Home Blog Page 3054

Dagaal beeleed ka dhacay Shabeellaha Dhexe iyo Wararkii ugu dambeeyey

0

Isniin-December-18-2023-{HMC}  Taliyaha Nabad-Sugidda dowlad goboleedka HirShabelle Macalllin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Macallin Yuusuf iyo ciidamo uu hoggaaminayay ayaa gaaray inta u dhaxeysa deegaannada Qurac-Madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga Mahadaay, halkaasi oo Jimcihii laba maleeshiyo beeleed uu ku dhexmaray dagaal khasaare culus dhaliyay.

Taliyaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka HirShabeelle ayaa si gaar gaar ah ula kulmay dhinacyada dagaalku dhexmaray, iyagoo ka codsaday in colaadda la joojiyo, si aan mar kale deegaannada loogu dagaalamin oo dhiig kale u daadan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhinacyada la kala dhex-dhigay ciidamo, si ay u joojiyaan dagaalka. Xaalada deegaannada Qurac-madoobe iyo Aqab-duco ayaa deganaa saacadihii ugu dambeeyey, mana jirio wax dagaal ah oo socda.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la ogyahay dagaalka ku dhintay hal qof, halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaa la Geyay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo laab-laabanayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay maleeshiyaad hubeysan oo gobolka wada-daga, waxaana dagaalada qaarkood lagu guuleystay in la joojiyo, balse mar kasta dib ayey usoo laabataan.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18/12/2023

0

Isniin-December-18-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Manchester United Oo ku dhagtay Liverpool, Soona Afjartay Inkaartii Ka Haysatay Garoonka Anfield

0

{Axad, December 17, 2023 HMC} Manchester United ayaa lugaha iskaga duubtay Liverpool oo ku qabatay barbarro goolal la’aan ah kulan si adag loogu xafiiltamay oo ka dhacay Anfield kaas oo Reds ay awoodi weyday inay wax goolal ah ka dhaliso inkasta oo ay ciyaarta maamulaysay.

 

Liverpool oo heshay fursado tiro badan ayaan ka faa’iidaysanin, waxaanay si rasmi ah u macasalaamaysay hoggaanka horyaalka Premier League ee ay haysay toddobaadkii hore, kaas oo hadda ku wareegay Arsenal oo ay hal dhibic ka dambeeyaan.

Manchester United ayaa iyaduna soo afjartay laba ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo ay guul-darrooyin kasoo hoynayeen garoomada, halka Anfield oo markii ugu dambaysay lagu xasuuqay 7-0 ay hadda iskaga celiyeen Liverpool oo ay hal dhibic kaga qaateen.

Dhibicda ay Manchester United kasoo qaadatay Anfield ayaa u ahayd Ten Hag sidii guul oo kale, iyadoo ay u ahayd safarkii labaad ee uu ku tago Merseyside.

Jurgen Koopp oo ay kooxdiisu cadaadis badan ku haysay Man United, ayaa waxa fursad dahabi ah oo waqti dambe ahaa ka lumiyey Luis Diaz, halka rikoodhe ay Reds ku doodday dhamaadkii uu ka diiday garsoore Tylor.

Rasmus Hojlund ayaa ayaa u dhowaaday in uu guul aanay u qalmaynin gacanta u geliyo Manchester United waxaana uu kubadda dhinac mariyey birta.

Van Dijk iyo Mohamed Salah ayaa waxa kubbado halis ahaa ka badbaadiyey goolhaye Andre Onana oo uga dhaartay xiddigaha Reds inay shabaqiisa si fudud ku garaadhaan.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta waxa casaan ku baxay Diogo Dalot oo la isku raaciyey laba kaadh oo digniin ah.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay u dhacday kaalinta labaad oo ay ku haysato 38 dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Aston Villa oo ay farqiga goolasha kaga horreeyaan, halka Manchester United ay ku jirto booska kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League.

Arsenal Oo Hoggaanka Premier League Kula Wareegtay Guul Ay Ka Gaadhay Brighton Iyo Wacdarihii Aston Villa

0

{Axad, December 17, 2023 HMC} Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Brighton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.

 

Laba gool oo ay qaybtii dambe kala dhaliyeen Gabriel Jesus iyo Kai Havertz ayaa Arsenal siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo sabab u noqday in ay laba dhibcood dhaafaan Liverpool, sidoo kalena ay hal dhibic ka sarreeyaan Aston Villa oo booska labaad kusoo cidhiidhsatay guul waqti dambe ay ka gaadhay Brentford.

 

Arsenal ayaa iska lumisay fursado badan oo ay dersin goolal ah ku dhalin karaysay labadii qaybood ee ciyaarta, waxaana uu shabaqu diiday Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Declan Rice oo mid walba uu goolka la hrotegay kubbado goolal loo fishay oo uu goolhayuhu ka badbaadiyey ama ay difaacyahannadu isku dhigeen.

 

Daqiiqaddii 53aad ayaa uu Gabriel Jesus ciyaarta ku furay kubbad uu madax ku qabtay oo ahayd koorne uu soo tuuray Bukayo Saka, kaas oo markii hore halis geliyey goolka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 17/12/2023

0

Axad-December-17-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Sheeko cajiib ah oo dhex-martay Wasiir Roobow iyo nin rabay inuu laaluush Siiyo

{Axad, December 17, 2023 HMC} Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Wasiir Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Shiikh Muqtaar Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

Wasiir Roobow ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la iska ilaaliyo laalushka oo Ilaahay laga baqo, isaga oo bulshadana ku booriyay in laga waantoobo bixinta laaluushka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Qaabkii ay Maanta ula wareegeen Ciidamada Soomaaliya amniga guud ee Madaxtooyada Dalka.

{Axad, December 17, 2023 HMC} Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee AMISOM ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

DHAMMAAD

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka dowladda Soomaaliya oo maanta si buuxda ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada Dalka.

0

{Axad, December 17, 2023 HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee madaxtooyada Soomaaliya oo 16 kii sano ee lasoo dhaafay ay gacanta ku hayeen ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in talaabadan ay hordhac u tahay qorshaha ciidamada xoogga dalka ay kula wareegayaan amniga guud ee dalka.

“Amaanka madaxtooyada oo ay ku yaalaan xafiisyada madaxweynaha, Raysal wasaaraha iyo Baarlamaanka waxaa maanta si rasmi ah ula wareegay ciidanka xoogga dalka, taasi oo bilaw u ah in ciidamada dib u hantaan dhamaan amniga dalka, mar hadii madaxtooyadii ciidanku la wareegeen inta kalana way la wareegi doonaan sida ugu dhaw” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ku howlgala magaca ATMIS ayaa la sheegay iney si tartiib tartiib ah uga baxayaan dalka ilaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, waxaana sidoo kale lagu wadaa in ilaa 3,000 oo ATMIS ka tirsan in dhamaadka bishaan ay dalka ka baxaan.

Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha kale ee dowladda ay dhawaan sidoo kale la wareegi doonaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

“Garoonka Aadan Cadde iyo dakadda weyn ee Muqdisho oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka ATMIS, ayagana waan kala wareegi doona” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuir.

La wareegista ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo ciidanka ATMIS lagu wado in dhamaadka sanadka soo socda gabi ahaanba isaga baxaan gudaha Wadanka Soomaaliya.

African Union troops ‘ATMIS’ farewelled from the Somali Presidential Center

0

{Mogadishu Sunday, December 17, 2023 HMC} – In a significant takeover that concludes 16 years of African Union Mission in Somalia (ATMIS) guarding Villa Somalia, the elite special forces unit of the Somalia National Army has officially begun their duty of protecting the Presidential Palace, the office of the Prime Minister, and the Parliament, marking the culmination of a journey that began with President Hassan Sheikh Mohamed’s first term. It was during his initial presidency that the first proposal for the exit strategy of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) was drafted in December 2015.

This proposal set the wheels in motion for a gradual transition to Somali-led security, envisioning a future where the Somali National Army (SNA) would take complete control of the nation’s security. Now, almost nine years later, this vision is becoming a reality.

 

This momentous shift in security responsibilities marks a new chapter in Somalia’s journey towards self-reliance and stability. The elite special forces, trained to handle the most challenging security situations, are now at the forefront of safeguarding the nation’s most critical institutions.

 

The transition comes after 16 years of dedicated service by the ATMIS forces, who have been instrumental in maintaining peace and stability in Somalia. Their departure signifies a vote of confidence in the National Army’s capabilities and the progress Somalia has made in building its security infrastructure.

 

The government of Somalia, in a statement, extended a heartfelt thank you to the men and women of the ATMIS forces for their unwavering commitment and sacrifices. The statement also praised the professionalism and readiness of the National Army, expressing optimism about the future of national security under their watch.

 

Citizens across Somalia have reacted positively to this development, seeing it as a sign of growing national strength and autonomy. The focus is now on the National Army’s special forces to maintain peace and continue the progress that ATMIS has helped to achieve.

 

This transition is not just a change in guard but a symbol of Somalia’s resilience and determination to write its own story of peace and development. The international community has also shown support for this move, emphasizing the importance of Somali-led initiatives in achieving lasting peace.

 

As the National Army’s elite special forces assume their new roles, there is a renewed sense of hope and pride among Somalis. Their presence at the Presidential Palace and other key locations is a testament to Somalia’s journey towards a more secure and self-reliant future.

Villa Somalia oo shaacisay natiijada safaradii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Shiikh uu galay.

0

Axad-December-17-2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Wadanka Uganda.

 

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in safarada shaqo ee uu galay madaxweyne Xasan ahaayeen kuwo miro-dhal ah, sida; shirkii amniga Soomaaliya ee New York iyo deyn cafinta, iyo kulamadii Mareykanka.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa intii uu joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo rasmi ka dhigay xubinimada Soomaaliya ee EAC.

 

Xasan Shiikh ayaa dhanka kale kulan miro-dhal ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku-simaha ku-xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.

 

Madaxweynaha ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahad-celiyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

 

Mr Xasan Shiikh ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

 

Shirkaas oo ka soo qeyb-galeen dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

 

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya u horseeday guullo waaweyn oo ku hagaya mustaqbal wanaagsan.