Home Blog Page 3069

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka

Isniin-December-11-2023-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

 

{DAAWO SAWIRADA} Shil Sababay dhimashada Afar Ruux iyo Dhawaca Lix kale oo Caawa ka dhacay Soomaaliland

Isniin-December-11-2023-{HMC} inta la xaqiijiyay waxaa shilkan ku geeriyooday Afar qof halka lix kalena way ku dhaawacmeen ka dib shil gaari oo caawa fiidkii ka dhacay inta udhaxeeysa Deegaanada sallaxley iyo ban qool-cadde ee Soomaaliland.

 

shilkan dhimashada badan Sabaabay ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo sida ay dadka deegaanka u sheegeen warbaahinta ka howlgasho Soomaaliland .

 

waxaa mudooyinkii danbe ku so badanayay deegaanada Soomaaliland Shilalka gaadiidka kuwaas oo sababa qasaaro isku jiro dhimasho iyo dhaaawac.

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay Xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Isniin-December-11-2023-{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shala6 magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada mudane Axmed Xuseen.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Mudane Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo taageero u helay arrin ay ku dhiban yihiin dadka Muqdisho.

Isniin-December-11-2023-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dhinac, dar-dargelinta heshiiska Mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda Horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada Bullaacadaha, Qorshaha dib-u-hagaajinta Magaalada, wax ka qabashada Nadaafada iyo helida Gaadiidka culus ee loo adeegsado Nadaafada, Dab-damiska iyo Adeegyada Deg-dega ee Bulshada.

Duqa Magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.


—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—

 

Second stage of ATMIS troop withdrawal underway

0


Monday December 11, 2023

The second ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) troop withdrawal in six months is currently underway in the East African country.

“Recommencement” of the second phase was announced early in December in the wake of what an ATMIS statement said was a request for “a technical pause” by the Somali federal government.

The troop withdrawal, termed a “drawdown” by the African Union (AU) mission communicators, was set to see three thousand troops withdrawn and control of eight forward operating bases (FOBs) transferred to the Somali Security Forces (SSF). The withdrawal is per a United Nations Security Council (UNSC) resolution and will see a thousand troops exit Somalia, joining the two thousand who left in the first phase. That phase saw seven FOBs handed to SSF.

Post the “technical pause”, extensive discussions between ATMIS, the Somali government and the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) saw “measures put in place” to resume the troop drawdown. The measures will see the withdrawal process guidelines set by the UNSC and the AU Peace and Security Council (PSC) in use again.

“I assure you we are ready to continue supporting the transition and the drawdown to fulfil the mandate while we continue to provide logistic support for ongoing operations. We understand that even as we draw down, other operations are ongoing,” UNSOS Head Dr Aisa Kacyira said at the second drawdown announcement.

Somali government National Security Advisor, Hussein Sheikh Ali, noted the “security transition process is progressing as planned” ahead of the Somali government taking “security responsibility for the country” – set down for December 2024.

Wararkii Ugu Dambeyay Xamaas oo go’doon Galisay ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Khan Yonis

0

isniin-December-11-2023-{HMC} Xoogaga Xamaas ayaa la sheegay iney go’doomiyeen kumanaan ka tirsan ciidamada Yuhuuda oo galay magaalada Khan Yonis ee ku taalla Koonfurta marinka Gaza.

israel ayaa ku qasbanaatay iney dayuurad xamuul ah ku qaado saadka iyo cuntada ciidamada ku sugan Khan Yonis taasoo cirka uga daadisay xalay ka dib markii Xamaas ay xirtay jidadka ciidamadaas saadka loo marin jiray ee isku xira Khan Yonis iyo Israel.

afhayeenka ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in talaabada ciidankooda ay hawada uga daadiyeen saadka ay tahay markii koowaad ee ay sameeyaan tan iyo dagaalkii ay koonfurta Lubnaan kula galeen Xisbulah sanado ka hor oo sidaasoo kale ay sameeyeen.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay iney iska caabintii ugu adkeyd kala kulmeen xoogaga Xamaas ee ka dagaalamaya Knan Yonis, kuwaasoo u geystay khasaare lixaad leh, iyadoo ciidamada Yuhuuda ay awoodi la yihiin iney horey u socdaan.

Israa’iil waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay dagaallanto muddo bilo ah ama ka badan si ay uga adkaato maamulka Gaza ee Xamaas

Qatar, oo door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta, ayaa sheegtay in dadaalka lagu joojinayo dagaalka iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha ay sii wadi doonaan, balse rabitaanka ah in laga wada hadlo xabbad-joojin ay sii yaraanayso.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro caalami ah ka dib markii weerarkeeda milatari ay ku dishay in ka badan 17,700 oo Falastiiniyiin ah Gaza, ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel oo ka mid ah waa haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Qiyaastii 90% dadka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa ku barakacay gudaha dhulka la go’doomiyay, halkaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen inaysan jirin meel ammaan ah oo lagu qaxo.

Mareykanka ayaa taageero muhiim ah siiyay Israa’iil maalmihii la soo dhaafay isaga oo diiddan qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqaya xabbad-joojin iyo in la riixo in si degdeg ah looga iibiyo Israa’iil rasaasta taangiga ah oo qiimaheedu dhan yahay 100 milyan oo doolar. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa qorsheynaya inuu maalinta Talaadada ah u codeeyo qaraar kan la mid ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in 102 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen weerarrada dhulka ah kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay illaa 1,200 oo qof oo u badan rayid, waxayna afduubteen ilaa 240 qof, waxaana warbaahinta Israel ay sheegeysaa in khasaaraha soo gaaray ciidankooda uu inta la sheegay aad uga badan yahay balse la qarinayo.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro caalami ah ka dib markii weerarkeeda milatari ay ku dishay in ka badan 17,700 oo Falastiiniyiin ah Gaza, ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel oo ka mid ah waa haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Qiyaastii 90% dadka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa ku barakacay gudaha dhulka la go’doomiyay, halkaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen inaysan jirin meel ammaan ah oo lagu qaxo.

Mareykanka ayaa taageero muhiim ah siiyay Israa’iil maalmihii la soo dhaafay isaga oo diiddan qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku baaqaya xabbad-joojin iyo in la riixo in si degdeg ah looga iibiyo Israa’iil rasaasta taangiga ah oo qiimaheedu dhan yahay 100 milyan oo doolar. Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa qorsheynaya inuu maalinta Talaadada ah u codeeyo qaraar kan la mid ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in 102 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen weerarrada dhulka ah kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay illaa 1,200 oo qof oo u badan rayid, waxayna afduubteen ilaa 240 qof, waxaana warbaahinta Israel ay sheegeysaa in khasaaraha soo gaaray ciidankooda uu inta la sheegay aad uga badan yahay balse la qarinayo.

Guddoomiye Madaale oo Codsi Dan u ah shacabka Mogdisho hordhigay Dhigiisa Doha

0

isniin-December-11-2023-{HMC} Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulanka labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska Mataaneynta Muqdisho iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhismaha Bullaacadaha Muqdisho, helida sida Gaadiidka kala duwan ee lagu xoojinayo bilicda Caasimadda iyo horumarinta labada Magaalo.

Duqa Magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kaste oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo dardargalin qorshaha mataaneenta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay markale caga heeda ugu istaagi laheyd.

Qareenada agaasimayaashii hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo soo saaray war culus

0

isniin-December-11-2023-{HMC} Qareenada u doodaya xubno ay ka mid yihiin Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa warqad ay u direen Agaasimaha hay’adda socdaalka uga dalbaday inuu ka noqdo go’aan ka soo baxay xafiiskiisa.

Go’aankaas ayaa ahaa in Agaasimaha hadda jooga xafiiska uu xisaabiyaha guud ee dowladda ka dalbaday in mushaar joojin lagu sameeyo masuuliyiintaas iyo xubnaha kale oo ku eedeysan musuq, kana tirsan hey’adda.

Dalabka agaasimaha hey’adda Socdaalka ayaa soo baxay 23-kii bishii hore, waxaana sabab looga dhigay in xubnahaasi aysan wax shaqo ah u qaban hey’adda, sidaas darteed wuxuu agaasimuhu xisaabiyaha guud ka codsaday in mushaarka laga jaro.

Labada qareen ee warqadaan soo saaray ayaa kala ah Zakariye Ismaaciil Nuur iyo Cabdirisaaq Cumar Ibraahim, qoraalka ay soo saareen ayaa ka kooban 13 qodob.

Sidoo kale qareenadaan ayaa qoraalkooda ku cadeeyey in masuuliyiinta mushaarka laga joojiyey ay dacwad uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir.

“Ma jiro xeer kuu ogolaanaya inaad mushaarka ka joojiso ama shaqo ka eryid ku sameyso shaqaale ay dacwadoodu ka furan tahay maxkamad, weliba uusan kiiskooda xukun ka soo bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka qareenada.

Sidoo kale saraakiisha mushaar joojinta lagu sameeyey waxaa qoraalka qareenada lagu cadeeyey inay ka mid yihiin shaqaalaha lagu maamulayo sharciga shaqaalaha rayidka.

Qareenada ayaa agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ka codsaday inuu ka laabto warqadii ka soo baxday xafiiskiisa, maadaama saraakiishaas ay yihiin shaqaale ay dacwadoodu maxkamad ka furan tahay.

 

{DAAWO MUQAALKA} Agaasimaayasha Wasaaradaha Cadaalada ee Dowlad oboleedyada Dalka oo Muqdisho Shir Uga Furmay

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Wasaarada cadaalada ayaa maanta furtay shir 3 maalin socon doona oo ay ka soo qeyb galeen agaasimaayasha guud ee wasaaradaha cadaalada maamulgoboleedyada kulanka waxa uu la xariiraa in aan wax iska niraahno qorshaha 2024 laga billaabo janawari ilaa bisha December qorshihiisi aan iska wareysano aana dajino qorshaha mashruucaan marka la saxiixaayay waxa la dajiyay inta sano uu qorshaha yahay mashruucaan mabaa.dii uu ku salaysanyahay ayaa jira.

Ujeedadad ugu muhiim san waa waxa ay tahay in qorshaha lagu wada shaqeyn karo laga tashato maanta waxa aan u joogna in aan soo bandhigno howl fulinteena sanadka soo socda lagu shaqeyn doono.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqday iney u diyaar garoowday dagaalka ka dhanka ah AS

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday iney u diyaar garoobeen dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ee looga xureynayo deegaanada MaamulkaJubbaland.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in maalmaha soo socda iney si rasmi ah u bilaaban doonaan howlgalada, islamarkaana howlgalada xoogooda ay ka dhici doonaan deegaanka Jubbooyinka.

Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal Wasiirka amniga Jubbaland . ayaa yiri “Howlgalada bilaabanaya dhawaan ee ka dhanka ah Al Shabaab waxaa hormuud u noqo doona madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay mudo bilooyin ah ugu sugnaa furimaha hore ee dagaalka Al-shabaab looga xureynayo dalka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA