Home Blog Page 3065

Munaasabad Loogu dabaaldegayo Guusha deyn cafinta oo ka socota Villa Somalia

Arbaco-December-13-2023 –  Munaasabadda loogu dabaal-dagayo guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafiyey deynta, ayaa ka socota xarunta madaxtooyada Somalia gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay munaasabadda goobjoog ka yihiin Madaxda dalka iyo qeybaha bulshada.

Madaxda ku sugan munaasabadaas ayaa waxaa ka mid ah RW Xamse Cabdi Barre, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, gudoonka Baarlamanka, Xildhibaano, saraakiisha amniga iyo xubno kale, iyadoo laga jeedinayo khudnado la xiriira guusha Somalia u soo hoyatay.

Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa goordhow si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey lacagihii deymaha ahaa ee lagu lahaa sanado badan kaddib dadaallo sanado socday iyo shuruudo badan oo Soomaaliya ka soo gudubtay.

War saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo bankiga aduunka, ayaa lagu sheegay in la ansixiyey cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo dhan $4.5 bilyan oo doolar.

“Cafintan deynta ayaa fududeyn doonta helitaanka ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah kuwaas oo ka caawin doona Soomaaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta faqriga, korna u qaadi doona shaqo abuurka” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh” Deyn laga maarmi karo dalka uma qaadeyno intaan joogno Xafiiska”

0

Arbaco-December-13-2023-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh” Deyn laga maarmi karo dalka uma qaadeyno intaan joogno Xafiiska”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Deynta Caawa laga cafiyay Soomaaliyeed

0

Arbaco-December-13-2023-{HMC} Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Deynta Caawa laga cafiyay Soomaaliyeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xog Aruurin ku saabsan nolosha qoysaska deegaanada Galmudug oo La so Bandhigay.

0

Arbaco-December-13-2023-{HMC} Xog Aruurin ku saabsan nolosha qoysaska deegaanada Galmudug oo La so Bandhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} waa gaarnay guul waxaana uu dalkeena heli donaa maalgashi”Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed.

0

Arbaco-December-13-2023-{HMC} waa gaarnay guul waxaana uu dalkeena heli donaa maalgashi”Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Hay’adda NISA oo soo bandhigtay xubno ka bar-bar dagaalamay AS

Arbaco-December-13-2023-{HMC} Ciidanka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

 

Xubnahan ka so goostay Al shabaab ee isku soo dhiibay ciidanka dowladda, ayaa waxay ka kooban yihiin Afar ruux, ayada oo warbaahinta dowladda ay baahisay sawiradooda.

 

Dhalinyarada maanta isku soo dhiibay ciidanka ammaanka magaalada Baydhabo ee soo bandhigtay Hayada Nabadsugida ee NISA ayaa sheegay inay ku jireen waxay ugu yeeraan Jabhadaha.

 

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka soo qayb qaateen dagaallo kooxda Al-Shabaab ay ku gashay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Gedo.

 

Markii uu billowday howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay dowladda soo bandhigaysay xubno kasoo goostay kooxda, kuwaasi oo intooda badan sheega inay u adkeysan waayeen nolosha duurka iyo gulufka ka dhanka ah kooxda.

 

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dabaaldega Guusha Soomaaliya ay ka gaartay Deyntii Caalamka oo ka socda Muqdisho.

0

Arbaco-December-13-2023-{HMC} Dabaaldega Guusha Soomaaliya ay ka gaartay Deyntii Caalamka oo ka socda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA