Home Blog Page 3072

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Qatar

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi.

 

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labadeena dal iyo kor u qaadidda iskaashiga naga dhaxeeya ee dhinacyada badan leh,” ayuu yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, ayaa si gaar ah isula soo qaaday shirka Arrimaha ammaanka Soomaaliya ee Maraykanka todobaadkaan ka furmaya, kaas oo Qatar ay ka mid tahay shanta dal ee Soomaaliya gacan siinaya.

 

Kulanka labad mas’uul waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb Dr Maxamed Axmed Doodishe iyo ku-xigeenka safiirka Ruun Siciid Qoorsheel.

Maxay tahay muhiimadda ugu jirto Soomaaliya kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD Mudane Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka loo magacaabey ayaa warbaahinta Qaranka u faahfaahiyey muhiimada kursiga loo magacaabey iyo sidey Soomaaliya ugu suura gashey madaxda ugu sareysa IGAD in ay ka mid noqoto.

 

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in booskaan Soomaaliya ay u tahay boos muhiim ah, isaga oo carabka ku dhuftay xilka loo magacaabay in ay markii ugu horreysay qof Soomaali ah uu jagadaas qabto.

 

Mr Waare oo ka hadlay sida magacaabistiisa ku timid ayaa yiri, “Kursigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursigaas Soomaaliya la siiyo, maadaama Soomaaliya ay ahayd waddadamii lagu aasaasay ururka weli aysan ka qaban kursigaas, marka waa laysla gartay, todobada madaxweyne ee markaas joogay ayaa isla gartay.”

 

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalin ka hor loo magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD ayaa xusay in xilkaan Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, isaga oo sheegay in ay ka soo dhalaali doonta kaalinteeda.

 

Wasiir dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullaahi Qaloocow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa bogaadiyey sida dowladda Soomaaliya ay la soo laabatay jagooyinkii muhiimka ahaa ee ka maqnaa.

 

“Waan ku boggaadineynaa Dowlada iney lasoo laabato jagooyinkii muhiimka ahaa ee kaga maqnaa ururada iskaashigu nagala dhexeeyo,Mudane Waarana waa nin waayo arag ah oo horey ulasoo shaqeeyey Hay’addo waaweyn,” sida uu yiri Wasiir Qaloocow.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeedin uu u sameeyey madaxda dalalka ururka gobaleedka IGAD in Mr Maxamed Cabdi Waare loo magacaabo booska Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD.

 

{DAAWO MUUQALKA} Sanatar Cabdixakiin Macalin Axmed “Hey’adda Sodma shaqo fiican ayey…

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Sanatar Cabdixakiin Macalin Axmed “Hey’adda Sodma shaqo fiican ayey…

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maryan Faarax Jubbada dhexe oo leyga soo doortay dadkii ku noolaa wax sawirka ah lagama haayo

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Maryan Faarax Jubbada dhexe oo leyga soo doortay dadkii ku noolaa wax sawirka ah lagama haayo

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{ DAAWO Hogaamiyha KMG SSC-Khaatumo oo si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Dhabansaar iyo Balli-hadhac

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Hogaamiyha KMG SSC-Khaatumo oo si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanada Dhabansaar iyo Balli-hadhac

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxmadeynta koox daacish ah oo hubka ku kala qadan jirtay Masaajida oo la horgeeyay Gudoomiye Shuute

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Maxmadeynta koox daacish ah oo hubka ku kala qadan jirtay Masaajida oo la horgeeyay Gudoomiye Shuute

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn…

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn…

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Kulan looga hadlayay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah oo ka qabsoomay xarunta SoDMA

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Guddomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee SoDMA, kaas oo u dhaxeeyay hay’adda SoDMA iyo Machadka Caafimaadka Qaranka oo uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Machadkaas Dr Xuseen Abuukar Muxuddiin.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda beni’aadannimo iyo tan Cafimaad ee ka dhalatay fatahaadaha cimilada El-Niño, xoojinta dedaallada samata-bixinta iyo sidii dhinacyadu isaga kaashan lahaayeen ka jawaabista khataraha iyo u gurmashada dadka nugul iyo wadaagista xogaha Cafimaadka iyo xoojinta wada shaqeeynta labada dhinac.

WAR DEG DEG AH:Axmed Karaash oo kaligiis talis ku tilmaamay madaxweyne Deni

Isniin-December-11-2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan {Karaash} oo qoraal soo saaray ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Deni oo ay isku khilaafeen arrinta doorashada

 

Axmed Karaash ayaa Saciid Deni ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, isla markaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya

 

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil” ayaa qoraalkiisa ku yiri, Mudane Axmed Cilmi Cismaan {Karaash}

 

Madaxwyene ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhashay xiisadda ka taagan Puntland uu mas’uuliyadddeeda qaadayo Saciid Deni

 

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa mar kale yiri Karaash

 

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, kadib markii maxkamadda dastuuriga ay burisay muddo kordhinteen baarlamaanka

 

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka, go’aanka maxkamadda iyo qabsiga Deni iyo Karaash ayaa weji cusub usii yeelaya xiisadda Puntland ee ka dhalatay muranka doorashada.

 

{DAAWO Axmed Macalin Fiqi oo Aqalka sare ka hor Akhriyay hidinsa sharciyeedka Qaxootiga}

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Axmed Macalin Fiqi oo Aqalka sare ka hor Akhriyay hidinsa sharciyeedka Qaxootiga

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA