Home Blog Page 3057

Ciidanka ATMIS oo maanta 16-sano kaddib ka guuraya Madaxtooyada & Xafiisyada Madaxda Qaranka.

0

Axad-December-17-2023-{HMC} Ciidamada Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa maanta oo ah 17ka Deseembar 2023 waxa ay si rasmi ah u wareejinayaan mas’uuliyadda Amniga Madaxtooyada Soomaaliya & Xafiisyada Madaxda Qaranka.

Askarta ATMIS ayaa si gaar ah u wareejinaya Amniga Xafiisyada Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha waxaana si rasmi ah ula wareegaya Ciidamo Dowladda Federaalka ay u diyaarisay in ay dusha saartaan mas’uuliyadda nabadgalyada goobahaas.

Madaxda Dowladda Federaalka, hoggaanka ugu sarreeya Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS & Saraakiisha Ciidanka Qaranka ayaa ka qaybgalaya Munaasabadda xil-wareejinta oo maanta ka dhacaysa Madaxtooyada Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidamadaan afrikaanka ah ay ka guurayaan Goobahaan katirsan Xeendaabka Madaxtooyada taasi oo muujineysa in ciidamada Qaranka ay awood buuxda u leeyihiin sugidda Amniga.

{DAAWO MUUQAALKA} Falaqeeyn ku saabsan ciyaarta u dhaxeyso Liverpool iyo Manchester United

0

Axad,December, 17, 2023 {HMC} Falaqeeyn ku saabsan ciyaarta u dhaxeyso Liverpool iyo Manchester United

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Maraykanka iyo Israaiil oo ku dhawaqay qorshe ay uga hortagayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen

0

Axad-December-17-2023-{HMC} Maraykanka iyo Israaiil ayaa wadajir ugu dhawaaqay qorshe ay ku sheegeen in ay uga hortagayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku beegsanayaan Maraakiibka Yuhuudda ay leedahay & kuwa u socda xeebaha ay maamusho.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhowaan si toos ah ay wadajir u billaabayaan iyaga iyo Israaiil howlgallo roondo ah & kuwo lagu ilaalinayo Maraakiibka u socda dhinaca Yuhuudda.

Amniga Maraakiibtaas ayuu ku tilmaamay mas’uuliyad wayn oo dusha ka saaran loona baahan yahay in ciidamada badda ee Maraykanka & kuwa Israaiil wadajir ay uga hortagaan dhibaatooyinka khatarta ah ee muuqda waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen ayaa shalay sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kahortagaan Israaiil oo ay ka xayiraan doomaha marinkooda u fudud yahay dhinaca Badda Cas waxaana uu intaas ku sii daray in ay la dagaalami doonnaan cid weliba oo garabsiisa Yuhuudda.

Maraykanka ayaa kaalinta 1aad uga jira Dalalka garab taagan Israaiil waxaana welwel xooggan ku haya weerarrada ka dhanka ah Yuhuudda ee dhowrka jiho uga imaanaya kuwaas saameyn taban ka dhaliyay Bariga Dhexe.

 

Muuqaal-duubihii Al Jazeera oo lagu dilay Gaza

0

Axad-December-17-2023-{HMC} Duug ayaa loo dhigay muuqaal-duubihii Al Jazeera oo ku geeriyooday duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka fulisay Gaza.

Samer Abudaqa ayaa ku dhaawacmay duqeynta oo Jimcihii ka dhacday iskuul ku yaalla Khan Younis, waxaana la dhaawacmay nin ay isla shaqeynayeen oo lagu magacaabo Wael Al-Dahdouh.

Al Jazeera ayaa sheegtay in Abudaqa uu dhiigbax u dhintay maaddaama duqeymaha xooggan ay ka hor istaagtay shaqaalaha caafimaadka inay soo gaaraan oo ay gurmad u fidiyaan.

Warbaahintan oo fadhigeedu yahay dalka Qadar ayaa sheegtay in kiiskan ay u gudbisay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC.

Waxay Al Jazeera sheegtay in Abudaqa uu ahaa weriyeheedii 13aad ee geeriyooda isagoo shaqo ku jira tan iyo sanadkii 1996.

Dahdouh, oo dhowr qof oo qoyskiisa ka tirsanaa ku waayay duqeymo hore oo ay Israa’iil geysatay, ayaa ka badbaaday weerarkan.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 17/12/2023

0

Axad-December-17-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Cabdimajiid Aweeys isaaq

Farsamadii :Cabdimaajid Abdiraxmaan Aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Xaalad cakirnaan ah oo ka Takaan Garowe iyo Ciidmada PMPF oo la wareegay xarunta Baarlamanka Puntland

0

Axad, December, 17, 2023 {HMC}  Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ayaa xalay saq dhexe la wareegay Xarunta Baarlamanka ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in askar si gaar ah u tababaran oo ka tirsan PMPF ay saqdii dhexe u daateen xarunta islamarkaana si buuxda ula wareegeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Ciidanka amar ku siiyay inay la wareegaan Amniga xarunta Baarlamanka

Wararka qaar ayaa ku waramaya in xaruntaas loo qorsheeyey iney ku shaqeeyaan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la isku mari waayay wadahadal la doonayay in guddoonka Baarlamanku uu xarunta ku wareejiyo guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

Labada dhinac ayaa isku dhacay markii Madaxweyne Deni uu ka soo horjeestay muddo kororsi sanad ah oo ay sameysteen golaha Baarlamanka Puntland oo ka kooban ilaa 66 xubnood, waxaana arrintaas ka dhashay khilaaf iyo muran adag oo aan weli xal loo helin.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa diiday guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Siciid Cabdullaahi Deni.

Shir jaraa’id oo siyaasiyiintan ay qabteen ayay ku xuseen in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigeeda, iyagoo ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka, isla markaana la qabto doorasho xalaal ah.

{DAAWO MUQAALKA} Xididada ayaan u siibeynaa AS jooga Mudug”Taliyaha ciidanka lugta dhulka DXS”

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC} Xididada ayaan u siibeynaa AS jooga Mudug”Taliyaha ciidanka lugta dhulka DXS”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanwayn {16.12.2023}

0

Sabti-December-16-2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanwayn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Iqro Abudalhi osmaan

Farsamadii :Maxamed Ibrahim Axmed

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro si maalin la’ah uga dhax shaqeysta Baladweyne oo ka waramay dhibato ay wajahayaan xiligan

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC} Dhalinyaro si maalin la’ah uga dhax shaqeysta Baladweyne oo ka waramay dhibato ay wajahayaan xiligan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dad ku Go’doomay Fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne oo la Gaarsiiyey Daawooyin lacag la’aan ah

0

Sabti, December, 16, 2023 {HMC}  Dad ku Go’doomay Fatahaada wabiga Shabeelle ee Baladweyne oo la Gaarsiiyey Daawooyin lacag la’aan ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA