Home Blog Page 3063

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 15 12 2023}

Jimco-December-15-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdmajiid Macalin Aways

Farsamadii :Yasin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta saxiixaya xubinimada rasmiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika

0

Jimco, December, 15, 2023 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Xalay gaaray magaalada Kambala ee Caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si weyn ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Jimco ah kaga qeybgalaya Kambala mnaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo (EAC).

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh mudada uu ku sugan yahay dalka Uganda inuu kulan gaar ah la qaato dhigiisa dalkaas Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo la xariira sii xoojinta xiriirta iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Munaasabadda ka dhaceysa magaalada Kampala ayaa waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socda Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo dhankooda saxiixaya in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay Dalladdaan.

Bishaan December dhexdeeda waxay dowlada Soomaaliya gaartay saddex guul oo muhiim ah kuwaas oo kala ah, ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika, Qaadistii Cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnayd mudo ka badan 30 sano iyo Dayntii waqtiga dheer lagu lahaa dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay.

Nearly 7 million people in Somalia need aid amid crisis in 2024: UN

0


Friday December 15, 2023

Some 6.9 million people in Somalia will require humanitarian assistance in 2024, the UN humanitarian agency said on Thursday.

The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the number is a reduction of 16 percent from 2022 and will target 5.1 million in 2024 for a total requirement of 1.7 billion U.S. dollars.

“Humanitarian assistance has prevented worse food security and nutrition outcomes in many areas, but the response was challenged, in part, by funding shortfalls across all sectors,” OCHA said in its latest report on the humanitarian action plan 2024 for Somalia.

According to the report, while Somalia managed to walk back from the brink of famine in late 2022 and early 2023, close to four million people continue to be food insecure and in need of assistance.

This is against a backdrop of decades of conflict, ongoing military operations and climatic shocks displacing thousands of people every month, the report said.

OCHA said excessive seasonal rains, flash and riverine floods have been particularly acute this year due to a concurrence of El Nino conditions and a positive Indian Ocean Dipole phenomenon, resulting in loss of life, destruction of property, loss of access to basic services, further displacements, and an aggravation of the prevalence of cholera and other water-borne diseases.

The floods are the latest in a series of extreme weather events in recent years to hit Somalia, where communities find themselves at the sharp end of the global climate crisis.

The UN agency said about four million people are internally displaced in Somalia due to the impact of climate change, conflict and insecurity, and other factors.

“Limited access to basic services such as shelters and food renders women and girls more vulnerable to gender-based violence and disrupts their ability to live in dignity,” it said.

According to OCHA, humanitarian partners have cumulatively reached about 8.4 million people with some form of assistance as of September.

Turkey expects Somali President’s son to return, face trial over fatal traffic accident

0


Friday December 15, 2023

WASHINGTON/ISTANBUL — Turkey’s justice minister announced Thursday that Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s son is expected to return to Turkey to face trial over a fatal traffic accident in Istanbul.

Yilmaz Tunc, Turkey’s justice minister, told reporters that Ankara held talks with Somali judicial authorities over extraditing Mohamed Hassan Sheikh Mohamud.

“In the coming days, the defendant will come to Turkey, and the trial process will take place,” Tunc said.

On November 30, Mohamud hit Yunus Emre Gocer, a motorcycle courier in the Fatih district of Istanbul, while driving a vehicle with a diplomatic license plate. The 38-year-old victim was immediately taken to the hospital, where he died on December 6.

According to police documents that VOA Turkish obtained, after providing testimony, Mohamud was released on the same day of the accident per an Istanbul prosecutor’s instructions.

In a press statement last Friday, the Istanbul prosecutor’s office announced that following Gocer’s death, it issued a detention order for Mohamud accusing him of involuntary manslaughter, but he had already left the country on December 2.

The prosecutor’s office said an arrest warrant for Mohamud was issued on December 8.

Iyaz Cimen, the lawyer for Gocer’s family, says the Somali president’s son was allowed to leave Turkey due to “a chain of negligence.”

“We went to the police station on the evening of the accident day where [the police] ignored us. We requested detention at the prosecutor’s office for eight days from November 30 to December 7. [Mohamud] was not arrested, and in fact, any judicial control, including a travel ban, was not placed,” Cimen told VOA.

On the other hand, Somali President Hassan Sheikh Mohamud told The Associated Press on Tuesday that his son did not flee Turkey and stayed in Istanbul for several days after the crash.

“It was an accident. He did not run away, and he hired a lawyer for this purpose,” the Somali president said. “And there was no arrest warrant. … So, he has a business, and he came out of the country.”

Mohamud added that he is advising his son to present himself to the Turkish court, noting that his son is an adult and “the decision is his — but I am giving that advice.”

The Somali president also extended his condolences to Gocer’s family.

Investigation

Ankara has launched an investigation of the police officers who conducted the crime scene investigation and wrote the initial police report, Tunc posted on social media on Monday.

Also on Monday, a Somali diplomat in Turkey, who requested anonymity, told The Associated Press that Mohamud has since traveled to Dubai. He added that the Somali president’s family travels with diplomatic passports and previously lived in Turkey.

On Tuesday, a Turkish official told Reuters that Ankara sought information from Somali authorities on the incident and the use of a diplomatic car.

“Someone who does not have diplomatic status has no right to use these vehicles,” the official told Reuters. According to the official, as the Somali president’s son does not enjoy “immunity or diplomatic exceptionality,” and it makes no difference that he was driving a vehicle with a diplomatic plate.

VOA contacted Turkey’s justice and foreign ministries but did not receive a response.

Tunc has not disclosed Mohamud’s whereabouts but has noted that there is no mutual legal assistance treaty between Somalia and Turkey.

“However, these are issues that can be achieved within the framework of bilateral relations,” Tunc said.

“We expect that the suspect will actively participate in the trial process amid its return to Turkey and that the family’s damage here will be remedied,” Cimen, the Gocer family’s lawyer, told VOA.

The accident has stirred controversy in Turkey over the police and judicial system.

Ozgur Ozel, leader of the main opposition Republican People’s Party, visited Gocer’s family on Tuesday and said, “If any citizen committed this crime or were involved in this accident, that person would be detained, interrogated, arrested, and if that person were not arrested, a travel ban would be imposed. Everyone knows this.

“But when [that person] is the son of a foreign statesman, what kind of privilege is this? What kind of public administration is this? What kind of justice is this?” Ozel added.

Ankara has built close ties with Mogadishu, as it is part of the Somalia “Quint” group alongside the United States, United Kingdom, Qatar and United Arab Emirates, which was formed to ensure security and counterterrorism support for the African country. The last Quint meeting was held in Ankara in October.

Turkey has its largest overseas military base in Somalia, where it trains Somali forces. In 2016, Erdogan opened the Turkish Embassy in Mogadishu, which he called “the largest Turkish embassy in the world.”

Turkish companies are active in the country for many development projects as Turkish state-run Ziraat bank opened a branch in Mogadishu in October 2023 and became the first foreign bank to operate in Somalia in over a half-century.

Some information came from The Associated Press and Reuters. This story originated in VOA’s Turkish Service, and VOA Somali contributed to this report.

{Dhageeyso } Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 15/12/2023

Jimco-December-15-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdi Rahman Muse Osman

Farsamadii :Abdi Maajid Abdi Rahman Addan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dagaal Beeleed Ka socda Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} –  Wararka naga soo gaaraya degaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayana in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo Beeleed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaanka Dararweyne ay ka taagneyd xiisada u dhaxeysay labada maleeshiyo beeleed, hayeeshee saaka uu dagaalka sitoos ah u billaawday.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa iksu heysta dhul kuyaalla degaanka Dararweyne, waxaana goobjoogayaal sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac dagaalka kasoo gaaray.

Colaadda beelaha ayaa sannadihii u danbeeyay ku soo noq-noqotay degaannada dhaca galbeedka gobolka Sanaag gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne, iyada oo Somaliland ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.

 

Maxeey Tahay Daynta laga cafiyey Soomaaliya?

Jimco, December, 15, 2023 {HMC} – Dayntaan inteeda badan waxaa lasoo daynsaday waqtigii dowladdii kacaanka, waxaana lagu dhisay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, dekedda, garoonka diyaaradaha iyo warshadda hilibka lo’da ee Kismaayo ku ooli-jirtay. Hub 1977 lasoo gatay iyo lacag Bankiga Dhexe Raashka u taalay oo uusan dib-danbe u arag. Waxaa kaloo ku korortay dulsaar xad-dhaaf ah oo aan muddo la bixin.

Hadda waxaa la cafiyey $4.5 bilyan, waxaana dhiman $650 milyan oo la rabo inay Soomaaliya iska bixiso sanadaha soo socda.

Haddaba, maxaa faa’iido u ah Soomaaliya, haddii dayntii intii badnayd laga dhaafay? Saamayn intee le’eg bayna ku yeelanaysaa?

Hadda, Soomaaliya waxay weydiisan kartaa in lacag la amaahiyo, laakiin shuruudo adag baa horyaalla, kuwaas oo ah in Soomaaliya caddeyso waxay ku qabanayso, sida loo bixinaayo ama loo soo-celinayo iyo waqtiga. Haddii ay u arkaan dayn-bixiyayaashu mashruucaasu inuusan isbixin karin, faa’iidana lahayn, waa diidi karaan.

Saamaynta ugu weyn ee daymaha la cafiyey waa iyadoo ay yaraanayso lacagtii aan daynta ahayn ee Soomaaliya lagu taageeri jirey ama lagu kabi jiray. Waxaa kaloo dhici kara in si khaldan oo musuq-maasuqa ah wax loogu sheego dayn-bixiyayaasha, dabadeedna wax kale loo isticmaalo lacagtaas, qaantaasna dadka Soomaaliyeed oo dhanna dusha ka fuusho.

Dadka Soomaaliyeed waa dad Islaam ah 100%, laakiin dunida looga aqoonsan yahay dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka oo idil ama wax is-daba maristu ku badan tahay.

Mas’uuliyiinka Soomaaliya hoggaaminaya waxaa looga fadhiyaa siday u maareeyaan mas’uuliyaddan culus, adduunkoodana ay tan aakhiro ka doortaan.

Xurgufta soo kala dhex gashay Aadan Barre Ducaale iyo culimada Mandheera

Jimco, December, 15, 2023 {HMC}  Culimada ‘Ahlu-suna waljamaaca’ ee ku sugan Ismaamulka Mandheera qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa ka falceliyey hadal dhawaan uu ka jeediyey masjid cusub oo laga daahfuray Mandheera wasiirka gaashaandhiga Kenya Aadan Barre Ducaale.

Hadalkii wasiir Aadan Barre ka jeediyey Masjidka Mandheera ayuu ku yiri “masaajidka ha laga ilaaliyo Suufiyadda iyo takfiirka“.

Hadalkaas ayaa saamayn weyn ka dhaliyey Mandheera, gaar ahaan culimada, kaas oo culimada Ahlu suna ka dalbadeen wasiirka inuu raali galin ka bixiyo.

Fakhru diin Sheekh Cabdicasiis oo  sheegay inuu yahay gudoomiye xigeenka Ahlu-suna wal jamaaca ee Ismaamulka Mandheera ayaa sheegay inay qoonsadeen hadal uu wasiirka gaashaandhigga ka jeediyey masjid cusub oo laga furay xaafada Busley ee Ismaamulka Mandheera, “isaga oo la barbar dhigay” sida uu hadalka u dhigay “kooxda Takfiirka”.

‘‘Annagu la mid nihin Takfiir waxaana nahay Culimada Suufiyada, hadalka wasiirkana waxaan u aragnaa takfiirin waxaana ahayd takfiir, waxaan wasiirka ka dalbanay inuu arintaas raali galin ka bixiyo maadaama annagu aan nahay Culimo caan ku ah fidinta diinta islaamka ilaa qarniyo, hadalkaasna uusan noo qalmin‘‘ ayuu yiri Fakhru-diin.

Wasiirka Gaashaandhiga kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Mandheera ay u tageen inay daah furaan masjid laga furay magaalada, balse uu hadalkaas ugu nasteexeynayey dadkii uu la hadlayey.

‘‘Haddii ay jiraan dad ka xumaaday hadalkayga oo muslimiinta ah waan raali galinayaa, addise aan Aadan Barre ahay waxaanan badalayn fikirkayga ah in ummada loogu nasteexeeyo diinta iyo Xijaabka, aniguna waxaan ka hadlayey maamulka Masjidka iyo inuu noqdo mid bulshada lagu hormariyo diintooda, laguna hago noloshooda, arintaas ayaan ka hadlay “ ayuu yiri Aadan Barre.

Waxaa kale oo wasiir Barre sheegay in meelo kala duwan ay Culimadu kala soo hadleen, gaara ahaan Muqdisho hadalkaas uu yiri awgii.

Kooxda isagu ka tirsan yahay jameeco ahaan ayuu sheegay “anigu Ahlu-suna wal jamaaca ayaan ahay, anigu takfiir ma taageersani, Suufiyiintana ma taageersani, arrimo badan ayaan isku khilaafsannahay, waana inaan ka hadlo arimaha khuseeya diinta“ ayuu Yiri Wasiir Aadan Barre Ducaale.

‘‘Aadan Barre waa wasiirka difaaca wadanka kenya, kana mid ah golaha wasiirada, waxaana matalaa bulshada muslimiinta ee waddanka, haddii golaha wasiirada la keeno wax liddi ku ah diinta islaamka aniga ayaa la rabaa inaan dhaho arinkan haddaan nahay muslimiinta naga qabata mana ka gabanayo “ ayuu yiri wasiir Ducaale.

Wasiirka difaaca ayaa sheegay in isagu waqti badan galiyo dhismaha masaajidada iyo madaarista dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi bari kenya, kuna garab siiyo culimada in la xoojiyo diinta iyo horumarinta bulshada muslimiinta ah ee dalka ku nool.

Xubno Lasheegay in ay ka tirsanyihiin Xamaas oo Lagu Xiray Dalka Jarmalka

Khamiis, December, 14, 2023 {HMC}  Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in magaalada Berlin lagu xiray saddex nin oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka Xamaas, halka nin afraadna lagu xiray magaalada Rotterdam ee dalka Holland, kaddib markii la soo saaray amar lagu soo xirayo.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in raggan si adag loogu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin urur argagixiso oo ajnabi ah, iyagoo ula jeeda Xamaas.

“Kadib weeraradii argagaxa lahaa ee Xamaas ay ku qaadeen shacabka Israa’iil, weerarada ka dhanka ah Yuhuuda ee xarumaha Yuhuuda ayaa sidoo kale ku soo kordhay dalkeena toddobaadyadii la soo dhaafay,” ayuu wasiirka cadaaladda ee Jarmalka Marco Buschmann ku yiri hadal uu soo saaray.

“Sidaas darteed waa inaan sameynaa wax walba oo aan awoodno si aan u hubinno in Yuhuudda ku nool waddankeenna aysan mar kale u baqin ammaankooda.” ayuu intaas ku daray.

Dhinaca kale, Xafiiska EW Israel Netanyahu ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka iyo kuwa fulinta sharciga ee Denmark ay sameeyeen 7 xubnood oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Xamaas ayna fashiliyeen weerar ujeedkiisu ahaa in lagu laayo dadka yuhuuda ah.

Turkey oo sheegtay inuu soo laabanayo wiilka madaxweyne Xasan si loo maxkamadeeyo

Khamiis, December, 14, 2023 {HMC} ISTANBUL —  Wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku laaban doona Turkey si uu u wajaho maxkamadeyn la xiriirta shil ka dhacay waddo ku taalla Istanbul, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka cadaaladda Turkey.

Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir mooto waday, ayaa waxaa ku dhacay gaari uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu marayey waddo weyn oo ku taalla Istanbul. Yunus ayaa lix maalmood kadib, 6-dii December, ku dhintay isbitaal.

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa amray xariga wiilka madaxweynaha, waxayna ka mamnuuceen inuu dalka ka baxo, balse warbixino ayaa sheegay in Maxamed uu amarka xiritaan kahor ka baxay Turkiga.

Turkey ayaa sidoo kale baaritaan ku billowday saraakiisha fuliyey baaritaanka horudhaca ahaa ee shilka, islamarkaana sida lagu warramay xor ka dhigay Maxamed.

“Waxaan wadahadal la yeelanay mas’uuliyiinta garsoorka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc oo saxaafadda la hadlay.

“Waxaa suurta-gal noqon doontaa in eedaysanaha uu yimaado Turkiga oo uu ka qayb qaato hannaanka maxkamadaynta maalmaha soo socda.”

“Waxaan la hadlay wasiirka cadaaladda Soomaaliya, waxayna arrintan ku eegayaan niyad wanaagsan,” ayuu yiri Tunc, isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in maxkamadda ay dhawaan furmi doonto.

Talaadadii, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah dhaqtar, ayaa ku nagaaday goobta shilka, wuxuuna kadib Istanbul sii joogay maalmo, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska Yunus.

“Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro,” ayuu ku yiri wareysiga oo uu bixiyey Talaadada. “Waxaan la qeybsanayaa murugada geerida. Waanu ka xunahay inaay waayeen [wiilkooda].”

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Turkiga waxa ay bixisay gargaar bini’aadannimo, waxa ay dhistay kaabayaal dhaqaale, waxayna saldhig milatari ka furtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tababartay saraakiil militari iyo boolis.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga oo lagula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, halkaasi oo uu ku soo bandhigay qorshaha ah in dowladiisa ay kala wareegto ammaanka ciidamada Midowga Afrika, ayna sii wad dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

XIGASHO; AP AND VOA SOMALI