Axad,December, 17, 2023 {HMC} Wasiirdowlaha W/amniga “Shalay xabad maantana xeer waa astaanta Nabada”.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Wasiirdowlaha W/amniga “Shalay xabad maantana xeer waa astaanta Nabada”.
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Taliyaha ciidamada Booliska S/Guuto Sulub”Isku tashi ayaa ku dhiseynaa wax badan”.
Axad-December-17-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi Ahmed Husseen iyo Iqro Abdullahi Osmaan
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/naasir God iyo Geed kasta oo ay galaan A.S Waan oga daba tagaynaa
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Soomalida ku nool Gobolka Minnesota oo dhaqaale badan ugu deeqay qoysaska Fatahadaha ku dhufteen
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Taliska Booliska Gobolka Nugaal oo soo qabtay koox Jaraysay dhirta Qoyan,dhuxulna u badalaysay
Axad-December-17-2023-{HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa booqday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kadib markii laga saaray AS.
Dayax oo khudbad ka jeediyay deegaankaas ayaa farriin culus u diray kooxda AS, wuxuuna ugu baaqay inay isaga tagaan gobolka Mudug, maadaama lagu jebiyay.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in aysan dabka kusii shidin dhalinyaro u sheegay inay soo qaldeen, kuwaas oo ka barbar dagaalamay kooxda, sida uu hadalka u dhigay
“Waxaan leenahay war gobolka ka aruursada wixii idinka yaalla kala tega, ilmaha yaryarka ah ee aad qaldeysaan oo dadkoodii aad kasoo marin habaabiseen oo aad dabka kusoo shubeysaan meesha ka qaada dadkooda u celiya intaa ayaan u direynaa as” ayuu yiri
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday doorka dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay u istaageen xoreynta deegaankooda.
“Dadkaan waa diideen in la qabsado, dadkaan waa diideen in diintooda iyo noloshooda lagu cabiidiyo, waxaan leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, qof walba qoraygiisa ha qaato, gobolka Mudug waan ka saareynaa nimankan canaasiirta ah” ayuu sii raaciyay.
Ugu dmabeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada gobollada dhexe, isaga oo kula dardaarmay inay sii wadaan halganka.
“Waajibaadkiinii aad Ummadda ugu adeegeyseen baad gudateen, waxaan idin leeyahay horay u socda waxyarbaa dhiman ee xididada u siiba” ayuu kusoo gabagabeeyay.
Mudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan howlgallada, waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo inta badan lagu laayo xubnaha kooxda AS.
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Ciyaartoydii Jubaland oo shuruud ku xeray ka qayb galka Tartanka Maamul Goboleedka dalka
Axad-December-17-2023-{HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain David Cameron iyo dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock ayaa mar kale ku celiyay baaqa ah “in baahi degdeg ah loo qabo in xabbad-joojin waarta” laga gaaro Gaza.
War ay si wada jir ah usoo saareen laguna daabacay wargeyska Sunday Times, ayay labada wasiir ku sheegeen in “tiro badan oo rayid ah la dlay.” Dagaalkan, ayay Israa’iil ugu baaqeen inay si degdeg ah usoo afjarto howlgalkeeda militari ee ka dhanka ah Xamaas, balse sidoo kale ay noqotaa mid waarta.
Fiidnimadii Talaadadii, Golaha Guud ee QM ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay qaraar ku baaqaya in xabbad-joojin laga gaaro Gaza, balse Britain ma aysan codeyn.
Axad,December, 17, 2023 {HMC} Ciidamada PMPF oo maanta la wareegay Xarunta Baarlamaanka Puntland iyo Xiisad ka taagan M /Garowe.