Isniin-December-18-2023-{HMC} Taliyaha Nabad-Sugidda dowlad goboleedka HirShabelle Macalllin Yuusuf iyo saraakiil ka tirsan booliiska ayaa ku baxay dagaal beeleed saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
{DAAWO MUUQAALKA} Askar shaqada looga joojiyey jirdilka Wariye.
Isniin-December-18-2023-{HMC} Askar shaqada looga joojiyey jirdilka Wariye
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Fatahaada ka dib maxaa cuduro ah oo ka dhalankara?”Dr- Cabdulahi Macalin”
Isniin-December-18-2023-{HMC} Fatahaada ka dib maxaa cuduro ah oo ka dhalankara?”Dr- Cabdulahi Macalin”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo xilkii iska casilay
Isniin-December-18-2023-{HMC} Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka aaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa u uku caddeeyay in uusan kasii mid ahayn xukuumadda dalka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ciidamada Israa’iil oo Duqeeyay dad shacab ah oo ku sugnaa Xero Qaxooti
Isniin-December-18-2023-{HMC} Maamulka Xamaas ee Qasa ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay ku dileen ugu yaraan sagaashan falastiiniyiin ah maalin qura xerada qaxootiga ee Jabalya.
Waxaa la ogyahay in dad badan lagu dilay weerar lagu qaaday dhismo ay daganaayeen laba qoys.
Dadka deegaanka ayaa baadi goobayay dad ka badbaaday burburka hoostiisa.
Duqeymo dhanka cirka ah ayaa sidoo kale lagu qaaday bartamaha iyo koonfurta Qasa halkaasi oo inta badan dadka ku nool dhulkaas ay gabbaad ka dhigteen in ka badan laba milyan.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku adkeysaneysa in ay duqeyneyso waxa ay ugu yeertay bartilmaameedyo argagixiso.
Weerarrada Xuutiyiinta ay ka gaysanayaan Badda Cas oo sababay Qiima koror ku yimid shidaalka
Isniin-December-18-2023-{HMC} Sare u kac ayaa ku yimid Qiimaha Shidaalka waxaana loo sababeeyay weerarrada Kooxaha Xuutiyiinta Yemen fadhigoodu yahay Dalkaas ay ku kordhiyeen maraakiibka isticmaasha Badda Cas sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Teleefishinka Aljazeera.
Hal Senti ayaa ku kordhay oo waxaa barmiilkii (Fuustadii) Shidaalka ah lagu dhufan jiray 0.4 oo qiima ahaan noqoneysa $76.87, isbaddelka dhanka qiimaha waxaa si toos ah looga dareemay suuqyo badan oo qaarkood dhaca Dalka Maraykanka.
Shirkadaha ka shaqeeya kala gudbinta shidaalka ayaa ku dooday in welwel xooggan uu soo wajahay Maraakiibtooda oo todobaadyo kahor si nabadgalyo isaga kala gudbayay Badda Cas balse markii Xuutiyiintu ay billaabeen weerarrada uu welwelka kordhay.
Inkasta oo Kooxaha Xuutiyiintu ay sheegeen in ay beegsanayaan Maraakiibta Israaiil iyo kuwa u socda dhanka Dekedaha ay maamusho haddana waxaa jira warar sheegaya in cabsidu ay kasii korortay heerkii ay taagneed maalmo kahor.
Cabsida xooggeeda waxa ay bannaanka timid kaddib markii Xuutiyiintu ay gubeen Markab sidoo kalena ay qabsadeen isla markaana sii daba-dhigay hanjabaad toos ah oo aan ka gambasho lahayn waxaana shaqada joojiyay qaar kamid ah Maraakiib shidaalka kala gudbinaysay.
Maxaan ka ognahay ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia?
Isniin-December-18-2023-{HMC} Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaanno Koofiyad Casta iyo kuwa booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya amniga guud ee madaxtooyada dalka oo horey ay amnigeeda qeyb ka mid ah wax uga sugi jireen ciidanka howgalka ku meel gaarka ah ee ATMIS.
Lix iyo toban sano kadib ciidamada ATMIS ayaa wareejinaya amniga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halka dalka looga arrimiyo sidoo kalena ay daggan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa.
Qaybta koowaad ee ciidamada ATMIS oo ah Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa si guud mas’uul uga ah ammaanka madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku yaallaan xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha iyo Baarlamaanka tan iyo sanadkii 2007-dii.
Ciidanka ATMIS ayaa si gaar ah u sugi jiray amniga gudaha Madaxtooyada waxaana ay galbiyaan oo ilaaliyaan madaxada dowladda marka ay safar u baxayaan ama ay kasoo dagayaan sida uu sheegay Senator Axmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday Taliyaha Ciidanka Madaxtoooyda.
“Waxaa inta badan ay joogaan albaabbada gudaha ee laga galo Madaxtooyda, marka madaxweynaha uu baxayo waa raaci jireen, sidoo kale qalabka ayay ku shaqeeyaan sida eeyaha, shaqo fiican ayay nala soo qabteen” ayuu yiri Senotar Afcaddeey.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqadir Maxamed Nuur oo wareysi siyay BBC-da ayaa sheegay in qorshaha la wareegitaanka amniga guud ee maxtooyada Soomaaliya uu ahaa qorshe in muddo ah socday, haddana lagu guuleeystay.
“Dhowaan waxaa dalka ka baxay 3000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, meelaha ay joogaan ee ay wareejinayaan waxaa ka mid ah madaxtooyada oo ay ku yaallaan saddex xafiis ee dalka ugu sarreeysa oo kala ah madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan ra’iisul wasaaraha oo in muddo ay joogeen oo ammaankooda loo xil saaray,” ayuu yir Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka milatariga ay si buuxda ula wareegi doonaan ammaanka madaxtooyda iyo madaxda dalka, ayada oo haddii loo baahdana ay gacan siin doonaan ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda.
Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 77aad ee loo yaqaanno Koofiyo Casta oo hadda si buuxad ula wareegi doonto ammaanka Madaxtooyada, ayaa iyagu markii horaba qayb uga ahaa sugidda ammaanka guud ee madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ay ku suganaayeen waddooyin dhowr ah oo soo gala madaxtooyada kuwaas oo kala ah.
•Waddada Sayidka
•Isgoyska Tiyaatarka
•Waddada Ceelgaabta
•Waddada Shimbiraale
Maxey yihiin ciidanka koofiya Casta?
xmed Maxamed Cali Afcaddeey oo soo noqday taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Koofiya Casta ay yihiin kuw si gaar ah loo soo xulo marka la qaadanayo, maaddama ay ilaalinayaan ammaanka guud ee madaxada dalka.
“Waa ka duwan yihiin ciidanka kale, marka la soo xulay oo waxa laga fiiray meel badan oo ay ka mid yihiin sumcada qofka,caafimaadkiisa iyo aqoonta, ayuu yir Afcadeey
Waxaa uu sheegay in ciidanka la siiyo tababaro kala duwan maaddaama ay ilaaliyaan ammaanka madaxda ugu sareeysa dalka lehna awoodda ay ku sugnaa ammaanka guud .
“Muddo badan ayaan joogay madaxtooyada ciidanka xog dhab ah ayaan ka haya, markii horena xayndaabka madaxtooyada oo dhan waxaa joogay ciidanka waa ku filan yihiin ammaanka guud,” ayuu u sheegay BBC-da Senator Afcaddeey.
Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sheegay in ciidanka lagu soo tababaro dalal badan oo ka mida adduunka ayna haystaan qalab ku filan.
“Maddaama ay ciidanka yihiin kuwa loogu talgalay in ay ilaaliyaan madaxada si gaar ah ayaa loo soo xulay, waxaana lagu soo tababaray dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Uganda, Itoobiya iyo jabuuti, waxaa kale oo jirta in Midowga Yurub xataa uu tababar siiyo.
Tallaabadaan ayaa hordhac u ah lawareegidda amniga guud ee Soomaaliya ee ciidanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah uga baxaan dalka ilaa dhammaadka sanadka soo socda ee 2024-ka.
Wasiir Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xarumaha kale ee dowladda ee wali gacanta ay ku hayaan ciidanka ATMIS kala wareegi doonaan ciidanka Soomaaliya.
“Garoonka iyo dakadda oo ah xarumaha ugu weyn ee dowladda ayay wali sii joogi doonan ciidanka waxaana filayaa in ayaga aan kala wareegi doonno ugu dambeyn”.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ATMIS ayaa wali gacanta ku haya amniga xarumo kale oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle iyo dekadda weyn ee Muqdisho.
ISHA BBC SOMALIA
DEG-DEG: Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo xilkii iska casilay
Isniin-December-18-2023-{HMC} Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka aaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa u uku caddeeyay in uusan kasii mid ahayn xukuumadda dalka.
Qoraalka ayaa lagu yiri, ”Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiir Abshir Huruuse uu kamid yahay musharraxiinta loollanka ugu jira kursiga hoggaanka ee dowlad goboleedka Puntland.
{DAAWO MUUQAALKA} 60-jir kufsaday wiil todoba sano jir ah Magaalada Muqdisho.
Isniin, December 18, 2023 {HMC} 60-jir kufsaday wiil todoba sano jir ah Magaalada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Guddoomiyaha degmada Maxaas Shacabka Soomaaliyeed in ay dagaalka AS ku dhiradaan waxaa sabab u ah
{Isniin, December 18, 2023 HMC} Guddoomiyaha degmada Maxaas Shacabka Soomaaliyeed in ay dagaalka AS ku dhiradaan waxaa sabab u ah
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.



