Home Blog Page 3073

{DAAWO MUUQAALKA} Magaladda Baladweyne oo kasoo kabaneysa Fatahaadkii weyneed ee ku dhuftay.

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Magaladda Baladweyne oo kasoo kabaneysa Fatahaadkii weyneed ee ku dhuftay

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Warmurtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray Shirka Taabo-galinta Ergooyinka Nabada ee Puntland

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Warmurtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray Shirka Taabo-galinta Ergooyinka Nabada ee Puntland

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 11. 12 .2023}

isniin-December-11-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimajiid macalin Aways iyo Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUUQAALKA} Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka loo magacaabey

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka loo magacaabey

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

 

Wararkii Ugu Dambeyay AS oo weerar culus ku qaaday xerada ciidanka Uganda ee Buulo-mareer

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan AS  xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal toos ah ayaa xigay weerarka, kaas oo u dhexeeyay AS weerarka soo qaaday iyo ciidamada Uganda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha As  weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

As  oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ekeysay xerad ATMIS, isla markaana ay ku dishay askar ka tirsanaa Uganda, sida ay hadalka u dhigtay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Askarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda As , taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay AS, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu AS oo saakay weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidan iyo dagaal fool ka fool ah oo dhacay.

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  AS oo saakay weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidan iyo dagaal fool ka fool ah oo dhacay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ehelka wiilashii wada dhashay ee shalay lagu dilay G/gadud oo si dareen leh codsi ugu diray Dowladda

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Ehelka wiilashii wada dhashay ee shalay lagu dilay G/gadud oo si dareen leh codsi ugu diray Dowladda

HOOS KA DAAWO MUUQAALAKA WARBIXINTA

Golaha Wakiillada Puntland oo maanta kulan gaar ah ka leh Doorashada & xaaladaha soo kordhay.

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta fadhi gaar ah ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas, Doorashada iyo go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ay ku diiday muddo kordhinta Baarlamaanka ee sanadka ah.

Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada waxaa loo diray fariin uga timid Guddoonkooda si Golahaan uu uga doodo arrimaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in dood adag ay ka yeeshaan xaaladaha isbaddelka leh ee saacadihii u dambeeyay ka jiray deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland si loosoo afjaro muranka ka dhashay Doorashada.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo warbaahinta la hadlay ayaa kasoo horjeystay muddo kororsiga iyaga oo ku baaqay in la qabto Doorasho xor & xalaal ah oo xal waara u noqota xasiloonida siyaasadeed ee Dowlad-Goboleedka Puntland.

Booliska Gobolka Banaadir oo xiray Haween jirdil u geystay Muuqaalna ka duubay Nin Dhalinyaro ah

0

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Baraha Bulshada ayaa aad loogu faafiyay Saacadihii la soo dhaafay muuqaalka Haween Nin inta qol kuso xirtay garaacaya ama jirdil u geysanaya kadibna ay muuqaal ka duubeen, kaas oo dadka Soomaaliyeed siwyen ay uga fal celiyeen, waxaana la sheegay in Haweenkaas Gacanta lagu dhigay.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ay gacanta ku soo dhigeen Haween jir dil u geestay, Muwaadin Soomaaliyeed, wayna ku socot baarista Booliska.

Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Haweenkaas la horgeyn doon Maxkamadda awooda u leh, iyada oo Shacabka Gobolka Banaadir laga dalbaday inay Booliska la soo wadaagaan cid kasta oo wax u dhiibeysa amniga.

Dhacdooyinka la xiriira in Haweenka ay Ragga ku balansadaan guryahooda kadibna ay muuqaalo ka duubayaan, iyaga oo garaacaya ayaa aad ugu soo batay dalka, waxaana ay horay uga dhacday Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Ruushka & Ra’iisul Wasaaraha Israaiil?

0

Isniin-December-11-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa xiriir telefoon toos ah la sameeyay Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo siyaasad ahaan u janjeera dhinaca Xamaas isla markaana Moscow ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah Yuhuudda.

Muddo ku dhow saacad ayay wadahadlayeen iyaga oo mararka qaar aad u doodayay maadaama Netanyahu uu damacsan yahay in uu iska yareeyo ama iska dejiyo culeyska afka ah iyo midka iska caabbinta ah jihooyinka kala duwan uga imaanaya.

Warbaahinta Ruushka iyo Kuwa Israaiil ayaa aad u hadal haya xiriirkaan, walaaca Israaiil ay ka muujineyso sida ay isugu xirmayaan Moscow & Xamaas, cadaadiska uga imaanaya Golaha Ammaanka iyo dareenka gaarka ah ee Netanyahu ka muujinayo Raashka.

Israaiil ayaa Ruushka sidoo kale u aragta in uu martigelinayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo aad ugu hubeysay dhinacyada kala duwan ee Gantaallada sida roobkii ugu da’aya deegaannada ay Yuhuudda sida xoogga ah uga heysato Falastiin.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in Wasiirka 1aad ee Yuhuudda uu Madaxweyne Putin kala hadlay sidii Ruushka oo xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka uga joojin lahaa culeyska uu saarayo & martigelinta dhinacyada kasoo horjeeda Yuhuudda oo ay ula jeedaan Iiraan iyo Xamaas.