Home Blog Page 3066

{DAAWO SAWIRADA} Xaalada Magaalada Baladweyne Fatahaada Kadib.

Talado-December-12-2023-{HMC} – Waxaa si caadi ah kusoo laabtay isku socodka dadka isticmaalayo Buundooyinka liq-liqato iyo buunda-weyn oo ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kuwaas oo saameyn ay ku yeesheyn Fatahaada wabiga shabeelle.
Marinka muudooyinkan waa mid Muhiimad gaar ah u leh dadka ku nool xaafadaha Buunda-weyn, Howlwadaag, kooshin iyo xaawo taako kuwaas oo fatahaada ay kala go’doomisay mudada ay jirtay.
Dadka ugu badan ee Buundooyinkan isticmaalayo aha ah kuwa doonayo in ay hagaajistaan goobahooda Ganacsi iyo guryahooda kuwaas oo biyaha ay galeeyn.
Qaar kamid ah Shacabka Magalada Baladweyne ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahiin in biyahii ay Magaalada ka baxeeyn oo isku socodka Buundooyinka uu furmsy .
Marinka xiligan labada buundo waa dadka shacabka oo kali ah , waxaana laga joojiyay gaadiidka Magaalada Cabsi laga qabo in buundadooyinka ay go’aan madaama biyaha fataahada ay waqti dheer ku jireen .

 

dadka deegaanka ayaa bogaadiyay talaabada gaadiidka Magaalada looga joojyay gaar ahaan ahaan Buundooyinka iyo wada Laamiga ah kuwaas oo sheegay in dhibaato hada ka weyn ay dhici laheeyd, hadii gaadiidka la fasaxi lahaa.
Ugu dambeeyn, waxaa ay shacabka Magaalada ugu baaqeeyn Maamulka iyo hay’adaha samafalka in loo gurmado dadka ay saameynta ku yeesheyn Fatahaada wabiga Shabeelle.

   

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya oo la filayo in todobaadkan laga cafiyo deymaha lagu leeyahay

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta shir ku qabanaysa xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, kaasoo ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska ciidamada iyo howlgallada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Caruur mataana ah oo ku Geeriyootay Dab ka kacay Gurigooda oo ku yaalo Magaalada Muqdisho

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Caruur mataana ah ayaa ku Geeriyootay Dab Xalay saq dhaxe ka kacay Gurigooda oo ku yaalo Dagmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Askari Dilay Taliyihiis oo Maxkamada Ciidamada la hor keenay

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Askari Dilay Taliyihiis ayaa maanta la hor keenay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO SAWIRADA} Maxaa Looga Hadlay Kulankii Maanta ee Hoggaanka Tiirarka Xukuumadda?

Talado-December-12-2023-{HMC}  — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho, iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha Xukuumadda DanQaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.

Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

 

{DAAWO MUUQAALKA} Caruur mataana ah ayaa horteyda ku gubtay wax i caawiyana ma helin

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Caruur mataana ah ayaa horteyda ku gubtay wax i caawiyana ma helin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Xuutiyiinta Yamen oo Gantaal ku dhuftay Markab Ganacsi oo Laga leyahay Dalka Norwey

Talado-December-12-2023-{HMC}  Dagaalyahanadda Xuutiyiin ee awoodda badan ku leh dalka Yemen ayaa shalay oo Isniin ah gantaal ku dhuftay markab ganacsi oo marayay marinka Bab-el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Markabkan oo la sheegay in laga leeyahay dalka Norwey ayaa lagu dhuftay gantaal nuuca loo yaqaan cruise-ka , waxaana gantaalkan la sheegay in laga riday gudaha dalka Yemen gaar ahaan aaga ay ka taliyaan Xuutiyiinta.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan aaga weerarku ka dhacay ayaa si deg deg ah ugu gurmaday markabka gantaalka lagu shuftay, waxa ayna gacan u fidiyeen shaqaalihii la socday markabka la weeraray.

Mareykanka ayaa sheegay in markabkan markii gantaalka ku dhacay uu qabsaday dab, waxa ayna sheegeen in uusan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay gantaalka lagu dhuftay markabka ganacsi.

Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa horey ugu hanjabay in ay beegsan doonaan Maraakiibta laga leeyahay Israa’iil iyo kuwa kale ee kusii jeeda dalkaasi, waxa ayna Xuutiyiinta horey u qafaasheen markab ay sheegeen in Israa’iil laga leeyahay.

{DAAWO MUUQAALKA} Askari Dilay Taliyihiis oo Maxkamada Ciidamada la hor keenay

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Askari Dilay Taliyihiis oo Maxkamada Ciidamada la hor keenay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shir looga hadlaayo Amniga Soomaaliya oo ka furmaya Xarunta Qaramada Midoobay

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Shir looga hadlaayo Amniga Soomaaliya oo ka furmaya Xarunta Qaramada Midoobay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee SSC-Khaatumo oo kormeer ku sameeyay goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka.

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Hogaanka sare ee SSC-Khaatumo oo kormeer ku sameeyay goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA