Home Blog Page 3071

{DAAWO MUUQAALKA} Agaasimaha isbitaal martiini “Adeeg bixinta caafimaad ee jirta ayaa Caqabado waa weyn ku hareereysan

isniin-December-11-2023-{HMC} Agaasimaha isbitaal martiini “Adeeg bixinta caafimaad ee jirta ayaa Caqabado waa weyn ku hareereysan

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Caafimaadka oo ka qeybgashay dood cilmiyeed ku saabsan yoolka Caafimaadka ee 2030

isniin-December-11-2023-{HMC} Wasaaradda Caafimaadka oo ka qeybgashay dood cilmiyeed ku saabsan yoolka Caafimaadka ee 2030

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qaar ka mid ah shacabka magaalada Moqokori ayaa soo dhaweeyay ololaha waxbarasho ee ‘bar ama baro’ o

isniin-December-11-2023-{HMC} Qaar ka mid ah shacabka magaalada Moqokori ayaa soo dhaweeyay ololaha waxbarasho ee ‘bar ama baro’ o

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Timacadde “51 Xildhibaan ay lacago iska jaraan si aan ugu gurmano dadka dhibaateysan”

isniin-December-11-2023-{HMC} Gudoomiye Timacadde “51 Xildhibaan ay lacago iska jaraan si aan ugu gurmano dadka dhibaateysan”

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sheikh Cali Wajiisa AS howlgalka dalka looga xoraynayo waa ku qabtay, waana in la ciribtiraa ita har

isniin-December-11-2023-{HMC} Sheikh Cali Wajiisa AS howlgalka dalka looga xoraynayo waa ku qabtay, waana in la ciribtiraa ita har

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

Gabar Saxafiyad ah oo shaqada looga eryay Hadal ay Warbaahita ka sheegtay Dartiis

Isniin-December-11-2023-{HMC} Saxafiyad ka hawlgasha telefishin ku yaalla Dalka masar lagua Magacaabo Reham Saciid ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay hadal muran dhaliyay ka sheegtay cayilka siyaadada ah.

Waaxda maamusha warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay in Reham ay isticmaashay erayo si cad xad gudub ugu ah dumarka Masar.

Saxafiyad Reham ayaa intii ay barnaamijkeeda wadday tiri dadka aadka u buurbuuran “caqabad ayay ku yihiin qoysaskooda iyo xukuumadaba”.

Hadalkeedaas ayay difaacday iyada oo qoraal soo dhigtay Instagram.
Hadalkeeda ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Al-Sisi uu dadka Masaarida ah ugu baaqay in ay hilibka dhimaan, ayna naftooda ka dadaalaan.

Intii uu socday barnaamijka ay daadihiso gabadhaasi ee la dhoho Sabaya oo ka baxa telefeshinka al-Hayah TV ayay tiri dumarka tirada badan ee aadka u cayilan waxay lumiyaan dumarnimadkooda iyo farxaddooda”sababtuna waa sunta jirkooda ku jirta”.

Waxay intaas ku sii dartay raggu kama helaan dumarka buurbuuran inta badanna way ka tagaan xaasaskooda aadka u cayilan ama waxay ka laabtaan gabdhihii u doonanaa.

Hadalkeedaas ayaa aad looga dhaleeceeyay baraha bulshada.

Reham ayaa sheegtay in baraha bulshada lagu bartilmaameedsaday, Twitterkeeda ayayna ku xaqiijisay in ay ka fariisanayso shaqada.

“Waan daalay, sababtoo ah mar kaste oo qof rabo in uu hoos kuu dhigo ol’ole dhanka warbaahinta ah ayuu kugu qaadi, sheekooyin been abuur ah ayuuna dadka u sheegi. 200, ama 300 ama 400 ama 500,000 oo ruux oo baraha bulshada isticmaala oo aadan aqoon ayay gacanta ugali halka aad ku dambayn doonto mustaqbalka.

“Arrintaas waan ka daalay, waxaana la gaaray wakhtigii aan carruurtayda u jeedsan lahaa”. Ayay tiri.

Reham ayaa intaas ku sii dartay in 12-kii sano ee la soo dhaafay ay wax badan u qabatay dadka aadka u cayilan.

Ma aha markii koobaad ee saxafiyadan ay tiraahdo hadal muran dhaliyay.

Mar ay booqatay qaxooti Suuriyaan ah ayay ku tilmaantay dad ixtiraam daran, mar kalana barnaamijkeeda ayay ka saartay qof aan wax diin ah haysan inkastoo qofkaas loo casuumay si looga waraysto diin la’aantiisa.

Xigasho BBC

{DAAWO SAWIRADA} Sanatar kasto waxaa laga jaray Bishan Mushaarkiisa Shan Boqol Dollar ,si logu kaalmeeyo Dadka ay Fatahaada Saameysay

0

Muqdisho, December 11, 2023-{HMC} Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 2-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta 1aad ee Sharciga Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka iyo Ka tashiga saamaynta Arrimaha fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka.

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa Golaha lawadaagtay warbixin ku saabsan safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Baydhabo iyo kulamo ay la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed, iyadoo Sanatarraduna ay ka aragti dhiibteen xal u helista arrimaha fatahada, daryeelka dadka ay saameeyeen daadadku iyo la xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka maanta shir guddoomiyay ayaa geba-gebada kulanka cod geliyay in Sanatarrada mushaarkooda bishan laga jaro lacag dhan shan boqol oo dolar kadib soo jeedin ka timid xubno katirsan Sanatarrada Aqalka Sare, sidaas ayayna ku ogolaadeen xubnihii kulanka joogay.

DHAMMAAD

Meetings held on sidelines of Doha Forum discuss bilateral cooperation

0


Monday December 11, 2023

HE Minister of State at the Ministry of Foreign Affairs Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al Khulaifi met separately on Sunday with the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia Abshir Omar Jama, the Minister for Foreign Affairs of Nepal Narayan Prakash Saud, the Minister of International Development in Canada Ahmed Hussen, the Under-Secretary of State for Foreign and Security Policy of the Republic of Finland Outi Holopainen, the Assistant Minister for Foreign Affairs of Australia Tim Watts, the Special Envoy for Hostage Affairs of the United States of America Roger Carstens, and the US Special Representative for Afghanistan Thomas West.

HE the Secretary-General of the Ministry of Foreign Affairs, Dr. Ahmed bin Hassan Al Hammadi, met separately on Sunday with the speaker of the Parliament in the Republic of Ireland, Sean O Fearghal, the Director General of the Ministry for Foreign Affairs in the Kingdom of Sweden, Dag Juhlin-Dannfelt, the Under-Secretary of State, Foreign and Security Policy in the Republic of Finland, Outi Holopainen and the member of the Parliament in the Republic of Finland, Chairperson of the Qatari-Finnish Friendship Group, Ville Skinnari.

 

The meetings were held on the margins of Doha Forum 2023. During the meetings, they discussed relations of bilateral cooperation and the latest regional and international developments.

Germany intervenes in Somali health crisis

0


Monday December 11, 2023
By SAAD MUSE

MOGADISHU, (CAJ News) – A COLLABORATIVE effort between the World Health Organization (WHO) and Germany has enabled over 7 million people in Somalia access to improved health and nutrition services since November 2022.

The German funding has enabled WHO to support the federal and state ministries of health to reach 65 percent to 70 percent of people living in the country’s 74 drought-affected districts, through 281 health facilities.

This support has also helped WHO Somalia to strengthen community- and facility-based disease surveillance systems by deploying 2 195 vaccinators and community health workers (CHWs).

A Director of Immunization at the Federal Ministry of Health said from identification of suspected cases, contact tracing, laboratory confirmation and treatment of patients throughout the global COVID-19 pandemic to managing the unprecedented drought and resultant cholera and measles outbreaks in the country, this German-supported introduction of community-based surveillance by WHO Somalia has helped save thousands of lives.

“The network of CHWs not only helped report disease outbreaks and instigate investigations but also collected data, which helped senior managers at the Ministry of Health and WHO to develop disease patterns and, ultimately, plan the targeted and timely integrated health and nutrition response to ongoing health emergencies across the country,” the official said.

Decades of conflict, frequent epidemics of cholera and measles, widespread poverty and recurrent climatic shocks, including the ongoing drought emergency, continue to weaken Somalia’s health systems.

The acute malnutrition burden in Somalia is expected to reach about 1,5 million children in 2024, including 331 000 children likely to suffer severe acute malnutrition.

From January to November 2023, 16 036 cholera cases, including 43 deaths, were reported.

About 400–600 cholera cases on average are reported each week. This situation is expected to worsen due to floods.

Dr Sindani Ireneaus Sebit, WHO Representative to Somalia expressed gratitude for the German support.

“This timely assistance has helped avert a major health crisis and saved countless lives. We are grateful to the Government of Germany for its unwavering commitment to the people of Somalia,” Sebit said.

Australia oo soo saartay war aan ka farxin muhaajiriinta ay Soomaalidu kamid tahay

0

isniin-December-11-2023-{HMC} Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay dhimi doonto kalabar soo galootiga labo sano gudahooda iyadoo isku dayaysa in ay hagaajiso nidaamka socdaalka.

Waxay qorsheyneysaa in ay hoos u dhigto qaadista ajaanibta ee sanadlaha ah ilaa 250,000 qiyaastii iyadoo la jaan qaadaysa heerarkii hore.

Xeerarka dalkugalka ee ardayda caalamiga ah iyo shaqaalaha xirfadaha ayey sidoo kale ku adkaan doontaa qorshaha cusub.

Wasiirka arrimaha gudaha Clare O’Neil oo daaha ka rogtay istaraatijiyad cusub oo 10 sano ah isla markaana la xiriirta socdaalka, ayaa sheegtay in dowladdii hore ay nidaamka socdaalka uga tagtay qaab xun.

Ilaa 510,000 oo qof ayaa gaaray Australia ilaa Juun 2023, laakiin wasiiraddu waxay sheegtay in dawladdeeda ay “gacanta kusoo celin doonto hab maamulkii socdaalka” ayna hoos u dhigi doonto safarrada sanadlaha ah ilaa 50%.

Tallaabooyinka cusub waxaa ka mid ah shuruudaha ugu yar ee luqadda Ingiriisiga ee loogu talagalay ardayda caalamiga ah, iyo baaris dheeraad ah oo ku saabsan kuwa codsanaya fiisaha labaad waa inay caddeeyaan in daraasad kasta oo dheeri ah ay horumarinayso hamigooda waxbarasho ama xirfadahooda.

Waxaa jira ilaa 650,000 oo arday ajnabi ah oo ku sugan Australia.

Siyaasadaha cusub waxay soo jiidan doonaan in badan oo ka mid ah shaqaalaha Australia.

Si kastaba ha ahaatee kuwa kale, sida Golaha Ganacsiga ee Australia, ayaa waxa ay sheegeen in soogalootiga loo isticmaalayo si qaldan, marka ay noqoto dhaqaalaha iyo deegaan ahaan intaba.