Home Blog Page 3068

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay sababta Iran iyo Pakistan ay u masaafuriyey ku dhowaad milyan reer Afghanistan ah.

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Saddexdii bil ee la soo dhaafay, Iran iyo Pakistan ayaa waxay ku qasbeen ku dhawaad 850,000 oo muwaadiniin Afghanistan ah oo aan sharciyeysnayn inay ku laabtaan Afghanistan, oo ay maamusho Taliban, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay shil gari oo ka dhacay Degmada Sallaxley

0

Talado-December-12-2023-{HMC} khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay shil gari oo ka dhacay Degmada Sallaxley

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Turkey under pressure to seek return of Somalia president’s son involved in fatal traffic crash

0


By SUZAN FRASER Associated Press
Tuesday December 12, 2023

The Turkish government is under pressure to seek the return of the Somali president’s son who allegedly fled Turkey after causing a fatal traffic crash in Istanbul

 

ANKARA, Turkey — The Turkish government is facing mounting pressure to seek the return of the Somali president’s son, who allegedly fled Turkey after causing a fatal traffic crash in Istanbul.

Yunus Emre Gocer, a 38-year-old motorcycle courier, died of injuries in a hospital on Dec. 6, six days after he was hit by a car driven by Mohammed Hassan Sheikh Mohamud on a busy highway in Istanbul.

Turkish authorities ordered Mohamud arrested and barred him from traveling abroad following the motorcyclist’s death, but reports said the Somali president’s son had already left Turkey by the time the warrant was issued.

On Sunday, dozens of people, including motorcycle courier groups, staged a demonstration in Istanbul demanding that Mohamud face trial for Gocer’s death.

Ekrem Imamoglu, the mayor of Istanbul and a prominent opposition politician, tweeted a security camera video of the crash, claiming that the “suspect left Turkey with his hands free,” and accusing the government of “being too weak to defend the rights of its own citizens.”

Responding to the pressure, Justice Minister Yilmaz Tunc said without elaborating that “international procedures” had been initiated concerning the crash.

“Regardless of their title, everyone is equal before the law and the entire process for the capture of the suspect — including the international procedure — is being carried out meticulously,” Tunc tweeted on Sunday.

Separately, Tunc said that an investigation was also launched into police officers who conducted an initial investigation into the collision and allegedly allowed Mohamud to go free.

There was no immediate information on Mohamud’s whereabouts, and officials in Somalia haven’t commented on the incident.

On Monday, a Somali diplomat in Turkey told The Associated Press that the president’s son took the severely injured victim to a hospital after the crash. He later travelled to Dubai, according to the diplomat.

The diplomat, who requested anonymity because the official wasn’t authorized to speak to the media on the matter, said that the car is owned by the Somali Embassy. The president’s family travels with diplomatic passports and had previously lived in Turkey, according to the official.

In Somalia, Mogadishu resident Ibrahim Hassan expressed concerns that the fatal collision could harm ties with Turkey and adversely affect Somalis living in Turkey.

“There may be consequences for the Somali community living in Turkey and members of the Somali business community,” he said. “The fear is that if President Hassan Sheikh Mohamud fails to send his son back to Turkey to face justice, it could strain the relationship between the two nations.”

Turkey has built close ties with Somalia since 2011 when President Recep Tayyip Erdogan — then prime minister — visited the East African nation in a show of support for the country, which was suffering from severe drought. Turkey has provided humanitarian aid, built infrastructure and opened a military base in Somalia where it has trained officers and police.

Omar Faruk contributed to this report from Mogadishu, Somalia.

{DAAWO MUQAALKA} Sheekadda 71-sanno jir ah oon waligiis u dhawwaan lana macaamiil wax haween ah !.

0

Talado-December-12-2023-{HMC} Nin 71 sanno jir ah oo ku nool qaaradda Afrika ayaa kelinimo ugu noolaa gurigiisa in ka badan nus qarni, sababta oo ah wuu ka cabsadaa inay usoo dhawaadaan ama la macaamiilo dumarka.

Callitxe Nzamwita wuxuu jiray 16 sano markii uu ogaaday inay ku badanayso cabsida xooggan oo uu ka qabo dumarka ama dhedigta oo dhan. Mana uusan u gegsan Karin inay hareerihiisa joogaan oo uu arki karo iskaba daa inuuba la hadlee.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu ku jawaabay wasiir Turki ah oo wax laga weydiiyay kiiskii dilka ee wiilka MW Soomaaliya?

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Muxuu ku jawaabay wasiir Turki ah oo wax laga weydiiyay kiiskii dilka ee wiilka MW Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{Dhageeyso } Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 12/12/2023

0

Talado -December-12-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Xaalad cakiran oo ka taagan Khan Yunis koonfurta Gaza

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Wararka ka imaanaya koonfurta Qasa ayaa sheegaya in taangiyada Israa’iil ay galayaan magaalada halkaas oo maalmahaan duqeymo iyo dagaallo ay ka socdeen.

Arrintaan ayaa xaalad cakirnaan ah sii galineysa Khan Yuunis oo ah meel markii hore ay isugu tageen dadka ka soo barakacay qaybaha kale ee Qasa.

Dadka halkaa ku dhaqan ayaa wajahaya dhibaatooyin isugu jira cunto la’aan biyo la’aan iyo hoy la’aan, iyadoo sidoo kale ay ku socdaan duqeymo aan kala joogsi laheyn.

Waqooyiga Qasa ayaa waxaa sidoo kale ka socda duqeymaha ay gaysanayaan diyaaradaha Israa’iil iyadoo xaalad isku mid ah ay ka jirto koonfurta iyo waqooyigaba.

SOOMAALIYA oo fagaare caalami ah si xooggan uga hadashay xaaladda GAZA

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Soomaaliya ayaa xaaladda ka taagan Marinka Gaza uga hadashay shirweyne caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad uu ka jeediyey Madasha DOHA, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Falastiin.

Huruuse oo ka hadlay xaaladda Gaza ayaa waxa uu tilmaamay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah, xilli Israel ay gumad ba’an ka geysatay Marinka Gaza.

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wada-hadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israel ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israel taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza.

Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha.

‘Muwaadiniinta dalkeygow’: Warqada sirta ah ee Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa ee laga helay madxafka Ingiriiska

0

Talado-December-12-2023-{HMC}  Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Warqaddu waxay ku billaabatay qoraal yar oo cover ah, oo gaaban, oo ay Canab Maxamed Siyaad Barre, oo uu dhalay Maxamed Siyaad, ay ku sharraxeyso waxa ay tahay warqadda aabbaheed.

Sida muuqata, safaaradda Ingiriiska ee Kenya ku taalla waxay warqadda ka heshay Canab lafteeda, oo diblomaasiyiin ajnabi ah ku guddoonsiisay Hoteel PanAfric ee magaalada Nairobi, oo markaas ay address ka dhigatay Canab, sheegtayna in P. O. Box-keedu uu yahay 244144, mana sheegin qolka ay ka deggan tahay hoteelka. Taariikhda ay cover-ka ku qortay waa 19-ka bisha Oktoobar 1992.

Canab waxa ay ku billowday cover-keeda in warqadda Maxamed Siyaad Barre ay tahay ‘Warqad Nabadeed’ (Letter of Peace).

Waxa ay tiri: ‘Waxa aan idinku wargelinayaa dadaalka joogtada ah ee Mudane Maxamed Siyaad Barre ee ah in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa halkan ku lifaaqan warqadda soo socota, oo ah mid iyadu is sharraxaysa, oo ah farriin nabadeed oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyasha dhaqanka Soomaaliyeed, kana timid Mudane Maxamed Siyaad Barre, oo kula talinaya inay saacidaan dadaalka gargaarka iyo nabadda ee ay waddo Qaramada Midoobay iyo inay xal-waara u raadiyaan mushkiladda maanta haysata Soomaalida si loo ilaaliyo ummad-nimadooda’.

Meesha u dambeysa ee cover-ka waxa ay Canab ku sheegatay inay tahay Ergay Gaar ah, oo ka wakiil ah Maxamed Siyaad Barre, mana aysan ku sheegin wax title ah oo uu leeyahay aabbaheed, kaddibna magaceeda ayay ku saxiixday. Waxaa hoos ku sii taalla stamp ay ku dhufatay safaaradda Ingiriiska ee Kenya, oo taariikhdeedu tahay 26-ka Oktoobar 1992, oo u muuqata inay tahay maalintii ay sida rasmiga ahayd warqadda u guddoomeen.

Bogga koowaad ee Warqadda Maxamed Siyaad, waxaa ku taalla stamp-da Madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxayna ku taariikheysan tahay 15-ka bisha September 1992, magaalada ku qoran-na waa Lagos, dalka Nigeria.

Wuxuu ku billaabay: ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga faa’iideysto fursaddaan inaan idin soo gaarsiiyo salaanteyda, si sharaf iyo xurmo ay ku dheehan tahay.

Farriinteydu waxay idiin siddaa warbixin iyo talooyin ku saabsan xalka arrimaheenna gudaha, waxaana la socda baaq ku wajahan dhammaan xoogagga ka ciyaari kara door wanaagsan hannaanka nabadda ee Soomaaliya’.

Arartaas kaddib wuxuu yiri: ‘Muwaadiniinta dalkeygow, labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan marqaati ka ahayn burburka qiyamkii taariikhiga ahaa iyo hiddihii dhaqanka ee jiilasha mustaqbalka’.

Halkaas markuu marayo, hal mar ayuu gadaal u noqday, wuxuuna yiri ‘waxaa muhiim ah in la xuso dagaalkii aan la galnay qabyaaladda waqtigii la soo dhaafay’.

Wuu sii watay, wuxuuna xusay in markii taliskiisu ay duugayeen qabyaaladda aysan ka soo horjeedin dhaqankii jilibyada ee Soomaaliya, laakiin ay ka soo horjeedeen ‘canaasiir’, sida uu yiri, ‘ku howlan naftooda oo isticmaalaya qabyaalad iyagoo u daneynaya danahooda shaqsiga ah’.

Wuxuu intaas ku sii daray ‘faham la’aanta dadka caadiga ah aysan ku kala saari karin kuwaas ayaa keentay inay taageeraan kuwa loogu yeero qabqablayaasha dagaalka, oo ku keenay ummadda Soomaaliyeed inay kufto, iyagoo dadka u kala qaybiyey qabiillo iyo jufooyin, kana barakiciyey waqooyi iyo koonfur’.

Bogga koowaad, wuxuu ku soo gunaanaday in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo ururrada bini’aadamnimada ay muddo dheer ku howlanaayeen ‘inay badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee uu sameeyey dagaalka sokeeye, una fidiyaan caawimaad ka kooban cunno, daawo iyo dhaqaatiir’, taasoo keentay inay qaarkood ku waayaan naftooda, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Bogga labaad, wuxuu ku billowday inuu ka warbixiyo in kaddib markii amnigooda la geliyey qatar in bulshada caalamka ay go’aansaday laba arrimood: (1) Inay joojiyaan wixii caawimaad ah, illaa xabbad-xoojin lagu heshiinayo, ama (2) Inay cunnada sii qaybiyaan, kana badbaadiyaan dadka baahida iyo xabbadaha, ayna dadaal kasta ku bixiyaan in la joojiyo dagaalka iyo qalalaasaha.

saga oo mar walba qoraalkiisa dhex-taal uga dhigaya ‘muwaadiiinta dalkeygow’ ayuu bogaadiyey Xoghayihii xilligaas ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali iyo magacaabista uu Maxamed Saxnuun u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, si uu uga caawiyo Xoghayaha Guud arrimaha la xiriira xal nabadeed oo loo helo khilaafka ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo bogaadiyey dalka Mareykanka, oo ciidan u soo diraya xeebaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan howlgallada Qaramada Midoobay.

Wuxuu yiri ‘uma aragno tallaabadaas inay tahay caqabad, laakiin waa xoog caawimaad oo gacan ka geysanaya nabadda dalkeenna’. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu welwelka uu qabo la qeybsaday dalal uu ku sheegay ‘wadammada saaxiibbada ah’, sida Mareykanka, wadammada Yurub, wadammada Afrika iyo wadammada Carabta, qaasatan Sacuudiga, uuna ka codsaday inay caawimaad baaxad leh (massive assistance) u fidiyaan dad ka kooban hal milyan iyo bar, oo u baahan caawimaad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo daryeelka, kuna sugan dalka gudihiisa iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu yiri ‘waxaan wargeliyey dowladahaan inaysan ku dhex-wareerin arrimaha siyaasadda iyo si ay nabad uga sameeyaan Soomaaliya inay wada-shaqeyn la yeeshaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee aaminsan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya’.

Wuu sii watay, wuxuuna sheegay inuu baaq (appeal) u diray Qaramada Midoobay in shuruudaha ciidan nabadeed loogu daabulayo Soomaaliya inaysan la mid noqon ‘xaaladdii aan ku sugneyn 1950-1960, oo ahayd maxmiyaddii Qaramada Midoobay’.

Bogga saddexaad, oo ah kan ugu dambeeya, wuxuu tilmaamay in si’ xaaladda Soomaaliya loogu soo afjaro waqti hore inuu u soo jeedinayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sida boqorrada, garaadada, malaaqyada, suldaannada, imaamyada, islaannada iyo wabarrada (ugaasyada kuma uusan soo darin), inay go’aansadaan inaysan wax dadaal ah la harin, ‘si loo dhaqan-geliyo hindisaha soo socda ee lagu hubinayo, laguna soo celiyo madax-bannaanidii iyo ummadnimadii’. Hindisaha uu u soo jeediyey kaaba-qabiillada, wuxuu ku billaabay:

1. In la taageero dadaallada nabadda ee Qaramada Midoobay, iyadoo la kaashanayo Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Yurub, iyadoo la aqoonsanayo in taasi ay tahay danaheenna.

2. In lagu dadaalo in la hagaajiyo amniga iyo xasiloonida garoomada iyo dekedaha, si loogu gogol-xaaro gaarsiinta qalabka gargaarka inuu gaaro dadkeenna macluulsan.

3. In la abuuro tallaabooyin kalsooni-dhisid ah oo u dhexeeya ‘dadka gobollada deriska ah’, si loo raadiyo soo-celinta nabadda iyo wada-hadalka iyadoo la isticmaalayo tallaabooyin ku jaango’an hababka dhaqanka.

4. In la diido, lagana fogaado isbahaysiga cusub ee aan barakada lahayn ee qaabkiisu yahay qabiilka.’

Intaas kaddib, wuxuu kula dardaarmay, ‘Muwaadiniinta dalkeygow, wiil ayaa ku dhinta dagaalka, kuma dhasho’. Wuxuu ku soo afjaray: ‘Waan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin’, kaddibna saxiixiisii ayuu ku duugay. Midda xiisaha leh, waa in saxiixa kaddib uu qortay inuu yahay darajada ‘Madaxweyne’, iyadoo laba sano iyo bar ka hor xukunka xoog lagaga tuuray. Hase yeeshee, warqaddaan warqad ka dambeysay, oo laba bog ahayd, oo uu 10-kii bishii February 1993-kii u diray Madaxweynihii Mareykanka, lagana helay maktabadda keydka Bill Clinton, wuxuu ku saxiixay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Ingiriis
Role,Jaamacadda King’s College London

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA