gaza.

Mareykanka oo ku dhawaaqay tallaabo looga hortagayo amni darrada ka soo cusboonaatay Badda Cas

0

Talado-December-19-2023-{HMC}  Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Isbaheysi caalami ah oo diiradda saaraya ammaanka Badda Cas, kadib weeraro is daba joog ah oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee mara marinka muhiimka ah ee maraakiibta.

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa waxa uu ku sheegay in weerarada Xuutiyiinta ee aan ka fiirsiga lahayn ee ka imanaya Yemen ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga “ay halis galiyeen isu socodka xorta ah ee ganacsiga, khatarna galinaysa badmareenada aan waxba galabsan, waxaanay jabinayaan sharciga caalamiga ah”.

Dhowr shirkadood oo waaweyn oo kuwa maraakiibta ah ayaa hakiyay howlihii ay ka hayeen aaggaas kadib weeraro xiriir ah oo ay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto Iran ku qaadeen maraakiibta mara marinka Bab al-Mandab maalmihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay.

“Badda Cas waa marin-biyood muhiim ah oo lagama maarmaan u ahaa xorriyadda socdaalka iyo marinada ganacsi ee waa weyn kuwaas oo fududeeya ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri.

Marinka maraakiibta ayaa isku xira maraakiibta ka imaanaya Aasiya iyo bariga Afrika ee taga Yurub iyagoo sii mara marinka Suweys ee Masar, kaasoo ah marinka ugu weyn ee badda Mediterranean-ka ay maraan maraakiibta ka soo safraysa badweynta Hindiya.

Waxa uu sheegay in howlgalka oo loogu magac daray Operation Prosperity Guard, oo ay ka qeyb qaadanayaan waddama UK, Baxrayn, Kanada, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Seychelles iyo Spain.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 19/12/2023

0

Talado-December-19-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Mustaf Cali Caddow

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

DAAWO MUUQAALKA} Waa kuma Sheekha aadka looga yaqaano dunida iyo hal arrin uu ku amaanay gabdhaha Soomaaliyeed.

0

Talado-December-19-2023-{HMC} sheekha caanka ah ee Muft Menk ayaa maalmahan qabsaday baraha bulshada Soomaalida, kaddib markii muuqaal uu soo duubay uuna kaga hadlayay arrimo dhowr ah, uu ku ammaanay haweenka Soomaalida.

Sheekhan oo khudbad Jimcihii lasoo dhaafay ka jeedinayay masjid ku yaalla dalka Koofur Afrika, ayaa ammaanay sida ay u asturan yihiin gabdhaha iyo haweenka Soomaalida.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA