Home Blog Page 3067

{DAAWO MUQAALKA} Dareenka Ardayda Widh Widh iyo Daahfurka Manhajka Waxbarashada ee Degmada

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Dareenka Ardayda Widh Widh iyo Daahfurka Manhajka Waxbarashada ee Degmada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qatar intee la eg ayey Korontada leedahay Waqtiga Fatahaada Baladweyne?

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Qatar intee la eg ayey Korontada leedahay Waqtiga Fatahaada Baladweyne?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi ka socdo Wadanka South Africa oo gaaray Magaalada Hargeysa

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Wafdi ka socdo Wadanka South Africa oo gaaray Magaalada Hargeysa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sheekh Umal: “Garaacista haweenku ul soo qaado, budh soo qaado oo madaxa ku jabi maaha”

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa isaga oo ka jawaabayay su’aal diini ah oo laga waydiiyay waxa ay diintu Islaamku ka qabto garaacista dumarka ayaa waxaa uu sheegay in arrintu aaney aheyn sida dadka qaarkood u dhigayaan.

Sheekha oo ku saleynayay jawaabtiisa Aayado qur’aan ah iyo Axaadiis laga weriyay rasuulkeenna Muxammed NNKH, ayaa sheegay in garacaista dumarka ee diinta lagu sheegay ay tahay arrin hagaajin ah oo aysan aheyn in haweenka la ihaaneysto isla markaana lagu xadgudbo.

“Garaacista laga hadlayo Nabigu wuxuu ku xiray, waa garaacis aan ruuxa dhaawacna u gaysaneynin dhibna aan u gaysaneynin,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekha oo sharraxaadiisa sii wata ayaa yiri: “garaacista markii fuqahadu sii sharxeen waxay dhaheen fiidda marada ayaa si tartiib ah loogu dhufanayaa,” (xanjafin).

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa intaa raaciyay in garaacista la sheegayo aysan aheyn in ul,buris, iyo budh la soo qaato oo haweenka dhib la gaarsiiyo taas oo ah wax aan diin ahaan iyo dhaqan ahaanba sax ahayn.

Dowladda Britain oo Si adag ugu Hadashay kulan dhax maray Erdogan iyo Humza Yousaf

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa ku hanjabay inuu ka laaban doono taageerada xafiiska arrimaha dibadda ee Scotland ka dib markii wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf uu la kulmay madaxweynaha Turkiga iyadoo aanay goobjoog ka ahayn madaxda UK.

Warqad uu Cameron u diray xisbiga Iskotland National Party (SNP) ayuu ku sheegay inay jabin tahay hab-maamuuska in Yousaf uu Qaza iyo arrimo kale kala hadlay Recep Tayyip Erdogan shirkii COP28 ee ka dhacay Dubai 1-dii Diseembar.

Labada hoggaamiye ayaa ka mideysan arragtidooda joojinta dagaalka Gaza, halkaas oo ay Israa’iil weerarrada cirka iyo dhulka ah ku dileen ku dhawaad 18,000 oo falastiiniyiin ah, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin degdeg ah.

Hoggaamiyahan ugu sareeya Scotland Yousaf ayaa si weyn u dhaleeceeyay taageerada buuxda ee dowladda UK ay siiso maamulka Israa’iil iyo duulaanka millatari ee ay ku qaadeen marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray go’aan ka gaarista dhismaha dekedda Hobyo

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo maanta ka dhacay degmada Hobyo.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan hishiiska dowlad-goboleedka Galmudug iyo shirkadda maalgashiga dekedda Hobyo laga dhageystay Wasiirka Dekedaha.

Kaddib dood dheer golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskaas.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sharci muhiim ah loogu ansixiyay Wasaraadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maalmo kahor booqday halka ay khubarada dhiseysa dekedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

“Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu markaas faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

“Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

Soomaaliya oo Caalamka u bandhigeysa 3 qodob oo si gaar ah indhaha ay ugu hayaan.

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ku qabaneysa shir ay kusoo bandhigi doonto saddex qodob oo indhaha lagu wada hayo oo muhiimad gaar ah u leh Dalka.

Qodobadaan ayaa si gaar ah qiimeyn lagu sameyn doonnaa maadaama mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay arrimahaan oo waxa ay isku diyaarineysaa in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda marka uu idlaado waayaha howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Bandhiggaan waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya diiradda ku saari doontaa: 1-Amniga Dalka, Dib u dhiska Ciidanka & Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay ku sugan yihiin waa sida hadalka loo dhigay.

Sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia waxaa ka qaybgalaya 26 Dal, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Ururka Midowga Afrika & dhinacyo kale oo daneynaya qodobada diiradda ay saareyso Dowladda Federaalka.

Intaas kaddib waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya codsaneysa in laga garabsiiyo saddex qodob oo dhammaantood hoostaga in la taageero dib u dhiska iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Mucaaradka oo diidan halka uu geediga dowladnimada u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo siyaabo kala duwan u diidan halka uu geediga dowladnimada u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iskugu tegay magaalada Muqdisho.

Xubnahaan oo ay Xasan Sheekh mar ka wada tirsanaan jireen Dalladii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa hadda ka biyo diidan qaabka uu madaxweynaha rabo inuu u dhameystiro arrinta dastuurka.

Tan iyo 2012-kii Soomaaliya ayaa ku dhaqmeysay dastuur qabyo ah. Xasan Sheekh ayaa ballan-qaadkiisa doorashada uu ku galay waxaa ku jirtay in haddii la doorto uu dhameystiri doono dastuurka dalka. Haddana wuxuu u dhaqaaqay inuu taas ka dhabeeyo.

Xubnaha mucaaradka ah ee Muqdisho dhawaan iskugu tegay waxaa ugu tun weyn Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sida uu madaxweynaha rabo in dastuurka loo dhameystiro iyo xaaladda lagu jiro oo ay dhinacyo muhiim ah maqan yihiin ayaa kamid ah doodaha ay qabaan mucaaradka.

Xubnahaan waxay ku heshiiyeen in inta aanay qaadin duullaan siyaasadeed oo loo jeedo inay marka hore madaxweynaha la hadlaan, oo ay ugu baaqan inuu arrinta dastuurka dib u dhigo. Haddii uu ka diidana ay markaas ku dhaqaaqan wixii la gudboon.

Sida uu qorshaha ahaa waxay aheyd inay Khamiistii la kulmaan madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxaa soo baxeysa in Xasan uu dalbaday in kulanka dib loo dhigo.

Xasan ayaa la sheegay in uu codsaday in kulanka dib loo dhigo illaa 16-ka bisha, isaga oo sababtana ku sheegay inay ku jiraan safaro muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah ku gaaray waddanka Jabuuti, halka uu xali Garay waddanka Mareykanka oo uu ka qeyb-galo shirka dalalka haya furaha amniga Soomaaliya iyo sidoo kale inuu goobjoog ka noqdo shirka IMF ee sida rasmiga ah loogu shaacin doono in Soomaaliya laga wada cafiyay deyntii ku taagneyd sanadaha badan.

Xubnaha mucaaradka ayaa qaar u arkaan in dib u dhigistaan inuu madaxweynaha ka meer-meerayo la-kulankooda, halka ay qaarna qabaan in aan la deg-degin oo waqti la siiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale mira-dhalka kulankiisa ayay ku kala aragti duwan yihiin, iyada oo qaar qabaan in Xasan Sheekh laga joojin karin jihada uu u socdo, halka ay qaarna aaminsan yihiin inay ku qancin karaan dooddooda.

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku doodayaan in dhameystirka dastuurka uu kamid yahay waxyaabihii loo doortay, ayna ku qasban yihiin inay ballantaasi fuliyaan, laakiin ay ogol yihiin in lagala doodo qodobadii loo arko inay keeni karaan culeysyo mustaqbalka ah.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale la soo warinayaa inay ku kala aragti duwan yihiin habka loo dhameystirayo dastuurka dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Waan wadeynaa dagaalka inta Hargeysa aan ka gaarno”Beesha Guleed Garaad Barkad”

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Waan wadeynaa dagaalka inta Hargeysa aan ka gaarno”Beesha Guleed Garaad Barkad”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Mucaaradka Soomaaliya oo raajicinaya kulanka Xasan Sheekh kahor qaadista tallaabo culus

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo siyaabo kala duwan u diidan halka uu geediga dowladnimada u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iskugu tegay magaalada Muqdisho.

Xubnahaan oo ay Xasan Sheekh mar ka wada tirsanaan jireen Dalladii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa hadda ka biyo diidan qaabka uu madaxweynaha rabo inuu u dhameystiro arrinta dastuurka.

Tan iyo 2012-kii Soomaaliya ayaa ku dhaqmeysay dastuur qabyo ah. Xasan Sheekh ayaa ballan-qaadkiisa doorashada uu ku galay waxaa ku jirtay in haddii la doorto uu dhameystiri doono dastuurka dalka. Haddana wuxuu u dhaqaaqay inuu taas ka dhabeeyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA